Odayaasha Degmada Dharkeynlay oo Ciidamo isku hor fadhiyaan ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii labada ciidan loo kala qaadi lahaa. Maxamed C/raxmaan oo ka mid ah Odayaasha Degmada Dharkeynlay ayaa sheegay inay kulamoo kala duwan la yeesheen Saraakiisha labada dhinac kala wadata.
Waxa kale oo uu intaa ku darey inaaney jirin jawaab rasmi ah oo labada dhinac ka heleen balse ay qabaan rajo ku aadan in labada dhinac kulamo kale la qaataan.
Oday Maxamed waxa kale oo uu sheegay in arintaa ay u saareen Gudi labada dhinacba kulamo la yeesha oo kala xaajooda sidii labada ciidan Xaafada looga kor qaadi lahaa, dhinac wablana uu fariisimadiisii hore dib ugu laaban lahaa.
Wuxuu intaa ku darey in wixii ka danbeeyay markii ciidamadaas la soo dul dajiyay ay saameyn ku yeesheen dadka deegaanka, qaar badan oo ka mid ah dadkuna ay xaafadaha ka qaxeen, sidoo kalena ay la soo gudboonaatay cabsi xagga amaanka ah.
Goobaha sida aadka ah looga barakacayo ayuu ku sheegay Degmada Dharkeynlay iyo qeybo ka mid ah Degmada Madiina.
Degmooyinkan hadda ciidamadu isku hor fadhiyaan ah waa kuwa dadkii kale ee ka soo qaxey degmooyinka ee Gobolka Banaadir u qaxeen.

Related posts:
Gaalo Siday rabtay ahaa…
Abooyaalo, Duqii C/laahi Yusuf ahaa xagee ku danbeeyey, kaas ayaaba dhaamay, Way, Way, Way, War duqii C/lahiahaa ha la raadiyo>>
War Duqii C/qaasim ahaa Xamar Maxuu uga cararay, Markii C/laahi yusuf joogay, waa uu joogi jiray….
Ninkaasi waa Khabiir, waayo waxaa uu dareensanaa in c/laahi yusuf, ay ka danbeeyaan kuwo shaati huwan..
Dadka Degmada DHarkaynley degan allaha ka dul qaado dhibka lala dulyimid…
dadka dhibataysan ilahay haka dul qaado dhibka reer madiino ilahay waxaan uga baryaa inuu ka qaado culayska saran insha alaah ilahay umadiisa faxdi ha ufuro amiiin amiin amiin
waw aniga ahaan c.laahi is casil kadib nabada iyo farxad aragnay lakin meshan ka sugeynayay so dhaweynta shacabka waxa shacablki lahuwiyay hub aan lo mel dayin…wagi isticmarka .ninba ku jiray mujahidinta kadib bu ku biray nimanki kale marakasuu soo is tagay mel fagara dadki ba yiri alahau akbar waxa uu yir alahu akbartaba ana idin baray . shekaad hada waxan ku kenay .. shababka iyo xizbiga waxa ey taganyihin sharifka anaga idin barnay lakin ebeow anago nabada arligo nabada somalonabada ……. bye
A/S
C/laahi yusuf ma fiicnayn cilmaani dantiis iyo dan shisheeye u adeega ayuu ahaa, kuwuu ka tagay iyo kuwa ku biirayba waa sidoo kale
kuwii shalay cadawga kasoo hor jeeday ooisku mawqifka ahaa waa kuwan iska soo hor jeestay ALLAHA tawfiiqda waa fajiyo insha,allaah
A/S
waxan layabanahay Ninka Islaam sheeganaya ee hadana qof islaama oo Ashahaada ku sheegaaya Gaal waar kitaabka quraanka kariimka ah dib ugu laabta oo illahay kacabsada
Dadka reer madiino waa dad karti leh xulufo ku duusho waligod uma liicin o wey iska celin jiren horaba dulmilowgii(caaydiid )aya isbaheysi layimid jab badan kadib daba dhilifki watagay caadiid na waxa lagu qarijiyay madino hadane kuwan juboyinka &bay&bakol laga kenay wa ku daba jiran xasan dahirna wa lagow racay
Dowlada midnimada qaran cuna qabatentii watan laga qaaday hadane dowladu waxa sogartay lacag dhan (65milyan o dolar)dowladne waxey lagtas &cuna qabatenta laga qaday darted ayey hub u so iibsaneysa gor dhaw dowladu wadanko dhan ayey qaban donta insha,alah bebeyal karayal madaficda gobta intaba wey so wadan
waxaan tusaala u so jedinayaa walalaha qora website kan: waxaad dhehdaan qoraalkan intiisa dambe ” Goobaha sida aadka ah looga barakacayo ayuu ku sheegay Degmada Dharkeynlay iyo qeybo ka mid ah Degmada Madiina.
waxaan rabayu inaan cadeeyo in madiin laysku yiraahdo dharkenley iyo wadajir, marka ma garan krao waxaa ula jeedaan hadalkaa!!!!
wax aan la talinayaa kuwa muqaawadad in ay ka noqdaanada madiino, deeganaas si ay u badbadaan dadka deegaanka iyo soo barakacayaasha.
odayaasha alle guul ha siiyo.