Sarkaal lagu Magacaabi jiray Qataatoow oo la toogtay

Published on May 29, 2009 by   ·   19 Comments   ·   print

Rag bastoolado ku hubaysan ayaa la sheegay in ay dil toogasho ah u gaysteen Sarkaal lagu magacaabi jiray C/qaadir Xamsa oo ku magac dheeraa Qataatoow isla markaana ka tirsanaa Xoogaggii ku biiray DKM ah horay.

 

Xaafadda Black Sea gaar ahaan agagaarka Shaneemo Walaalaha ayaa Wax yar Salaadii Cishaha ka hor waxay Kooxday bastooladaha ku hubaysan rasaas roobka uga dhigeen Sarkaalka taas oo sababtay in uu goobta ku nafbaxo waxaana la socday nin kale kaas oo la sheegay in uu ka badbaaday weerarkan.

 

Qataatoow ayaa ka mid ahaa Xoogaggii ku biiray DKMG ah wuxuuna ka soo goostay Dawladda kadib markii uu istaagay Dagaalkii balaarnaa ee todobaad ka hor ka dhacay Jidka Wadnaha ee Magaalada Muqdisho wuxuuna saxaafadda ka sheegay in uu isaga soo baxay ciidamada Dawladda uuna xilligaas ka dib ka tirsan yahay Al-Xisbul-Islaami.

 

Lama garanayo ilaa iyo hadda cidda ka danbaysa dilka loo gaystay Sarkaalkan iyo sababta loo toogtay toona balse waxaa arrintan lala xiriirinayaa Xaaladaha Siyaasadeed ee ka taagan dalka Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda waxaana la sheegay in raggii falka gaystay ay goobta ka baxsadeen.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sarkaal Dowladda Hoose ka tirsan oo Baydhabo lagu toogtay.
  2. Sarkaal ka tirsan WFP oo la toogtay
  3. Askari ka tirsan ciidamada DFKMG ah oo maanta lagu toogtay Baydhabo
  4. Mas’uul Sare oo ka Tirsan Jabhadda ONLF oo lagu Toogtay Kismaayo
  5. Sarkaal ka mid ahaa Nabad sugida DFKMG oo ka howl gali jiray Afgooye oo is casilay

Readers Comments (19)

  1. DR YAABANE says:

    SC
    Inaa lilaah wa inaa Ilayhi Raajicuun
    Taasi waxay Muujinaysaaa Wajiyada Madaw ee Malcuunkan Shariir u Qarsoon oo maalinba mid uu soo bandhigayo .
    Waxay dhambaal u tahay in dhamaan qolyaha ka tirsan Dawlada kii isku daya inuu baxsado oo u galo muqaawamada uu mudanayo Nafsa Dariiq

  2. abshir says:

    asc,walaalka la baxay dr.yaabane,ilahey ka baq oo qofka muslimka ah ma ahan laacin,faaxish iwm.sheikh shariif allaha xafidee waa madaxweynaha dowlada islaamiga ah ee somaliyeed.
    ninkaan waxaa loo dilay waxaan maqlay in alshabab ay dhaheen nagu so biir kadibna uu diiray sidaa ayaana loo toogtay,AUN.

  3. Nabadoon says:

    Waxay iila muuqataa in ay arrintan ka danbeeyaan Sirdoonka DKMG ah oo raba ina aysan cid danbe ka soo goosan

  4. seyfulaah says:

    salam inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun insha alaah ilaahay waxaan uga baryeynaa inuu janadii fardowsa aheyd ka waraabiyo mujaahidka…. waa sidaas walaahi wajiyada qarsoon ee shaqaalaha gaalada ayaa maalinba mid soo baxaayo ilaahay hana dhaafiyo shartoodee allow waad u jeedaa umadeena noloshii oo dhan ayaa loo diidanyahay mid quyarsocod isku sheega oo gaalo la soo heshiiyay ayaa hortaagan allow naga qabo aamiin dhamaan dalkeena ilaahay hanoo islaaxiyo koley maalmaha soo socdaa wajiyo kale oo cusubna waan maqli doonaaye shartooda alla hana mootiyee…aamiin

  5. abshir says:

    Asalaam calaykum waraxma tuallah,salaanta islamka ka dib waxaan raba inaan ku darsato oo

    waxey ila muuqataa in kooxaha ka soo horjeeda dowladda ee mucaaradka ahi ay dileen waayo ayagaaa ku xoogbadan suuqa bakaaraaha,la arki doonee halka ay arintu saldhigo.
    wasalaam cala mani tabacal hudaa.

  6. jamal says:

    WAARYEE WAXA KAN WAXAA KA DANBEEYA QOWLEYSATADA MA NAXAYAASHA AH EE DIINTA KU QARAABTA….

    WAA FICILADOODA, MEESHA NINKA LAGU DILAYNA WAA AAGA AY IYAGA HEYSTAAN, CID KALOO TAGI KARTAA HI MA JIRTO…

  7. Garyaqan says:

    AsC
    INNA LILLAHI WA INA ILLAHAY RAAJICUN,
    ILLAHAY HA U NAXARIISTO WALAALKEEN QATATOW GACAN KA XAQDARAN AYA DISHAY….RUN AHANTI WAXA AY NOO CADEENESA DADKI LEEN JIRAY SARAKIISA MAXKAMADAHA IN AY YIHIIN NIMANKA DOWLAD KU SHEEGA AH OO GALADA MADOW (( AMISON )) HOOSTA OGA JIRA ….

    ILLAHAY HA KA QABTO UMADA SOMALIYEED MAGRIKOODA IYO SHIDADOODA …DOWLAD MA AHAN WAA UKUN GUMEESTE MEESHA KEENSADAY LUUGUNA TALAGALAY IN LAGU DHIBATEYO SHACABKA MASAKIINTA EE SOMALIYEED .

    BAL XAGE LAGU ARKAY DOWLAD ISLAM ISKU SHEEGESO OO AY KIRISHTAN CIIDAN IYO ILLO UYIHIIN ??

    BAL XAGE LAGU ARKAY DOWLAD ISLAM ISKU SHEEGESO OO SHACABKEEDI LAGA ILLALINAYO ???

    BAL XAGE LAGU ARKAY DOWLAD ISLAM ISKU SHEEGESO OO SHACABKI DALKI LAHA BM- LA DHACEESO HAR IYO HABEN ,, DHIIGA SHACABKA SOMALIYEEDNA BANEESTEN DAADINTIISI,,

    BAL XAGE LAGU ARKAY DOWLAD AY ISLAM ISKU SHEEGESO ..OO ETOBIYA, ,MAREEKAN IYO ASHAHAADO LA DIRIR LEE YIHIN WAAN DIFACEENA ..YEEY KA DIFACAYAN ..???

    ILLAHAY XAQA HA NA WAFAJIYO

  8. SHIIKHUL KULLI says:

    ASC.

    DR YAABANE ILAAHAY KA BAQ. ULUL AMRIGANA ADEEC.
    ADIGA IYO JAMAACATUL BEERDHIGA(SO CALLED SOMALIMIRROR) WAXAAD TIHIIN NABAD-DIID IYO DAWLAD-DIID.
    NINKAAS MUSLINKA EE LA DILAYNA ILAAHAY JANNATUL FIRDOWSA ALLAHA WEYN HA KA WARAABIYO.

    DR YAABANE KELMADAHA AAN SOO QORAYSID KA FIIRSO WAXAAN U MALAYNAYAA INAAD DIBADAHA CEEYR AAD KU CUNAYSIDE.

  9. Qof yaaban says:

    Baddii bay iibiyey, barrigiina iib bay diyaar layihiin, iyaga oo Muslimiinta
    gaalo u dagaalama u soo kaxaysteen, Xasbunallahu wa nicmal wakiil. Rabbi baa diintiisa u gargaari.

  10. hassan says:

    bismillah, walaalayaal malaha iyo in lagu eedeeyo dilka qof muslim ah qolo aad necebtahay adigoon wax cadeyn ah u heynin waa khalad marka yaan lagu talax tegin waa arin murugo leh in ruux sidaan oo kale loo dilo muslim ah wadankiisii jooga ilaah ha laga baqo oo ha la joojiyo dilka dagaalka aan micnaha laheyn ee qof walba iska sheeganayo inuu mujaahid yahay oo yaa jihadaya yaase lagu jihaadayaa tani waa fitno ee ha laga digtoonaado dadoow kitaabka iyo sunnada nabiga c.s.w.s ha loo noqdo

  11. Dulmidiid says:

    allaahu akbar walle ilaah agtiisa xisaab badan baa taala, yaabanow amay qurxoontahay in aakhirada & 2 da mitir la ilashado.

  12. Cabdul-muheymin says:

    Inta madaxa la soo duubto in dadka muslimiinta la ugaarsado oo mid loo dilo waxaa bilaabay al-shabaab iyo xisbul-islaam. Marka haddii wax iyaga ugaarsada Ilaah ku sallido waa camal-koodii oo dib ugu soo noqday. Waxaa ku rumoobeysa weedha ah “al-jazaa’u min jinzil-camal”.

  13. dalxoreye says:

    waxaa dilay sarkaalka dowlada sababtoo ah waakasoo goostay

  14. cabdi xaaji muuse says:

    A/S/W/W/.
    WALAALAYAAL waxaan kusoo koobayaa labo waxyaalood oo kaliya:
    1–dilka iyo iqtiyaalaadka hoos udilidda dadka muslimiitaa waa caaddo foolxun oo dhawaan soo gashay dalka iyo dadka soomaaliyeed waana xaaramaam diinta islaamka haddii maanta aduunka laqariyana aakharo yaa qirin doona???????????.
    2–eedaynta iyo cid aan lauhubin oo lagu eedeeyana waa itihaam iyo been abuur taasina waa xaaraam diinta islaamka oo maluhu badankiisu waa beeen marka ka joogga oo ka daaya dag dag waxaan lahubin.

    waxaan leeyahay ilaahay haloo laabto oo halla toobad keeno dhamaan waxaa nagu dhacay waa carro aleeeeeeeeeeeeeeeeh iyo ciqaab xaggeesaah.
    a/s

  15. Nasrullah says:

    Bilbilaabatee walee iniidnaan mujaahidiinta kabadin

  16. aniis says:

    ina lilaahi waa inaa ileehi raajicuun aad baan uga xun nahay in la dilo mujaahidkaas, laakiin dadkii dilay aad baa loo garayaa waa somalimirror iyo alshabaab iyo ciyaalka yar yarka oo bostooladaha la wada haadayaa waxaana og nahay tifartiraha somalimirror inuu alshabaab ka tirsan yahay dadka ninka dilana inuu isaga yahay

  17. walaaahi waad liibaantey walaalkeeygiiyoow C/qaadir Xamsa waxaad aheyd geesi weyn oo si aad looga yaqaan magaalada muqdisho iyo daafaheeda oo dhan waxaana allaah ku oofsadey adigoo jidkii aad ku taagneyd ka toowbad keentay allaahu akbar. waxaadna go’aansatey in aad walaalahii mujaahidiinta usoo laabato, markii ay cadowgaaga u adkeysan waayey ayay ku dileen, waxaan allaah ka baryeynaa in uu shahaado kuugu irsaaqo insha allaah. kuwa dhahaayo walaalaha shabaab ayaa dilay waxaad tihiin kuwo islaamka neceb kana shaqeeya isku dirkiisa waan ognahay kooxda dishay walaalkeen.
    walaalaha mujaahdiinta dhabta ah isma dilaan, ismana qiyaamaan ee way iskaalmeeyaan.
    Gaalo iyo Gaalo raacna jab iyo halaag ayaa u dambeeyn doona insha allaah.

  18. Dr YAABANE says:

    SC

    Bilaahii CAlaykum DAwlad ku sheeg police-keeda uu horjeege ka yahay Jaahil Khayrdiid , Wasiirka Amnigana ugu Magacaaban yahay Mufsid Cumar Xashi waxa laga sugaa waa maxay .
    Shaqsiga Cimrigaa ku jira ee maanta u guntaday in Dad somaliyeed oo ayaguba toodi la daala dhacaya inuu Dagaal uu Qabyaaladeeyay u Abaabulo lakin Asalka ay tahay Ilaahay iyo Diin Nacayb .oo waliba ku Ladhay kuna Biiiriyey Awood iyo Saanad Ethopia .
    Qofkii wanaag ka sugaa ka liita Wayo waa Shaqsigii u horeeyey ee Somaliyeed ee Xabashi Soo Galiya Somalia tan iyo Markii ay Dhacday Dawladii Dhexe ee Somalia .
    Bi’idni laaah Dhawaan waan maqli doonaa asagoo Bishaarada Meesha xun ee uu ku danbeeyay naloo sheego .
    Akhzaakalaaaah Fi Daarayn Adiga iyo Faajirka Wajiga MADOW ee la Yidhaah Mr:SHARIIR

  19. Abu Yaasir says:

    ALLAHA WEYN EE QAADIRAKA WAXAAN KA BARYAYNAA INUU DEG DEG U QABTO FIDNA WADAYAASHA CIDA AY DONAAN HA AHAADEENE.

    UMMADA CIDDA MASALAXADEEDA KA SHAQAYNAYSA INUU SOO REEBO INTA KALE DUUFAANTA RAACIYO.

    WAXAAN U DIGAYAA NIMANKA LAGU ADEEGTO EE INTA LA DIRO LA ODHANAYO NINKAASI WAA NAGA SOO HORJEEDAA EE HA LA DILO OGOW NINKA DILKA FULIYAY INUU LEEYAHAY MASUULIYADDA DAMBIGAAS OO AAN LOO RAACAYN KII DIRAY .

    SIDAA AWGEEED XOOLAHA LA DIRTOOW ALLE U NOQDA TOOBADU WAA FURAN TAHAY EE AAKHIRO XASUUTA MAALINTA QIYAAAMAHA XAGEED KA MARI DHIIGA MUSLIM OO AAD BILASH KU DAADISAY .
    MISE KUWA WAXAA SAMAYNAYAA WAA GAALO AAN AAKHIRO INAY JIRTO RUMAYSNAYN?




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sarkaal Dowladda Hoose ka tirsan oo Baydhabo lagu toogtay.
  2. Sarkaal ka tirsan WFP oo la toogtay
  3. Askari ka tirsan ciidamada DFKMG ah oo maanta lagu toogtay Baydhabo
  4. Mas’uul Sare oo ka Tirsan Jabhadda ONLF oo lagu Toogtay Kismaayo
  5. Sarkaal ka mid ahaa Nabad sugida DFKMG oo ka howl gali jiray Afgooye oo is casilay

Latest Headlines