Difaaca Culumada Waa Muhiim
الحمد لله حمدا كثيرا مباركا فيه كما يحب ربنا ويرضى، وأصلي وأسلم على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين.
أما بعد:
Waxaa baryahan dambe soo if baxaya in ay badatay Af-lagaadada iyo been abuurka lagu samaynayo Culumada Soomaliyeed iyadoo la rabo in lagu dhimo Sharaftooda iyo Booska ay ku leeyihiin Bulshada Soomaaliyeed. Waxaa lagu yaqaanaa Dadka Munaafiqiinta iyo Calmaaniyiintaba in ay had goor duraan Culumada Muslimiinta iyagoo waliba ka xun khayrka ay wadaan.
Waxaa Webebka Soomaalida qayb ka mid ah lagu soo qoray been abuurayo lagu been abuurtay culumada sida Sh. Cali Warsame, Sh. C/qadir Nuur Faarax, Sh. Axmed Daahir iyo culumo kaleba.
ورحم الله ابن عساكر حين قال: “اعلم يا أخي -وفقني الله وإياك لمرضاته، وجعلني وإياك ممن يخشاه ويتقيه حق تقاته- أن لحوم العلماء مسمومة، وعادة الله في هتك أستار منتقصهم معلومة، وأن من أطلق لسانه في العلماء بالثلب؛ بلاه الله قبل موته بموت القلب”، (فَلْيَحْذَرِ الَّذِينَ يُخَالِفُونَ عَنْ أَمْرِهِ أَنْ تُصِيبَهُمْ فِتْنَةٌ أَوْ يُصِيبَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ)( ).
Ibnu Casaakir Ilaah ha u naxariistee wuxuu yiri ogow in Culumada oo lagu afxumaadaa ayan wanaagsanayn Ilaahay subxaanahau watacaalaa uu ka goynayo qof kasta oo wax ka sheega, qofkii wax ka sheegana ilaahay ku imtixaamayo qalbigiisa oo dhinta inta aanu geeriyoon. Ka dibna wuxuu daliishaday aayad quraan ah.
Waxaa haboon in aan wax ka tilmaamno nusuusta tusaysa makaanada iyo booska ay Culumadu Ilaahay agtiisa ku leeyihiin si ay uga waantoobaan dadka qalbigoodu jiran yahay wax xun ka sheega iyo been abuurka Culumada.
قال الله -تعالى-: (هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لا يَعْلَمُونَ)
Ilaahay wuxuu yiri:miyey siman yiniin culumada ilaahay ka baqaysa, ilahayna adeecay oo ku dhaqmay wixii allaah faray dadkana u gudbiyey iyo kuwa aan ilahay aqoon.
ويقول -سبحانه-: (إِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ)( )
Wuxuu kale oo ilahay subxaanahu watacaale yiri: ilaahay waxa ka baqa adoomadiisa aqoonta u leh, wuxuu imaamu Dabari yiri markuu sharxayey aayadaan: waxaa ilaahay ka baqa oo ciqaabtiisana iska ilaaliya culumada, maxaa yeelay qofkii og in la ciqaabayo hadii uu dambi la yimaado ayaa ka ka cabsada Ilaahay, wuxuu imam Dabari soo arooriyey Athar laga warinayo inb Cabas uu ku sharaxayo aayaddaan wuxuu yiri aayadda macnaheedu waa kuwa og in ilaahay wax kasta awoodo ayaa ilaah ka cabsada.
(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنْكُمْ).
Kuwa ilaahay imaankiisa laga helayow adeeca ilaahay iyo rasuulkiisa iyo kuwa talada idiin haya. Waxay culumadu ku macneeyeen ulul amri inay yihiin madaxda muslimiinta iyo culumada dadka diinta barta kuna dhaqma. Aayadaani waxay ina tusaysaa booska ay culumadu ku leeyihiin ilaahay agtiisa maxaa yeelay ilaahy ayaaba na amraya inaan adeecno iskaba daa inaan been ku abuurano.
وروى أبو الدرداء عن النبي ” فضل العالم على العابد كفضل القمر على سائر الكواكب ليلة البدر، العلماء هم ورثة الأنبياء، إن الأنبياء لم يورثوا دينارا ولا درهما، إنما ورثوا العلم، فمن أخذ به، فقد أخذ بحظ وافر”( ).
Xadiiskaan nabigu nabad gelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri fadliga uu caalimka(culumada) dheer yahay caabidka waxay la ka mid yihiin sidii dayax afar iyo tobnaad iyo xidigaha, culumadu waxay kuwa dhaxlay nabiyada, nabiyadana laga dhaxlin maal iyo lacag ee waxaa laga dhaxlay cilmi, cidii wax ka heshay waxay heshay nasiib badan.
وروى البخاري ومسلم عن معاوية عن النبي أنه قال: ” من يرد الله به خيرا يفقهه في الدين ” قال ابن المنير -كما يذكر ابن حجر-: “من لم يفقهه الله في الدين فلم يرد به خيرا”.
Sida Bukhaari iyo Muslim ka wariyeen mucaawiye (rc) oo Nabiga nabad gelyo korkiisa ha ahaatee ka wariyey inuu yiri: qofkii ilaahay khayr la doono diintuu fahansiiyaa, markaa inbu xajar ku daray qofkii aan ilaahay khayr la doonin diinta ma fahamsiiyo.
ومن عقيدة أهل السنة والجماعة – كما يقول الشيخ عبد الرحمن بن سعدي -رحمه الله-: “أنهم يدينون الله باحترام العلماء الهداة”،
Cabdiraxmaan Ibnu Sacad ayaa wuxuu sheegay caqiidad ahlu sunaha inay ka mid tahay in waxyaalaha ay dadku ilahay uga diin dhiganayaa oo ilaahay ugu dhowaanayaan ay ka mid tahay ixtiraamka iyo ka dambaynta iyo xaq dhowka culumada umada xaqa u sheegta.
قال الحسن: “كانوا يقولون: موت العالم ثلمة في الإسلام لا يسدها شيء ما اختلف الليل والنهار”.
Xasanul Basri oo ka mid ahaa Culumada taabiciinta ayaa wuxuu yiri: qof culumo ah oo dhinta waa dalool soo gaaray islaamka, wax dabooli karaana ma jiraan inta aduunku jiro.
وقال الأوزاعي: “الناس عندنا أهل العلم، ومن سواهم فلا شيء”.
Imam Awzaaci wuxuu yiri; dad waxaa ah hagaayaga culumada wixii ka soo haray wax ku tirsi ma leh.
Dhibta Culumada iyo Ciqaabteeda.
Nusuusta na tusaysa khatarta ay leedahay in la dhibo culumada waxaa ka mid ah
ما رواه البخاري عن أبي هريرة قال: قال رسول الله ” قال الله -عز وجل في الحديث القدسي-: من عادى لي وليا فقد آذنته بالحرب “.
Xadiis qudsi wuxuu ilaahay subxaanahu wa tacaalaa ku yiri qofkii la colaytama wali aan leeyahay waxaan Ogaysiiyey inaan dagaal la galayo.
روى الخطيب البغدادي عن أبي حنيفة والشافعي -رحمهما الله- أنهما قالا: “إن لم يكن الفقهاء أولياء الله، فليس لله ولي”.
Khadiibu Baqdaadi wuxuu ka soo gudbinayaa in Abuu Xaniif iyo Shaafici ay yiraahdeen haddii aanay Culumadu ahayn awliyadii ilaahay, ilaahay ma laha wali kale.
وقال ابن عباس -رضي الله عنهما-: ” من آذى فقيها فقد آذى رسول الله ومن آذى رسول الله فقد آذى الله “.
Wuxuu Cabdilaahi Ibnu Cabaas yiri: qofki dhiba culumada waa qof dhibay nabigii, qof dhiba nabigana waa qof ilaahay dhibay.
Sababah keena in Culumada la xumeeyo.
Waxaa jira sababo badan oo keena in culumada la afla gaadheeyo ama lagu been abuurto, waxaa ka mid ah sababahaas:-
1) Xaasidnimo: qofka culumad wax ka sheegayaa waxaa laga yaabaa inay ugaysay xaasidnimo uu ku xastayo nimcada uu ilaahay siiyey culumad, nimcooyinkaas waxaa ka mid cilmiga iyo tusida xaqa. Qofka qalbiguusi jiran yahay markuu arko arimahaas wuxuu bilaabaya xaasidnimo.
2) Nifaaq iyo Xaq-diidnimo: qofka oo sheegta iyo islaam yahay calooshana ku qarsanaya nifaaq iyo qofka oo xaqa culumada wadaan u arka mid ka hor imaanaya mawqifkiisa ayaa ka mid wax yaalaha qofka u keena inuu culumada ku been abuurto.
4) Tacasub: qofka oo u tacasubaya ama ku xiran koox ama qabiil oo ku kalifaysa inuu necbaada qofkasta oo ka fikrad duwan.
Qofkii u baahan ogaado tafaasil intaa dheer ha ka raadso kutubta culumadu ay qoreen sida kitaabka ibnu taymiya uu magaciisu yahay RAFCU MALAAM CANIL A’IMATIL ACLAAM.
رفع الملام عن الأئمة الأعلا
W/Q: C/qani Qardhaawi
qardhaawi@yahoo.com
www.qardhaawi.com
Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku xasiixan.

Related posts:
haddii qoskii qof caadi ah oo wax laga sheegayo
difaaca uu ajarweyn mutaysanayo,sow khayr
intaa kabadan uma rajeyneyno qofkii culimada
difaaca.
jasaa kallaahu khaarr culimada hala difaaco waadiin in culimada ladifaaco
CULIMADU WAA INDHAHA DADKA IYO UMAA WAA KUWA INA BARAY SIDAAN ILAAHAY U CAABUILAYAHAYN MARKAA WAXAY INOO HAYAAN LAMABA KOOBI KARO WAA CIDA UU DARTOOD ILAAHAY INOODHAAFAY HALAAG DIFAACOOGUNA WAA MUQADAS ILAA LOODHINTO
waryaa ma ilawday inay jiraan culimaa u suu oo ah ku ugu naar kulul ani hada dhihi mayao culimadeenu waa kuwaas lakin waxa ay ku jiraan wax fiican maaha jihaadka ayey kasoo horjeedaan wayna baqaan dana gaara ayey fiiriyaan xaqiiqda hadaan idiin sheego culimada saxda ahi maanata waa 3 mid ku jira xabsi mid ku jira qabri oo dhintay iyo midka kujira god o jihaadaya hdalkiisana laga ilaaliyo saxaafada in laga maqlo nimankaas ayaa culimo ii ah lakin iima culimo nin markii jihaadka lagula jiray itoobiya yiri waa fitno waa daalim daalim dilaya jihaad maaha ninka yiri oo wili ku adkaysanaya kaas culimo iima aha waxaase kaaga daran waxaas oo dhan in ay ku shireen jabuuti oo ah xarunta ashahaado ladirirka oo ay joogaan ciidamo maraykan ah oo lookeenay inay laayaan cidii asal raac ah yacnii qofkii diintiisa ku ad adag…
Walaal jazaaka allaah kahyr waa kalimad aad u toosan inshaa allaah , waxaana is leeyahay dhibka maanta umada haysta badanki waxaa sabab u ah xurma darada lagula kacayo culimada waadna dariimi kartaa meel kasta oo aad tagto in hilibka culimadu yahay mid ugu macaan.
waxaan ka codsan lahaa qoraha meesha lagu qoran aflagaadadaas in uu noo sheego si aan ugu yaraan u ogaano , ilayn inaan goyno xitaa waa meesha ugu yar iimaanka
shukran
XAMZOW, CULIMADU JIHAADKA IYADAA KAA TAQAAN, SADEXDA AAD SHEEGTAYNA CULIMADA ILAHAY KUMA QAYDIN ADUUNKOODHAN KULIMAA JOOGTA XATAA DHULKA GAALADU KA TALISO, LAAKIIN WAXAA KAA MAQAN INAAD FAHTO INAAD DIINTII OO DHAN KA SOO QAADAY JIHAADKA , DIIN KALENA IYO ACMAALKALE OO KHAYR LAGA HELAABA INANAY JIRIN TAASNA WAXAA KEENAYA LABO MIDUUN
1-INAADAN DIINTA WAXBA KA AQOON AMA
2-INAADAN DIINTABA FAHMIN, FAHAN SAXEEXA.
NWBI MAXAMED BAA YIRI (SCW)QOFKII ILAHAY KHAYR LA DOONO DIINTUU FAHANSIIYAA, LAAKIIN MA ORAN QAOFKII ILAAHAY KHAYR LA DOONO WAA JIHAADAA, JIHAADKA WAA WAA QAYD KA MID AH DIINTA LAAKIIN ISAGU MAAHA DIINTII OO DHAN.
WAXAAN KULEEYAHAY CULIMAD KA DHOWRSO OO NAFTAADA IYO DIINTAADABA U TUDH.
WABILAAHI TAWFIIQ
dhamaantii waad salaaman tihiin tanlabaad culimo lacaayo waxaa kadambeeysa xisaab rabi eebal wax halayskula haro ilaa hayoow muslimiinta qalbigooda iswaafaji aamiin
Horta sida uu sheegay Abu Xamsa culimada xurmada lihi waa kuwee waa in la caddeeyaa. Nimanka marka Yugaandhayska xabad lagu rido dhiig karku ku kacayo oo qaylyaya markay iyagu maatida laayaana shibta galaya. Nimanka aan ka hadlayn gaalada Xabashida ee mar labaad soo gashay dalka ee wali taagan waar qoriga iska dhiga, waar kuwaasi ma mudna in la ixtiraamo qaarkoodna hadda waxay ku noqdeen Jabuuti oo waxay soo maleegayaan shirqool kale kadib markii uu socon waayay warkoodii hore ee ahaa gaalada isku dhiiba. Midka hadda ay soo wadaana ma socon doono insha’allaah
Asw Awalan abuxamsa iyo salafi waxaan dhihi laha wax barta kadibna wax ka dhaha arinkan maxa yelay yey idin qadin xamasad bila sharci ah o ad danbawdan kadib culamada waxa ay dhaxlen anbiyadii alle MAHADSANIDIN
ASSALAMU CALEYKUM
dhamaan walaalaha way ku mahad san yihiin qoraaladooda, culumadana in la ixtiraamo waa xaq haseyeeshee markasta ixtiraamkooda waxaa laga hormarinayaa kan ALLAH oo ah( laa dhaacata li makhluuqin fii macsiyatil khaaliqi — qofna luguma raacayo ALLAH OO lugu caasiyo) hadaba culumada u aragta in AMISOM YIHIIN askar soomaaliyeed oo wadanka difaacaya , itoobiyaankana saaxiib, hadalkooda lama qaadan kara. teeda kale waan la soconaa waxaa somaalida u diidaan in aayahooda ka tashadaan oo qaranimadooda soo ceshtaan waa cadawga ALLAH (REER GALBEEDKA ) oo adeegsanaya itoobiya, kenya iyo somaalida koouwooda munafiqiinta hadaba qofkii aan taa aamin saneen waa qof ka cagli yar inanka yar ee ree galbeedka ee aamin san in wadankale lugu duulo hadii danahooda iska hor is taago hadaba wadaadka aan aaminsaneen la jihaadka munaafiqiinta cilmigiisa jeebka ha ku qaato ALLAH AYAA MAHADLEH XAQQA na fahamsiiyey culumadan hortood
wassalamu caleykum
Asc walalayaal culimada difaaceeda yan laga gaabin dadka culumada waxay uga jeedan arimahan soo socda 1tacasub 2 aqoon la aan 3 indhalinyaradu aysan fadwa culima aysan qaadan ugu danbay waxan leyahay ka kufana in ilahay xaqa fahansiyey culamadan ka hor ma jinbaa uwaxyoda ha iiga jawabo .waxaa lagu yaqan kuwa culuma maaga inaysan waxa saladu kaga ansaxaysa aqoon