Ciidamada DKMG ah ee Dhawaan Fariisinka ka sameystay Isgoyska Ex-control Afgooye ayaa laga soo Sheegayaa Dhibaatooyin kala duduwan oo ay kula kacayaan Gaadiidka iyo Dadka Islticmaala wadada isku xirta Muqdisho iyo G/Sh. Hoose.
Wadayaasha Gawaarida Marta Wadadaas ayaa Sheegaya in Markii ay Halkaas soo Dageen Ciidamada DKMG ah ay bilaabeen inay Gawaarida BL-ka ah ka qaadaan Maalintiiba lacag Dhan 50,000 oo Shilin Soomaali ah.
Mudo kadib ayey Bilaabeen Ciidamada DKMG ah ee halkaa Degan in ay kordhiyaan Lacagaha ay ka qaadaan Gaadiidka Isticmaala Wadadaas waxa ayna ka Dhigeen lacag dhan 15,000 Sh.S oo joogto ah mar walba oo uu Gaarigu Meesha soo maro Dhan walba haka yimaadee.
Intaa waxa sii dheer oo ay Darawaliinta iyo Dadka Wadadaas Isticmaala aad uga Cabanayaan Handadaad Joogto ah oo ay Ciidamada DKMG ahi kula kacaan Darawalada, Kirishbooyada iyo Rakaabka Saaran Gawaarida intaba.
Maalmo kahor ayaa sidoo kale Ciidamada DKMG ah Isgoyskaas ku Dileen Nin Darawal ka ahaa Gaari BL-ah oo Halkaa marayey.

Related posts:
ciidamada alshabaab iyo xisbul islaam may weerar ku qaadaan qolooyinka dadka dhibay haday run sheegayaan,,maxay tahay sababta ay dagaal ugu wadaan yaaqshiid iyo boondheere ,,laakiin looga aamusay kuwaan dadka masaakinta dhibaya maalin walba
makuwaanaa dawlada noqon kara dadkii safarka ahaa ayaa ka nabad gali la waxaa lagu magacaaba ciidan dawladeed shaqadooduna waa in ay dadka dhacaan oo isbaareystaan markasta iyo meel kasta oo ay joogaan sidoo kale waxaa laga cabanayaa in ay dhac ka bilaabeen xamarweyne oo ah degmada kali ah oo si buuxda ay uheystaan hadii ay sidaa yeelayaan meelihii ay heysteen kuwa kalena sidoo akle ayay yeelayaan ee ha laga hortago mooryaantaas
asalaamu caleeykum waxaan ii muuqata kuwii dhibka kawadi jiray muqdisho ayaa dhar ciidan loo galiyay oo layiri waxaad tihiin ciidanka dawlada waan mooryaantii qabiilka awey ku wii ku dooddayay waxaa la baasgareeyay shareecad islaamka may ka qabtaan dadka tuugta wadada taaga hadii ayna raali ka ahayn iygu ama aykadanbaynin may kahadlaan qaadicu dhariiqa oo la salbiyo mise lacagaha leejada ayuu shariifku waxa ku leeyahay oo way u shaeqaynayaa arinku waa sidaas kooxda jabuti waxaa haya lacag la,aan marka waa in ay isku dayaan waxa walba marka nin daad qaaday xubo cuskay shareecadii islaamku ma waxay isu badashay isbaaro aaway shareecadii ay dadka ku lahaayeen waan qaadanay wabilaahi towfiiq
somalimirror waa mucaarad dowladda ka.soo hor jeedda sidaas dardeed qofka mucaacadka ah qofkuu mucaaradka ku yahay wuxuu ka.sheego looma qabto ilaa laga hubsado.haddaba waxaan idin dhihi lahaa HUBSIINO HAL BAA LA.SIISTAAYE somalimirror sida ay rabto yeysan idiin jiidin.
oo intey wax idiin malookeyso ha.la.boodina oo run ha.u qaadanina ilaa warkaasi uu noqdo mu.tawaatir ay meelo badan sheegeen.
somalimiror mucaaradnimadeeda waxay ku darsatay in ayna soo gudbinin fikradaha dadka ay soo dhiibanayaan maxaa ka wadaan sheekadaas qofkii war rasmi ah oo meel taabanaya sheega ma ay soo qorayaan qofkii iska caytama ee ayaga kasoo jeedo way soo qorayaan wey soo gudbinayaan oo dad daacad ah ayay iska dhigayaan