Sheekh Cali Warsame oo beeniyay hadal uu ka abuurtay Boga Waaga Cusub
By Somalimirror on 27 May, 2009 11:02 AM in Main, Wararka, Wareysiyada
Shiikh Cali Warsame Xasan oo ka mid ah culimadda waaweyn ee somaliya aad looga tixgeliyo ayaa been abuur iyo masuuliyad darro ku tilmaamay Maqaal lagu faafiyey Bogga waagacusub oo nuxurkiisu ahaa eedaymo la sheegay inuu shiikhu usoo jeediyey Axmed Cabdi Godane oo ka mida hogaanka Urururka Alshabaab.

Sh.Cali Warsame
24/kii bishan ayaa Waagacusub lagu faafifiyey waraysi la sheegay inuu siiyay Shiikh Cali Warsame Xasan Shababakada Waagacusub oo uu kaga hadlay dhaliilo uu usoo jeediyey waxgaradka iyo Culimada Koonfurta Somaliya , taasoo ay ku tilmaameen inay indhaha ka qabsanayaan dhibaatiooyinka iyo colaadda ka taagan somaliya ee ay horseedka ka yihiin Shakhsiyaadka ka soo jeeda Waqooyiga Somaliya.
Hadaba si aanu wax uga ogaano Arimahaas ayay Shabakada Somalimirror waraysi la yeelatay Shiikh cali warsame xasan oo jooga Magaalada Burco. ugu horayn waxaanu Shiikha waxka weydiinay Ujeedooyinka loo aasaasay Hay’ada Culimadda Somaliyeed wuxuuna ku jawaabay “Sida ku cad Go’aamadii ay Hay’addu soo saareen waxaa loo aasaasay inay Ummadda u noqdaan (Marjic) loola soo noqdo wixii Masalooyin Diini ah ee layku qabto, iyo in laga shaqeeyo wixii Umadda maslaxadeeda iyo towjiihinteeda iyo inay umaddu maraan dariiqa saxda ah. Hay’aada Culimada soomaliyeed waa mid isu taagtay toosinyta Umaada iyo u nasteexaynta Xukuumad iyo shacabba Mana aha Hay’adda Culimada Somaliyeed Urur siyaasiy ah ama xusbi ka mid ah Axsaabta u tartamaya inay helaan masab siyaasi ah, mana aha Urur u xaglinaya dhinac siyaasi ah.
Somalimirror :- Shiikh Cali Warsame sidee u aragtaa Waxyaabaha ka dhacaya Koonfurta Somaliya?
Sh, Cali Warsame:- Aragtidaydu caam ahaan waxay waafaqsan tahay wixii ka soo baxay mu’tamarkii ay Hay’aad Culimada Somaliyeed ku qabteen Magaalada Muqdisho ee isugugu jirey Go’aamo, Fatwooyin, Nasteexooyin iyo towjiihaadba. hadaan ku darsado inyar oo Aniga ii khaas ah waxaan lee yahay waxaan nasiib darro u arkaa inuu dagaal ka dhex dhaco Walaaladii Safka keliya kuwada jirey shalay markii dalka cadowgu haystey inuu ka dhex dhaco Dagaal sabab u noqda qax iyo barakicin dadka shacabka ah ee dagaalladu daashadeen. Waxaan leeyahay Illaahay haka cabsadaan, hana ka cabsadeen habaarka dadka dhibaataysan ee habaaraya kuwii bara kiciyey, habaarka dadka dulmani waamustajaab(waa la qabalaa).
24/kii bishan ayaa Waagacusub lagu faafifiyey waraysi la sheegay inuu siiyay Shiikh Cali Warsame Xasan Shababakada Waagacusub oo uu kaga hadlay dhaliilo uu usoo jeediyey waxgaradka iyo Culimada Koonfurta Somaliya , taasoo ay ku tilmaameen inay indhaha ka qabsanayaan dhibaatiooyinka iyo colaadda ka taagan somaliya ee ay horseedka ka yihiin Shakhsiyaadka ka soo jeeda Waqooyiga Somaliya.
Hadaba si aanu wax uga ogaano Arimahaas ayay Shabakada Somalimirror waraysi la yeelatay Shiikh cali warsame xasan oo jooga Magaalada Burco. ugu horayn waxaanu Shiikha waxka weydiinay Ujeedooyinka loo aasaasay Hay’ada Culimadda Somaliyeed wuxuuna ku jawaabay “Sida ku cad Go’aamadii ay Hay’addu soo saareen waxaa loo aasaasay inay Ummadda u noqdaan (Marjic) loola soo noqdo wixii Masalooyin Diini ah ee layku qabto, iyo in laga shaqeeyo wixii Umadda maslaxadeeda iyo towjiihinteeda iyo inay umaddu maraan dariiqa saxda ah. Hay’aada Culimada soomaliyeed waa mid isu taagtay toosinyta Umaada iyo u nasteexaynta Xukuumad iyo shacabba Mana aha Hay’adda Culimada Somaliyeed Urur siyaasiy ah ama xusbi ka mid ah Axsaabta u tartamaya inay helaan masab siyaasi ah, mana aha Urur u xaglinaya dhinac siyaasi ah.
Waxaan kaloo arkaa oo iyana nasiib daro ah in dadkaa dagaalamaya dadka ay iska dilaan lagu magacaabo shuhado, wixii ay kala qaateen ee aduunyo ahna qaniimo lagu magacaabo, wixii ay dhul kala qabsadeena (Taxriir) xorayn lagu magacaabo. Arintaasi waa arin ka fog Caqliga iyo Sharciga labadaba. Nebigu SCW rag saxaabadiisa ka mid ah oo ku dhintay dagaallo uu hogaaminayey ayuu u diiday in lagu magacaabo shahiid sababatoo ah Qaniimadii oo aan la qaybin ayuu Hoos gunti ka xaday.Maadaama Nebigu hoosgunti shahiidnimadii kaga qaaday intee ayay maanta uga dhigantaa Dunuubta la gelayo inta dagaalka lagu jiro. wixii shacab ah ee dagaaladaas ku dhex dhinta waxaan shaki ku jirin inay shuhado ytihiin.WAXAAN LEE YAHAY INAALILAAHI WA INAAILEYHI RAAJICUUN! Waxaan Illaahay ka baryaynaa in Ummadda dariiqa saxda ah kusoo celiyo oo aragti sax ahna ay isugu yimaadaan.
Somalimirror :- Shiikh cali waxaa jirtey in Shabakadaha qaar lagu faafifiyey waraysi la sheegay inaad siisay Shabakada Waagacusub oo nuxurkiisa ahaa dhaleecayn aad usoo jeedisay Axmed Godane oo ka mid ah Hogaanka Ururka Alshabaab iyo weliba dhaliilo la sheegay inay ku wajahnaayeen wax garadka iyo Culimada Konfurta Somaliya kuwaasoo la sheegay inay indhaha ka qabsadeen Dad Colaad ka abuuraya K/Somaliya taasoo ay ula jeedeen xubno ka tirsan Ururka Alshabaab oo ka soo jeeda Waqooyiga Somaliya.maxaad arinkaas ka leedahay.
Shiikh cali Warsame:- Arintaasi waa Arrin aaan inkiray Jumlatan wa tafsiilan( la yaabay) waana been Abuur qaawan, oo layga been abuurtay, waxaan u arkaa Masuuliyad darro cidii soo gelisey meediyaha, mana jiro cid ila soo samaysey xidhiidh ha noqoto Shabakada Waagacusub ama cid kaleba oo arinkaas ku saabsan wax waraysi ah oo ay ila yeesheena ma jiro. aad ayaan ula yaabay markii aan ku arkay waraysigaas been abuurka ah,
Ma jiro cid aan usoo jeediyey canbaarayn, mana jiro cid aan usoo jeediyey dhaleecayn,
Waxaan lee yahay Illaahay kaga cabsada hadalkiina, ogaadana in masuuliyadaas wax qorista Illaahay idin weydiinayo, kana daaya Umadda Hadalada abuuraya Fidnada kana shaqeeya wixii Umadda isu soo dhawaynaya.
Somalimirror:- Shiikh Cali Warsame Maxaad usoo jeedin lahayd Gobolada Somaliya ee maanta kusugan Nabadgelyada sida S/land iyo Puntland?
Shiikh cali Warsame:- Waxaan usoo jeedinayaa inay Ilaashadaan Nabadgelyadooda uu Illahay ku galadaystay oo ay ku cibro qaataan waxyaalaha walaaladood haysta ee dhibaatooyin ah, Illaahayna (SW) ay u baryaan Inuu iyagana ka saaro waxa ay ku jiraan ee dhibaato iyo isfaham la’aan ah, Nabadeynna ay ka geystaan wixii ay ka geysan karaan, Shareecada Islaamkana ay ku dhaqmaan taasoo ah ta keliya ee If iyo aakhiroba lagu liibanayo.
Shiikh cali warsame xasan ayaa ka mid ahaa Gudiga Culimada Soomaaliyeed ee beryahanba dhexdhexaadinta ka dhex wadey dhinacyada isku haya siyaasadda soomaaliya, waxaana sheekha lagu yaqaannaa samo ka talin iyo in laga hortago wixii dhibaato umadda u keenaya, sidoo kale sheekhu wuxuu ka mdi yahay dadkii cimrigooda ku soo dhammeeyay faafinta diinta islaamka iyo u halganka dhaqan galinta shareecada iyo noolaynta sunnadii nabiga S.C.W.S.
Warbaahinta afsoomaaliga ku hadasha qaarkeed waxaa maalmahan danbe ka muuqda inay shaqo ka dhigteen dicaayado been abuur ah oo la doonayo in wax loogu dhimo sumacadda culimada iyo ducaadda soomaaliyeed ee umaddu khayrka ku baratay,arrintaasina waxay daliil cad u tahay inay dadkaasi colaad xeel dheer u qabaan dadka ku howlan hanuuninta umadda ee u taagan samata bixinteeda aakhiro iyo adduunba, Dicaayadaha noocan ah waxaa loo qaadan karaa inay ka danbeeyaan gacmo shisheeye oo adeegsanaya dad soomaali ah shakina kuma jiro ninkii buur hardiya in maduxu burburi doono isaga oo aan buurta wax u dhimin.
Daabaco


Kuwa Sheekha ka been abuurtay hala haka abaal mariyo ,sheekhana alla haynoo barakeeyo
Maxamed Kaafi | May 27, 2009 | Reply
sheeqa allaaha noo xifdiyo waxaan leeyahay waxyaabaha qaar ay qoraan websiteyada qaar xataa walaahi caruurta uma qalmaan in ay qoraan, markaan aqriyay maalin hore beenta ay ka sheegeen sheeq cali warsame lama yaabin ileen waagacusub waxaas waan ku aqaaney mana u haysto in ay leeyihiin dad muslimiin ah xaqiiqatan ninka isku sheegay dahir calsow waa nin somali ah laakiin waa nin aad u neceb walaalaha muslimiinta ah waxaadna ka arki kartaa markaad aqrisid qoraaladiisa iyo been abuurkiisa waxaad ogeedeen in mar dhoweeyd uu ku been abuurtay sheekh Fuad maxamed Qalaf allaah dhowree, aniga waxaan kula talin lahaa ma xuma in aad web booqato laakiin ha aaminin waxkasta oo aad aqrisid ama fiirsatid, adigoo xauusan aayada aan kor kusoo xusay insha allaah.
Mustaf | May 27, 2009 | Reply
ASC WR WB
WAXAAN HAMBALYO IYO BOGAADIN U SOO JEEDINAYAA WALLAALAHA BAHDA SOMALIMIRROR .COM OO NOQDAY HOGAANKA WEB SITE YADA UMADA SOOMAALIYEED WAXAAN WALAALAYAAL IDIN LEEYAHAY ILLAAH HA IDINKA ABAAL MARIYO SIDA AAAD HAD IYO GOOR UGU TAAGAN TIHIIN IN AAD UMADA SOOMAALIYEED MAGACEEDA DIFAACDAAN
mahad | May 27, 2009 | Reply
Waagacusub.com waxa ay moodey in cayda diinta ilbax iyo magac lagu helaayo, Daahir way inoo tahay
Xaq Jacayl | May 27, 2009 | Reply
Somalimirror aad ayaan ugu amaanayaa sida ay Culumada Islaamka ee Gaalada iyo kuwa u adeega uga difaacayso .
Waagacusub midkaan ay leeyihiin wax Aduun iyo Aakhiro rajo kaleh uma eka…Beentuna iyo Islaam nacaybkuna waa astaanta uu ku caanbaxay .
Mar labaad Somalimirror.com waxaan leeyahay HORYAALKA WARBAAHINTA ISLAAM-KA .
YAXYE | May 27, 2009 | Reply
ASALAAMA CALEYKUM, WALAALAYAAL WAXAAN IDINKA CODSANAYAA IN AANBA LA GELIN WAAGA CUSUB UMA QALMO IN LA GALABA AMA LA AKHRIYO WAXA UU QOREY, IDINKA OO HEYSTA WEB KAFIICAN SIDA SOMAALIMIRROR.ALLA MACAKA.
omar | May 27, 2009 | Reply
WAXAAN LAYAABAY SOMALIMIROR WAXAY DHALAYCEEYNAYSA WAB KALE YAAHUBA WAXAAD SOO QORTEEN INUU RUNYAHAY BEENO BADAN AYAAD IDINKUBA QORTAANE MARKAA HADUU HADLKIINU RUN YAHAY COODBAA LA IDINKA RABAA HADII KALE WAGA CUSUB AYAA RUN SHEEGAYSA
yaab | May 27, 2009 | Reply
War bogan waaga cusub afsomali haku hadlaan lkn uguyaraan yahuud ama cristan baa iska leh sidaa darteed walaaha muslimka ah ha iska jiraan inay rumeeyaan wax yaabada bogaasi qoro
Nasrullah | May 27, 2009 | Reply
waxaas in uu ka jawaabo maba ahayn oo waxaa fiicnayd in boggaas aan la muujin jiritaankiisa waayo waa bog ashahaadda ladirir
Caloofi | May 27, 2009 | Reply
asc walaalaha muslimiinta meelkasta ey joogaan bacda salaam waxaan rabaa in aan meeshaan ka dhaliilo waagacusub.com maxaa yeelay uma dhaqmaan dad saxaafad ah saxaafada waxaa looga baahanyahay in siyaasada dhex dhexaad ka ahaato ma ahan in dhinac ujanjeerto marka walaal keen daahir waxaan leenahay magac saas laguma helo intii aad waxaas soo qoreysidba webkaaga booqashadiisu wey yaraaneysaa hadan beenta dadka laga abuuranaayo haliska dhaafo ayaan dhihi lahaay waxaan kaloo umahad celinyaa SOMALIMIRROR.COM waxaanna leeyahay noolaada ,mabruuuuk asc all
mustafe | May 27, 2009 | Reply
as/wr/wb
Waagacusub.com waxa wabkani u usamaysan yahay inuu wax ka sheego diinta islaamka iyo culimada soomaaliyeed iyo walaiba mujaahidiinta iyagaana arintaa sheegtay maalin hore waxanad moodaa inay ka sii darayaan maalinba maalinta ka danbaysa ooy aflagaadadoodu isa soo taraso markaa halaga foojignaado waad mahadsantihiin somalimirror
waxatihiin warbaahin wanaagsan dhedhexaad ah diinta uhiilinasa iyo dalkaba jazaakumulaahu khayran
axmed yasiin | May 27, 2009 | Reply
Asc dhamaan sheekha qayr allah hasiiyo shaqada wanaagsan ee uu bulshada islaamka ah u hayo kuwa ku been abuurtey ee bartey keliya sida culimada loo caayo waan ognahay waxa ay yihiin ee haisku xishoodeen
Waamo | May 27, 2009 | Reply
walaal waxaan salaamay sheekh in la sheego qof maslaax u wada umada in uu ka dabeeyo ama uu waxa ka sheego shaqsiyaada ma ah sheekh cali waxuu jecalahay ka xiga kan fogan in umada aye mid noqdaan laakiin kii been abur ka sameeya waye ka soo bixi hadii ale idimo ilaah ayuu ku daaye sheekh ? qof xishoonaya waxaa kuma hadalo qolada margaha iska leh haka waantoban ayaan leeyahay
maxamed | May 27, 2009 | Reply
Asc. Waxaan umahad celinayaa raga qora webka somali mirror waxaan lee yahay jazaakumullaahu khayran camalka aad uhaysaan umada soomaliyeed waxaan kaloo lahadlayaa kuwa culimada kaxishoon waayey ee hilibkooda cunaya waxaan lee yahay hilibka culimadu waa sumaysan yahay waad ku bakhtiyi doontaan aduun iyo aakhiraba illaahayna dagaalbuu idiin iclaamiyey
Illaahow nagayeel kuwa culimadooda ixtiraama waanadoodana qaata
Abdirahman | May 27, 2009 | Reply
ilahey shiekh hanoo xafido lakiin waxaa nasib daro ah in laga fafiyo shiekh weyn been abuuur wato ale na loga baqaneen waxaan dhihi lahaa haka waan toban websiteyada waxaan soo qorayaan midna aan ugu daro walalha somali mirror ayga ha iska ilaliyan wax yabaha dhib u keli karo ayaga iyo anga somalimirror waxaan ku naqanaa jidka too san ee ale in ey markasta runta shaceya sheikh ilahey han oo xafido
salman | May 27, 2009 | Reply
waagaxusub.com waa websitekii ashahaada ladirirkii hadana suufiyada ayuu taageeraa meel xun aya u danbayn inshaa allaah
abu ayuub | May 27, 2009 | Reply
soomaali mirroor maa hidiin cadaalad waxaana tihiin kuwa aan xaqa marnaba haleelin .
waxaa tahiin kuwa qabiileeysi iyo xisbi qalbiga ooga jiro umada allaaha idinka qabto .
waa o gahay ugu yaraan waad aqrineeysaan masajkaan.
waxaad tahiin kuwo si dadban ula dagaala jihaadka.
waxaa tihiin kuwo qabiil laga dareemaayo qoraalkooda .
waxaad tahiin kuwo ka dheer cadaalada
illaah haidin hanuunsho
waa ogahay in aad tirtireeysaan alaha idin tir tireee
xaamuud | May 27, 2009 | Reply
runtii aad iyo aad ayaan uga xumahay inayku dhaqaqaan dad islaamnimo iyo simalinmo sheeganaayo inay culimadii somaiyeed oo xitta waayeelka ahaa ay sidaa u aflagaadeeyeen ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu ciqaaabo oo uu ka jaaizeeyo waxa ay sameeyeeen inshaa allaah na wad arki doontaan wixii ku dhaca kuwaas bidnilaahil kareeem
alshabaab | May 27, 2009 | Reply
walaahi waxaan ku dhaartay mararka qaarkood markaan akhriyo waxyaabaha ay waaga cusub soo qoraan waxaa ijidhidhi cooda jidhka anoo u naxayaha in webkaasi uu somalinimo iyo muslimnimo ila sheeganayo. waxaa se jirta in wagaaladaha gaalada marar badan ka xoo xigtaan waxa webkani qoro sida war ay routers dhawaan webkaas kasoo xigato oo ahaa “ahmed abdi godane oo gurigii uu ku shiray ku qaraxday gaadhiyo loo diyaarinayey in uu qarxaan” ayaan is la warkaas waxan ku arkay websiteyo kale oo somali ah iyo journaloba oo si toos ah usoo xigta. website yada kale waxaan odhanlahaa ha soo xiganina waxay qorto waaga cusub ama xaqiiqdiisa raadiyo hadii ay run tahay iyo hadii kale sida somalimirror oo kale
abdilaahi | May 27, 2009 | Reply
waaga cusub waxa dariiqiisa raacay dayniile ee somaliyey iska ilaaliya
abdilaahi | May 27, 2009 | Reply
Sc
Waxaa wax laga xumaado ah Shaqsi Dahir Calasow oo kale ah wax uu qoro in Ay Somali Mirror ay Qiimo u yeesho oo culimo ka waraysato , shaqsi aaad u liita oo labadiisa gacmeed aan kala aqoon Jaahil ah oo meel wax lagu dhigto aan waligii arag , mooday saxaafada in marba qabiil la caayo , la isku dhadhajiyo wax laga xishoodo inuu sheegto sida JAAJUUS baan u ahay reer galbeed oo waliba aan ognahay inaan cid wax u dirsatay uusan jirin waayo luqad ba ma fahmo .
carar buu ku tagay Sweden iyo tahriib asagoo ka carar Al Shabaab .
Ugu Danbayn waa wax laga xishoodo mana filayn Garaadka Somalimirror inuu halkaa gaarsan yahay in loo jawaaabo Sakhiifkaa oo wax uu qoray culimo loo waco
DR Yaabane | May 27, 2009 | Reply
walaalayaal ad mahad san thiin wareeysiyada aad culumada layeelanaysaan waana loo baahan yahay waxaan idin oran lahaa maxaa idiin diiday culumada codkooda saa u soo daysaan si ay arin ta unoqoto mid kalsooni badan siiso waxaa laga yaabaa in qoraalkina iyo codkooda ay is qilaafaan sidaa daraadeed waa inaad ku soo dartaan codkoodana saan u helno kalsooni 100% hadii kale wali kalsooni ma jirayso
xog ogaal | May 27, 2009 | Reply
ASC
Sheekh Cali Warsame Illaahey ha xifdiyo. Beentii al shabaab lagu afuufayey ayey haddana culumada la aadayo cilmaaniyiinta magaca islamka ku jeesjeesa. Sheekh Cabdulqaadir Farah Gacameyna sidaasoo kale ayey uga been sheegeen. Ciyaartii ay cilmaaniyiinta isku yaqiineen ayey haddana culumada ku soo lifaaqeen. Illaahow umada ka qabo kuwan culimada iyo dhalinyarada jihaadka ku jira ijaafeynaya.WSC
Miska wadahadalka imow | May 28, 2009 | Reply
ASC WR WB
salaan dabadeed, warbixinta waagacusub iyo tan SOMALI MIRROR labadaba waa qoraal qallalan, sideen idinku rumeysannaa in wareysiba aad la yeelateen SHEika iyo iney aragtidiina tahay..
Wixi run ah rabbi baa og, ilaahow xaqa noo cadeey, wabillahi towfiiq
Abuu Yuusuf | May 28, 2009 | Reply
Ninka websitka waagacusub qore waa nin islaamka neceb markaa waxa kasta waan in laga fila.
Ahmed yare | May 28, 2009 | Reply
dabcaan walaalayaal waxaan ognahay in ay dhibadaanf tahay in dadka laga been abuurto marka aad firiso waxaa uu qorahaayo website-ka waagacusub waxaad uu malaynaysa ciyaal suuqaaan Xishoon oo dadka isbaaraysataa ruunti marka aan sidaas leyahay waxaan ka xishooda in aan aqriiyo maqaalaada ku qoraan mooyee
gaaldile | May 28, 2009 | Reply
ASC
Waaga cusub keliya waxa ceebeeya culimada ee soomali yoo dhan waxay diyaar u yihiin in si mareykan iyo yahuud loo raali geliyo ay diinta dacaayad ku afuufaan. Hadday culumada maanta is gacma qaban oo ayan isu hiilin, shariif iyo kooxdiisa dhinac ay ka marin, oo ayan la safan jihaadiyiinta, waxaa dambeyn in mujtamaca ay ka noqdaan tuke cambaar leh oo meel weliba cirdhigoodi iyo sharaftoodi loogu tunto. Shariif qorshahiisa waxuu yahay in culumada laga saaro in saameyn ku yeeshaan bulshada, kadibna xabsiga lagu wada guro, amaba ay noqdaan kuwa adeeca kooxda shariif xaq iyo baadilba ku raacaan. Taasoo ah inay noqdaan kuwa sheekh cutheyman raximahuullaah ku tilmaamay Culamaa\u dawlah, oo ifta kasto lagu dhiso waxa ay dawlad raali ka tahay. WSC
Miska wadahadalka imow | May 29, 2009 | Reply
asc salaanta islaamka kadib waxaan u arkaa shiikha waraysigan lala yeeshay mid aad ufiican
iyo inoo xaqa kahadlay sidhab ah dadka umada islaamka dhiigooda daadinayana waxaan u arkaa inaanay u aysan daliil qof islaama ama bini aadama xaqdaro loogu dilo inaanay haysan
cabdilaahi | Feb 9, 2010 | Reply