Mas’uul ka tirsan Q.M ayaa Shaaca ka Qaaday Shalay oo Jimco aheyd in ololaha Caalamiga ah ee ladagaalanka Burcad Badeeda Xeebaha Soomaaliya lagu soo qabqabtay ku dhawaad 100 Ruux taas oo Burcad Badeeda ka holgala Geeska Afrika ku kalifay in ay Naftooda Difaacaan.
Axmed Walad C/lla oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Q.M u Qaabilsan Soomaaliya ayaa Saxaafada ku yiri: “Joogitaanka Ceedamo Badeedka Caalamiga ah waxa uu Xaqiijiyey Guulo isi sootarayo”.
“Waa howlgal Guuleystay sababtoo ah Burcad Badeedu waxaa lagu Qasbay in ay aad u fogaadaan”. Ayuu Hadalkiisa sii raaciyey.
Waxa uu intaa ku daray in natiijoouinka la gaaray kamid tahay in Burcad Badeeda lagu Cariiriyo in lasiiyo Lacago Madaxfurasho ah oo dheeraad ah taas oo ay ka helaan Maraakiibta ay Afduubtaan.
Ciidamo Badeed ajnabi ah ayaa lagu faafiyey Xeebaha Soomaliya laga soo bilaabo Dhamaadkii Sanadkii lasoo dhaafay si ay uga hortagaan Burcad Badeeda ka Qawleysata Gacanka Cadmeed iyo Badweynta India.

Related posts: