Golaha Dhaqanka iyo Midnimadda Beelaha Hawiye ayaa sheegay in Website Soomaaliyeed uu ku Been Abuurtay isla markaana uu ka faafiyay “in Dowladda Maraykanku ay siiso Magangalyo isla markaana ay fiiso u soo dirto 140 xubnood oo ka mid ah Golahooda”, waxayna arintani imaanaysaa xili ay Maalmahan danbe soo Shaac baxayaan warar Been abuur ah oo laga faafinayo Wax-Garadka Soomaaliyeed Qaarkood.
Axme“waxaan idiinla soo xiriiray website baa war soo qoray, Hadalkaa waxaa ka mid ah Odayaasha Midnimadda Beelaha Hawiye oo Maraykanka Magan-galyo weydiistay oo yiri Dalka waan ka carareynaa, waxaan rabnaa Fiisooyin in nala siiyo 140 qof baan rabnaa in nala siiyo, 140-kii waxay yiraahdeen ma wada qaadi karnee 40 baan idin siinaynaa, Nabadoon Axmed Diiriye Afahayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa waraysi lala yeeshay Baa la leeyahay, waxaas bay sheegayaan, waxaas ayay sheegayaan, wax wax ka jiraan iyo Cid waraysi ila yeelatay iyo cid aan Magangalyo iyo Fiiso weydiistay midna ma jirto, waxaas waxa loogu fikirayn baan garanayn iyo Dadka sidaas yeelay waxay ula danleeyihiin”.
Mar la weydiiyay Axmed Diiriye Cali waxa ku jaban inay wadanka isaga tagaan maadaama ay taabatay Dhibaatadda ka aloosan Soomaaliya, wuxuuna xusay inay Dalka soo joogeen xili aad uga adag midka maanta “anagu ilaahay dhibaatadii iyo Culayskii Caradaan Yiilay waa naga soo gudbiyay, hadaan Dalka ka baxayno iyo hadaan Magangalyo weydiisanayno iyo Hadaad Maal iyo Manaafic u xilanayno Dhibaato ayaan soo marnay, dhibaatadaasna waxay ahayd Itoobiya markay Dadka Garaacaysay hadde maanta Dad islaam ah oo Dadkii Islaamiyiinta ahaa oo Itoobiya la dirirayay weeye waxa hadda iska soo horjeeda, wixii Talo ah ee aan ka gali karno waan la dhex joognaa, hadaan ka qeyb gali weynana anaga hadda wax dhib ah oo na haysta ma jirto”.
“Wadankaan Balo nagu Haysata iyo wax uga Baqeyno iyo wax uga Barakacno midna ma jiraan, dee nin Imaanka Alle ka qaaday ma ahane Dada aan anagu joogno Nin Dalkiisa ka baxaaya waa Nin Imaanka Alle ka qaaday Maxaa yeelay Wakhti buu joogaa”.
Golaha Dhaqanka iyo Midnimadda Beelaha Hawiye oo soo Askumay Markii Dagaalo xoogan Foodda is-galiyeen Ciidamadii Gumeysiga Itoobiya oo kaashanayaya kuwa DKMG iyo Xoogaga Muqaawamadda oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ayaa Halgan xoogan kaga soo qeyb qaatay saaritaankii Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.

Related posts:
meeeqa sanaan sugaayaya qofki kashaqeeya waxaan la aqoon wuxuu ku dambeeyaa waxaa la aqoon dalka odayaashu waligood wayjoogeden mawaxay dhasheen xiligii c/laahi uu madaxwaynaha ayaa wagii dagaal oogayaasha xagee bay jireen anoo tixgalinaya odayaasha waana tii maxamed dheere sheegay inaysan isaga iyo xaad waligood iskahor imaan xiligii uu maxamed dheere dadka laynayaya
Odayaasha waxa loogu yeero Hawiye wax jira ma aha dagaalka hadda ka socda soomaaliya iyaga ayaa huriyay ahmed diiriye kii lahaa waaye AL-SHABAAB ayaa i dilaysa oo daba socota marka waxaa leenahay kuwaas odayaal ma ahan ee cadowga Ethiopia ayay u shaqeeya goofkaa qabiil hebel ayaa iska leh ayay la taagan yihiin waxay kala jabinayaa walaalaha mujaahidiinta iyagoo qaar ku tilmaamaya koowto marka iska ilaaliya waa munaafiqiin salaad cali jeelle & max,ed dheer la mid ah
wax lagu hadlo oo hadhey yaa garanaya hadii odeyaashii islahaa guul usoo hooya reerkiina markii ay guuleysteena loo dacareeyey hadee sidee yeelaa wax walba hadii la diidey Shareecadii , Calmaaniyadii , Shuuciyadii , Warlordisimkii,Civil Soosaayatagii iwm.
Itoobiya, Kenya, Uganda ,Erataria oo safka hore iyo saka danbe waa la diidey walee qabiil meel laguma tago meel uu ku dhamaadana ma laha war xagee , sidee, iyo maxey baa lagu helaa dawo xanuunka soomali ku dhacey ee waalida ah kursi doonka .
Mujaahid Axmad Diiriye allaha noo daayo, guulayso, guulayso guulayso baan ku leenahay.
WCWB.
anigu fikirkayga waxan qabaa inaanay ahayn sida sxbada qaar ay u eegayaan oo aad moodo in qoraaga lagu khasbayo in uu sida argagaxisad u hadlo saa maaha baan qaabay qoraagu waxa uu ina yiri oo dhan waa wax qaali ah oo somalinimo iyo wax isu sheegid hufanba ah dabcan dadku fikirka kale malihi ma yeelan karan lakiin hadii sxb lagu in nabadda iyo somalinimadaba cadawga ku ahaa ilaahayna oo ku aafeeeyey ka horimaanshaha ULILAMRIGEEDA{HOGANKOODA} markaa waxaa iga dareensiin ah qoraaga waad mahadsantahay waanuna kaa rali gelinaynaa ee fikirkii kii ugu fiicnaaa oo aad noo soo bandhigtay hadana ceeb lloo yeelo markaa waxaa kuu raaligelin ah dadkaa sa leh oo aanu naqaaano alxamdulilaah
MAHADSANIDIN KANA RAALI AHAAD CIDII FIKIRKAYGA QOONSATAY
NABADEEEEEEY