Abaare 04:00 Galabnimo ayaa waxay dagaalo kooban iyo Duqayn Isbarbar socda ka dhaceen Qoybo ka mid ah goobihii dagaaladu shalay ka dhaceen gaar ahaan Sanca & 4-ta Jardiino.
Dagaalkan ayaa intii uu soconayay waxaa jiray madaafiic ku dhacday qaybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha iyo Isgoyska Hawlwadaag kuwaas oo gaystay khasaare soo gaaray dad rayid ah waxaana sidoo kale madaafiic lagu weeraray Madaxtooyada kuwaas oo aan laga war hayn khasaaraha ay gaysteen.
Khasaaraha ka dhashay duqaynta haleeshay Suuqa Bakaaraha iyo hareerihiisa ayaa lagu sheegay 3 dhimasho ah iyo 14 kale oo dhaawac ah kuwaas oo 12 kamid ah uu madfac kula habsaday Isgoyska Hawlwadaag waxaana sidoo kale jira khasaare soo gaaray dad rayid ah oo ka dhacay deegaanada Sanca, 4-Jardiino iyo Maanabooliyo.
Dadka dhaawacmay ayaa dhamaantood la dhigay Cisitaalada Madiina, Keydsaneey iyo Dayniile kuwaas oo la ciirciirayay dhaawacyadii ka dhashay dagaaladii horay uga socday magaalada Muqdisho.
Waxaa hadda degan goobaha ay isku horfadhiyaan Ciidamada DKMG ah iyo Xoogagga Alshabaab iyo Al-Xizbul-Islaami mana jiraan wax waanwaan ah oo dhex martay labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyo waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas goosgoos ah oo ka dhacaysa aagagga dagaalka.

Related posts:
2badan kooxood wa wada muf sidiin waxa eey isku haystan dhiiga shacab anan cabayo iyo ana cabayo ee ilaahey haka qabto maxa loo danbaaba ooloo leyahay doowlad iyo mujaahid wada shayadhiine .waxa kali oo eey raban in xinjiraha shacabka asigaba gajada ku habsatay in eey tuba ku cabaan xinjirahooda ee yan la dhihin doowlad iyo mujahid ee lagu magacaabo qawleysatada
xiligaan o cika daruuri saarantahay roob yarne da’aayo caalamka waal laga raaxeeanaayaa inagane balse inaga reer bakaaro raaxo inooma jirto dhawaaqaan dahgaheena dheelinaayo. eebow u gar gaar inta saxan.
walaalayaal ilaah ka baqa u naxa shacabkaas maskiin ee baahida daasahatay aad ku dul dagaalamaysaan ,rasuulka scw wuxuu yiri: haddi laba muslim ay dagaalamaan kan wax dilay iyo kan la dilay waa ahlu naar, ee ilaah ka cabsada joojiya dhiiga muslimka aad micna darada ku daadinaysaan
warkii oo kooban xasan daahir xabadda ka daa shacabka. waa lugu waydiin qiyaamaha ku tasho.
umadadeena somaliyeed in badan kamid ah waxan la yaabey xasidnimada,xiqdiga,xaqirada iyo in anay isu ogolayn wanaga mesha ay ka keneen maxa yelay waxad arkaysaa qofka hadi u wax qabanwayo majecla in uu qofka kale walalkiiso u ogolado oo kaga wanagsan howsha balse decaayada iyo aflagado iyuu ugu dara inti u ducaynlaha ama lacawinlaha. hadii aan ahan laha sharifka walalaha xaq udirirka melaha ay kataliyan inta ugu mahad celiyo ayan lashaqayn laha wayo howshii aan qabanlaha o ah nabad iyo kala danbayn ah mar hadii aan leyahay sharci islamka ayan ku dhaqaya hadii ay dacad jirto umalayn mayo in an weeraralaha dad howshii ifudedeeyay ee dadkan baba’ay dhiigod yaney lagu ganacsan ee illah halaga baqo aduunwan iyo galo illaah akatisa waxba kama aha yanaey diinta lgu beer aburan walaalahena xaqudirirka waxa ayqabteen waan aragna nimankan dowlad sheganaya meelaha ayjogan hasoo nadiiyan waaba hadey siijiri doonane ILLAHAYOW kaqabo ummada ninkan maalin walba aad ku imtixantay halagaya oo wax aan dhuuntiisa ahayn ujeedin aammiin
A/SC Wr Wb walaalayaal qofkii uu alle u qoray inuu dhinto waa dhimanaa siduu ku dhintaba laakiin ku duceeysta meeshii uu qeeyr ku jiro alloow na waafaji cida saxana alle ha u gar gaaro oo ay dhab ka tahay Diinta uu sheeganayo iyo Jihaadka uu ku jiro waloow aan aniga waxba u haaynin Nimanka Sheeganayo DKMG oo ay ka buuxaan Ashahaada la dirikii la ogaa meesheey dadka dhigeen hadana rabo ineey soo celiyaan Qabiilkii foosha xumaa
wabilaahi Towfiiq
AS/C Wr WB waxaa wax laga naxa ah inuu maanta ku tilmaamo C/Raxmaan Janaqow Saxaabigii jaliilka ee Khaalid Bin waliid nimankii ahaa Ashahaada la dirirkii sida Muuse Suudi, Qanyare, Max’ed Dhere, Duf ku Bax ilaahaan kaaga baryee
ninku waa inuu mar xishoodaa oo ilaahay ka xishoodaa oo aqbalaa dhimashada sidii saciid ibnu jubeyr nin mar kasta ka baxsanaya dhimashada oo la weynaayo bal ka warama hadhoowna soo baxaya oo marka dagaalku dhamaado soo daahiraya igama qudhunto igama dhimato waxaan nin raga u aqaney ilaahay h u naxriistee ubu muxsin markii hal dagaal ka fashilmey kii kalana ka fashilmey yidhi maxaan dadka la hortgayaa intuu wardiyhii ugu danbeyey iska soo tukhaantukhiyey yidhi walaahay baan ku dhaartaye inaanan kan ka baxeyne ha igu dul dhiman waxaas ayaa rajuula la dhahaa laakiin sii carare soo carare gaalo ka cabsoode muslim laaye takfiiriye marka la isqabsadana dhuunte maxuu cid u sheegayaa intee in in le,eg buu wax wax ful gareyn karaa ????????
ninkii khiyaamo maleegaa asagay ku laaban mar uun. Shariifka iyo janaqow sow maaha waxa ka feerdagaalamaya cabdi dheere iyo qaybdiid. Waxaa dowlad been ah loogu soo dhisay jabuuti si loo badbaadiyo raggii ethiopanka keenay, shariifka iyo ragiisana la hordhigo ragii wadanka ka xoreeyey ethiopanka, si ay usheegtaan inay sharciga islaamka wax dabaqaya isaga dhigaan, laakiin runtu ah tahay inay sharciga islaamka kortagaan ayaa meesha loo geeyey, waana taas midibkiisii runta ahaa shariif iyo janaqow iyo indhacade lasoo baxeen oo kadhigtay warlord.
HADDII AYSAN MUJAAHIDIINTA WAA (ALSHABAAB IYO MAXAAKIM ISLAAMI) AHAYN LAHAYN MIYAA SHARIIF IYO JANAQOW LALA HADLI LAHAA.? MARKII LA OGAADAY IN ETHIOPANKA IYO RAGII SHACABKA U JABIYEY LAGU BIYO KEENAYA AYAA JAR LOO DAGAY MUJAAHIDIINTA TAAS OO AH IN MADAXA LAGA SAARO SHARIIF IYO RAGIISA SI MUJAAHIDIINTANA GUUSHOODII LOO SIIYO, LOONA BAD BAADIYO RAGII ETHIOPANKA KEENAY.
Cabdirashid
ASSALAMU AILAYKUM
SALAAN KADIB AQRISTAYAALOW BAL TAARIKHDA AAN DIB UGU LAABANO,NIN GAALA BAA 27 SANO WAXA LAGA FUJIN WAAYEY HAL EREY OO AH DADKAYGA BAAN XOR-NIMO U RABAA, MARKII LAGA QUUSTEY BAA XABSIGII LAGA SOO DAAYEY, MARKUU BANAANKA YIMIDNA WAXA UU NOQDAY MADAXWEYNE, RUUXII UGU HOREEYEY EE UU CAFIYO WAXAA UU NOQDAY NINKII 27KA SANO KU CIQAABAYEY XABSIGA, WAXA KALE OO UU HALKAA KAYIRI DADKA DALKAANI WAA ISKU XAQUUQ MIDABKAY DOONAAN, HALAHAADAN DIINTAYDOONAAN, HA AAMINSANAADAN DHAQANKAY DOONAAN
HALAHAADAAN,WEY U SIMAN YIHIIN KHEYRAADKA DALKA IYO MAAMULKIISABA, NINKANI WAXA FIKIRKAAN KU TAAMAYEY 40 SANO WAXA UU KU MUTAY CIQAAB. MARKIISE AY RIYADIISII U RUMOWDAY, INTUU BOODBOODEY MA ORAN AAWEYE KUWII I CIQAABI JIREY EE SAL MUGII INTUU U FARIISTEY BUU WUXUU CUSKADAY QODOBKA MAANTA LAGA LA YAHAY KUWII UMMADEENA U AHAA INDHAHA WAA CULUMADEE QODOBKAASI WAA =SAMIRKA= WALAALAYAAL DADKA ILAAH BAA WADA ABUURTAY MUSLIM & GAALBA XIGMADANA RUUXUU DOONUU SIIYAA BAL ISKU EEGA SHEIKHAN KIRISHTANKA(NERSAN MANDELA) AH IYO CULIMADA MAANTA U NOOL SHACABKA SOMALIYED EE NIN WALBA UU KA KURSI JECEL YAHAY QAB-QABLA YAASHII SHALAY LAGU EEDAYNAYEY DAD BAY LAAYAA, DALKIIBAY GUBEEN DIINTAY DADKA KA CAYRSHAAN IWM.
CULUMADA SO0MAALAAY FIR-QADAAD DOONTAAN KALA TAAGEERA MAANTA WAXAAD TIHIIN KUWO QAB-QABLAYAASHA & ODOSHAASHII DHAQANKA UGA DARAN SHACABKII IDIIN AAMINAY ILAAHNA WAXA UU IDINWEYDIINDOONAA AMAANADAAS GIDIGIIN MEELKASTA OO AAD DUNIDA UGA NOOSHINIIN MAANTA .