Mas’uulka Maamulka Gobolka Banaadir ugu qaabilsan Dhaq-dhaqaaqa Mujaahidiinta Al-shabaab, Sh Cali Maxamed Xuseen, ayaa DKMG ahi ku eedeeyay inay abaabul dagaal ka wado Gobolada Dalka ee qaar, sidoo kale dibu abaabul ku sameyneyso hogaamiye kooxeedkii horey Magaalada Muqdisho looga saarey.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay inay wado barnaamij Dagaal oo Qabaa’ilka la isaga horkeenayo.
Sh Cali oo ka hadlaya abaabulka Dagaal ee Cumar Xaashi ka wado Gobolka Hiiraan waxa uu yiri:”Colaada hadda uu ka wado Ninka Wasiirka Amniga Sheegto gaar ahaan meesha la yiraahdo Hiiraan, Colaada uu ka abaabulaayo, Qabaa’ilka uu kicinaayo uu leeyahey waa la idinku soo duulay, Dadkii Muslimiinta ahaa ee dariska ahaa uu isku diraayo uu leeyahey reer hebel ayaa idinku soo duulay, taas waxaan u arkeynaa anaga inay tahey Dadkii Muslimiinta ahaa oo dib la isugu laayo, waa wixii ay soo wadeen labaatankii sano ee ugu danbeeyay Balaayadii ay wadeen ay hadana dib u soo abaabuleen iyagoo sheeganaayo Dowlad inay dadka u yihiin”.
Dowlada KMG ayuu sheegay markii ay ku fashilantey dhaqan gelinta Shareecada Islaamka ay u weecatey abaabul Dagaal oo qabaa’ilka ka dhex bilowday mar uu arintaa ka hadlayeyna waxa uu yiri:”Markii Nimanka Xamar jooga ee Dowlada Sheegta ku fashilmeen wixii ay sheeganayeen oo ahaa Sharciga Ilaahey aan wax ku dhaqeynaa ku fashilmeen………. ayaa waxay u xuubsiibteen inay abaabulaan ama isku dayeen inay abaabulaan qabaa’ilka Soomaaliyeed inay hadeer dib u abaabulaan oo kiciyaan oo ay Dadka Mujaahidiinta iska hor keenaan oo ay noqdaan Hogaamiye kooxeed oo ay noqdaan wixii dadka afduubi jiray, dhici jiray, barakicin jiray, dili jiray”.
Dhanka kale waxa uu dhankooda iska fogeeyay, dhalin yaro shaley taliska Bileyska DKMG ahi soo bandhigay oo lagu sheegay inay u afduubnaayeen Ururka Al-shabaab, arintaas ayuu ku timaamey Sh Cali waxba kama jiraan aan sal iyo raad toona laheyn.

Related posts:
waaba yaabe ma idinka dagaalka wada mase dowladaa dagaalka wada waa wax laga xumaado maanta inaad dhahdaan muslimiinti shalay walaalha aheeyd oo maxakamadaha la isku dhihi jirey ayaa dooladu isku direeysaa
afqoyan awelaan hadal kadhamaan ee weerarada aad ku qaadeeysaan walaalihiina kale ee kitaabka alle iyo soomaalinimadu inka dhaxeeyso weerarada aad ku haaysaan ka daaya waa hadaad tihiin qolyahaan isku sheega shabaabka iyo hizbul Islaam.
sheekh cali waa sidaa aad sheegtay wixii ay ku soo jireen ayay u xiiseen , kadib markii uu ilaahay nabad iyo mujaahidiin keenay arlada , inshaa allah wadi ay mareen tergreegii nasaarada iyo murtadiintii ayay maridoonaan murtadiintan cusub .
SOMALIMIRROR SUAAL
WAXAAD AHEEDEN WEBSITE KALIYA AAN AQRISANO WAAGI DAGALKA AAN KULA JIIRNAY CADAWGA MAANTA OO AAN HELNAY DOWLAD CADIL AH ISLMA AH OO EY HOGAMINAYAAN RAAGI UGU BADNA MMI MA WAXAA KA DORATEEN IN AD KA SOO HOR JESATAAN CADOW SH SHARIF C/QADIR AL GARWEYN JANAQW IWH ANIGA OO DABA SOCDO QORMADAN AD SOO QORTEEN WAXAAN KA TAGTEEN OO AD CEEB TIR TIREYSAAN IN EY DHEHEEN HADALKAN ANIGANA KA DHAGETSTAY IDACADA (
waxaana uu leeyahay Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo duulay, ajaaniib ayaa ku soo duushay, war ajaaniibta sow Muslimiintii maahan”ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen.
Allaha u naxariisto umadda inteeda badan oo ka dhacsan waaqica jira, waxaan ka dahsoonayn qof walboo aragti u saxib ah in dowladda sharifku ay in badan ka shar badan tahay tii ka horeysay ee c/lahi yusuf daliilka ugu wayna waxa weeyaan inay kusocoto dhabihii tii hore dhanka gaalo u adeegista iyo burburinta masaalixda umadda islamarkaana islaamnimo sheeganayso ay ku khayaamaynayso shacabkeeda dhibaataysan si ay gargaar iyo garabsi ugu hesho iyadoo aan ilaa iyo hadda waxba ka hirgelin islaamnimo.
Khayaanooyinkiisa waxa kamid ah inuu saxaafada ka shaeego wada hadal had iyo gaooralena ku kaco waxba wixii kasii daran ee kala fogaansho keenaya, inuu islaamkaan qaatay leeyahay dabadeedna Ethipia ciidamo usoo tababarayso shacabka wax yeeleeya taasoo aan culimada somlaiyed meelay joogaanba waxba ka oran.
Fa ilallaahil mushtakaa……….
marka hore waxaan salaamayaa walaalaha mujaahidiinta ee al shabaab iyo inta jihaadka jecel ee kamaran danaha gaarka muhaajir iyo ansaarba
intaa kadib waxaan inka codsanaa in dadka aan ehelka fadwada u aheen ey joojiyaan maadama mujaahidiintu leeyihiin culmo.
Ilaahey wuxuu dulleeyey oo iimaanka ka qaadey ninka inta hooyadiis iyo walaashiis guryahoodi ka qixiyey ajaanib shisheeye ah oon ka naxeyn istaafka ugu ah stadio Muqdisho iyo Xamar Bile oo muhaajiriin ku magacaabey!
Iimaan la,aan iyo miyir doorsoonka intaas ka badan xagey taallaa dad damiir leh hadaad tihiin.
Mujrimkaan fugitiveka ah oo dhagaraha lasoo xaluushey guryaheena wuxuu diyaar u yahay inuu intaasoo jiil sidii doolligii gurayaha bur burkooda uu ku dhuunto, dadkii guryaha lahaana qushigood ama badu ha liqdo ama ceelasha biyaha daacuun haku dilo!
Maxey diinta iyo damiirka uu sheegan karo qofka dadnimadiisu u diidey inuu dullinimadaas dareemo oo ka dhiidhiyo?
Ninka ajnabigaa ee stadio Muqdisho jooga ee inta qof soomaaliyeed loo soo qabto mid shabaab ah uga tarjumayo oo uu ku xukminayo in la dilo, muxuu uga badalanyahay kuwii Gabre u tarjumi jirey?
Wadaad Yare shartaada allaah ka magan galnay.
ma waxaad isku barbardhigaysaa? Gaal iyo Muslim? miyaadan allaah ka cabsanayn? walaalahaan muslimiinta muhaajiriinta ah waxay aad u fahmeen aayadaha quraanka ka hadlaya fadliga jihaadka iyo in loo hijroodo dhulalka jihaadka ka jira, sida ciraaq,afganistan somaliya,shiishaan,kashmiir,filibiin,falastiin iyo inta kale oo xooga noogala haysto, insha allaah kuligoodna gacanta muslimiinta ayay dib ugu soo noqon doonaan. waxay kale aad u fahmeen in loo gurmado walaalahaaga muslimiinta ah markii ay gacan kaaga baahdaan laakiin adiga somali ah ma fahmin nasiib daro weeye taas.
marka aad dhahaysid wadamadooda ayay danbi kasoo galeen ma waxaad ula jeedaa waxay jecel yihiin muslimiinta, gaaladana waa neceb yihiin?
mise waxaa danbi ah afganistan buu kasoo tababartey ama ciraaq ama buu kasoo dagaalamey, mise waxaaba ku dhibaaya muslim soo gurmadey aan xaqiiqda ka hadalno, walaahi walaalahaan ugama soo haajirin dhulalkooda in ay somalida dhib u geestaan sida aad u dhigtay, waxay ka imaadeen xaasaskoodii,caruurtoodii,caailadoodii intaas oo dhan waxay u sameeyeen allaah dartiis, waxay u yimaadeen in ay nagu kaalmeeyaan dilka gaalada iyo dabadhilifka, anagoo allaah kaashaneyna,is waydii adiga qof maraykan jooga maxaa somaliya kasoo jira? laga yaabaa in dadka qaarkiis ay ku bixin lahaayeen lacago badan, si ay u tagaan mareykan ama yurub, walaal waxaan ku leeyahay walaalahaan waxay ka zaahideen aduunkaan dhaldhalaalkiisa iyo quruxdiisa waxayna ka doorbideen in ay aakhiro u shaqaysteen, waana hadii aad daacad tahay waxaan ku dhihi lahaa fahankaada diinta kordhi ee iska dhaaf qabiil jeceeylka ama shaqsi.
allaah mujaahidiinta jidkiisa ku taagan ha guuleeyo gaalana ha jabiyo.
to Cumar A/rahman.
walal runta jawaab uma baahna. somali 100% waa muslim jihaadna kuma waajib noqdo dad muslim ah. ninka cidi ugurmanaya ha u gurmado wadamada aadaanka aan laga ogolayn.mida kale Nimankan baxsadka ah ee shayaadhiinta ah ee magacyada islmaamka qaatay haku tilmaamin Mujaahid. weli yaa maqlay ama arkay Al-shabab ama xizbul islaam ama kuwa dowlada sheeganayo oo muslimiinta maatida ah wax siinaya koob biyo ahba ha ahaatee?
Aaway naxariistii Islaamka?
Aaway kaalamdii islaamka?
aaway gargaarkii dadka dhimanaya?
waxaad maqlaysaa kuwa kismayo katilaya in ay bixinayaan amaro kaliya.
Diintu ma maro ciqaab kaliya miyey ka koobantahay?
waa isla amaradii Barre hiiraale oo diin lagula dugaalayo.
waxaan leeyahay Shayaadhiintan muhaajiriinta sheegtay waxy ummada somaliyeed u keeneen: dil barakac,iyo dhibaatenynta dadka rayidka ah.
waxaa istaagay wax barashadii, ganacsogii, horumarkii. waxaan kusoo gabagabeynayaa dadka meelaha nabada ah u qaxay intay nabad kuseexdaan yeysan dagaal buunbuunin.ee ummada waxay leedahay naftaada oo kale ee ku xisaabtan in aad jceleen in aad ku noolaadto cadow islaamsheeyganyo dhexdooda.
goormee walaalka muslimka ah ajnabi noqday miyaanan aheyn goormeyse gaalo rafiiq noo noqotay wadaadyarow sideese utaalaa shareecada galo dabaabaad ku waardiyeeyneyso gaalakana dhaqalo kubixineyso taariiqul islaamse horay malooguhaya
akhii sheekh cumar cabdiraxman ilaahay ajar iyo xasanaad hakaa siiyo jawaabta qaaliga ah ee aad siisay qofka isku magacaabay wadaad yare.
war kuwa kuhadlayoow hadaladii uu caalamka u bilaabay shaydaan bush dib isugu noqda oo ka fiirsada waxaad ku hadlaysaan.
ilaahayoow u gargaar muhaajiriinta iyo ansaarta wadan walboo eey joogaan. aamiin ya rabal al caalamiin.
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Alla Maxaa magacii Mujaahid iyo Muhaajir la bah dilay oo si ka duwan siduu ahaa loo isticmaalay, waar gooramy Sooamliya noqotay meel loo hijroodo, mise dadku macnaha Muhaajir maba garanayaan ee waxay moodayaan in haddii meel la tago oo meel kale la tago la noqonayo Muhaajir fillaah.
waar Alle ka cabsada oo diinta barta Ahlul cilmigana wax weydiiya “Fas’aluu Ahla dikri in kuntum laa taclamuun”
Ilaahaw xaqa nagu dil naguna soo saar
Waxaan ahay mujaahid iyo waxaan ahay muslim iyo dagaal ma fiicno qof muslim ahna ma banaana in la dilaa in leyska horkeeno mujaahidiintiina ma wanaagsana War ayaga hadal badanaa mexey yihiin culeyska ayaga ayaa kenay dowlada waa muslin sidfa ay sheegtaye mexey yihiin ayaga Sh Ali Dere waan garan waxa uu ahaay dulaal guryaha la dhaco ayuu lacag ka qaadan jiray xiligii maxaakimtana dacwada dadka ayuu dulaali jiray WAA Mursade Sabti Abakar Israfil ayuu ka yahay qabiilkiisa ayaa jilcan wuuna jilcayaa hadii uusan toobad keenin waxaaba idinka fiicnaa qabailka meel hadey xumaato meel ayaa loo ordi jiray waadba dileysaan dadka diintana been ayaad ka sheegeysaan
Asalamu calaykum warxmatulaahi.
Bacda salaan maamulka somalimirorr iyo dhamaan akhristayaasha qiimaha leh waxaan rabaa inaan kala ogaado ma danta somaali baa ka shaqaynaa mise sidii loo duminlahaa?
Wadaad yare!! adaaba is xukumey inaad wadaad yartahay, lakin waxan kugu nasteexeynaya inayan caadifad qowmiyad ama qabiil kula tegin saxib waxa leysku waafaqsanyahay gaal iyo muslim in dagaalka soomaliya ka socda yahay mid u dhexeeya kaniisada caalamiga ah iyo Masaajidka caalamiga ah waxan markhaati cad kugu filan markii walad cabdalla Adis ababa ku barooranayey oo lahaa; Dagaalka soomaaliya ka socda maahan kii soomaalida dhexmari jirey ee dagaal mabaadii leysku hayo. sax waa ka run sheegey taas dagaalku waa mid ah kelimada Alle sw baa kor ahaaneysa iyo qolo leh maya! maya! kelimada beesha caalamka(cadaabta) baa kor ahaaneysa!(walow eyanba is ogeyn iney saa ku hadaaqayaan) Saxib wadaad yare hurdada ka toos oo caadifada qabiiliga iyo qowmiga yeyan ku indha tirin xasadka iyo xiqdigu waa tii fircoon asago u jeeda in baddii laba dhambal kala noqotey eyanna jirin wax teed ah oo kala haya uu ka ilduufey oo uu soo galey si uu u xasuuqo reer bani israa’iil. Isma oran war bal u kaadi mucjisadan dhacdey eeg, ka fekar maxa is bedeley?! Axmaqnimadii baa indha tirtey sidaasuuna ku halaagsamey. Taas waxan uga jeeda saxib wadaad yare in xasadka iyo xiqdiga caadifada ku saleysan uu qofka xaqa ka indho tiro.
Dowlada aad na tiri waa cadaalad sow tan maahan Isbaarada meel walba u taalo. Sowtan maahan ku faaneysa iney xirtey dekeadihii iyo Airporyadii wadanka?! sow tah maahan colaadihii qabyaalda isku deyeysa iney soo nooleyso?! sow tan,, sow tan,,, carabti waxay ku maahmaahda qofka xorta ah ishaaro ama tilmaan baa kaafida. Marka waxan filayaa inaad nin ka xorooba waxasan soo tilmaamey inaad noqoto, aadanna noqon nin qof un iska daba galee, eed noqotid qofka markaad wax ku raaceyso maa adillatuka fii kitaabillaah wa sunnatu rasuululaah scw ama hadaan ku fasiro maxa xujo ah ood ka wadtaa Kitaabka kariimka ah iyo sunada sheriifka ah.
Waxan Alle weyne subxaanu watacaala ka baryeyaa inuu imaanka dhamaanteen nagu sugo, jidka toosanna naguu hanuuniyo dhamaanteen. walaalaha la sirey ee safka gaalada ku jirana Ilaahay xaqa tuso. Waaqicana ey ku baraarugaan ciraaq waa iyadaa maanta raggii saxwaadka marki lagu daneystey mindida laga aslayo, oo aduun iyo aakhiro seeg ku dhacay(Inkastoy toobadu u furantey) walaalayaal waxan ku jrnaa waa mu’aamarad gaalo inama kala jecla ee eynu xaqqa ku dheganaano nasrigu waa dhowyahay” Inna macal cusri yusran” Ilaahay idanki w/c
By: KAMA DAALE DAREENKA DADKIISA
ASC maanta lama joogo waqti eedeyn iyo waqti ku dhumin waxaan jirin, dalkaan Ilaahay ayaa siiyeey dadka soomaaliyeed, iyaga ayaana laga rabaa in ay maamushaan oo wixii dantooda ah aakhiro iyo adduun ku qabsadaan, ma ahan in laga sheekeeyo dad iyo qaaruumo kale. Dalka dadka soomaaliyeed ayaa leh qofwalbana xaq ayuu u leeyahay, in uu ka qeybqaato xal u heliddiisa oo uu dadaal muujiyo xag maskax, dhiig, dhaqaale iyo aqoon intaba.
Haddaba alshabaab iyo xisbul islaam waa soomaali, kaalin weynna waa ka qaateen ka xoreyntii dalka gumeystihii itoobiya, sidaa daraaddeed waa in lagu soo dhaweeyaa xal u helidda dhibaatada dalka soomaliya, si buuxda oo walaaltimo iyo caddaalad ah, dagaal iyo gacan ka hadal dalka iyo dadku umabaahna hadda.
Tan labaad: dhallinyarada careysan ee maalinba meel u hiyiguureysa waxaan leeyahay cagta dhulka dhiga, yaan maalinba meel la iin jeedin, ku dadaala waxbarashada iyo wixii kale ee anfac idiin ku jiro, 15 jir siyaasi ah waa dhibaato cuqdad iyo inxiraaf xagga figriga ah ayaa ku dhacaya, si looga daaweeyana waa adkaaneysaa, sidaa daraadeed da’yartu waa mustaqbalka iyo cududdii dadka wax u qaban lahayd ee haka baxeen fadhi ku diriirka iyo siyaasadda foosha xun ee soomaliya ee aan dhaqan gaddoon waxaan aheyn laga dheefeyn.
Tan saddexaad: Waa in qofkasta ku dadaalaa, in aan maskaxda laga gumeysan ee da’yarta soomaaliyeed lagu tarbiyeeyaa isku kalsoonida iyo in aan maskaxduudu weel wax lagu shubto noqon ee ay diidi karaan mashaariicda khatarta ah ee noloshooda, dadkooda iyo dalkooda wax u dhimaysa.
Kheyrka Alle hana waafajiyo
hadal kusaabsan cuna qabataynta shacabka muslimka ah ee Soomaaliya marka la go’aansaday sidey sheegeen gaalada xayiraada wadankeena……………..
Laakiin waxaa isweeydiin leh, halkee ayay ka baxeen odayo dhaqameedyadii iyo abwaanadii iyo hey’adihii xuquuqul insaanka e iyo saxaafadii afka furtey sanadkii hore markii la xirey garoonka iyo dekada ee ku doodey “shacabka ayaa la cunaqabateeyey”, tani miyeysan ahayn cunaqabatayn ka cawaaqib xun tii hore xagga shacabka?, waxaa su’aashani is weeydiinaya madaxda muqaawamnada iyo shacabka qaarkiis.
Talaabadani waxay illin weyn u furtey muqaawamada oo waligeedba raadineysey marmarsiimo ay ku duqeyso garoonka iyo dekeda weyn ee ay cadawgu isticmaalaan, kalana soo dagaan saanada iyo ciidamada, waliba xilli iminka DKMG ah laga qaaday cunaqabaytayntii hubka oo ay si weyn ula soo dagayso hub iyo saanad ciidan.
Munaafaqadda odey dhaqmeedyahay,abwaanadii iyo wixii kale ee ka
horstaagay in gaalada Amisom xabad lagu rido, waxaa boqolkiiba boqol
ka wacan 15jirka hubka u qaaday inuu gumeysi waddankiisa ka xoreeyo.
Salaan wanaagsan dhammaan mujaahidiinta.
To Qof Yaaban
waxd Noo sheegtaa ma Allshabaab baa wax gumeysadda ama Qoracda Mise Dowldda? sxb intaa kale sheeg adigoo runta kahadlaaya plz??????????????
asc idinkii ayaa maantay kala baxay waxan maqli jiray maahmaah soomaaliyeed oo ahayd labadii xaq dara ku heshiisa xaqay ku diriraan.marka kuwiinan isku sheegaya mujaahid dadkana ku sheegaya murtad xaqa alaha idin waafijiyo waad baadiyay santihiin.adinka iyo mujaahid kala dheer.
INAAD NAFTAADA DISHAA SIFAHAAD DOONTO KU DILOO WAA XAARAAN, WAXANA LA CADEEYEY INUU QOFKAAI EHLU NAAR YAHAY, SIDA LAGA OO WERIYEY NEBIGEENII (SCW).
QOF MUSLIM AH OO AAD DISHAANA,KABA SII DARAN, TUSAALE HADDII AAN SOO QAADANO SUBEYR NINKII DILAY WAKHTIGII AY CALI IY OMUCAAWIYE IS DILAYEEN, SAYID CALI MARKUU U SOO SHEEGAY NIN ASXAABTII KA MID AHAA INUU SUBEY DILAY ISAGOO CALI U HIILINAYA, cALI WUXUU YIRI”wAAR MA SUBEYR BAAD DISHAY HAA, EHLU NAAR BAAD TAHAY: MARKAASUU YIRI MA ANIGOO WALIBA ADIGA KUU HIILANAYEY BAAN EHLU NAAR AHAY, HAA. MARKAASUU SEEFTII CALOOSHA ISKAGA SOO RIDAY, WAXANA SII SHEEGAY NEBIGA (csw).
WAXAN KU TALIN LAHAA IN EEBE LOO NOQDO OO LA TOOBA KEENO OO LA ISKA DAAYO DILKA LA ISKA XALAASHADAY, OO WADA HADAL LAGU DHAMEEYEO WIXII LA KALA TABANAYO.
ILLAAHAY XAQA HA DIN WAAFAJIYO , XUMAANTANA HA IDINKA REEBO. AAMIIN, AAMIIN
SOMALIYANA DAWLAD MUSLIM AH OO CADIL AH HA KA DHALIYO, HADDII AY TAN TAHAYNA EEBOW ADIGAA OG E ILLAAHOW U HIILI OO U GAR GAAR.AAMIIN.