Iska Horimaad ka Dhacay Yaaqshiid

Published on May 31, 2009 by   ·   4 Comments   ·   print

yaaqshiidIska horimaad kooban ayaa waxaa uu maqribnimadii caawa ka dhacay Agagaarka Sadhigga Yaaqshiid kadib markii Xoogagga Al-Xisbul-Islaami ay Baaritaano ka sameeyeen nawaaxiga Saldhigga isla markaana ay ku soo qabteen ilaa 7 nin oo hubaysan.

 

Gudoomiyaha Saldhigga Yaaqshiid ee Al-Xisbul Islaami oo saxaafadda u warramay caawa ayaa sheegay in iska horimaadku yimid kadib markii ay ka warheleen Hub iyo Gaadiid ka tirsan DKMG ah oo la soo galiyay guri ku yaalla Agaggaarka Saldhigga kuwaas oo sida uu tilmaamay laga damacsanaa in lagu soo weeraro Saldhigga.

 

Axmed Laashin oo ah gudoomiyaha Saldhigga Yaaqshiid ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen 7 nin iyo hub kala duwan oo isugu jira 4 PKM, 4 AK47 iyo Qoriga loo yaqaano Jabshaha wuxuuna tibaaxay in israsaasayntu dhex martay askar ilaalo kore u ahayd ragga uu sheegay in ay qabteen ayaga iyo hubkoodaba.

 

Saldhigga Yaaqshiid ayaa ah goobta uu ka bilawday Dagaalka u dhaxeeya Xoogagga Al-Xisbul Islaami iyo Ciidamada DKMG ah xilli muddo hadda laga joogo.

 

Gudoomiyiha Degmada Yaaqshiid ee DKMG ah Muxyadiin Yurus ayaa sheegay in dagaalku u dhexeeya ciidamada DKMG ah iyo Xoogagga Al-Shabaab iyo Al-Xisbul Islaami.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Faahfaahin Dagaalkii Maanta ka Dhacay Degmada Yaaqshiid
  2. Iska horimaad ka dhacay Isgoyska Miisaanka Dhuxusha
  3. Iska hor’imaad ka dhacay Deg.Yaaqshiid
  4. Iska Horimaad ka Dhacay Isgoyska Faloransa
  5. Iska horimaad ka dhacay KM4

Readers Comments (4)

  1. cabdi xanaan mubarak says:

    alaahu akibar alaahu akibar zllhu akibar waa qaniimo laga helay kuwa u adeega cadawga

  2. cabdi xanaan mubarak says:

    alaahu akibar alaahu akibar allahu akibar waa qaniimo laga helay kuwa u adeega cadawga

  3. Dowlada says:

    ciyaar waa galin danbe hadii aan nahay dowlada guusha anaga ayee na raace isug wax yar

  4. abuxafsa says:

    alaahu akbar,qanimada ka gura gaalada iyo gaalo raaceenka , mujaahidiintana kor alle hayeelo




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Faahfaahin Dagaalkii Maanta ka Dhacay Degmada Yaaqshiid
  2. Iska horimaad ka dhacay Isgoyska Miisaanka Dhuxusha
  3. Iska hor’imaad ka dhacay Deg.Yaaqshiid
  4. Iska Horimaad ka Dhacay Isgoyska Faloransa
  5. Iska horimaad ka dhacay KM4

Latest Headlines