Xisbul Islaam oo soo Furtay Ilmo yar oo Afduubnaa

Published on May 27, 2009 by   ·   18 Comments   ·   print

Ilmaha la soo furtay iyo waalidiintiisa Howlagal ay Ciidamada Xisbul Islaami ka sameeyeen Gudaha Magaalada Muqdisho ayey ku soo furteen Ilmo yar oo 6 Sano Jir ah kaas oo sida la Sheegay horey loo Afduubay iyaga oo sidoo kale Gacanta ku soo Dhigay Ninkii Afduubay iyo waliba Nin la Sheegay in Gurigiisa lagu heystay Canuga Yar. ( Daawo sawirada )

 

Dr.Sh.Xasan Mahdi oo Galinkii Dambe ee Shalay Shir jaraa’id oo ay Saxaafada ugu soo bandhigeen Canuga lafduubay iyo Ragii uu u afduubnaaba ayaa Sheegay in Canuga lagu Magacaabo Khaalid Cumar Xaaji kaas oo la Afduubay 17 Bishii hore ee Abril  isla markaana la heystay Mudo 40 Maalmood ah ayna ku soo Furteen Howlagal ay Ciidamadooda Amaanka Qaadeen.

 

Sidoo kale Sh.Xasan Mahdi ayaa Sheegay  in ay soo qabteen Ninkii uu u Afduubnaa Ilmaha yar oo lagu Magacaabo Saalax Fu’aad Cusmaan iyo waliba Milkiilihii Guriga lagu Qarinayey Canuga yar oo isna lagu Magacaabo C/maalik Saciid Maxmuud.

 

Sh.Xasan Mahdi oo arinkaa ka hadlayey ayaa yiri: “saad ogtihii Magaaladaan Xamar waa tii Baryahaan Qaxa iyo kala Cararka iyo waxaa lagu jiray anaga waxaan in badan ku Mashquul Saneyn in Dadka Magaalada Amnigoodii uusan faraha ka bixin oo Amnigoodii  la sugu oo Nabad galyadoodii la ilaaliyo oo Magaalada uusan khakhal ka imaanin Madaama Xaalad Dagaal la galay waxaa jirtay Howlgalo Ciidamada beryahan ay sameynayeen  tiibaan waxaan ku soo ogaanay in ay Magaalada ka jirto Wiil yar oo la yiraahdo Khaalid Cumar Xaaji oo 6 Sano jir ah in laga soo afduubay Xaafada Xamar weyne 17 Bishii 4 ee aan ka soo gudubnay Wiilkaa waxaan ku helnay Dabagal Dheer iyo Howlgaladii Ciidamadu ku heleen Meeshii lagu hayey Xalay bey Howlgaladoodii Ilaahey ku Guuleeyey in ay Wiilkii soo furtaan oo lagu heystay Ex-Control Balcad Meeleheeda asaga iyo Waalidkii Dhalayna waa ay joogaan”.

 

Sh.Xasan Mahdi ayaa Sheegay in ay gacata ku soo Dhigeen Rag ku lagu eedeeyey in ay afduubteen wiilka isaga oo intaa ku daray in Sharciga Islaamka lamarin doono waxa uuna yiri:“ Waxa Afduubay Nin la yiraahdo Saalax Fu’aad Cusmaan baa meesha ka soo Afduubay Ilaahey Mahadiis asaga iyo Ninkii Gurigiisa lagu hayey oo layiraahdo C/Maalik Saciid Max’ud Eedeysanihii Wiilkaa afduubtay ee Bisha iyo siyaadadeeda heystay iyo Ninka ugu kaalmeeyeyna Gacanta ayaan ku heynaa insha Allahu Tacaalaana Sharciga Islaamkaan Marin doonaa”.

 

Ugu dambeyntii Sh.Xasan Mahdi ayaa Sheegay in ay Waalidiintii dhashay ku wareejeen waxa uuna yiri: “Wiilkii Khaalid Cumar Xaaji ee 6 jirka ahaa iyo Hooyadiis oo layiraahdo Abaay Mahdi Max’ed waajoogaan ayagana waxaanan rajeyneynaa insha allah adeegyadii Mujtamaca loo qabaneyey ama Dulmigii umada Dhexdeeda yaaley ee la suulinaayey Qeyb kamid ah in uu yahay marka waxaan garanay in aan ku marti Qaadno oo ay arkaan bahda Warbaahinta waalidiintii iyo Wiilkii iyo eedeeysanayaashii Wiilka Afduubtayba waa joogaan waana idin tuseynaa”.

 

Waalidiinta Dhashay Canugan ayaa Soo dhaweeyey in Wiilkoodii yaraa Dib Xornimadiisii u helo waxayna u mahad celiyeen Ururka Xisbul Islaam ee Soo furtay Willkooda yar.

 

Wiilka yar iyo Hooyadii

Wiilka yar iyo Hooyadii

Khaalid Cumar oo saxaafada la hadlaya

Khaalid Cumar oo saxaafada la hadlaya

Bidix:- Afduubaha iyo Ninka Gurigiisa lagu heystay

Bidix:- Afduubaha iyo Ninka Gurigiisa lagu heystay

Saalax Fu'aad oo ah Ninka la Sheegay in uu Canuga Afduubtay

Saalax Fu'aad oo ah Ninka la Sheegay in uu Canuga Afduubtay

Wiilka Yar, Hoyadi iyo Ayeydii

Wiilka Yar, Hoyadi iyo Ayeydii

Iyada oo Gaadhi lagu sii qaadayo

Iyada oo Gaadhi lagu sii qaadayo



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xoogaga Xisbul islaam oo Dib u soo furtay Gawaari lagu dhacay D/Afgooye
  2. Xisbul Islaam “awood uma lahan dowlad wadato magac ku meel gaar ah in ay wax ka badasho Xuduudaha Dalka”
  3. Faah Faahin:- Yuusuf Indho Cadde oo ka go’ay Xisbul Islaam
  4. Xisbul Islaam oo ka hadlay Dagaalka Yaaqshiid ““Dagaalkaasi si gaar ah Xisbul Islaam uguma jirin”
  5. Xisbul Islaam oo la wareegay Mahadaay

Readers Comments (18)

  1. mohamed says:

    as wr wb masha alaah ilaahow lagarab gal waad u jeedaa adoo mankaaga in oo san wax qiyaano aana ku jirin kuwa dhibka iyo barakacawadana ilaaho qabo oo hanuuni hadaad hanuun u qortay hadii kalana danbas kadhig

  2. jaamac says:

    maashaa,allaah,walaalayaal gacanaan siino walaaleheen,wallaahay kuwaas rajo ka dhow majirto,dhaan danabngaale yaan laraacin shariif iyo kaooxdisu waxay umada uhayaan malaha,

  3. ahmad says:

    way mahadsanyihiin xisbul islaami,shaqo aad u wanaagsan ayay qabtee,yaan ka sugnaa shaqadan oo kale,makuwii falkan samaynjiray ayaan ka sugnaa inay qabtaan,shariif ragga uu ciidanka ka dhiganayo,waa ragii falkanku kici jiray ee shacabka dhibaatayn jiray,dadka muqdisho,maxay ukala garan la,yihiin xaqa iyo baadilka,dhibaatadu waxay kataagan tahay muqdisho,goballad ay mujaahidiintu maamulaan waa nabad galiyo cadaalad ayaana kajirta

  4. ali says:

    ilaahey ha inla garab galo, waa mujahidin ilaahey soodirey iney dadka dhibaatada kasaaran. waxaanu lenahey meelkasto aad joogtan howlahas oo kale ka fuliya…..

  5. kamaal says:

    kkkkk
    waxaasi waa barabagaando ciidanka wax afduubay iyo kuwa oranaaya waxbaan soo deynay waa isku hadaf waana qorshe ladoonaayo in laga gado dadkaan waxasi ader waanu lasoconaa xasan mahdi iyo kuwa aad oranaysaan waxbay afduubteen kalam foga

  6. cabdixakiim says:

    Allaah ayaa mahad leh nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato suubaneheeni intaa kadib reer muqdishow wakaa xaqii iyo dadkiisii waakuwan udagaalamayo ummadan badbaadinteeda kuwan shariifka lasocdana waa kuwii dadka afduuban jiray oo culimadana ethiopia iyo america ka iibsan jiray qofki beec lugu soo waayana toogan jiray war maxaad u kala garanweydeen xaqa iyo baadilka allah wuxuu yiri maxukunki jaahiligay raadinayaan yaa rabi ka xukun wanaagsan qolodi yaqiininayso

  7. cabdixakiim says:

    xaqi wakaas cadaadaye aan garab istaagno walaalayaal aduunyadan waxaa jiro jaahili xukunki iyo islaam xukunki qolodan shariifku waxay rabaan xukun jaahili ah wadaadaduna waxay rabaan xukun islaami ah kan islaamkana allaahbaa leh kan jaahiligana shaydhaanbaa leh midna janaduu kugeyn midna naartuu ku geyn hadaba keebaa inlaraaco mudan?

  8. pilot says:

    Allow khayr idiin sii kuwii soo furtey sebigaa yar,, runtii markaan arkey ilmaa igu soo joogsatey, waayo waxaan ahey beer wax dhaley.
    fadlan, axmaqaa wax afbuubtey hala xanuujiyo si looga jaaziyo falkaa foosha xun ee uu kula kacay wiilka yar.

  9. sacido says:

    hal cunug ey soo badabaadiyeen yaan la buunbuunin ee la sheego dadka ay qixinayaan iyo dadka ay hoobiyaha ku qaraacayaan

  10. M.deeq says:

    KAMAAL maxaan kuu qaban karaa mar haddaadan qorrax duhur joogta arkayn.
    Awalba Abwaan soomaaliyeed baa yidhi:

    Doqoniino lama dhayo,hedna lama dawyn karo

  11. maxamuud cali macallin says:

    kamaalow naari ku cunty ee beenta iska dhaaf kolley ilaahay maka cabsoonaysid,waayo hadaad ilaahay ka cabsoonaysid kumaad hadasheen kelmadahaan,waxaad kaloo wax kal garan lahayd haddii oo aad maanta adiga dhashay ama walaalkaa yahay lix jirkaan,waar ilaahay kama cabsanaysid ,oo kuma dhahayo alle ka baqe,umadda maslaxadeeda u dhaaf hadaad diido ilaahay waxaan kaaga baryayaa inu umadda ku dhaafiyo wa bilaahi tawfiiq
    wasalaamu calaykum waramatulaahi

  12. Fadal says:

    NInyahoow dad badan ayaa magaalada ku maqan..

    Xisbul Islaamow , arrinta wiilkaan waaka cadaalad fasheene, tiinana yaa idinka cadaalad falaayo?! ogaada ILLAAHEY ayaa idinka cadaalad fali doono maalin aan jirin hoos illaa hooskii ALLE..

  13. A s c dhaman musliminta adunka ka dib wad ujedan waxbana nagama qarsona mujaahidint is xilqaamay wax qabadkoda misaal waxan goob jog ahaa nin xaday mopelka gacanta lagu qato ka dibna ka geday cabdala shedeye ninki yaqan ya yaqane kadibna laso qabtay asaga iyo ninki gatay iyo dalaalki kadibna milkilihi waxa lagu yiri ma cafine mise wan ku xukuna waxa u dhahay wa alah mahadis hada ka hor ayu yiri gari ayaa layga dhacay waxa lageyay siisi waxa lay dhahay uyu dhahy hada donaysid gariga waxad kenta 200 dolar otusid ah hadad qadanaysana waa 500 odolar mantay mopelkaga aya fadhiga la iigu kena asa lay dhahaya gacant miyan ka goyna ninkas dadki wa u cafiyay waxa u dhay wa mahad allah waana cafiyay tana wa tii oo kale ciidamada dowladana waxa ay dhacan dadka barakacayasha ah a s c

  14. Heydar Haaji says:

    waad salaamantihiin akhyaarta intaa kadib xisbul islaam way mahadsanyihiin weyna dadaalen
    ee maagalada dad badan baa ku maqane iyadana waa
    leydan ka sugi sheekada wiil yey joogin in shaa,
    alaah dad baa ka horeeyay dadn wey ka dambeyaan
    garabkiina ilaahey ha galo hadii ad sii wadeysan
    waanaga umada somaliyed hadii ad howl kale wadataana ogaada meel magaari doontine quluubtiina ilaah un baa og marka waxaanu leenahay ninka saafi ah ilaahey ha inoo reebo
    aamin maca salaama waad mahadsantihiiiiiiiiin

  15. haadi says:

    maashaa alaah waad kumahad santihii howsha aad qabateen lakiin waxaa is weeydiin mudan hooyada aad manta kafarxiseen oo aad canukii usoo deeysee sadax isbuuc kahor waxaad ku rideeyseen hoobiyo iyo jiib war wanaaga aad qabatee maad ka joojisaan umada madfaca oo aad ku biirtaan dow;ada islamiga ah

  16. abulkhayr says:

    asalaamu calaykum wr.wb
    salaan kadib Alle ayaa mahad oo dhan iska leh intaas kadibna waxaan umahad naqaynaa walaalaha isku xilqaamay arintaan aadka uwayn waxaana idin lee yahay jazaakumullaahu khayral jazaa wanaaga aad umada uqabanaysaan mida kale walaalayaalow umada maanta aad ayay udhiban tahay idinka iyo xarakada alshabaab waxaan muujisaan dabacsanaan badan idinka oo udhimrinaayo dadkaas dhibaataysan hadii ay noqon lahayd hadalka iyo wax qabadkaba waxaad kaloo xooga saartaan sidii aad dadka uwacyi gelin lahaydeen arimo badan oo dhanka diinta ayay jahli uga sugan yihiin ALLAHANA idin guulaysiiyo dad badan oo dibadaha ku nool waxay kawarsugaayaan maalinta uu Alle gacanta idiin geliyo soomaaliya oo dhan inaad xikmad iyo caqli aad dadka ku maamushaan idinka oo asal kadhiganaayo kitaabka iyo sunnada sidoo kalena waxaan idinkula talin lahaa inaad samaaxad badan dadka umuujisaan sida uu nabiga samayn jiray waxaa laga yaabaa kuwo badan oo maanta diinta cadow ku ah inuu Alle dhabarkooda ka dhaliyo kuwo beri diintaan difaaca waxaana idin lee yahay xayaakumullaah…

  17. mohamed says:

    asc

    in lasoo furtey cunug yar ma xumee nimanka sheegtay in ay soo furteen mala weydiiyey yaana xukmin doona dadkii ay xasuuqooda iyo barakicintooda ay sababta u ahaayeen !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  18. SHAHZEIN says:

    WAAD KU MAHADSAN TIHIIN XISBUL ISLAAM MAADAAMA AAD GACAN KA GAYSATEEN SOO CELINTA WALAALKAYGA QAALIGA AHAAY OO NAGU YARAAY WAANA JECELNAHAY
    AAD IYO AAD AYAAD U MAHADSANTIHIIN
    FROM UR BROTHER




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xoogaga Xisbul islaam oo Dib u soo furtay Gawaari lagu dhacay D/Afgooye
  2. Xisbul Islaam “awood uma lahan dowlad wadato magac ku meel gaar ah in ay wax ka badasho Xuduudaha Dalka”
  3. Faah Faahin:- Yuusuf Indho Cadde oo ka go’ay Xisbul Islaam
  4. Xisbul Islaam oo ka hadlay Dagaalka Yaaqshiid ““Dagaalkaasi si gaar ah Xisbul Islaam uguma jirin”
  5. Xisbul Islaam oo la wareegay Mahadaay

Latest Headlines