Dhambaalka Mandela u diray Sh. Sharif & Dr. C.Iimaan!

Published on May 27, 2009 by   ·   13 Comments   ·   print

بسم الله الرحمن الرحيم

Dhambaalka  Mandela u diray Sh. Sharif & Dr. C.Iimaan!

W.Q. Muxammad Idris Axmad

Mahad oo dhan Ilaahay baa leh Nabad iyo naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

Waxaan kasoo noqday safar gaaban oo aan ku booqanayey Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalka South Africa. Booqashada iyo Arrimeheeda qorma gaara ayaan ka diyaarshey oo aan ugu tala galay Soomaalida adduunka kale joogta iney fikrad guud kaga qaadato ( Soomaalida iyo South Afrika) waayo wexey ka maqlaan oo keliya Soomaali badan oo lagu laayo. Laakiin qormadan waxaan ugu soo deg degayaa, inaan ku gudbiyo farriin ka socota Oday Afrikaan ah, Wax diin ahna aan rumaysnayn, Misana Wadanka Afrika ugu weyn uguna qanisan madax ka noqday, halgan dheerna u soo galay. Maadaama ay tahay in xaalka hadba si lagu dayo.

Waxaan halkaan ugu soo gudbinayaa Dhambaalka Odaygaa Afrikaanka ah, ee Waaya aragga ah, Nelson Mandela, Madaxweynihii Koowaad ee Koonfur Afrika, wuxuuna u dirayaa, Sh. Sharif Sh. Axmed, Sh. Xasan Dahir Aweys iyo Sh. Cumar Iimaan Abuubaker.

South Africa markaan soo gaarey waxaan la soo kulmay Caleema saarkii Madaxweynaha Cusub ee dalka loo doortay Jacob Zuma, waxaanan idaacadda ka dhegeystey khudbaddii uu ka jeediyey madasha caleema saarka ee magaala madaxda Pretoria, shir aad loo agaasimay oo ay ka qayb galeen in ka badan 40 Madaxweyne, waxaana hadalkiisi iga raacay (Haddaynu nahay Madow iyo Caddaan wexeynu wadaagnaa dalkan South Afrika, waana ineynu ka wada shaqayno sideynu ugu wada noolaan lahayn nabad iyo horumar iyo Ammaan, waxaanan ku socon doonaa wadadii uu noo jeexay Madaxweyne Mandela).

Nelson Mandela, wuxuu halgankii xorriyadda u xirnaa 28 sano oo xariir ah, waxaa dheeraa muddooyin kale oo goos goos ah, markii uu xabsiga ka soo baxay, uuna noqday Madaxweynihii Madoobaa ee ugu horreeyey ee dalka South Afrika, wuxuu Dadkiis wadanka u badan ee madawgaa ugu baaqay erey maah maah iyo hal ku dheg u noqday, ayna wax badan ku gaareen, wuxuu ugu baaqay, ineyan isku mashquulin wixii horay u dhacay ee midab takoorku u geystey, iyo inaaney marna ku mashquulin iney ka aargoostaan, laakiin ay taariikhdaas xusuusnaadaan. Hadalka uu shicaarka uga dhigayna waa (Forgive but not Forget). (Cafi laakin ha hilmaamin).

Wuxuu ninkaas gaalka ahi gartay, aargoosigu inaanu xal noqonayn, dadkiisuna haddeey ku jeestaan sidii caddaanka dil iyo dhac iyo boob iyo bililiqo loogu geeysan lahaa, inaaney wax badanna ka helayn, dalkuna gubanayo, caddaanka laga badan yahayna dagaalamayo oo is difaacayo. Dalkuna waa buuxaa oo khayraad ayuu la ceegaagaa, maantana Madawga ayuu gacanta u soo galay, wax ay gadaal ugu jeestaan, horana aaney ugu soconi ma yaalaan. Waxaa hadaladiisi ka mid ahaa:

(( Waxaa hal mar gacantayada kusoo dhacay Dawlad Casriya oo xoog leh iyo Nidaam Dhisan, Annagoo Qaarna Duurka ka yimi, Qaarna dhulka hoostiisa (Xabsiyada) waxaana lagama maarmaan ahayd inaanu wax wadaag ogolaanu)) Buuga Mandela’s World – James Barber

Waxaa kaloo Siyaasaddaas deggan ku bixiyey iney si tartiib ah dalka ula wareegaan, dadkooduna wax ku bartaan, kuwii horana shaqadana kusii wadaan, nabad gelyana ku dareemaan. Haddii Qolada Madaw ee weligood aan Dawlad arag xafiisyada laga buuxin lahaana hal mar ayaa nidaamku iska dabawareegi lahaa.

Waxaa sidaas oo kale yeelay, Qolada Shiicadaa ee reer IRAN, Khomeini iyo wadaadadiisu wexey Dawladda ayaamihii hore oo dhan maamulkeeda u dhiibeen, siyaasiyiin iyo aqoon yahanno, farsamayaqaanna ah, waagii dambana waa ka takhaluseen.

Waxaa Mandela lagu eedayn jirey inuu yahay nin aan Ilaawin oo u jajaban raggiisi lasoo halgamey ee gobanimada dhaliyey, xitaa markii uu Madaxweynaha noqday, wuxuu si gaara u daryeeli jirey xisbigiisa ANC, waxaana la xusaa inuu 1998 xisbigiisa uga waasideeyey kaalmo lacag dhan 10 million oo $, midkiiba, Boqor Fahadkii Sucuudiga iyo Zayidkii Imaaraadka, si xisbigu isugu dhiso.

Dhambaalka Mandela wuxuu xambaarsanyahay, saaxiibada Muqdisha Maanta ku dagaalamaya, Sh. Shariif, Sh. Xasan iyo Dr. Cumar, waxaa mudda dheer ka dhexeysey saaxiibtinimo iyo wax wadaag, waxaan xusuusnahay, iyagoo saddex kursi oo isku xiga wada fariista oo aan la kala dhex geli Karin waqti aad u dhow.

Laakiin si kastaba ha laysugu khilaafo xallinta qadiyadda dalka gaar ahaana Muqdisha, waxaan laysku khilaafi Karin, iyana inkiri Karin, inaan labada dhinac midna midka kale anfin Karin, oo dhihi Karin (maba jiro) meel uu (joogana lama yaqaan).

Haddii caro uurka kaa buuxiso, carada aad qabtaana dami weydo, qofka aad u qabto keliya ma gubto ee adigana wey ku galaafataa.

Dersiga uu Mandela fahmay waxa weeye, dadka aan carada iyo ciilka liqi karin, si ay nolol hor leh oo mustaqbal leh u jeexdaan waa kuwa ugu ayaan daran ee iyaguna is guba kuwa kalana guba.

Nebi Yusuf Calayhi Salaam, markii walaalihiis oo marna ceel ku riday, marna gaday, oo ka takhalusay, uu la kulmay asagoo awood iyo gacan saraba ka leh, wuxuu ku yiri: ( Maanta laydin eedi maayo, Allaha ugu Naxariis badanna ha idiin dembi dhaafo, kaca qamiiskayga qaada, aabahay wajigiisa saara aragu wuu usoo noqonayaa, ehelkiinoo dhanna ii keena).

Wixii ciil qalbigiisa ku duugnaa oo dhan Ilaahay dartiis ayuu u liqay, cafis iyo saamax wanaagsan ayuu ka doortay, Ilaahayna wanaag iyo darajooyin sare ayuu ugu abaal gudey.

Nebigeenna Calayhi Salaatu wasalaam reerkiisa Qureyshi wexey ku sameeyeen waxa siiradu qortay oo cadaadis iyo camal Xumo iyo dagaal ahaa.

Maalintuu awooda hantay, ee Makka furtay, ee dhammaantood lasoo hor tubay, wuxuu ku yiri: Maxaad fileysaan inaan idinku sameeyo, wexey dheheen: (Walaal wanaagsan ini adeer wanaagsan) wuxuu ugu jawaabay (Dareera waxaad tihiin kuwa lasii daayey oo aan la taabanayn).

Wadaadada ciilka isu qaba ee hilmaami kari la, in qaarkood qaarka kale, jilaafa u dhigay, ama keligi kala baxsaday ukuma ay meel ku diyaarsanayeen, waxaa habboon iney xusuustaan inaan aargoosiga iyo ciilku qalbi daawayn ee uu sii gubo. Qalbiga waxa qaboojiyaa waa cafiska iyo iimaanka. Adduunka ilaahay lama sheegin qof wax cafiya oo aan ku liibaanin. Xaddiiska Nebegeenuna wuxuu ahaa: (Addoon Cafis Ilaahay uguma kororsho waxaan sara marin ahayn).

Cafisku maaha inuu adiga daawa kuu noqdo oo keliya, oo ololka uurka kaa qabsaday kaa damo, laakiin wuxuu wax tar iyo baraarug sida badan u noqdaa kii aad ciilka u qabtey ama wax ka tabaneysey, wuxuuna marar badan ku bixiyaa, inuu ku soo noqdo kii cafiyey.

Waxaa in lays xusuusiyo mudan in waxa aad ku qaadanaeyso aargoosigaaga waxa ilaahay kuu gooyaa ka badan yihiin. Inta aad soo dhacsaneyso inta Ilaahay kuu soo dhicinayo ayaa ka badan. Daalinka inta aad is leedahay wax ku yeel, inta Ilaahay uga aarsanayo ayaa ka badan.

Ma laga yaabaa wadaadada shalay saaxiibada ahaa ee Muqdisha ku dagaalamayaa, Ummaddooda intii ka hartayna xasuuq iyo barakac u geysanayaa, iney garan waayaan, waxa Mr. Nelson Mandela gartay, mase dhici kartaa iney khibradda siyaasadeed ee Mandela qaataan?

Waxaan ku gabagabeynayaa, hal erey oo taariikh iyo Naseexa ah inaan u gudbiyo Sh. Shariif Sh. Axmed, Horayna waan ugu qoray maalintuu madaxnimada qabtay, waanan ugu celinayaa mar kale:

Madaxweyne Sh. Sharif, allaha khayrka waafajiyo, waxaan dhegtiisa ku ridi lahaa: Dawladda Inta uu dibadda ka doonayo, in 10 jeer ka badan haka baadi goobo Gudaha Dalka iyo Asxaabtiisa kasoo horjeedda, iyo dadka Soomaaliyeed. Dawlad Dibadda ku nooli dad iyo dal toona laguma khasbi karo. Laakiin Dawlad dadkeeda iyo dalkeeda ku tiirsan Adduunkaa ku khasban inuu la dhaqmo. Hadduusan taa yeelinna, ha ogaado sheekhu, Allaha khayrka waafajiyee, (Bulshada Caalamkoo) dhammi haddeey hiil iyo hooba siiyaan, (taasoo lafteedu aan muuqan) inaan dawlad (khasaba) loogu dhalin karin. Dibu heshiinta iyo wax wadaagunna, waa ficil ee hadal afkaa maaha.

Ereyga Kalena waxaan ku oran lahaa Dr. Cumar iyo Sh. Xasan Dahir, labadoodaba khayrka Allaha Waafajiyo, Shariif Sh. Axmed 30 Sano oo Islaamnima ah waxba kama jiraan, 2 Sano oo uu (Bulshada Caalamka) siyaasad u dhex galay, ayuu Islaamkii uga baxay, cid lagu qancin karayaa ma jirto. Waa Sax in Islaamka Kelmad looga bixi karo. Laakin Qaalli & Maxkamad Caadila ayey u baahantahay. Duminta Dawladda Sh. Shariif Maxaa ku xiga? Ma damaana qaadi kartaan inaad aayar Muslinka Xamar ku gubanaya wixii wadaya haba la arkee idinkaa, laydinka samri la’yahaye, faraha kala baxdaan, oo laydiin damaana qaado inan middaas wax idin ka soo gaarin diin iyo adduunyo iyo Soomaalinimo?

Ilaahow Wanaaga na tus oo kuwa raaca naga dhig, shartana na tus oo naga reeb, fitnadana naga badbaadi mid muuqata iyo midaan muuqan… Aamiin yaa Rabbi. 

 

Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku xasiixan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh Sharif oo Cambaareeyay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
  2. Qaar ka mid ah Culimada & Ducaadda Soomaaliyeed oo tacsi u diray ehelada Sh. Ibraahim Suuleey رحمه الله تعالى
  3. Fatwo ka soo Baxday Sheekh Dr. Cumar Iimaan
  4. Mas’aladii 6,7 iyo 8-aad oo ka soo baxday Sh.Cumar Iimaan
  5. Dr. Cumar Iimaan oo shaaciyay inay DKMG ahi Dib u Hubaynayso Hogaamiye Kooxeedyadii.

Readers Comments (13)

  1. C/nuur Faarax says:

    Assalaamu Calaykum

    Shuukh Muxamad Allaha xafido, Cilmigiisa iyo caqligiisana Allaha nagu anfaco.
    Waxaan Filayaa dhambaal Qiima leh inuu soo gudbiyay. waxaa Allaah ka baryayaa inuu nagu anfaco, colaaddana Nabad noogu beddelo.

  2. cumar faaruuq says:

    bismillah:
    asc:

    haddii aan fikir kadhiibto qoraalkan waxa uu kulminayaa waa hadal uu shiiqo ku xeel dheraaday balse waxaan umaleeynayaa in uu ishkaal kujiro kadib markii aad eektid qodobada oo uu soo qaatay :

    1.mendela waa kaafir oo aan laku qiyaasan karin nin doonaya oo ujihaadaya in ee kalimada alla kor noqoto, cafintu iyo saamaxa (ama katana sulida mabaadi da iyo halkangan ku dhisan wax noqoshada isku mid ma ah)
    marka waxaad moodaa sh in uu jeclaan lahaa sidii mendela in wax loo dhigo halkanka diinta lagu tilmaami karo aargoosi

    2. wadaaaddadii iran ee lawareegay maamulka in la raaco waddadoodii taasina waa mid aan aamin laheyn

    sidaas awgeed laguma aamini karo ummada rag hoosta ga gaalada ama munaafiqiinta

    gaalnimadana waa arin qofka muslimka ah ku imaan karta laxda kasta qofku wuxuu subaxeysanayaa asakoo mumin ah wuxuuna kalabeysanayaa asagoo kaal ah

    islaanimadana waxay uburdaa sida weysada uburto

    balse sh muxuu ku fasirayaa aayda leh ” waman yatawala hum fa innahu minhum ”

    run ahaantii dowladnimo waa wax loo baahanyahay balse dowlad aan awood islaami aheyn oo bari islaamku ku tashto maree ahaataba marka islaamku alla umakaniyo

    sh sharif waxaan kula talinayaa in uu xoogaga islamka oo isbadal doonka ah oo dowladoodii la rido 100 sano kahor in uu faraha kala baxo hadduu san halkan kaasi uuu san door shariif ah kaciyaari karin

    xataa haddii aad aamin santahay dowlad reer kalbeed taaguleeyeen oo kuwa carabta camal ah oo aan u hiilin karin walaalahaooda reer falistiin shacabku dooni maayo

    masiixul dajaalka weyn ee mareynkan ee meeshaad tagto kudaba jooga yeeesan waddada saxda ah kaa saarin

    halkankii ee dheeraa nabiga scw halkee kamareesaa ?
    wasc leykum
    3

  3. Runsheeg says:

    Acww:

    Shiikh Maxamed Idirs waxaan ku waanin lahaa in uu iska daayo daliilsiga gaal baa saas yiri ama amaanta gaal baa horumargaaray runtii amaanta gaalada maahan wax horumar alle agtiisa lagu gaarayo.

    Tan labaad Qolooyinka is hayo xamar waxa laysku hayo waa mabda ee maahan aragti waxa laysku hayo waa gaalo aan weli ka dhigano oo hana taagerto dhaqaale hana siiso hana difaacdo oo ay wataan qolada shariifka hogaaminayo iyo gaalo aan dalka ka bixino .gaalo yaan weli kadhiganin, gaalo aan ka harno waagii aan midowga maxaakiimta sameyneynay gaalo nama taageerey, dhaqaalo nama siin inaga ayaa isku tashanay oo dekedeena furanay oo Airaopkena furanay oo isbaarooyinkii iska qaadanay waqtigaas mabda aan haysanay wuxuu ahaa gaalo weli nooma hanan mana raaceyno waana waxa rer xamar lagula dagaalamayo waana arin ay ogtahay hooyada xamar joogta ee waayeelka ah ama midka qaadka cuna taas in maanta shiikh Mohamed shaki ka galo waa nasiib daro maa hargeysa lala dagaalamo?/ maa Puntilaand lala dagaalamo? Diin sax ah oo aan alle ku raaligelinayo baan rbaa gaal ma rabo waa waxa xamar lagu haysto.

    Waayo ninkii Diin baraxtiran rabow dagaal gaalo u diyaar garow gaalo weligeen naga raali noqon meyso ilaa aan wadadooda ka raacno hadii aan wadadooda raacno wey naga raali noqoni xitaa biilsha xubnaha baarlamaandada wey naga bixini

    marka xaqa iyo baadilku waa kala cadyihiin ninkii Aduunyo iyo mansab rabo si uu aduun u helo waa meeshiis waxaase ila fiican in diinta lagu dheganaado gaal baa saas yiri sharaf ma keeneynee

    Wixii aan ku gefay alle baan uga towbad keenayaa

  4. mohamed says:

    asc wr wb
    jazakalaah sh idris
    waxaan sheekheena ka codsayaa in uu dib u soo saxo jumladaan ama fasiraad dheeri ah ka soo bixiyo.
    “Ereyga Kalena waxaan ku oran lahaa Dr. Cumar iyo Sh. Xasan Dahir, labadoodaba khayrka Allaha Waafajiyo, Shariif Sh. Axmed 30 Sano oo Islaamnima ah waxba kama jiraan, 2 Sano oo uu (Bulshada Caalamka) siyaasad u dhex galay, ayuu Islaamkii uga baxay, cid lagu qancin karayaa ma jirto. Waa Sax in Islaamka Kelmad looga bixi karo. Laakin Qaalli & Maxkamad Caadila ayey u baahantahay. Duminta Dawladda Sh. Shariif Maxaa ku xiga? Ma damaana qaadi kartaan inaad aayar Muslinka Xamar ku gubanaya wixii wadaya haba la arkee idinkaa, laydinka samri la’yahaye, faraha kala baxdaan, oo laydiin damaana qaado inan middaas wax idin ka soo gaarin diin iyo adduunyo iyo Soomaalinimo?”
    shukran sheekh

  5. Dulyadeyn says:

    Waxaan la hadlayaa Cumar Faaruuq iyo Run sheeg. Walaal horta Soomaliya waa dad wada muslim ah, in kasta oo la odhan karo waxaa Soomaaliya joogga dad badan oo caasiyiin ah ama Islaamnimadooda ay su’aali ka joogto. Marka ruux laga saarayo diinta Islaamka waxaa roon marka hore ka saaraya inuuna isagu diinta kaga bixin.

    Waxaan sidaa u leeyahay arintaasi waxay u baahan tahay cilmi diini ah oo mug weyn uma baahna inay go’aan ka gaadhaan Jiridii Qanyare iyo Maxamed dheere oo saaka soo xidhay Cimaamado wadaadana sheegana, ama hala baxaan Shabaab (shaydaan) ama hala baxaan Al-Xisbul Islaam (Xisbi xilmakase ah)

    Illaa iyo hadda intaan ka aragnay nimankaa Islaamka sheeganaya nuh=guma qancin inaan u fahamno inay diin Islaam iyo Dadka soomaaliyeed midna u hiilinayaan, qisaastana waxaa lagu fushaa oo kaliya dadka qabiuilada yar yar kasoo jeeda.

    Haddaba labada nin ee aan kor kusoo sheegay fadlan aragtidiina ka fiirsada, una sheega Shabaab iyo Xisbul Islaam inay wadanka gacanta uu hadda ku jiro mid ugu sii xun ayna galin, kolay waan is naqaanaa oo waxba iskama celinaysaane. Wadaado ka fulaysan Shabaab iyo Xisbul Islaam wali taariikhda laguma hayo.

    Waxay u xiniinyo weyn yihiin shacabka masaakiinta ah ee guryaha lagu dumiyo, illaa iyo haddana waxaan la is weydiinin war yaa dadka damiin idinkaga dhigay? Ma kaligiin baa Soomaali ah? Ma kaligiin baase Muslim ah?

    Hadda dhibkiinii wuxuu noo keenay Amxaaro iyo AFrikaan kale, fadlan dhibka dadka ka daaya inta aan wadanka oo dhan la qabsan.

  6. farax says:

    Assalaamu Calaykum dhamaan.

    Sheekha khayr badan alle ha siiyo xaqqana ha nagu wada sugo.

    Maqaalku wuxuu muujinayaa
    1- Fogaanta in waxa Gaal waliba la soo ciqaabay gartay in Culimadii xambaarsanayd sharciga ilaahay garan waydo ama samayn kari waydo.

    2- Masaalixda iyo mafaasidda laga rabay inay tix-galiyaan oo ay muuqato inaysan dhamaantood jidkeedii hayn sida ka muuqata.

    3- Ka faa’iidaysiga umadaha noolaaday iyo kuwa halaagsamay oo ah qayb diinta ka mid ah oo aan iyana muuqan oo tusaalayaal camali ah loo keenay.

    4- labada wax ee la simayaa maaha laba mabda’ oo kala duwan (ISLAAM iyo Kufri)ee waa laba qaab oo isu ekaan aduunyo ka dhaxayso (niman aan diin ku kala duwanayn ayaa labada jeerba wax ka dhexeeyeen)

    5- In aysan diintu ahayn hal dhinac kaliya ee ay tahay mid shaamil ah(dhinac kasta koobtay)sidaa awgeedna ay lagama maarmaan tahay in aan diintii biyo kama dhibcaanka ahayd laga dhigin ra’yi qof si isu tusay isagoo diinta qaarkeed fiirinaya, meesha kan kalena la hubo inuu isna qayb kale fiirinayo, waana halkaan tan ka dhigaysa waajibka in khilaafka la joojiyo, isha laga laabto waxyaabo badan, iyadoo taa sax la is leeyahay aan lagu dhicin mid kun jeer ka sii xun oo magac xumo AAKHIRO iyo MID ADUUNBA reebta, MAQAASIDDA SHAREECADANA la hir galiyo.

    6- Hadii intaa la garan waayo ama la raaci waayo waxaa imaanaysa in lagu wada ololo, labada dhinac midna waxay rabaan aysan helin, labada dhinacna ay u shaqeeyaan CADAWGOODII runta ahaa!!!!

    7-Marna waxaan suurto gal ahayn in Diintii Rabbi loo daba galo qof aan ehel u ahayn cilmi ahaan, iyadii oo dhan hal xaalad ku koobay, dadkoo dhanna NAARTA ku wada guraya iyadoo RABBI JANNADIISA albaabadeeda u furay.

    Waxaa hubaala in maqaalkaan laga samayn karo tobanaan maqaal oo kale, macnaha uu xambaarsan yahay awgiis, laakiin dadka rabbi si wax uma wada siin oo darajooyin buu ka kala dhigay, marka in yar uun baa kala soo bixi karta waxa ku dhex jira.

    Sheekhoow raali ka ahoow hadalada dhalinta aan gahayrini iska soo qorayaan, ama halka aayad ee iyada xattaa aan la fahansanayn ee lala soo ordayo. waxaa naga mida kuwo hadii ay KHANDAQ joogi lahaayeen Salmaan ku xukumi lahaa KUFRI!

    Faqrada danbe ee maqaalka Sheekha waxaa is yara dhex daadiyay hakadyada, iyo macnaha dhabta ah oo aan is leeyahay sheekhu 3da shekhba wax buu u sarbeebayaa ay iyaga uun fahmi karaan. sidaan ayaanan u qori lahaa anigu isagu macnuhuu rababa ha ka wadee

    (Muslinka Xamar ku gubanaya wixii wadaya haba la arkee – idinkaa laydinka samri la’yahaye- faraha (intiina xaq yaqqaanka ahu) kala baxdaan, oo laydiin damaana qaado inan middaas (dawladda) wax idinka soo gaarin; diin iyo adduunyo iyo Soomaalinimo?”)

    Allow na samata bixi, xaq muslim iyo xaqqaa midnana ha nagu dilin anagoo sidanna.

    WCWW.

  7. Kama Daale Dareenka Dadkiisa says:

    Ina Idriis ma u muuqan weydey wanaaga,cadaalada iyo nabada ka jirta 98% koonfur ka jirta?! Allow xaqa kugu hanuuni sheekhow ma nimanka insbaarada meeshay maraanba dhiganaya o shacabkiina madaafiic iyo barakicin ku haya baa dowlada?! qofka hadii xasad iyo xiqdi uu ka buuxo wanaaga xumaan ugu muuqda xumaantuna wanaag! subxaanallaah. culimadi salafka u nisba sheegata waxay nagu rabeeyeen in qofka cisyaan rabbi aan lagu raaceyn ee xaqa marku waafaqo lagu raacayo hadii wadaad leyska dabo geli lahaa wadaadadayadii suufiyadaan qabuuraha iskala fadhiyi lahayn. Wadaado na leh kuwa Ilaahay cadowgisa u shaqeynaya raaca ka yeeli meyno, waxa jira waxan u baahneyn in laba is weydiiso iska daa in sheekh loola tagee; tuuga,shaaribul khamriga iyo khaa’inu wadanka ama umada gaal iyo islaam waa la isku waafasanyahay dembigooda inuu cadyahay. sheekadan ah culimada waaweyn!(subxaanallaah) waxay soo baxdey Jihaadki afqaan markii laga soo noqdey Daqgaalki ciraaqna lagu qaadey ee 1991 markaas oo culimadii islaamka laba u kala jabtey kuwa raacey xukaamta maanta gaalda iney u adeegayaan ku faana iyo culimo Sheekh Albaani Alla yarxamhu u hogaaminayey ey diideen in gaalo miciin la bido. culimadii kasoo horjeesatey in gaalo la adeegsado oo xaqii cadeeyey waxna waa la diley waxna waa la masaafiriyey waxna waa la xirey waxna waa tan magacyada loo bixiyeyoo la dhahay aragti ha lagu dilo! maraka culimada waaweyn ha la raaco waxa loola jeeda nimanka duqaada maanta joogta u xalaaleynaya wixii Ilaahay xarrimey, wixii ilaahay xalaaleeyeyna xaaraantinmeynaya! waxayna ku sifoobeen Illaa mid Ilaahay u naxaristey maahane culimadii reer banii israa’iil mara waxan kusoo gaba gabeynayaa maahmaahdan somaliga ah; war waayeelka sooca,,mmarkaasa wiil geed fuushanaa hadley oo dhahay war waxgaradka sooca. badanaa inta sheekh masalo gefey ama ku kufey oo wiil ama gabar yari saxdey. Walaalayaal qofka waxa lagu raaca waa xujada uu ka heysto kitaabka iyo sunada rasuulka scw,ee sheekh hebel uun weeye ha loo raaco maahan. Maanta dadka qaarki waxay gaareen haddii la yiraado sheekhu aaminsanyey baa saa dhahay inuu qaato,lakin hadii aad tiraahdo qaalalaahu ama qaala rasuululaahi scw uusanba dheg u dhigin Allow iimanka nagu sug. In fitno dhaceyso dad badana siibanayaan quraanka iyo sunada bey ku cadahay, dadka mu’miniintana iimaan bey usiyaadineysa. Walaalayaal ha lagu dheganaado kitaabka iyo sunada caqiidada ama mabiidii’du ma gasho gorgortan al walaa wal baraa baana ka mida waxad qofka ugu hiilineysid ama kaga hiilneysid.

    By: Kama Daale dareenka Dadkiisa

  8. Ali Baashi says:

    asc

    Waa wax lala yaabo nin culumo sheeganayo ama lagu sheegayo inuu tusaalo u soo qaato nin kaafir ah iyo kuwo shiica ah,waa cajiib qofka hadduu ka qaldamo qiyaaska,waxaase ka sii cajiibsan waxa shiikha uu is bar-bardhigayo oo ah SH.Hássan,SH.DR:Cumar Imaan oo meel ah iyo Shariifka oo gaalo dabada ka riixeyso waa cajiib.

  9. runta sheeg says:

    Bismillah.
    koley waxaan u fahaney maqaalka sheikh max’ed uu qorey inan cashar ama khibro ka qaadano sida ay dadka gaalada ah isugu tanauleyn .’
    sidaas darteed tusaalaha uu sheekha so qaatey ilama khldana ayaan qabaa .
    maqaaladiisana aad ayey u badnaayeeyn laga so bilaabo jabkii maxkamadaha ama soo gelitaannka wadan ay soo galeen somaliya.
    marka sheikh yaan lagu degdegin oo hal il kaliya wax lagu arkin.
    wasalaaaaaaaaaaam.

  10. suleiman says:

    askm salan kadib maxuma maqaalku qofkii caqli lehna waxbadan bay xasuusinaysaa waafajina karta sidoo loo baahanaana waa mid taaban karta qofka kasta oo damir leh……..LAAKIIIN!!
    sxbka qoray maqaal waxaan oran lahaa xaladda somaliya oo aynu garanyano hadana maqaalkaga ciwaankiisa aad baad ukoobtay wxaan oran lahaa marka aad tiri CUMAR IMAN IYO SHARIF AHMED mahan labadan wa looga xaladaha jira…. fikirkayga adigoo raali ah waxaan oran hogo tusalayntadan wanaagsan ee waaanada iyo wax is tuskaba ah wada gaadhsii cidda ficilkeeda ama ay khusayso waaaayo waaa sheeko noqon karta HADII AD RABTO IN WAX LAGA BEDELO WEBKAN OO AAD KALA TASHATO XAFISKA WEBKA GABADHA NADIFISA macnuhu waxa weeye gabadha waa shaqaalaha bogga lakin maha ta mudan MAAAMULKEEDA……

    WAXAY IGA TAHAY SIXID U GAAR AH QORAAGA

    NABADEEEEEEEEEEEEEY

  11. RUN SHEEG says:

    anigu fikirkayga waxan qabaa inaanay ahayn sida sxbada qaar ay u eegayaan oo aad moodo in qoraaga lagu khasbayo in uu sida argagaxisad u hadlo saa maaha baan qaabay qoraagu waxa uu ina yiri oo dhan waa wax qaali ah oo somalinimo iyo wax isu sheegid hufanba ah dabcan dadku fikirka kale malihi ma yeelan karan lakiin hadii sxb lagu in nabadda iyo somalinimadaba cadawga ku ahaa ilaahayna oo ku aafeeeyey ka horimaanshaha ULILAMRIGEEDA{HOGANKOODA}

  12. abdullahi says:

    Sheekh Maxamed idriis Kheyr Alle ha siiyee Adduun iyo Aakhoro e fariintaan uu gudbinayo waa mid qiimo leh.

  13. ABUU ASMA WA HANA says:

    AS.W.W
    marka hore waxaan salaamayaa dhamaan muslimiinta oo dhan.
    marka xiga waxaan jecleystay inaan fikirkeyga ka dhiibto qoraalkii sh.m.idiris
    Ugu horeyntii waxaan ku amaanayaa sheekha qaabka wax tusaaleynta ah ee uu u adeegsaday wax fahamsiinta walaalaheena jecel in mabda ooda oo kaliya lawada raaco waxanan oran karaa hadii ay jirto cid ka damqaneysa dhibka soo jireenka ah ee haysta soomaali waxaa waa jib ah in ay tusaalahaas ujeedadeedu tahay bad baadinta umadeena lawada raaco.

    Ogow waa laciifnimo inagu wada jirta hadaanu aamino in gaal wax naga dhigi karo ama gaal wax noo tari karo SOOMAALI WEYNA HA ISKA JOOJISO IN HADII GAALO LALA MACAAMILO IN LAWADA GAALOOBAYO.
    HA ILAAWINA IN NABIGEENII MUXAMAD CSW AHAA LA MACAAMILOODAY GAALO.
    DADKU WAA WADA ISLAAM WAA ISKU WADA JINSIYAD WAA ISKUWADA DEEGAAN ILAAHEYNA CID CID KA XIGTAA MAJIRTEE WAA NIN WALBAA WUXUU CAMAL HOR MARSADO
    UGU DANBEYNTII WALAALAYAAL OGAADA WIILASHA KU DHIMANAYA DAGAALADAN AAN UJEEDADA LAHAYNI WAXAY WAX KA TARI LAHAAYEEN FIDINTA DIINTEENA ISLAAMKA AH.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh Sharif oo Cambaareeyay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
  2. Qaar ka mid ah Culimada & Ducaadda Soomaaliyeed oo tacsi u diray ehelada Sh. Ibraahim Suuleey رحمه الله تعالى
  3. Fatwo ka soo Baxday Sheekh Dr. Cumar Iimaan
  4. Mas’aladii 6,7 iyo 8-aad oo ka soo baxday Sh.Cumar Iimaan
  5. Dr. Cumar Iimaan oo shaaciyay inay DKMG ahi Dib u Hubaynayso Hogaamiye Kooxeedyadii.

Latest Headlines