Cumar Xaashi oo Beeniyay in la Weeraray, Qirtayna inuu ka soo Kicitimay Godey kuna sugan yahay Hiiraan

Published on May 29, 2009 by   ·   38 Comments   ·   print

cumar-xaashiCumar Xaashi Aadan oo waraysi siiyay Idaacadda BBC-da lanteeda afka Soomaaliga caawa ayaa ka warbixiyay Safarkiisii Itoobiya ee uu dhulka uga soo ambaxay Magaalada Godey ee Gobolka lagumaysto ee Soomaali galbeed wuxuuna sheegay in uu hadda ku sugan yahay Hiiraan isla markaana uu ka soo tilaabay Xuduudda Gobolka Godey wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay in weerar loo gaystay isaga iyo kollonyadii la socotayba, waxaana ilo madax banaan ay noo xaqiijiyeen in uu Maqribnimadii soo gaaray Feerfeer.

 

Cumar Xaashi ayaa Xaqiijiyay in uu Safar ayaamahan ku joogay Dalka Itoobiya isla markaana ay diyaaradi ka soo qaaday Addis Ababa kuna yimid Godey halkaas oo uu safar dhinaca dhulka ah uga soo ambabaxay wuxuuna yiri “Waan soo maray oo taasi wax qarsoon maaha,.. Shirkii IGAD ee Addis ayaan ka qayb galay kabacdina waxaan diyaarad ku imid Godey halkaas ayaanan ka soo galay Dalka”.

 

Col. Cumar Xaashi ayaa mar wax laga waydiiyay macnaha ay leedahay in uu soo gaaro Gobolka Hiiran asaga oo ka soo galay Dhinaca Itoobiya waxaa uu ku jawaabay “ Waxaad ogtahay hadda Gobolladan waxaa haysta ama dagaal ka wada nimanka nabad diidka ah iyo niman Argagixiso ah, xil ayaana naga saaran in aan ummadda ka badbaadino oo aan dalka ka qabano, marka waxaan halkaan u imid in aan shaqo ka qabto” wuxuuna sheegay in uu dagaal ugu socdo Gobolka Hiiraan waxaana hadalladiisii ka mid ahaa “dagaal la’isu cadaysayaa maasagaa war ka jiraaba sawtay nimanku nabad diideen, soo in lala diriro maaha”.

 

Sidoo kale Cumar Xaashi ayaa amaanay Xiriirka Wanaagsan ee ka dhexeeya DKMG ah iyo Itoobiya wuxuuna tilmaamay in aysan wax colaad ah ka dhaxayn isla markaana la iska iloobay dhamaan wixii laga soo gudbay ee u dhaxeeyay labada dhinac wuxuuna yiri “ Hadde Dawladda Itoobiyana waad ogtahay oo Xiriir Fiican ayaa naga Dhexeeya oo Dawladda Soomaaliyeed iyo Dawladda Itoobiya hadda Colaadu uma dhaxeyso wixii shalay jiray waa laga soo gudbay”.

 

Cumar xaashi ayaa sheegay in ay abaabul ka samaynayan gobolaada intooda badan wuxuuna sheegay in ay hadda ciidamo ka tirsan DKMG ah ku sugan yihiin Dooloow, Ceelbarde, Hiiraan iyo Feerfeer oo ka tirsan dhulka ay gumaysato Itoobiya kuwaas oo uu sheegay in ay u abaabulayaan sidii ay u qaban lahaayeen goobaha ay gacanta ku hayaan Xoogagga Alshabaab iyo Al-Xisbul Islaami wuxuuna tilmaamay in uusan meelna uga socon Gobolladan ilaa uu ka soo guto hawlaha loo igmaday in uu ka fuliyo.

 

Col. Cumar Xaashi ayaa si kulul u hanjabay wuxuuna tilmaamay in ay hadda kow tahay ciyaartuna ay hadda bilaabatay diyaarna ay u yihiin inay dagaal galaan iskana difaacaan Xoogagga uu ku tilmaamay in ay nabad diid yihiin.

 

Ugu danbayntii cumar Xaashi ayaa tilmaamay in hadafki ay u dagaalamayeen oo ahaa in lagu dhaqmo Shareecada Islaamka iyo bixinta ciidamada Itoobiya ay gaareen xilli ay Gobolka Hiiraana meelo ka mid ah ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah isla markaana uu asagu ka soo ambabaxay Degmada Godey.

 

Itoobiya ayaa maleeshiyooyin ka  abaabulaysa deegaanada Dooloow, Ceel Barde, Feerfeer, iyo Galguduud waxaana maleeshiyooyinkas uu Cumar Xaashi ku sheegay in ay yihiin ciidamada DKMG ah ee la rabo inay la dagaalamaan Xoogagga Islaamiyiinta ee sida weyn uga soo horjeeda Itoobiya iyo DKMG ah.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Cumar Xaashi & Kolonyo Itoobiyaan ah oo galbinaysa oo lagu Weeraray Duleedka Godey
  2. Cumar Xaashi oo ku Beeniyay waraysi uu siiyay Somalimirror inuu la dagaalamayo Ciddii u hogaansami wayda Heshiiska Jabuuti
  3. Cumar Xaashi oo Socdaal ku maraya Qeybo ka mid ah G. Hiiraan
  4. Cumar Xaashi oo beeniyay Ciidamo isku dhaf ah oo la sameynayo xilligan
  5. Cumar Xaashi oo ka dhoofay Baladweyne

Readers Comments (38)

  1. Nabadoon says:

    Sujaacdii Awaariyo Afdam ee,sida xun loo laayey

    Saxariiradii naagahaan,weli sasaynaaye

    Saqiir iyo kabiir Ayshacoo,nabad ku soo hoyday

    Sardhaday galeen baad qumbulad,suna ku tuurteene

    Surimada Jigjiga Leegadii,sida xun loo laayey

    Surkaa wada jarteen wiilashii,timaha soohnaaye

    Saqajaanka beeshiyo GURYAHA,socod xumaantiinna

    Nin sidaa ku dhaqanteen ogaa,waa siqsiqayaaye

    Suldad Xabashiyeed nimay heshaa,waa sac kuu taliye

    San-ku-neefle aad shaabahdaa,dunida saarnayne

    Siximaayo axad sheeg is-yidhi,sidaad samayseene.

  2. DucaQabe says:

    Cumar Xaashiyow dufku bax, adigase kulama yaabayo waayo dagaalka aad hurinayso intaad qori qaadato kama soo qayb qaadan doontid waxaanse la yaabanahay ragga aad khaldaysaan oo qadaadiicda gaaladu idin siisay kusoo dabaysaan ee naftooda ku khamaaraya, ogaadase ragga aad u fak-fakanaysaan waa rijaal geerida u jecel ka badan inta aad nafta jeceshehiine bal waaba loo joogi.

  3. okash says:

    cajiib wa ninki shalay dhahayay ethopiya ha lagu jihado’manta wa kasa ethopiyanka so horkacayo marki uu wixi u dhabta u radinayay e aheyd jago u u baqay in ay u soconweyso (munafaqnimada dhabta ah wa taas o kale)maxa yelay marna ha lala jihado marna ha la so kaxeysto wa dhanke qofka mel ad ku tiriso garaneyn hadba mel ka so muqda wa xalka lagu shegay munafiqnimo hooooooog aya u danbeyn wax gul ah oo u garaayo ma jirto insha allaaaaaahu kariiiiiiiim”

  4. Maxamed says:

    ninki rajo ka qabay dawladan bal ha arko mesha ay wax marinayaan c/lahi yusuf maxay ola dirirayen ayaguba wa kuwan wato xabashadiye

  5. qaasim says:

    Waxaan soo xasuustay hadal hada kohor aan ka dawaday tv universal taas oo uu yiri oday axmad diiriye aad baan hadalkaas ula yaabay waxa uu yiri Odaygaasi maantay cadowgii aan mudu dagaalka kula jirnay waanaga baxay ilaah mahadiis laakiin niman yahow guusha yaan ladaadin itoobya iyo cadow kawayn way soo noqoy hadii ninkastaahi xadiis iyo aad khuraan margiga lataago. ilaahay qayr hanoo keeno laakiin weerarkii magaalada jowhar lagu qaaday dadka qaar ayaa ku farxay laakiin aniga oo dowlada shariif taageero u ahayn waan ka yara xumaaday sabab tuna wax kale maahane raga jowhar joogay waxay ahaayeen kuwa muqaawamo muda badana soo halgamay marka taas ragii sameeyay waa yaan mardanbe la’isku soo noqon kaaga darane nin hada kohor gudoomiyaha dagaal kala dhaxeeyay ayay hadana soo cimaamadeen cajiib taas magaran ninkii gartay bal ha’inoo sheegi fadlan.

  6. cumar xaashi says:

    waxaan salaamay umada somaliyeed oo dhan anigoo ah cumar xaashi waxaan u sheegayaa inaan ahay camiil u shaqeeya ethopia kanaxow guul ku farxow naaqus, waxaan idinka codsanayaa somaliyeey ilaahay inaad ii barisaan inuu isoo hanuuniyO WAXAA KALE OON IDIIN SHEEGAA MAANTA ANOO MARAAYO MEEL U DHOW MUSTAXIIL AYAA WAXAA DHAXDA II GAL WIILASHII YARYARAA EE GAALADA NECBAA WAXAA EEY NAGU GARAACEEN RASAAS MEELO BADAN NOOGA IMANEYSAY ANAGA WAXAA NALA SOCDAY WALAALAHAANAGA ETHOPIA, BEEN IDIINMA SHEEGAAYO MEESHA WAXAA KU DHINTAY CIIDAN BADAN OO AXMAARO , WAAN KA NAXAY CIIDANKA KA DHINTAY WALAALAHEN ETHOPIA MAXAAN SAMEEYN KARAA WAX WALBOON SAMEYAY ETHOPI SOMALIA GACANTA WAAN U GALIN WAAYAY MAR WALBA OON DHAHNO HADA AYEEY QABSANAYAAN SOOMALIYA WAXAA KA HOR IMANAAYO WIILAL YARYAR OO WATA MAGACA ALSHABAAB RUNTII WAA NIMAN AAN LA DHAAFI KARIN, WAXAA KALE OON IDIN SHEGAA SADAXDA BILOOD EE SOO SOCOTA BILKA CIYAALKEYGA WAA DIYAAR HADAA ADDIS ABBA LA IGA SOO SIIYAY WAAD OGTIHIIN KIRADA GURYAHA QAAHIRA WAA QAALI ANIGANA SHIID AYAAN AHAY
    WALAALKIIN CUMAR XAASHI
    OO KU SUGAN FERFEER
    XERADA AXMAARADA QEEYBA BARI

    WAXA ISLA JIIFNAA SARKAL MUKANI
    WAA NIN AAD U SHIIR BADAN
    XALAY OO DHAN AYUU KHAMRO CABAAYAY
    WALIGIISNA MA QABEEYSAN WAXAA
    INTAAS KA SIIDAN INJIRTA
    MADIXISA SARAN JIIF
    IYO MA HAAYO

  7. Run-sheeg says:

    Islaamoow xaal qaado! Cumar Xaashi iyo saaxiibadiis uu Shariif kow ka yahay waxay inaleeyihiin waxaan hogaaminaynaa dawlad Islaami ah oo Itoobiya cudud iyo saaxiib u tahay, Amison ciidan u tahay, maraykan iyo beesha caalamkuna ay lacag iyo dhaqaale u yihiin. Raggan habowsan garanayee Soomaalida sidaasi ku taageersan sidee xaqa looga indhasaabay?

  8. Sheik Cali says:

    Dowlada Sheikh shariif waxyaabahan oo kale ayaan ka tageeri wayay bal arag Cumar Xaashi meesha uu joogo iyo waxa uu abaabulayo bal soomaalieey maxay isdhaamaan kuwan iyo kuwii ka tagey meesha Xarakul Alshabaab ayaga weli mowqifkooda iska badelin wadada sax ayay ku taagan yihiin allaha dhowro inta jecel wanaaga iyo Diinta.

  9. cumar xaashi says:

    WAAN IDIN SALAAMAYAA SOMALIYEY ANIGA RUN AYAAN IDIN SHEEGAYAAYE ANIGA IYO SHARIIF, SHARIIF XASSAN IYO DHAMAN RAGAAN AAN ISKULA JIRNO DOWLADA WAX DAN AH OON IDIIN HEEYNO MA JIRTO LAAKIIN WAXAAN LA YAABANAHAY DOQONIMADIINA WALIGIIN IMA BARATAAN MIYAA LAGA SO BILAABO 90 KII ILAA HADA AYAAN AHAY MOORYAAN DANTIINA WALIGIIN KAMA SHAQEYN HADANA MA WADO DOQOMO AYAAD TIHIIN HADAAD ISKA KEEY QABAN WEEYDAAN WADANAKA DHAN WAXAAN GACANTA U GALINAA WALAALAHEEN AXMAARO INJIREEY IDINKANA WAXAAN IDIN QIXINAA DHANKA KEENYA ,ANIGA MAXAA IGA KIIN GALAY CARUURTEEYDA QAARNA WAXAA EEY JOOGAAN QAAHIRA QAARNA WAXAA EEY JOOGAN LODON IDINKA LEE GEEDDAHA HOOSTOODA KU DHIMANAA DOQOMAYAHOW INTAAS WAXAA IIGA SII DARAN MARKAAN ARKO NAAGO II MASHXARADYA OO IMAANAYO RAGOODIINA ANIGA AAN LAAYAY WAXAAN SALAAN GAAR AH HALKAAN UMARINAYAA WALAALAHAY KALA AH CABDI KHEER DIID IDIKU MA TAQAANAAN WAA HALYEEY SIDOO KALE WAXAAN SALAAMAYAA WALAALKAY MAXMED DHEERE OO ASAGANA FARIIN KHAAS LA IIGU SOO DHIIBAY ETHOPIA WAXAA IIGU SOO DHIIBAY MUDANE MALAS ZANAAWI AYAA IIGU SOO DHIIBAY SIDOO KALE SALAAD CALI JEELE OO AYAANTAAN HADALADII AAN KU AQAANAY LA SOO BAXAY INKASTOO UU KHALDAMAY OO SHIRKI KU DHACAY LAAKIN DHIB MALAHOO KUWA DHAGEEYSANAAYAY WAXAAS MABA FAHMAYAAN WAXAA EEY U BADNAAYEEN CAAMO LAAKIIN SHARIIFKA WAXAAN MOODAAYAY NIN WADAAD AH OO DIINTA YAAQAANA MARKA MA WAXAA UU GARAN WAAYAY WAX SHIRKUGU UU YAHAY

  10. abdulahi says:

    insha allah waxaan il aahay ka baryaynaa in odaygan gaalnimada cadaystay ee weliba ku faanaya inuu ku baxo gacanta xaq u dirirka amin. kuwa kale ee xamar ku dhuumanayana sidoo kale ee uu u horeeyo jaajuus shariif iyagana uu allaah ku halaago gacanta xaq u dirirka amin

  11. wadaad yare says:

    somalimirror

    Hadalkeyga calaameysta qof wax ogbaan ahaye. Indhihiina fura(ana nathiirul caryaan)

    Cumar xaashi, sh. shariif iyo dadka aad cadaawadooda ku mashquulka tihiin waa laga khatarsanyahay.

    Ka warama hadaad suureysato nin saaxiib aad tihiin ood ku kalsoontahay, nin kale oo cadaw ahna aad wada raadineysaan, ninkii cadawga ahaa markaad disheen, hadii saaxiibkaa adiga qoriga kugu foorariyo oo ku yiro dhig qoriga?

    Dareen noocee ayaa ku geli lahaa? hadiise adigoo xaalkaas ku sugan oo xaaladaas maleysan waagaa qaba cadawgii aad disheen si lama filaan ah xabad ugu soo rido saaxiibkaa oo doonayey inuu ku dilo? Meeshaasna xabado ay labadoodu isku weydaarsadaan oo aag kala galaan?

    hadey noqoto inaad labadooda mid aaminto keed aamini laheyd? Ma cadawgaagi hore oo hada ku badbaadiyey, mise saaxiibkaagi hore oo hada rabey inuu kaa takhaluso?

    Waxaan hubaa in in daqiiqado gudahood wax kastaa is badali lahaayeen, oo cadawgiina saaxiib noqon lahaa, saaxiibkiina cadaw noqon lahaa.

    Sheekada aad fahmi la,dihiin waa intaas, iskana suga maalinta ay idinku timaado ayaad fahmi doontaan hadaad maanta ka garaabi waydaane.

    Qormadaan yar waxba tir tirid hakula deg degina, waa mid kasoo burqatey qof macluumaad dhab ah haya oon kedsooneyn sida dad badane.

    Waxaan hubo ayaan ka hadlayaa, wakeyguna maahan mala awaal, xisbul islaam waxaa la marsiin doonaa wadadii maxaakiimta la qaadsiiyey.

    Sababta ay shabaab uga adkaadeen islaamiyiinta kale sirteeda ayaan idiin kashifayaa ee ka faa,iideysta makhduuciin ayaad tihiine.

    Sababtu waxey tahay waa nin ghaadir ah iyo nin ku kedsoon oon ka dakano qabin. Mar kasta waxaa nabarka la horeynaa ghaadirka. Adigu kama uruursanid, isaguna wuu iska kaa jiraa had iyo goor.

    maalinta ay idinku timaado arintaasi ayaan idin warsan doonaa inuu Cumar Xaashi u garaabid leeyahay iyo in kale?

  12. Ali Haybe says:

    Soomalidu wayax ku maah-maahdaa HADII AAD RABTO INAAD WAALATO NINKII HORE U WAASHAY AYAA LA WAYDIIYAA WAALIDU WAXAY TAHAY.
    Hadaba waxaan leeyahay Cumar Xaashiyow adeer wadadaa aad hayso kuwii hore u maray halkay ku danbeeyeen waad ogtahay.
    Adiguna wadaday mareen ragii kaa horeeyey ayuunbaad mari isha Alaah.
    Waad ogtahay halkuu C/laahi Yusuf ku danbeeyey, ninkii Amxaaro sokeeye ka dhigtaana taas ayaa u danbaysa.
    Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu sharkiina naga hayo adiga iyo wixii kula midaba
    AMIIN,,,,,,,

  13. c/raxmaan goobe says:

    waa la arki doonaa meesha aad dhaanka ku furta hadii alle yiraahdo waa la ogaa kuwii saan oo kale u caytami jiray meesha ay ku danbeeyeen
    laba wajiile dheh mar itoobiya waa cadaw marna saaxiib walee in aad munaafaqtahay waa ay kaa soo ureysay
    waxay arkaynaa markii amxaaro ku xirto sidii maxamed dheere ka dibna alanbaqo aad ku urto

  14. xiin faniin says:

    cumar xaashi waa laba wajiile aan dad iyo dal midna aqoon diina shaqo ku lahayn, oo murtad ah.

    wuxuu ku danbayn doonaa meeshay mareen walaalihiis, sida HIIRAALE, DABAGEED, C/YUSUF, GEEDI, IYO QAYD AMXAARO (m.dheere. (INSHAALAH)

  15. kaarshe says:

    habaar kugu dhac cumar xaashiyoow adiga iyo dadka kuwata ma xusuusan tahay mudo haatan laga joogao labvasano inaad ku eedaysay cabdilaahi yuusuf inuu xabashi ay ciidan ugu tbababaraysa feer feer iyo mustaxiil hadana ma adiigiibaa jooga oy xabashi ku wadaaa ,dadaoow ma fiiriya soomaali iyo mawqif laanteeda

  16. Hafoow says:

    Wasssalaamu caleykum. salaan ka dib, waxaan ugu bishaareynayaa ummadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah nasri deg-deg ah oo Alle xaggiisa ah. ta kale Alle waxaa uu leeyahay(Walaa tahinuu, walaa taxzanuu wa-antumul aclowna inkuntum Mu’miniin). imtixaannada ku habsaday ummaddeenna waa wax lagu kala saarayo dadka soomaalida ee Muslimka ah. Rag badan oo wadaado iska dhigayey ayaa maanta Alle wuxuu soo saaray waxay qarsanayeen oo aad arkeysaan in ay dareen kuwii aanu hore ula dagaalameynayey.
    Wassalaamu calaa manitabacal huddaa.

  17. Nin Rag ah says:

    Dhuusa weyne Cumar Xaashi maxay Ethiopianku kusoo gelbiyeen haddii aad nin rag ah tahay oo aad wax isku haysid.

    Ciidamadaan u sheegayaa waa copy amxaaro kale, wax kale ma aha!!!!

  18. ducaysane says:

    ilaahay waxaan kabaryaynaa in shartiisa uu musilimiinta ka celiyo,mooryaankan,qabqablahan,dagaal oogaha ah,

  19. salaad says:

    sharkooda iyo shirqoolka ay maleegayaan,dib ilaahay ha,ugu celiyo

  20. Maxamed Cabaas says:

    2008 ayaa BBC-laanta Af-Soomaaliga dood u qabatay Col.Cumar Xaashi iyo Azhari oo ahaa lataliyaha C/llaahi Yusuf. Col.Cumar Xaashi waxa uu ku nuux-nuuxsaday in ay waajib tahay in C/llaahi Yusuf iyo dawladiisa lala dagaalamo maadaama C/llaahi Yusuf uu taageero military ka helaayo Ethiopia oo ah cadaw Soomaaliyeed.

    Faalada waxaan u dhaafayaa aqristayaasha Soomaaliyeed ee damiirka leh.

  21. faysal says:

    cumar xaashi wuxuu ahaa ninkii somali ahaa ee ugu horeya ee qabqable dagaal ka noqda somalia,kadib dawladii siyaad barre,waxaa kale oo uu ahaa ninkii ugu horeyay ee ethiopia hub kasoo qaatay sagaashameeyadii

  22. xaliimo says:

    waa wax lalayaabaa ragii lahaa ethiopia ayaan ladagaalnay oo anagaa dalka ka xoraynay in maanta ay dalka kusoo hogaamiyaan,

  23. muda jama says:

    runtii waxaa wax lala yaabo ah ninkii shalay dhihijiray ethiopia ayaan la dagaalamaynaah waana cadowga somaliyed, inuu maanta kulaabto cadowguu shalay la daagalamayay waana hadalada ama waxyaalaha lagu garto munaafaqa, laakiinse waxaan haysanaah mujaahidiin diyaar u ah inay gacmaga gooyaan codowga umada somaliyed halgu arko dheh jaajuus.

  24. Awliyo says:

    SOOMALIDA MEEL AY U SOCOTO WALI WAA LA GARAN LA’YAHAY, DAD AAN DOWLAD RABIN REER MUQDISHO AYAA QAATEY KOOBKII WAR DAWLADA HALEYSKA RAACO WIXII QALDAN WADA HADAL HA LAGU DHAMEEYO HADII KALE AFGAANISTAAN HALKII AY KU DANBEYSEY WAAD OGTIHIIN , SOOMAALI WAA WADA MUSLIN CID DIINTA DADKA BAREYSAA MA JIRTO EE ILLAHEY HA LAGA CABSADO SIYAASADA IYO DIINTA YAANAN LEYSKU QALDIN

  25. Abuc/lla says:

    Ninkasta oo shegto dowlad fadaraal ah maxey itobiya u guursataa shalay waxa ow lahaa markii ow joogay eretariya waa cadaw dalka qabsaday oo waa in laga xureeyaa mantana afkii ow shalay kuweerarayay mantana maku amaanayaa insha alah gacanta mujaahidiinta ayaa ilaah ku duleeyn

  26. Wardi maxamd says:

    alow adigaa u jeda waxii qaldan ee naga qabo amin

  27. axmed muxumed geedi says:

    waa yaab oo waa yaab shareeco ayaan wax kuxukumaa itoobiyana waa wataa raali ayeyna iigatahay [dabaalka xataa kaa aqrisamaa]markaasuu dadka waxa uugu shekeynayaa itoobiya saaxiba ayaan nahay wixii hore waa la iloobay hada dhaw ayey dalka kabaxday waxa ay u geysatay bulshada soomaaliyeed 10 sano xataa kama kabsa karto oocunuga lix jirkaa xataa qalbiga ayuu kuhayaa .
    waxaas oo dhan asiga kuma dhicin waxa uuna kadoorsaday lacag iyo jago in uu markale kusoo hogaamiyo ilee waa dameer
    waxa aad ogtihiin waa ninkii ugu hereeyey ee soomaaliya soogaliyay itoobiya taariiqda dib ugu noqda waxa uuna heystaa baasaboor itoobiyaan ah waligiisna waa uu kusari jiray
    ninkaas gaalo ayaa adeegsatay wuxuuna madax uyahay argigixiso ladagaalanka suufiyada

  28. Abdullah says:

    La yaab maleh, kuwii ka horreeyey waxay dhihi jireen, Ethopia waa dal iyo dad cusub, wixii horana xalay-dhalay ayaa laga noqday.

  29. beerlula says:

    alaahu akbar nin waalan hadalkii waaye ninkii itoobiye ay ka harsan weyday weeyaan midka maanta ku faanaayo itoobiya,
    itoobiyana waa ay ogtahay raga ay ka harsan weyday oo isticmaalayay hadalo gumeysi ah soomaaliyeey ma waxay idinla tahay in ay axsaan u sameyneyso waxaa la arki doonaa doqonka cumar xaashi ah isaga lugaha taagaayo wax meydkiisana qaado la waayo insha alaah

  30. sh.c says:

    Salaama caleekum!
    Ilaahey xaqa ma khariyo oo si kasta hadii loo
    Duugo ama la khariyo, xaqiiqada waad ujeedaan
    ninkaan hebel xaashi woxoo markiisii hore dhihi jiray iyo hadeer mowqifkiisa xaga SHAREECADA ISLAAMKA kataagan yahay!shriifka waa beentiis oo xukuumada ey wataan waa tii Cabdul/zinaawi oo la magac baxday AHLULSUNNAH WALJAMAACA si loo maan dooriyo masaakiin 20 sano dhiigooda iyo dhuuxooda[sharata dhulkooda iyo sharafta cibaadadooda]larabo in la badalo ,waad maqasheen nin wadaad isku sheegi jiray oo mar waba ka hadlo TVga Universal ee soomaaliga naaneestii[heykal]isagaa baxsaday, ooyiri habeen hore isaga iyo qolo sharci doon eh, waxey dheheen [shacabka soomaaliya oodhan ha isku duubmo oo hala dagaalamo kitaabka Ilaahey talana hala weydiisto IGAD iyo Qaramadacadawadailaahey iyo Itoopiya waa walaalaheen!!]marka maahmaah waxaa la yiri[dameerka usha dhiniciisaa lugu dhuftaa haduu fahmi waayana dushaa laga saaraa!]waad ujeedaan in Itoopiya ey wiji kale latimid oodheeshii cabdul/zinawi ka gedisa oo loogu magac daray[Ahlulsunna waljamaaca]oo shreecadoodu dhigeyso khamriga iyo xaaraanta sax ineey tahay Salaadana iyoshareecada dhabta eh ee Islaamka ey mamnuucayaan.nin kuu digayna kuma dilin!!!
    wabilaahil towfiiq!!!!

  31. abu_cizah says:

    KKKKKKKKKKKKKKKK NINKAAN BAL EEGA MAANTA MAHA INUU ETHIOPIA XABSHAD HOSTA KA GALO LAKIN KOL HOREB WAXUU HAA XABASHI INTA U LA HL MAAO ISAA AAH WAXUU TUS DONA AIDA MUNAFIQIINTA U UCADAABO ILAAH IDINKI DHAGARTUU WADO WAXBA TARI MAYSO

  32. Nabadoon says:

    Wadaad yare horta Caqligaada iyo cilmigaada iyo taxcliilkaada waxaad ula wecatay wax aad aan u fiicnayn oo waan ogsoonahay Waana Xamiyyo Qabiil oo Reer Xaaji Saleebaan oo aad ka dhalatay Sidaad ayaan sii horeysay Qoraalkaada ku sheegtay ayaa ku jiitay oo hadda Dagaaladii hore wax yar ka hor Ballan ku qaaday in ay Madaxa Saaranayaan Mashruuca DKMG ah ee Reer Galbeedku iyo Gaalada Cad, Midda Madow wataan.
    Waax kula gar naqsan lahaa haddii Aragtidaadu Ciddiyaha Hoostooda ka Shishayso Balse meel hoose ayaad u janjeersatay.
    markaan sidaas leeyahay Reer X.Saleebaan wax kama sheegayo balse waan amaanayaay Ummadaas Soomaaliyeed ee Xalaasha ah in kasto oo intooda Muuqata ee Masraxa Siyaasadda ku jirta ay Go’aansadeen Teegeerada Mashruucan laga soo abaabulo Bantagonka iyo Xarunta Naato iyo itoobiya.

    waxaan kugula talinayaa aayadii eebe ee ahayn ??? ??????? ????? ??? ??? ???? ?????
    waad mahadsan tahay i cafi haddii aan kugu xad gudbay

  33. wadaad yare says:

    Nabadoon qabiil adigaa ka hadlaya waana kugu kaligaa, nin kasta meesha bugtaa isagey bal beshaa, alle haku caafiyo.

    Hadaadse moodo inaad fikir caafimaad qaba ku shaqeyneyso wax badan baa kaa qaldan.

    Meeshaan waxey u xirantahay dad aad xag jir u ah oon arkin(illaa maa ushriba fii hawaahu). Wixii qalbigooda la cabsiiyey oo hawadooda ah unbey taageerayaan.

    Anigu waan ku fahamsanahay oo waxaad taageersantahay xisbul islaam asbaabo daa,ifi ah ama nin horjoogeyaasha ka mid ah ayaad isku qabiil tihiin.

    Laakiin xisbul islaam hadaad tahay inaad wal washo ayaa kula gudboon wallaahi.

    Qolada webka leh hadey ogolyihiin waxaan cadeyn lahaa in qolada meesha ugu talada xun ay yihiin iyaga.

    meeshaana qabiil ma yaallee qadiyad ayaa lagu kala tegey stay tuned.

  34. Nabadoon says:

    To: wadaad Yare SXB waan kuu qirsanahay in ad Nin Muxallil ah tahay oo aad in badan dhaanto balse Qaabka aad hadda u adeegsanayso ayaan i qancin shaqsiyan aniga oo eegaya Maslaxadda Umadda.
    Waxaad sheegtay in aad Qadiyad Difaacayso waxaana muuqata in Maanta Dagaalkaadu uu hal meel ah ku jihaysan yahay oo Gaalo oo idil Maraykan, Yurub, Yuhuud, Itoobiya iyo dhamaan Milalka Kufrigu Mashruucan ay cirka u Watan ayaad Cabsan tahay. waa taxliil siyaasi ah oo Wacan haddii aad dhaleecayso Alshabaab ama koxo kale adiga oo taabanaya Dulduleelo ay leeyihiin bil matal, Siyaasad Waaqica waafaqsan oo ummadda badbaado u noqon karta kama muuqato waad dhihi kartaa, Aragti dheer oo ay ku odorosaan Doorsoomayaasha jira waad dhihi kartaa, laakiin tasi Walaaga inta ayaga ka qaado Katolic iyo Artodhokix Yuhuud iyo wixii la halmalo siin mayso adigu Waxaa ereyadaada ka mid ah Gaalada ayaa noo dhaanta halkaas ayayna tahay Muftaraqu Duruq.
    ilaahay inta ka cabsatid ragaan akhdaa way leeyihiin laakiin “Walfitnatu Akbaru min Alqatl” ogow dad muslim ah iyo Gaalo ayaad kala dooratay waxaan ka wadaa gaalada kuwa Maraykanku aabaha u yahay itoobiyana ugu yartahay ee uma jeedo DKMG ah.
    DKMG ah waxaa muuqata in ay Niman dhabarka laga saaran yahay o kuwa aan kor ku soo sheegnay ay wataan.
    makula tahay golaha amaanka, M.Afrika IGAD in ay wadaan danaha ummadda soomaaliyeed kalla.
    bal walal dib ugu labo xisaabaadkaada.
    aad ayaan taxaaliishada u jeclaa laakin ayaantan niman ilaahay yiri naca ayaad dhahdaa waa walaalo noo roon( Gaalada).
    waxaan xusuustaa adiga oo markii la waday sh.riif sii odorosa waxa laga damacsan yahay waxayna xilligaas ahayd markii IGAD Nairobi ku shiriaysay oo DKMG halkaas la’isugu geeyay waxaadna lahayd sh.shariif haddii arrintaasu dhacdo waa khaa’in.
    Xagee kugu tirinaa Ma safka “Yaa Ayuhalladiina AAmanuu mise kan……..”‘
    Cafwan haddii aan talax tagay

  35. rabiic says:

    shabaab iyo xisbul islaam waa laga takhalusi doonaa hadii qorshahayagu hirgalo waayo waxa na garab taagan quwada Aduunka ugu wayn Maraykan iyo Quwada ugu wayn gobolka oo ah Itoobiya iyo Quwada ugu wayn Soomaliya oo Qabiilada gaar ahaan in badan oo ka midaga habar gidir iyo abgaal waxa intaa noo dheer jamaacada ugu badan wadaada oo ah Suufiya markaa yaa iska celin kara
    maraykan+Iytoobiya+Qabiil+Suufiya +Dawlad sharciya waxaan filayaa waxay naga adkaan karaanuun haday ilaahay garab ka helaan

  36. wadaad yare says:

    nabadoon

    Walaal doorsoomayaasha(al mutaghayitaat) jira ayaa qofka ku keenaya inuu is badalo.

    Kaarka gaal iyo muslim si xun oo ka bad badis ah ayaa loo isticmaaley, laakiin nin wax fahmaya ayaad tahaye nin ku dilaya oo xabad kuu heysta gar daraa oo muslimna kula ah, hadaad ku dacweyso ma walaagii ayaad uga baxeysaa?

    Nimankaan argagixisada caalamigaa oo is baheystey oo ifsaadka iyo takhriibku manhajka u yahay hadaan colowney, cidii aan hub iyo taageero ka helayo kama qaadan kartid hadaad tiraahdo quraan ka sokow caqliga saliimkaa ayaa diidaya.

    Xanuunka uu leeyahay baqyigu ayaan weli ku taabane markii uu kusoo taabto ayaan sugeynaa.

  37. MUHU MIHI MAAHA says:

    ASCW

    DAGAALAKA UU ABAABULHAYO KOREYLKA WAA MID SAX AH SABABTOO AH SHABAKA IYO XISBUL ISLAAM WEYDIIDEEN IN AY WADAXAAJOOD LAGALAAN DOWLADA
    WAXAA KALE OO AYDALKA KEENEEN DAD AJNABI AH OO AY SOOGALIYEEN DALKA TAASOO QATAR KU AH DHAMAAN SOOMALIDA DADKA AJNABIGA AH EE KADAAALAMAYA SOMALIA DHINACA KOOFUREED DADBADANI WAXAY ISWEYDIINAYAAN SABABTA AJNABI UU UGADAGALAMYO SOOMALIA? WAXAA LAGUQIYAASAY DADKA AJNABIGA AH EE KADAGAALAMAYA SOMALIA IN GAADHAYAN 5000,WAA MAXAY SABABTU?WAXUU ARINKU GAADHAY IN SOMALAIA MAANTA LADOONAYO IN LAGADHIGO MEEL FOWDO AH OO DAGAAL IYO JIHAAD AANJIRIN UUN UTAAGAN MARKA WAXAY ILATAHAY SOMALIA SOOMALIBAALE TANKALE SHACABKA MAXAMILIKARAYAAN DAGAAL AANLAGARANEYNIN WAQTI UU SOOGABA GABOOBAAYO TUSAALE AHAAN HADII DAGAALKAN IYO DHIBAATADU SIISOCTO 30 MAXAA KAHARI DALKA IYO DADKA SOMALIYEED TANKALE MARKA AAD EEGTO DADKA KUNOOL DIBADAHA GAAR AHAAN WADAMADA GALBEDKA YURUB AMA WAYOOYIGA MAREYKANKA EE U BADAN XASASKA BALKAWARAMA HADII AY CARUURTOODU KUDHALATAA GOBOLADA AAN SOOSHEEGAY AY KUSII NOOLAADAN 30 SANO EE HORLEH MAXAY ISBADAL AH AYAA KU IMAANKARA WIILKA IYO GABADHA SOOMAALIYEED EE KUDHASHAY KUNA BARBAARAY DHULYOOGAA WAXAA DHICIKARTA ABIHII IYO HOOYDII TARBIYADA DHAQNKA IYO DIINTA SUUBANI KUBARBAARIYAY IMUSUUJIRAA MAANTA TANKALE CARUURTII JIILKALE AYEY SII DHALEEN FARACA 1AAD WAXAA DHICIKARTA IN WAILDKOODII DIINTA LAGUSOOTARBIYADEEYAY IN AY BADBAADIYAAN LAKIN KUWAAN KUWA AY SIIDHALI DOONAAN 30 SANO KADIB MAXAY KUDAMBEYN DOONTAA CARUURTAAS DHAQANKOODII IYO DIINTOODII WAXAY ILATAHAY BADBAADADU WAXAY KUJIRTAA IN LATAAGEERO DMQ SABATU WAXAY TAHAY CARURTA WAY KUBADBAADI KARAAN WADANKOODII DHAQAN AHAAN IYO DIIN AHAAN WAXAY ILATAHAY HADII DHIBATADU SIISOCTO 25 SANO OO KALE ISLAMARKAANA QANDARAAS LAGASOOQATO MEELO KALE TAASI WAXAY QATAR KUTAHAY DHAMAAN SOOMALIDA DHAQAN AHAAN IYO DIIN AHAAN ASCW

  38. Miska wadahadalka imow says:

    ASC

    Shariif iyo saaxiibadiisa dawlad hore empgaati lagu soo dhoodhoobay ayey ku darsameen. Maantana waa tan cilmaaniyiintii madaxa lasoo baxay oo kuwii in yar diin ku dambeysay ay meesha ka baxeen, oo warkoodi la la’yahay. Cumar Xaashi markii hore barlamaan cilmaani ayuu ku jiray, oo markii boos uu waayey ka carooday cabdimeles. Ma ahayn nin diin shaqo ku leh. Waa cilmaani kheyr laawe ah. Meel alle meeshii diin lagula dagaalamayo ayuu ku jiraa. Saaxiibkiisa shariif waa sidaasoo kale. Si kursi beenaadka uu u difaaco, meeshay la gasho ayuu la galaa. Alaahuma laa tajcalid dunyaa akbara hamminaa waa mablaqa cilminaa.WSC




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Cumar Xaashi & Kolonyo Itoobiyaan ah oo galbinaysa oo lagu Weeraray Duleedka Godey
  2. Cumar Xaashi oo ku Beeniyay waraysi uu siiyay Somalimirror inuu la dagaalamayo Ciddii u hogaansami wayda Heshiiska Jabuuti
  3. Cumar Xaashi oo Socdaal ku maraya Qeybo ka mid ah G. Hiiraan
  4. Cumar Xaashi oo beeniyay Ciidamo isku dhaf ah oo la sameynayo xilligan
  5. Cumar Xaashi oo ka dhoofay Baladweyne

Latest Headlines