Sarkaal u Hadley MMIS Garabkii DKMG ahi la midoobay oo lagu Magacaabo C/risaaq Qaylow ayaa sheegay dhankooda inay aad uga xunyihiin Dilkii xaley loo geystay C/qaadir Xamza Xasan oo ku magac dheeraa Qataatoow.
C/risaaq Qaylow oo Dilka Qatatow ka hadlaya waxa uu yiri:”Sh Macalin Xasan Qatatow wuxuu ahaa Nin Mujaahid ah oo halgankii labada sano lala galay Ciidamadii Xabishada Itoobiya ka soo qeyb qaatey, ilaahey Janadii Fardowso ha ka waraabiyo intii uu ka tegyna Sabar iyo Imaan Alle ha ka siiyo, anagu waxaan u aragnaa arintaas inay tahey fal waxuushnimo ah oo dhibaateynaya Dadkii halganka u soo galey Wadankan iyo Diintaan aad iyo aadna waanu u Cambaareyneynaa, Waana arin gaf ku ah Diinta Islaamka”.
Waxa kale oo uu sheegay in Muddo Isbuuc ahba uu la joogay Xizbul Islaami, Dilkiisa ayuu ku eedeeyay inay ka danbeeyaan wax uu ugu yeeray Dadkii Dadka Dili jirey, waa sida uu hadalka u dhigee.
Dhanka kale Sh Muuse Caraale oo u Hadley Xizbiga Islaamiga ayaa dhankooda sheegay in Dilka Qatatow aad uga xunyihiin:“Dilkaas waanu ka xunahey waana Dil fool xun, waana Dil runtii aad iyo aad aan uga xunahey waxaana is leenahey waxaa arintaas ka danbeeya waa Cadowga, waa Kooxda Jabuuti iyo Waliba Sirdoonka Cadowga Itoobiya & AMISOM maxaa yeelay waxay rabaan in Saraakiisha ka soo yaaceysa iyo Ciidamada ka soo tegaya inaaney ka soo tegin”.
Sh Muuse Caraale waxa kale oo uu sheegay xilligan inaanu jirin wax xil ah oo uu ka hayay Xizbiga balse uu ahaa walaal safkooda dhawaan ku soo biiray, horeyna Dagaalo xoogan la galey Ciidamadii Gumeyisga Itoobiya, mar uu arimahaas ka hadlayeyna waxa uu yiri:“Hadda wax Mas’uuliyad ah oo uu ka hayay Xizbiga haba yaraatee ma jirin, laakiin waxa uu ka mid ahaa ragii walaalaha ahaa oo Mujaahidiinta ahaa oo awal Camalka ku jiray oo Cadowgii ilaahey ee Itoobiya intii uu Dalka joogay Dagaalka kula jiray ragii Saraakiisha ka ahaa ayuu ku jiray, ka dibna wuxuu ku biiray kooxdan Jabuuti oo shirqoolka Cadowgu soo maleegay iyagu hor kacaayay, muddo ka dibna waxuu dareemayay in la marin habaabiyay oo shaqadii iyo howshii awal uu ku jiray iyo midda hadda loo leexiyay inuu farqi weyn u dhaxeeyo ka dibna waxuu go’aansadey Nimaankaa iyaga ah in uu kaharo oo dib ugu soo laabto Jihaadkiisi iyo Howlihiisii”.
C/qaadir Xamza(Qatatow) waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii MMIS ee dhanka Dowlada KMG u weecday balse waxa uu ka soo baxey dhawaan, wuxuuna ku soo biiray Xizbiga Islaamiga Soomaaliyeed, sida uu isaguba Saxaafada ka sheegay.

Related posts:
waa arin murugale inaa qof islaama la iska dilo si fudud waxase lala xisaabtami doonaa maalin aan maanta ahayn alaahay hortiisa
ASW
SALAAN KADIB ILAAH HA U NAXARIISTO WALAALKEEN LAKIN WAXAA IS WEYDIIN MUDAN SIDEE LOODILAY ISAGA KALIGII YAA LA SOCDAY?
WA CADAHAY WAXAA DILAY CADOWGA AY KA KOOWTAAY KUWA JBUUTI IYO RAG CILMAANIYIIN H OO LAYNAYA NIN ALBA OOGAALD WX KA DILAY MR UN … WAXAAN LEEYAHAY HADA WAA QATAATOOW MAALINTA KALE WAA RA KALE NIN ALBOO MUJMAHID AHAA HUBKIISA HAWATO.. GAALDANA HAKU RIDO HADII AAD MARBA MEEL GASHAAN WALEE CADOWGAA IDINKA FAAIDEYSANAYSA WSW
ilaahay ha geeyo janadiisa hana ka yeelo kuwa carshikiisa harsada malinta ay quraxdu jirto waxaan leeyahay ragii dilay oo aan ugu bishaaraynayaa in uu ilaah ku cadaabayo aduunka iyo qabrigaba tii akhirana ay u dheertahay insha alah waxaan kaloo ilaahay uga baryayaa in uu calaamad ka soo ifiyo intay aduunka joogaan Amin inlee ilaahay waa cadil waxaan hubaa maanta in uu qataatow uu ku jiro janadii ilaahay saa maxaa yeelay waxa dishay gacan ka kardaran oo daalimad ah qatataatow waxa uu maanta la mansab yahay raga ku jira janada mida ugu saraysa qofna afka loogama saaro diinta hebel waa gaal iyo hebel shariif buu raacay diin loogama baxo diintiiba waxay noqotay mid lagaa saaro iyo mid lagu soo galinaayo sida jamacada carabta oo kale ama ururka AU ilaahay baan ka magan galnay dadka xiligaan jooga oo fidna kula dhex jira dadka muslimiinta ah waxaan ilaahay ka sugayanaa jawaab deg deg ah in uu inta fidnada ka wada smalia deg deg u qab qabto ama baras ku rido si ay dadka uga duwanadaan
INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN……….
MARKA LAGA BAXO KOODA JABUUTI XUKINKIISU MADILABAA……..!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
ILAAHAY NAXARIIS JANO HAKA WARAABIYO WALALKEEN MUJAAHID QATAADOW AMIIIIIIIIIIIIN AMIIIIIIIIIIIIIIIN.
asc wr wb
dad badan baa hada indhaha u furmeen oo xaqaa’iq ay si tarttiib tartiib ah dhagahooda ka maqlayan indhahoodana ku arkayan , maxakiimtii dawlada raacday ilahay xaqa ha tuso ? way arkaan dawlada ay khilaafada ku tilmaameen inay etobia soo abaabulayan oo ay iyaga soo galbinayan
culimadii musaalaxada ahayd ilahay baa niyadooda ka war hayee haday khayr u jeedeen iyo ahday shar u jeedeemba ilahay xaqa ha tuso oo dawlada tan iyo tii c/lahi yusuf inay tani ka daran tahay ha arkaan oo magaca islamka ku gambanaysa
mujahidiintana ilahay ha guuleeyo , wax badan baa arki doontaane iska sugo , yawman bacda yawm
Asc
Awalan allah ayaa mahad oo dhan u sugnaatay intaa ka dib ninkaa wuxuu ahaaba wuu tagay wuxuuna ku tagay gacan baniaadam weyna iska cadahay qofkii caqliga wanaagsan u saaxiib ah warka wuxuu ku cad yahay wuxuu maray ninkaa wadadii ay mareen mujaahidiin hore o ay ka mid ahaayeen Cagaweyne, Kariye, iyo kuwo kalo badan marka hawlo badan baa socda kuna wajahan ragii MMI ee wax galka ahaa ama taliyayaashi ahaan jiray , marka allah baa ka jaazayndoona dilalkan cajiibka ah !!
Saki