Waxaan halkan idinku soo gudbineynaa Baaq Nabad-doon oo ka soo baxey Culimada iyo Wadaada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka UK, waxa uuna baaqoodu ku wajahan yahey dhinyacada kale duwan ee is haya, sidoo kale cid walba oo arinta Soomaaliya gacan ka geysan karta.
Baaqa Culimada oo ay ku saxiixan yihiin dad ka badan 50 qof ayaa u qornaa sidatan:-
Hordhac
Baaq Nabad-doonkii 2aad oo ay soo saareen Culimada Soomaaliyeed ee Uk.
Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen Culimada iyo Wadaaddada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Ingiriiska Kaas oo ah kii 2aad ayaa ka dhacay magaalada Birmingham 17 May, 2009
Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Anagoo ah Culimada iyo Wadaadada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska, kadib kulankii 2aad ee aan ku yeelanay magaalada Birmingham U.K Kulankaas oo lagaga hadlay duruufta adag ee harinayso arinta Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana xaalada qalafsan ee dhextaal culimadii(wadaadadii) Soomaaliyeed kuwaas oo ay umada Soomaaliyeed u hanwaynayd, asii ay cadaatay in maanta dagaal hubaysani dhaxmaray , ayaa kulankaa waxaa ka soo baxay Baaq xabad joojin iyo nabadayn ayadoo baaqaas lagu dhisay Qawaacida sharciga ah ee lagu qiimeeyo maslaxada iyo mafsadada si loo yareeyo dhib guud loona badiyo dheef guud oo wada haleesho umada Soomaliyeed ee Muslimka ah., waxa aanu ku baaqaynaaAnnaga oo ku hadlayna magaca Culimmada Soomaaliyeed ee wadanka Ingiriiska :
1. Waxa aanu magaca Culimanimada,Islaamnimada iyo wada dhalashadaba ku codsanaynaa in la joojiyo dagaallada taagan, wada hadalla isla hadda la bilaabo.
2. Waxa aanu si aad ah uga xunnahay, berina ka nahay dagaalada soconaya ee magaca Islaamka lagu hurinayo.
3. Waxa aanu diin ahaan aragnaa in ay khalad tahay gaalaysiinta dawlad ku baaqaysa ku dhaqanka Shareecada Islaamka, ogolna wixii khilaaf ah in laga wada hadlo.
4. Waxa aanu ka soo horjeednaa in ciddii dawladda ka hortimaadaba lagu tilmaamo Khawaarij, Waana in arrintaas looga dambeeyo culimmada goobjoogga ah.
5. Waxa aanu si buuxda u taageersanahay go’aamadii kulanka labaad ee Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.
6. Waa in wixii khilaaf ama kala aragti ah loo celiyo kitaabka Alle iyo Sunnada Nebiga (SCW).
7. In ka tallaabsiga iyo iska indho tirka Culimmada Shareecadu ay tahay arrin khalad ku ah qof kasta oo muslim ah gaar ahaan ahlu-diinka.
8. Waxaan ka codsanaynaa culimmada Soomaaliyeed iyo culimmada Islaamkuba in ay ka shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa dagaalka soconaya iyo in ay ka shaqeeyaan nabadda.
Ilaah baa mahad leh.
Shirkan oo ergooyinkiisu ay ka kala yimaadeen magaalooyinka London, Birmingham, Manchester, Leicester iyo Sheffield, :
1. Sh Cismaan Usuuli.
2. Sh C/baasid Sh Ibraahim
3. Sh C/risaaq M Takar.
4. Sh Xuseen Jaamac
5. Sh C/laahi Maxamed
6. Dr Sh Maxamuud C/raxmaan
7. Sh Maxamed Shaafici
8. Sh Maxamed C/kariim
9. Sh C/raxiim Yuusuf Axmed
10. Sh Ibraahim Cabdi Cali
11. Sh Maxamed Aadan Cismaan
12. Sh Cumar Xassan Yoolac
13. Sh C/laahi Jaamac Ismaaciil
14. Dr Sh C/naasir Diiriye Guuleed
a. Sh Muuse Faarax Cali
15. Sh Maxamed Cali Diirshe
16. Sh.Xaamid cabdullahi
17. Sh.Shucayb Xaaji Nuur
18. Sh Xassan Gabayre
19. Sh Siciid Saalax Jaamac
20. Cabdaleh Cismaan
21. Sh Mustafe Xassan C/laahi
22. Maxamed Muxumed Ducaale
23. Sh C/nuur Weerar
24. Sh Maxamuud Xaaji C/laahi
25. Sh C/rashiid Maxamed Cabdi
26. C/raxmaan Cali Geedi
27. C/qaadir Cawad Baaruud
28. Macalin C/qaadir…
29. Sh Cismaan Cali Faarax
30. Ismaaciil Xuseen
31. Sh C/naasir Maxamed Jaamac.
32. Sh.cabdirraxman Maxamud(Tajwiid)
33. Sh Maxamed Cali Caliyow
34. Sh Salaad Cawil Muuse.
35. C/kariim Cali
36. Maxamed Haaruun Biixi
37. C/rashiid M Axmed
38. Sh.Maxamuud C/raxmaan
39. C/qaadir Xuseen
40. C/xakiim Axmed Xassan.
41. Eng Xassan Maxamed Jaamac
42.Sh.cabdulcasiis Cabdulqaadir aadan
43. maaxamed Shiil
44.abdulnaasir geele Beereed
45.Xirsi Jaamac Gaani
46.Jaamac A Hassan
47.Xusayn Saleebaan Nuuraani
48.Xassan Maxamed Jaamac
49.Cabdullahi cabdi Sharay
50.Maxamed ismaaciil
51.Cabdalleh Cisman maxamed
52.Sh. Cabdiwali Muuse cali
53. Sh. Maxamud Saalax Axmed(Walalac)
54.cabullahi cabdulcasiis
55.Suldaan Cabinaasir Shirre

Related posts:
MAASHAA ALLAAH, 50 SHEEKH OO SOOMAALI AH, OO JOOGTA 2 MAGAALO OO ISU JIRTA 3OKM !!!!
MISE NINKII MASAAJIDKA SOO GALAABA WAA SHEEKH!!!
50KAA SHEEKH MID MIDKA KALE WAAFAQI KARA KUMA JIRO!!! HABA YARAABTEE WAX WADA SHAQAYN AH OO KADHEXEEYSAA MAJIRTO!
MAXAY SOOMALIYA KAQABAN KARAAN LOKALADA AY KU DUKADAAN AYAY MIDAYN KARIWAAYEENE !!!
Bismillah
Qofka gobanomo isku sheegay ee culumada ugefayow waxaad tahay qof qalbigiisa uusan fiicneyn waayo culumadu waxey ka hadashyba mafahamsinid oo culumadu waxey ka hadleen arin ay isku waafaqsanyihiin oo ah in dhiigaa dadka muslimiinta ah ee soomaaliya ka socda gaar ahaan magaalada muqdisho lajoojiyo, marka hadii ay jaahilnimo kaa tahay waan kuu cudur daarenaa,hadii ay aysan kaa aheyn waxaad tahay munaafiq ama wecel ibliis ushaqeeya.
maxaa ay been isu sheegeen, dawlad islaama kulahaa, waxaan isu yimid culumo maahan, malcaamadaha iyo tutionada yay dhigaan,horaa xiligii xabashida bayaan usoo saari lahaayeen is maqashiis waaye, waxaan oran lahaa doolar u doonta dabadhilifkii shariif
maashaa allaah, dadka bayaankan soo saarey badankoodu culimo iyosheekh midna maha.
waxaan filayaa culimada bayaanka soo saarey intaan oo hadal arag ah lama kulmeen haddii ay iska daynlahaayeen magaca sheekh oo mid walba laga hormariyey, ileen dadka cawaan ma aha ee waxbey garanayaan .
baaqa waa fiican yahay, laakiin waxaa ceeb ah dad badan oo aan shiikhyo a heeen in culimo ama shiikhyo lagu magacaabo. isku soo duuduubo wax qeyr ah ay ku baaqeen oo ay tahay in muslin kastaa taageero.
war heedhahaye dadka dagaalamaya waa wada Islaam, mise dowlad ha sheegtaan mise dhalanyaro ha sheegtaan, waxa meesha ka soconayana waa wixii rasuulkeena subaanaha (s.w.w) inooga digay, waana fitno…
Iska ilaaliya dhinacna hala jirina
A/S/W/W/.
WALAALAYAAL WAXAAN KUSOO GAABINAYAA 2 QODOB.
1–culimadda bayaanka soo saaray aad iyo aad ayay u mahad sanyihiin waana asiibeen waxayna sheegeen sidii xaq ahayd ee ku haboonayd waa fikir iyo talo ay asiibeen100%.
2– walaalaha tacliiqa saaray waxaan udheegayaa inay xeshoodaan oo ilay ka cabsadaan oo ka joogsadaan dacaayadda iyo aflagaadda dadka walaalahaa oo musaalaxadda ka qayqaadanaya maxaa yeelay waxaala yaageeraa wax saxdaaye lama caytamo culimadda iyo aqoon yahaynkuna ku siijiraan qofka caaya dadka waddaadaah wuxuu galayaa aayadda ilaahay ku yiri munaafiqiinta(laa tactadiruu qad ka fartum bacda iimaanikum)markii ay caayeen saxaabdda .
marka ka waantooba cayda iyo dacaayadaha dadka culimaddaah iyo mulimiinta oo dhan.
shugran.
a/s
ASALAAMU CALAYKUM WR
WAA ADDUUN AKHIRU ZAMAAN QOFKASTA CAALIM AYUU SHEEGTEY KOOX KASTANA INTEY QOL ISKU SOO XIRTEY AYAY CULIMO SHEEGEEN BAYAANO AY DANAHOODA KHAASKA AH KU GAARAYAANA AY SOO QOREEN AYAY QOFKII U HOGAASAMI WAAYA WAXAA LAGU DHEJIYEY SHAABAD AH CULIMADI AYUU DIIDAY OO WAA KHAARIJI.
WAXAA ISWEYDIIN MUDAN MAXAA SABABAY IN MAANTA KOOX WALBA KU SHAQAYSATO MAGACA CULIMADA?
JAWAABTU WA WAADIX BAAN FILAYAA WAA NASRI USOO HOYDAY ISLAAMKA OO LA ARKEY IN MAANTA SHUCUUBTA MUSLIMIINTA DHEXDOODA AYSAN KA SHAQAYNAYN WAX AAN DIIN ISLAAM AHAYN SIDAAS DARTEED AYAA WAXAA SHAATIGI CULIMADA XIRTEY DAD AAN EHEL U AHAYN OO LAGA YAABO INAYBA YIHIIN RAGGII SHALAY SHUUCIYADDA IYO CILMAANIYADDA HOR BOODAYAY INAY MAANTA RABAAN INAY KAAR KALE ISTICMAALAAN SI AY U GAARAAN DANAHOODA.
WAX BADAN AYAAN MAQLNEY CULIMO WARKEED AYAA LA DIIDAY BAYAANKI CULIMADA AYAA LA DIIDAY IJMAACI CULIMADA AYA LA DIIDAY MASLAXADDI IYO XIKMADI CULIMADA AYA LA DIIDAY,LAAKIIN QOFKII CAQLI LEH WAA GARANAAYEY SHABAQA LAYSU DHIGAYO IYO BIYA DHACA SHEEKADA IN AAN CULIMO LA DIIDIN WARKEED EE SHIRQOOL RAG KHAAS AH WATEEN LA DIIDAY,MAANTA QOFKII UK KU NOOL AMA GARANAYA RAGGA MEESHAAN LAGU SOO SAFEY SIDII IN ASKAR LA QORAYO WAA OGAAN KARAA KHIYAANADA MEESHA KA JIRTA DADKAAN WAX YAR MA AHANE INTA BADAN WAA NAQAAN WAXAY U BADANYIHIIN DAD AY MUDANTAHAY IN LAGA ILAALIYO ISLAAMKA SHARKOODA INTA AAN LAGA ILAALIN YAHUUD IYO NASAARO KA HOR WAA JIRAAN DAD DAACAD AH OO MAGAC WADAADO AYA SHIRAYA LAGU QALDEY KADIBNA KAARKA LA MARSADAY LAAKIIN WAXA FIICAN QOFKU INUU KA FIIRSADO ARIMAHAAS OO KALE INTA UU DHEXDABAALAN BAXAR AAN MEEL UU KU DHAMAADO LAHAYN.
SOOMAALIYA 4 NIN OO QOL ISKU SOO XIREY INTERNET NA MAGACYADOODA KUSOO QOREY INAYW AX KA BEDELEYN QOF WALBA WA OGYAHAY EE NIMANYAHAW YAYANAAN SHAATI BEEN AH ISU GESHANE CAYRTIINA DHUUQA OO CARUURTIINA MADAXA U XIIRTA WAX KALE OO OO AAD UMADDA U HAYSAAN MA JIRTEE.
WAXAAN FILAYAA DAD BADAN OO LAAB LA KAC CULIMO HAYEY INAY OGAADEEN CULIMADA LA SHEEGO BADANKOOD INAY YIHIIN RAG LAF TOOBIN KU HAYA MAXAA YEELEY QOF LA AYAQRA WALAA YAKTUB AH MARKUU KOOFI KUSOO XIRTO IYO CIIMAAMAD OO KU DHAHO CALAIM BAN AHAY WAXAAD DHIHI XATTAA ANAA YAAD QALDAYSAA SXB WAA ISNAQAANE MA WAXYI AYAA KUGU SOO DEGEY OO SAMADA AYA LAGAA KHALIIFEY.
SHIRARKAAN RAGGA PARLAMANKA DOOFAAREY KU JIRA LOO SOO WAKIISHEY MEESHA AY KU INTIHOODAAN AYAYNU SUGAYNAA INSHA ALLAAH.
WSC

WAA XADIISKII NABIGA SCW EE AHAA

scwrwb
waa iga suaal ee ma jogan magaladan yari waxan oo shiikha waaban u suu raxlaysan lahayn.
tan labaad shariif iyo shabab waynu aragnaa oo somali iyo muslim xal uma soo sidaan ee maxa talo, salamaat
salaamu caleukum,,, wax walba waa la biliqeystay hadana magacii culumada loo dhigtay, wax culumo la oran karo waxaa ku jira 2 ama hal inta kale waa caamo dhagaweyn.. tankale waxaa la yaabay in ay isku dano noqdaan rag aan is arki karin oo kala caqiido sida jadiidiya iyo islaax ,alitixaad.