Dagaal Muddo kooban socdey ayaa Saaka ka dhacey Meel dhanka Bari 5km ka xigta Degmada Mahaadey ee Gobolka Shabeelada Dhexe, waxa uuna dagaalkan u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Xizbul Islaam iyo Maamulkii MMIS ee Gobolka.
Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha guud ee dagaalkan ka dhashey soona kala gaarey labadii dhinac ee uu dhaxeeyay.
Waxa uuna dagaalkani yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan Xizbul Islaam weerar saaka ku qaadeen fariisin ciidamo ka tirsanaa Maamulkii MMIS ee Gobolka ku sugnaayeen, sida uu shabakada Somalimirror u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Xizbul Islaam oo ku sugan Degmada Mahadey kana gaabsadey magaciisa.
Dhanka kale Gudoomiyihii Maamulka G. Sh/Dhexe ee MMIS Macalin Daahir ayaa dhankiisa qirey inuu Dagaalku jiro balse faahfaahin intaa dheer kama aanu bixin.
Sarkaalka aanu la xariiray ee ku sugan Degmada Mahadey ayaa sheegay Ciidankii ay weerareen inay goobtii ay ku sugnaayeen kala wareegeen sidoo kale ka qabsadeen Saanad Raashin iyo Rasaas isugu jirta.
Dagaalo soo noqdey dhaliyayna khasaarooyin kale duwan ayaa ka jiray Beryihii ugu danbeeyay Gobolka Shabeelada Dhexe wixii ka danbeeyay markii Maamulka Gobolka Xoogaga Al-shabaab iyo Xizbul Islaam la wareegeen.

Related posts:
WAA YAAB gurya dad leyihin aa la wareaaraa markasa haddana la leyahay waxbaan ka qabsanay islanimana la sheganaa ,bal mesha ma waxaa jogo gaalo maxaasa logu duulay mel nabada oo mamul ka dhisanyahay , mesha ujedo aan loo jedin ayaa taala ee diinta yaan dadka logu so ganban ayaan dhihi lahaa
dad mujahidiina in la iska weeraro oo dhiigooda la iska xalalaysto aya hadana jihaad la sheeganaya wax ilahay kabaqa oo diinta ka daaya been abuurka oo umadiina u tura wiilka aad werartay ma ahan gaal mana ahan cadow waa kii shalay itoobiyanka xabadiisa markay socotay kugula jiray aaga kuna shubayay dhiigiisa mantana dana siyasadeed miyaad isku dilaysan iskuna weraraysaan dhiiginana u xalalaysanaysaan waa yaab
Dadka badankoodu waxay iska daayeen inay mujaahidiinta, talo iyo waano u jeediyaan, maxaa yeelay waanadu waxay noqotay wax laysku tuhmo.
waxaa maalinba maalinta ka damaysa sii caddaan doona in qabsigii shabellaha dhexe uu ahaa khalad milateri iyo mid akhlaaqeed oo taariikhi ah, waqtiga ayaana ka markhaati kici doonaa insha’llah
Falxado
Afkaaga caano lagu qabey, warkaagaa wuxuu isoo xusuusiyey hadal aan hada kahor markii shabaabku Guriceel iyo DH/Mareeb qabsadeen aan saadaaliyey iney noqon doonto qalad weyn arintaasi, berigaasna taageerayaasha shabaabku way igu qosleen.
Dadkaani waa dad iska yaacaya oon la socon sida bulshada soomaaliyeed u dhisantahey, iyo sida xarkaha leysku suro.
Waagii maxkamadaha dad caqli leh oo bulshada iyo xasaasiyaatkeeda yaqaana ayaa waxa toosin jirey, hadase arintu waa shuqul ciyaal.
Dulucda hadalkeygu waxey tahay Mahadaay iyo Jowhar waa ubucda qabiil weyne leh casabiyad iyo xoog, isla markaasna taageersan dawlada oo uu madax weynuhu kasoo jeedo, waa khiyaali iyo waalli in lagu fikiro in dadka dhulkaas jooga oon raalli ka aheyn xoog lagu heysto. Qiimo sare oo aysan ka soo waaqsan ayeyna ugu kici doontaa qolyahaan qaladkaas taariikhigaa.
ninkii gaalada raaca ugargaara shisheeye gacalo aan uqabaa iyo gargaaraan ugalaa waa hamaynkoo gadoomay dhamaan duulka gargaara shayaadiin gurmadkooda adoon walda lageesa waa inaynu gubnaa hadana aan gamkasiino gacaladayda islaamkiyo gobta reer soomaalay haka gaabine laaya
allow yaa iska joojiya dagaalldaas!
Alahu akbar waxaan usheegayyaa ninka soo war qaaday guriceel meeshaas waxaa qabsaday cadawga ilaahey iyo murtadiinta ahlushirki washeydaan inshaa alahu waa laga saari doonaa dhulka islamka adna waxaan ku leeyahay eebe kabaq aflagaada kadaa mujaahidiin alahu akbar
AMISOM Iyo amxaar labaduba ma joogin jowhar iyo mahadaay,waana looga dhaqmayaya sharcigii alle SWL,ee maxaa dadkaa dhiigoooda loo baneestay oo maalin walbo dagaal iyo qixin layskugu darya? jihaadkii maxuu noqday in dad muslimiin ah la laayo.subxnalah
sck.
inkastoo aanan marnaba soo dhaweynayn in la dadiyo dhiig walaal muslim ah laakiin ciddi xasuusata macalin daahir iyo asxaabtiisa waxa ay dumiyeen maamul u dhashay deegaanka kaas oo ay magacowday dowlada soomaaliyeed iyaga oo sheeganaya magaca islaamka hadaba hadii tii hore sax ahayd tanna waa sax waayo kuwa cayriyay waxa ay sheeganayaan magac islaam,kaas oo ay iyaga dembi horay ugu gaysteen.
hadaba anoon marna taageersanayn shabaab ayaan hadana taageerayaa inay cayriyeen daahir cadoow dheere iyo asxaabtiisi oo ay xataa saacad is difaaci waayeen.
falxado, waxan ku weydiina ma waxa laga dhaadhicyey dadkan meeesha uma dhalan waa dad kasoo duuley qabiilo kale?! waxan ku leeyahay hurdada ka toos. Adi hadey kugu dambeysey soomaali qabiil lagu beerlaxowsado waad hurudaa. Dadka Soomaalida waxa ku kallifayey in ey hogaamiye kooxeed raacaan qabiil aawadii waxay ahayd cadaalad darrada iyo qabyaalda,lakin waxa la arkey duul soomaali ah waxaasoo dhan ka xoreebey dastuurkooduna yahay qu’aanka iyo sunada, gabcanta daalimka qabanaya, miskiinkana u gargaaraya. Waxa laga yaaba adiga inaad dhul aamina joogto ood xabada iyo dagaalka kasoo carartey paltalk iyo fadhi kidirada wax ka dhegeysato,lakin dadkan jooga soomaliya malahan Tv ey daawadaan idaacad ey dhegeystaan( Illaa mid dhaqaaluhu u saamaxay oo ladan maahane) waxay idhahooda ku arkaan Mujaahid gaalada iyo khaa’inu wadanka ka difaacaya, beeraha u falaya,biyaha u dhaaminaya, goorsoorka iyo aminga sugaya, wadooyinka u hagaajinaya, isbaarada ka nadiifinaya, qabaa’ilaada heshisiinaya,,,waxan lasoo koobi karin oo wanaaga. Meel kalena kama imaan ee waa dadkii walaalahoda ahaa ee deegaanka iyo Muhaajirin kale oo walaalahoda. marka yaa xiisa u qaba qabyaalad iyo odey caada qaata ah oo gaalo mushahar ka qaata?!
Kuwa aad sheegtey ee gobolada dhexe mahan waxa ka dagaalamaya,illaa cadowga ethiopia iyo gaalda mareykanka ee jabouti fadhida maahane, marka xabbadu dhacdo waa iyaga markiiba carara oo u yeerta amxaarada iyo ciidamda jabouti fadhiya e galada maeykanka,ee maahan dadkii deeganka. Insha Allaahu iyagana waa ayaamo tirsan inta waxoogaaga shilaamadka ee gaaladu u daadineyso ka dhamaaneyso weeyaan. Nasri iyo guul baan Ilaahau subxanu watacaala uga baryeyaa mujaahidiintaas meel walba oy adunka ka joogaan. Inta buktana Ilaahay uu shaafiyo. w/c
ALLE AYAA MAHAD UU SUGNAATAY WAXAAN JECELAHAY IN AAN MEESHA KA SAROO DHOWR ARIIMOOD OO MEESHA KA MUUQDA MID WAA QABSASHADA SH/DHEXE
MIDNA WAA DHIIGA WALAALAHA ISLAYNYAA
QABSASHADA SHABELAHA DHEXE WAX KA DUWAANTAHAY XAMAR MALAHA WAA ISTARATIC DAGAAL
IN WALAAHA ISLAAM IHII AY ISDILAAN WAXAA KA DDAMBEEYAA SHARIIFKA IYO Ha’addaha sirdoonka Mareykanka iyo kuwaa yuurub oo garabsinayaa Dowlada Shariif doonaya soomaalia in ay ka digtaan meel ay ku tababaraan shaqaalahooda dhabtuna waa taas shariif waxaa laga rabay in uu qorshayaashaas iska dheereeyo dadka islaamka ahna uu sheego dhagarta lagu waado
waxaan ku eedayaa shiikh Aways in u;;u doonaayo qabuuraha in uu kursi ku heello ee aysan ahayn waxaa uu wadaa islaanimo waayo waxaa dhimaanayaa waa dadkii aan waxba galabsan ee muslimka ahaa
dabcan marka ariintu halkaas marayso waxaa ay u bahaan tahay in shacabku uu fahmaan in labada garab ay yihiin labo qolo oo aan waxba is dhaamin ee yaan midna la gabsiin ayaan oran lahaa ee labadoodaba mel ha iskaga soo jeesto
Bismilah
qodobka maantay an doonayo in aan meesha ka soo jeediyo waa sidaan
Walaalayaal ma ku qanacsantihiin Shariifkii hadda nagu dhihii jiray wadanka dadka islamka ah ee soomaaliyeed waxaa ku soo dulay amxaaro
in maantay wasiiraddiisi ay cidaamo weydiisanayaan Dagaalana ka soo abaabuulayaan
mida kale Shariif wakan dhahayaa wadankii waaa lagu soo dulay oo cadow shisheeyee baa ku soo duulay hasaggoo Ciddamada Yugandho oo aan ogsoonahay xasuuqii ay ka geysteen Suqaa bakaaraha iyo jidka shaqalaaha oo ahaa mid aan geed loogu soogan Cadowtinimo weyniina ay ka muqatay in uu yihraado waa nabad sugiid shacabkana uu bahaan mida kale waxaa ka naxdiinbadan in uu guriga uu ka dagan yahay Meesha qalfuufka iyo buurbuurku halakeeyey ee Villasoomaaliaya laga soo Ridayey Madaafic lagu garacay shacab aan waba galabsan oo dhibaato gaajo iyo caafimaad daro hala keeyeen
waxaa uu ka dalbaday Galaada dhaarta iyo qayaamada ku burbuuriyey Soomaalia
dhanka kale qoloyiinkaan hadda qoriga la boodayaa ee magacyadda islamka la baxay waxaan dhihii lahaa diinta islaamka ha ku xadgudbiniina Dalkaana Cowga gaalada ha uu loogina allena ka baqaa
Mooryaanta meesheey isku aruursadaanba hala weeraro hana lagala wareego hantida ay gaalada u soo mariysay daaquutka shariif
Asc dhaman.Kadib waxan tagersanahay camaliyadka ey mujahidinta samenayan dhaman gobolada jamhuriyada.Wa in cadawga shisheye iyo kan sokeyaba laladagalamo.FALXADO waxad moda iney waxbadan kaogen arimaha wadanka eyna kudhagantahay fikrada wa hore lagaguray dadkedina wax dhintay iyo wax macna belay isugujiran wana QABILKA.Falxado fikrada ceynkas ah kafirso inad akhyarka hortoda kulaso hagagto.Wasalam