Cumar Xaashi Aadan iyo xubno uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin, Aadan Garaase, Yuusuf Daba-geed, C/kariim Faarax Laqanyo iyo Saraakiil kale ayaa gelinkii danbe ee Maanta soo gaarey Isgoyska kala-beyrka, sida uu inoo xaqiijiyay Wariyaha Shabakada Somalimirror ee Gobolka Hiiraan.
Cumar Xaashi iyo Xubnaha waheliya oo wata Gaadiid Dagaal oo badan iyo ciidamo ayaa ka soo gudbay dhanka Deegaanka Feer-feer.
Sidoo kale waxaa la socda oo Kala-beyrka la soo gaarey Saraakiil ka tirsan Ciidamada Gumeysiga Itoobiya, waxa ayna wararku intaa ku darayaan inay halkaa ku leeyihiin shirar aan la ogeyn waxa ay uga hadlayaan.
Xaalad baqdin ah ayaa laga dareemayaa Magaalada Baladweyne oo ku aadan warar sheegaya in Cumar Xaashi iyo Ciidanka uu wato ku wajahan yihiin Magaalada.
Maamulkii MMIS ee Gobolka Hiiraa ayaa ku sugan Magaalada Baladweyne kamana muuqdo dhaq-dhaqaaq ku aadan xaalada cusub ee Gobolka ku soo kordhay.
Sidoo kale ma jiro war ka soo baxey Xoogaga Kale ee Al-shabaab & Xizbul Islaam ee ku sugan Gobolka oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka jirta Isgoyska Kala-beryka.
Bilihii ugu danbeeyay abaabul ciidan ayaa Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ka wadeen gobolo dhowr ah, gaar ahaan Hiiraan iyo Gal-gaduud.

Related posts:
ZAYUHZAMUL JAMCU WAYUWALUUNA DUBUR.
asalaamu caleykum,,
walaalayaal waxaan la yaabanahay kan gaalada wata ee omar xaashi ma umulbaa wuxuu shalay ku hadlaayey ma ogeyn miyaa soo tu lahaa itoobiya waa cadowgeenii koowaad , waa cadow soo jireen ah, waa gaalo sow tuu dhihi jirey hada gaaladii ma macaanaadeen mise diinta islaamka ayey qaateen
A.c
somalida waxay ku maahmaahdaa ari qulux kama daalo.
war nimankaan miyaysan kuwaana qaadanaynin meeshii aay marayn cabdulaahi yuusuf oo nus qarni lasoo shaqeeyay itopiya iyo cumar xaaji masali soo tee hada xirtay maxaded dheere ilaahaw cumar iyo kuwa lasocda ku salid itobiyada aay hor baadayaan aaminn
Allaah waxa uu yiri: ma helaysid qoom rumayanaya Alle iyo maalinta qiyaame hadana xiriirinaya kuwo alle la coloobay (Gaalada) haba ahaadeen aabayaashood,caruurahooda, qaraabadooda.
Hadaba, waxaan leeyahay Reer Hiiraan yaysan moodin Omar Xaashi nin soo xajiyay ee ha u arkaan mid gaallo la soo saftay qofkii ka soo jeesta dhinaca Gaaladana xukunkooda ayuu qaadanayaa.
Allaahu Akbar iska celiyay gaalada iyo gaalo raacyada Allaah ayaa hoog iyo cirib xun ku salidin insha allaah.
Waxa Melez Zanawi soo maleegay ee Laqanyo iyo Omar Hashi loo soo dhiibay ma ahan wax ilaahay iyo adoomadiisu raali ka yihiin waa mashruuc gaalo iyo aabahood shaydaan raali ka yihiin soona qorsheeyeen.
Jabiyaaaaaaaaaaaaay Ku jihaadda oo hooy jiif u diida gaaladda.
Zayuhzamul Jamcu Wayuwalluuna-dDubur
Insha Allah way ku fashilmayaan shirqoolka ka dhanka ah shacabka iyo mujahidiintiisa, mana guulaysan doonaan, Nuurka ilaahay ayay doonayaan inay afkooda ku demiyaan wayna ku khasaarayane walaalayaal hala sugnaado oo mijaahidiinta aan u duceyno inuu tawfiiqda waafajiyo….
Xabashi ma adaa islaamtay mise kuraacay ayaa gaalooay
war nimanyahow anigu waxaan la yaabaa dadka hal kalimad oo isku mid ah ku cel celinaya oon laheyn taxliil iyo faaqidaad iyo fiiro dheer toona.
Fikirka sadxigaa ood moodo caruur hadal barad ah oo dhowr kalimad kaliya luuqada ka yaqaana ma ahan in umada lagu ihaaneeyo in kaligood meesha loo xiro.
Somalimirror alaa tastaxyuun miyaadnan ogeyn dad cuquul u saaxiib ah iney meesha wax ku leeyihiin maxaad umada u ihaaneysaneysaan?
War ilaahey ka xishooda oo umada caqliga leh siiya fursad xataa hadaad sufuuftiina ka weydaan dad asxaabul fikir ah mucaaradkiina garaadka leh ku quruxsada meesha.
Alshabaab oo dad dulloobey ah ayaad meeshii u xirteen, markaad weydeen dad kale oo fikirka dagaal doonkaa u dooda.
Cumar Xaashi waa oday da’ ah oo Ilaahay towbadda seejinayo, bal inta uu leegyahay ee uu dabadhilifnimo Tigree bilaabay fiiriya.
Midda kale aaway Culimadii dowladda u fatwoon jirtay, aaway Abshir Bacadle miyaad maanta hadashaan haddii aad Diinta daacad ka ahaydeen oo aan balaayo idin qaadan.
Xaqii iyo Baadilkii waa noo kala caddaadey.
S C
Waa Arin la Filayey Ethopia ayadoo Shaar kale xidhan in wadanka lagu soo celinayo oowaxa ay dishana aysan Record Gabood fal Ethopia aysan galayn ee SHAydaan Shariif iyo Ragiiisa ay dhabarka u dhiganayaan .
Tan hada Mujrima xaashi uu soo kaxaystay waxay ila tahay xikmad badan keeni mayso waayo INa YEEY oo asaga iyo inta la joogtaba kaga adkaa mabda’aaan faasidka ah isla markaana haystay Nidaam Somaliyeed oo dhisan oo Hill iyo Hooba la garab taagnaaa ayaa wax qaban waayey oo alle Jabiyey .
Ina Yeey waxa uu ahaa nin uga Dhabar adag hawlahan ina xaashi oo ah shaqsi Fulaynimo ku caan baxay ila waqtigii jabhadaha iyo xiligii uu soo kaxaystay Xabashida 1995 si uu ula diriro Habargidir , hadana ina yeey waa xamili waayey Garaacii Mujaahidiinta .
Waxaan ku qanacsanahay Naftayda in Malcuunkaasi uu xumaan iyo ciqaab kala kulmi doono inssha allah
SC
dawlad ninkii u haystay ha ogaado hada maalmahanba ayadoo xabashidu joogtay kalabayr oo wixii dhalin yaro ah la degaysay , ayaan mujrimiinta Villa Somalia ku xaraysan ka hadlin iska daa wax kale waaba difaaceen ooo yiraahdeen ma jooogaan .
qolyaha hiiraan joogtana xataa waaa diideen in la weeraro oo ayaagaba difaac u ahaa halka MACOW uu asagu xoolo u qaaday oo xabashi ku sooryeeyey
ASC
Waxaan hubaa in ilaaheey uu u hiilindoono
kuwa kitaabkiisa & sunadda nabiga dhowra.
Waxaan hubaa in eey umaddu la jirsandoonto ku
waas
Waxaan hubaa in eey Soomaalidda lagu qasbi
karin wax eey raali ka aheen,
Ogoow in wax dibada lagu soo dhoodhoobay in
eey soconeeyn.
Xasuus!!!!
——————
Magacyadda Isbahaysiga Shayaadiinta
Soomaaliyeed.
…………………………………..
Maxamed Qanyare Afrax
Muuse Suudi Yalaxow
Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere)
Cumar Maxamud Maxamed (Filish)
Bootaan Ciise Caalin
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
Bashiir Raage shiiraar
Cabdirashiid Shire Ilqeyte
Cabdi Nuure Siyaad
Cabdishukri Cali Xirsi
Ciise Cisman Cali.
Kuwa cusub.
————
Cumar Xaashi aadan
indho case
sheekh shariif
C/yusuf
and more
Waa fikrad shaqsi ee ogoow
Best regards
/Muuse Ali
ASC Walaalaha salaan ka dib cumar xaashi waa munaafaq cadaystay isla markaana waa ninkii ugu horeeyay ee gobolka Hiiraan ka soo jeeda ee axaarada hub u doonta 90 yadii marka waa isku mid isaga & axmaaradu waana laga adkaan insha allah
Su,al cumar xashi, adan garase, yusuf daba geed lacalla haddi wa haddi aad timadaan Beledwayne yaa gudomiye sedaxdina noqonaya yaa gumaystaha la laabanaya yaase gobalka ku haraya hadase yaa u cidan badan sedaxdiina?
asc aniga lama yaabanin cumar xaashi in uu itobiya ku xirmo ama hub ka doonto waa lagu yaqaanaa laakin janaqow oo sheegan jiray in uu kamid yahay ducaada salafiyiinta ma waxaa laficnaatay in itobiya uu ogyahay iyo in lakaalmaysto gaalo dhibka ay leeedahay ama looga baxo islaamka in uu ku farax san yahay si ku gaaro mansabka wasiirnimida loo magacaabay ilaahow nahanuuni gaalo waa jabaysaa ale ayaa noo sheegay iyo nabiga
meeshaan maxaa looga waayay wax wax ka sheego eratareeyo ayba waagaalo dalka soo galiso hub e mase maadaama ay taageero al,shabab iyo xisbul islaam waxay ku jirtaa mujaahidiinta????
kii kudooda dastuur gaalo soo dalbadeen
ku dagaala dadka iyo diinta islaamka inaynu diloo ladagaalgalamooyee ma diinbaa noo dhexeysa dadka dhahayoo naga dhaadhacsha maanta waa ninuu xaqu dhaafoo dhintay oon war uhaynin dhoohanoon wax ogayn ama qawl dhalanteedoo dhaba yaalka u yaaloo qolo dhoodi lafuushiyo qiil xunoo aan dhamayn inay diin kudha haan dhalanteed kuligiisa ama dhaawac kuyaaloo loon dhamayn idilkiisoo ama gaala dhitaysoo in kaaru ay kudhamayd ama duul dha dhabaayoo kuligood dhankaxaayoo intaasaan idinku dhaafay dhoohanayaal idilkood dhambaal baan idiroo kadhaqaaqiba mayno diinkeenii dhamaayoo kufri dhiil umaqaadnoo dhoon dambeed uma dhaansho sida duulka dhufaanan dhocor gaal uma gayno dhulka qaar kama iibsho dhalanteed run ma moodno diinkayga dheefyar masiisto dhufays uu kufri jiifo dhalanteed uma seexdo intaan dhaafo dalkayga gaalo dhoof ugu aado hadana dhibkaleeto mayeelo sida duul dhaxan jooga dhinac yadayda ma eego
Nin Ku diley – Nina Kaagama Shisheeyo. Ethiopia Dadka Ujeedo ayay u dili Jirtey una Dili doontaa hadii ay dalka ku soo laabato. Laakiin waxaa mudan in la is weydiiyo. Laakiin Kuwa Xamar iyo Maxaas dadka ku Xasuuqaya maxey u fiirsanahayaan Amxaarada soo gashey may ku jihaadaan, hadii jihaadka ay sheegayaan SAX Yahay.
Ninkii isku sheega Wadaad yare, waxaan ku leeyahay Wadaad Xume ayaad tahay haddii aadba tahay Wadaad sida aad sheeganeyso. waxaanse u maleynayaa in aad tahay kuwa Daba-Dhilifka u sii Daba-dhilfka ah. haddii aan tusaale u soo qaato Cumar Xaanshi oo da’daasi ku gaaray in uu Xabashi uraya u adeego, dadkiisana ku gumaado ayaad adiguna u sii Dabo-dhilifleyneysaa. ugu dambeynta Alshabaab ma’dhahayo waa mac-suumiin, waa hadddaad taqaanid kalimada macsuum laakiinse Alshabaab waa Buuro shaamikha oo aadan gaari karin ee Afkaaga ka ilaasho.
Wassalaamu calaa manitabacal huddaa.
ASWCB.
ALLA MAXAA DULLI MEESHA MARAYA. SOW KUMA WAAYO ARAGNIMO QAATAAN RAGGII KA HORREEYEY, MEEYEY AABBAHOOD C/LAHI YUUSUF; LAFTA MARKA HILIBKA LAGA DHAMMAYSTO WAA LA TUURAA. MARKA ITOOBIYA DANTEEDA KU GAARTO KUWAAN WAY XIR-XIRI DOONTAA.
NINKU HADDII UU DADKIISA KALSOONI KA WAAYO, CADOWGA UMMADDAADA KALSOONIDIISU INTEE AYEY KU SIDI KARTAA. ABAAL ALLE IDINKU DHAC, MAXAY UMMADDA DULLI IYO GAALA DABA-GAL U SOO JIIDEEN.
RAG ISKA KIIN DHICIYANA WAY JOOGAAN, INSHAA ALLAAHU, IDINKA IYO KUWA IDIN SOO WADAABA HOOG IYO CALAACAL AYAAD KU DANBAYN DOONTAAN.
Subxaanallah! muxuu shaydaan dad naga duufsaday, ninka wadaad
yare isku magacaabayna kooxahaas kama foga, Al-Shabaab ayuu
ku waashay. Allow khaatumadeena Khayr ka dhig.