Shabakadda Warbaahinta Somalimirror ayaa maalintii 2-aad Socdaal xaqiiqo raadin ah ku martay Goobaha ay isku hor fadhiyaan Xoogaga Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo is-garabsanaya iyo Ciidamada DKMG ah.(Daawo Sawiradda)
Socdaalkii ugu horeeyay waxay Shabakaddu ka bilowday Isgoyska Florenca oo ay Dagaalo xoogan ku dhex mareen Qeyb ka mid ah Difaaca Madaxtooyadda ee DKMG ah iyo Xoogaga Xisbul Islaam.
Somalimirror waxay soo aragtay Xoogaga Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo Masaafo ka yar Hal KM u jira Albaabka Koowaad ee Madaxtooyadda Villa Soomaaliya marka laga dhaadhaco Dagaandaga Isgoyska Foloransa.
Xoogaga Xisbiga iyo Al-Shabaab ayaa kaga sugan Meel aan sidaa uga fogayn Masjidka Xaaji Yuusuf oo u dhaw Albaabka Koowaad ee Madaxtooyadda Villa Soomaaliya waxaana uu u dhaxeeyo oo kaliya Hal jid cadde marka laga fiiriyo Dhinaca Waqooyi.
Intii aanu ku sugnayn Isgoyska Foloransa waxa ku soo dhacay 2 Madfac oo u muuqda Mid laga soo riday Tangi kaas oo sababay Dhaawac Dameer halkaasi looga rarayay Bulukeeti yiilay Dabaqa Foloransa hoostiisa.
Dhanka kale Isgoyska Siinaay iyo Afarta Jardiino ayaanu kula kulanay Isla Xoogaga Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ku sugan, dhinaca Ciidamada DKMG ah ayaa iyagu ku sugan “Tabeelaha Jaceylka” oo ah xadka kala qeybiya Degmooyinka Boondheere iyo Yaaqshiid.
Sidoo kale Ciidamada DKMG ah ayaa fuushan Dhismaha Sarta Sanca ee Degmadda Yaaqshiid, waxayna ka soo ridayaan Xabaddo Goos goos ah oo u Muuqato mid liif ah ama Toogasho ah.
Wadada Wadnaha waxaa ka shaqeynaya Gaadiid Bl ah oo aan Badneyn, sidoo kale Dad Shacab ah oo fara ku tiris ah ayaa maraya jidkaasi gaar ahaan laga bilaabo Isgoyska Aadan Cadde illaa iyo Sanca, waxaana arintaasi sabab ah Colaada ka aloosan Wadaasi.

Isgoyska Foloransa.

Muuqaalka Isgoyska Foloransa illaa iyo Siinaay.

Isgoyska Foloransa oo ay ku suganyihiin Xisbiga iyo Al-Shabaab.

Qeyb ka mid ah Isgoyska Foloransa.

Gaari Dameer ku dhaawacmay Madaafiic ku soo dhacday Foloransa.

Isgoyska Foloransa dhinaca Madaxtooyadda

Xaafadaha ku xeeran Isgoyska Foloransa

Muuqaalka Wadada u dhaxeysa Vila-da & Masjidka Xaaji Yuusuf

Isgoyska Siinay

Muuqaalka kale Isgoyska Siinay

Muuqaal kale, Isgoyska Siinay

Ciidan Difaac Isgoyska siinay uga jira

Askari Dhufesyo ku jirta

Sarta Hotel Jiddah

Wadooyinka Isgoyska 4-ta Jardiin oo Haawanaya

Ciidan Difaac uga jira, Isgoyska 4 Jardiin

Muuqaalka Makhaayada Isgoyska 4-ta Jardiin ugu caansan

Muuqaalka Sarta Sanca ee Ciidamada Dowladu saaran yihiin

Related posts:
waad sidaaaaad jeceshihiin taasna waa riyadiina ee hurdada ka kaco
sida muuqata walaalaha somalimirror waxaad la kala safaneysaan ragga is dilaya, saxaafadduna waa laga fiican yahay in ay dhinac la safato, waayo qof waliba oo afka somaliga yaqaan ayaa aqrisanaya.
fadlan yaysan qiiro urur yeysan idin qaadin oo ha waayina akhristayaasha aad kasbateen.
Xamar ayaan ku suganahay, waxa daglaamaya iyo ragga lakala safanna waan aragnaa oo ma qarsoona, ee umadda haloo duceeyo in ilaah dhibka ka qaado, inta aad colaad sokeeye hurin laheydeen
Aqriste.
guusha mujaahidiintaa leh allaahu akbar!!!!!!!!!!
Allow guusha u soo dadaji mujaahidiinta jidkaada u dagaalamaya..aamiin!
allahu akbar insha allah guusha waa dhowdahay mujaahidiinta waxaan u sheegi lahaa waa ineysan isku mushquulin jowhar iyo gobolada dhexe xoogoodo ugu weyn waa iney madaxtooyada ka saaraan dabadhilifkan cusub iyo gebi ahaan muqdisho ka dib wixi kale oo canaasiirta yar yar hal mar ayaaku filan wayna iska dhamaaanayaan insha allah waxaan la yaabay xalay mar aan ka fiirsadey tv universal soo daayay iyagoo sheegay iney joogeen joogo florenza waxaana ku sugnaa xayawaan kii caloosha weynaa dacfuuska ahaa ee ina shaaweeye fuleynimadiisa hal second madaxiisa wuu istaajin waayay isagoo marba dhinac fiirrinaaya kuna doodeyyay iney raacdeeysteen ayna dhaafsiiyeen jidka aadan cade ha.ha.ha.waa siduu hadalka u dhigayee, maxaa ka dambeeyey geel caruur qaadey saladii casir ka dib ayaa dabada looga dhacay meeshoodii lagu celiyey wasaqda araga xun leh
allaaaaaaahu akbar ayaanu leenahay
guulna way heli mujaahidiinta xizbul islam iyo alshabaab iyo muslimiinta
ilaahow dhabarka ka jabi jawaasiista shariifka ugu weynyahay waayo gaal raac ayuu noqday waana munaafiq wayn ilaah hanaga qabto aaamiiiiiiiin
aaaaaaamiiiiiiiiin
waa inkaar socota dadka maxastaa oo dagaalka lagu wado dhexdooda fadlan waxaan codsaney naa inlajoojiyo sishuurdla aan ah
== somaliya dal aan dad lahey weye waxaa u dad ah rasaas /dhimasho/ dhaawac/barakac/qaxooti/gaajo/burbur/madax la.aan/majola.aan/ walaalayaal fadlan dadka halaxaqdhowro iyo dalka oo yaan lagu xadgudbin
== dowlada somaliya iyo kooxa kahorjeeda waa in eyfakaraan oo ogaadan bari kamaalin in iyaga wixii halkaas kadhaca lagala xisabtamayo ha ogaadeyn arintaas sxb
(saciid m caato tel 00967713950962 yamen sanca
ASC waxaan u hambalyaynayaa walaalaha Somalimirror.com,waxaan ugu Nasteexaynayaa kuwa SM eedaynaya in ay alaah ka baqaan.
haday dhinacyihiin maba booqan lahayn waa walaalo runta ka hadlaya.
waxa isdilaya ma ahan laba walaala ah ee waa cadaw iyo Mujaahidiin.
waxaan ognahay in ay meesha ka bexeen Maleeshiyadkii Maxaakimta.
hadda waxaa dagaalamaya Gaalada AMISOM oo wadata Maleeshiyaadkii Copy-ga ee Itoobiya tababarka kusoo qaatay kuwaasna horay ayay culimadu ugu tilmaameen Murtadiin.
marka walaalayaal mahadsanidiin siiwada camalkiina Iclaamiga ah
asc
walaalaha somalimirror waad ku mahad santihiin sida aad isugu mashquuliseen in aan ogaano xaqiiqda xalaalada magaalada muqdisho taas oo web-ka kale ay qorayaan wax xaqiiqda ka fog iyagoo lasaftay dhinac.
koos
Somalidu inaysan wali bislaan baa muuqata war nimana leh somalimirror baa la kala safan ma waxay diidan yihiin in la soo sawiro ama la sheego meelaha lagu kala sugan yahay?
mida kale sida uu sheekh xasan daahir horey u sheegay xaq iyo baadil dhex dhexaad lagama noqon karo.
gaalo iyo kuwey ka raali noqotay cirib xumaa u dambaysa nimanka leh xaq iyo baadilka ha isku labnaadaan hadii jahli uu u geeyay hadalkaas wax barta ayaan leeyahay hadii ay u geysay xumaanna mut bi ghadabika ayaan leehay
asc
horta aniga waxaan ka yaabanahay dadka dhahaayo waxii xaqiiq ah markii lasoo tabiyo garab aad la jirtaaa fadlan warhaabinta xaqiiqda soo gudbineyso ka leexda waa shaqadooda bahda somalimirror waxaan leeyahay
sii wata dhaxdhaxaadnimadiina qofna wax ha oga cabsanina
GUUSHII BAA SOO DHAWAATAY INSHAA ALLAAH,DADKA MEELAHA KA SHEEGAYA INEY NECAB YIHIIN MUJAAHIDIINTA SABRAY.HA UGAADEEN INEY MUNAAFIQIIN YIHIIN. ILAAH HALAGA CABSADO MUJAAHIDIINTA HALOO DUCEEYO NASRIGA WEY HELI DOONAAN.ALLAHU AKBAR WALILLAAHIL XAMD
walaalayaal runta waa cibaado wararka aad qoreysaan waa inay run ahaadaan, haddi garabka ad jeceshihiin inuu guulaysto uusan guulaysan ha ka been shegin si aad u qariso jabkooda runta sheg ama isaga aamus,.
anigu waan rumeysanaya waxaad qoreysaan ileyn wadaka ma joogo.
waxaa jeceshihin ayaa noo soo qortan maalin walbo web site yo badan oo dhex dhexaad ah ayaa aqrisanaa meesha wax ma rayana waa ognahay, marka shekadan qiyaaliga naga dhaaf somli mirror waa website ay leeyihin xusbul islam marka mahan web dhex dhexaad walayaloow in aan ka caajisno in aan booqano web-kan oo web qolo uu noqdo naga ilaalsha. waa jecelahay webkan in aa mar walbo booqdo lkn in aan uga tala galno web koox hangu kalifinaa joojiya boqbogandh-ka wana mahadasatihin
waxaan ka naxsanahay hooyada ilamaha lacararayso wax ka soo hor bixi doonana aan garanaynin
iahay ka cabsada oo masaakiinta dilka ka daaya
dawlad ma jirto
muqawamana ma jirto
dadka yaan dhiigooda ciyar lagu banaysan
dagaalkan damiyaayay uma fiicna danyarta saan qabo.
WADAADADA KHEYR ILLAHAY HASIIYO SHARIIFKA WAXA SOO RAACA WAA LAGU ADEEGANAAYAA WAXABA KAMA OGA SOMALINAMADA EE WAA GUMEYSI KAL=KAAL WADDAN LA RABO IN LOO CABIIDIYO XABASHIDA ARAG BADDA WAXA HOR FADHIYA INSHA ALLAH TII ALLA AYAY NOQQON LAAKIIN LAGAMA YAABO IN GUN AAN NOQDOO LAY YEESHO DAWLDAHA AWOODA KU FAANAYO SIDA IMPR WAJIGA CUSUB EE MAREYKANKA OGOW IN ILLAHAY AWOOD LEE YAHAY AADNA MARIDOONTAAN WADADII FIRCOON CAAD IYO SAMUUD OO AWOOD SHEEGTAY
Asc walaalayasha shabakada somalimirror way kumahadsanyihin fursadan qaliga ah kadib waxan ushegayaa dhamaan akhristayasha kuxiran shabakadan qiimaha badan inay lajaan qaadan isbadallada kajira xamar iyo dagalada cusub ee socda maxaa wacay dagaalku waa maslaxada somalida iyo in mesha laga saaro kililka ismamul kusheega 6xaad ee somalia lagana hago adis ababa halataagero isbadalka cusub cadawguna hajabo iyo jaajusinta dabadhilfkuna hagubo
asc wr wbr?
wan idin wada saalaamay dhamaan mujahidiinta oo dhan melkasto ay jogan salan kadib wad guulesaten wadna gulesan dontaa haduu rabi idmo guushiina allaha idinku wado in sha allah
wbillahi towfiiq
w/ wr wbr
allahu akbar ha guuleystaan xisbul islaam & shabaab
ha istaaginina ilaa aad filada gashaan oo dowlad islaam ah aad dhistaan allahu akbar ilaahay ha guuleeyo xisbul islaam & alshabaab
waxa wax lagu farxa ah in amanta webka somali mirror noo cadeeyey sida uu wejigiisa yahay taasna waa mid an horay dareen ahaan noogu jiray maantase aad dadweyanah tustayn..waxaan idinka codsan laha in ad iska dhaaftan magaca dowlada oo aad tiraahdan fahamka ay aminsanyihin alshabab oo ah dowlada gaalada intaas wa iga codsi ,,,,,,,
Guusho maaha in Is-goys looga gudbo is-goys kale ama dalcadii Maxamed siyaad la fuulo e waa in Kitaabka Eebe kor noqdo
aslaamu laahi caleyka wxaan usoo jeedin lahaa shaqsiyadka dhaliilaya webkaan iney iska dhafaan dhaliisha iyo waxka sheeega hadeynu nahey is eedeyn baa inoo caado ah markaa waa ineynu taas iska dhaafanaa midakale waxaaynu marwalba eedeynaa shesheeye ayaa isku kaaya diraaya beynu kudoodnaa anigu midaas maqabo dhibaatada maalin walba shaati loogalinaayo ee umadii ku hoobatey inagaa usabab ah markeynu diintii ale ka haajirney oo gaalo daba da saarey oo inagii iscolaadiney ayaa dhibkaani yimaadey
waxaan anigu qaba adhibaatada soomaaliya heysata ee gaaladu kadanbeyso waxaa jira waxka weyn oo ah markeynu inagii iscoalaadiney oo diintii ale ka leexaney ayaa ilaahey dhexdeena baas dhigey
bishaaro bishaaaaaaaaaro umada soomaaliyeed eemuslim ka ah waxaan uugu bishaareynayaa waa inta jecel diinta rabi inwadanka lagu maamulo ama jecel ingaalo meel la iska mariyo waxaad ogaataan walalao yaal umada muslimiinta ah meelkasta hajoogeene marna ilaahey katagimaayo muslimkuna waa guuleysan kitaabka alena wadan ka ama caalamka waa uukatalin sidii markii hore uu uuga talinjirey laakin ruuxwalowba adigu hadiinbeelin diintaani waa socone laakin imtixaan aya alamaraya akahoreeya ee adigu ruuxwalowba hadiinbeelin diintaada iyo dantaada ilaasho ilaahey waxba kamadhibeysid dintiisee
su …aal aan usoo jeedinaayo aqristayasha webkan war walaalayaalow hadeynu soomaali nahey gacmaha ma isqabsanaa oo inagu maheshinkaraa inteynu gaalo iska dhafno hadey jawaabtu tahey haaaaaa … wadadee uugu dhow oo aynu umaraaaaaa mase idin lafiican tahey ineynu inagu heshiino oowalaalowno
koleey markasta waxaa badan dadka baadilka jecel maxaa yeelay dadbadan aa laga yaabaa in ay guryo bililiqo ah daganyihiin haday ay mujaahidiita xoreeyaan waa laga saaraa xaafadaha ay ku jiraaan waliga necbaaw ama iska daa koleey ilaaah waxuu lajiraaa xaqa allahyaooow xaqa guusha usoo daji
aaaaamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin
aaaaaamiiiiiiiiiiiiin
asc Ikhwani filah ama bacdu wad salamantihin Somali weyn mel walba adjogtan Awalan waxan uduceynaya Umada Somaliyed In U Ale kadulqado dhib, dulmiga laguhayo Shacbiga. Wana ayan daro Dad sowada jihaday manta in ay aygu isku jesadan marka waxan oranlah Walalayalo Dagalka Jojiya Wixi ad isku qabatan Kitabka iyo Sunaha ula labta.cadowgina yu idinka faidaysan
salamulahi caleykum dhaman umada musliminta ah salan ka bacdi waxan oranlaha mujaahidinta naftoda iyo waqtigoda qaaliga ah u lumiyay in ey diinta alle kor yelan o kali ah e an dano kale ka laheyn ciidi ceb ka shegta ilaahey cebtoda ma asturo marka xigta waxan ad ugu faraxsanahay sawirada xaqiiqada ah e marqati ma dontada ah e somalimirror so bandhigtay wana uga mahad celinaya shaqsiyan wayo waxa an joga south afrika rag aya dodi na dhexmartay inago dodi ku guda jirna ayan talefanka ka galay webka somalimirror marka ayan ku dhahay ma taqana sartan sarta lo yaqan ukada e lamiga falorensa dhanka midig ka saran iyo sido kale masajidka xaji yusuf marka ad ayan u garanaya dhulkas laso sawiray waxana garanaya masafa ahan inta ey isu jiran albabka kowad e madaxtoyada iyo masajidka halka jid caade e u dhexeyana waxa u dhanka midig ka mara iskulka 15 may lamiga marku kuso dhacana waxa u hos mara madaxtoyada waxana u dhex mara suqi hore e ariga waxa eyna isu jiran ugu yaran 100 talabo marka hora lo yiri run iyo ilkoba wa la cadeya wa ku mahadsanyihin somalimirror teda kale nin aya waxa la yiri nagtisa aya gabdho kaliya dhaali jirta malinti danbe aya isago safar ku maqan waxa la yiri islantadi wiil ayey dhashay safarki marku ka yimid ayu arkay in ey gabar dhashay marka ayu yiri ibcad a wiil dhashay ewalan yabaye marka waxan uga goleyahay alshabab a marya calas ka adkahe awalan yabaye mel iska fadhista dheh yugandha laguso tababaray iyo burindi ey barate tilabo danbe ha qaden hadey wax isku hayan hal cashir wa qaten su,alana wa lo diray si ey ugaso jawaban
asc wr wb dhamaan walaala maasha allaah maasha allaah Allow guulee mujaahidiinta allow adigaa gusha bixiyee guusha sii Allow hooji mujrimiinta iyo gaalada isa soobahaystay oo dulinomo bad aysan kasoo waaqsan waligood aamiin,, waxaan walaalada shabakada somalimirror leeyahay illaahay khayr haydin siiyo hana idindhowro waxaa jara jawaasiis badan ee iska ilaalsha ida qofka wata midnima qaran
Horta ani waxaan la yaabay dadkaan leh dad ayay la safantahay somalimiror war hadi laga hadlo runta mawaxay noqonaysaa inad qof safatay.runti ani dawlad ku sheegan wixi ay samayso o hurumar ah waan u qirayaa inkasto aanan arag ila hada wax ay samaysay xaged jogtay marki shalay ay la waregtay melaha somali miror na way ka hadashay xaqiqda o way so qortay.marka halaga dayo aflagadada the best somalian website
allahu akbar,cizi iyo sharaf mu’miniinta ayay ahaanaysaa insha allah.
ASC
Runtii SomaliMirror way ku mahadsan tahay wararka ay soo gudbinayso, laakiin waxaan ka codsanaynaa dagaalka kama dambaysta ah ee Shabaab iyo Xisbul-Islaam-na hanoo soo gudbiyeen,sababtoo ah Soomalida inta markasta mucaaradka ah waxay ka midaysan yihiin, yaa maanta fadhiya villa Somalia, mase jirto wax kale oo ay wadaagaan, oo ay isku raacsan yihiin. Markaa aniga waxa ila quman wadadii geerida umada soomaaliyeed inaynaan waxba buunbuunin, tan iyo 1990 waxaan maqlayay hebelbaa isgoyskaa la wareegay, maantaan isdaba raacinayaa,tan kale ee maanta ka dartay waa Alaahu-Akbar labada madfac la raacinayo, mid walibana dunuub waawayn oo Allah ku been abuurasho ah uu samaynayo oo uu leeyahay Alle baan ka turjumayaa, waxaanse leenahay ” Innallaha Laa ya’muru bilfaxshaa”. Cafwan raali ka ahaada sidaan aayada u qoray…
Waxaan ku talin lahaa walaal kasta oo Allah gacantiisa fidnadaas maanta ka fogoyeey, inuu ka ilaashado qalinkiisa, iyo carabkiisa, Allana ka baryo inuu faraj degdeg ah ina siiyo..
ASC
oo dhagaha ee nagaxirteen beesha caalamkuye.
wadamadii carabta oon diin wadaag eheen.
wadamadii dariska oon diir wadaag ehee.
walaal is dilaayo miyaa ruuxna doonayaa.
asc wr wb webka beerdhiga oo noqdey webka hilaac oo kale is qabta inta aadan leydin nicin waxan idiin ku baraney ka dhiidhintii tigrega laakiin hada waxad tihiin waan naqana wadanka dowlad islaami baa ka dhalatey taageera haddii kale c yuusuf ayaad taageertan in muqdisho isku baaba,do baad jeceshiin xasbunullaah wanicman wakiilan……..
To: inta damiirkoodu noolyahay
salaan kadib waxaan aad uga xumahay una sheegayaa walaalihii qiimiga badnaa ee aan halkan isku weydaarsanjirnay afkaarta & aaraa’da saliimka ah in gacmaha la iga xiray ka gadaal markii aan booga badan oo daahsoonaa dhimiyay, gaar ahaan sirta hoose ee ictisaam somalimirorna ay u jadbaysanyihiin, kombuterkayga dhan way close gareeyeen, ana waaqica dhabta ah ee jira uguma nacamleynkaro baadilka & qubxiga magac diin lahuwinayo. marka akhyaarey koley buulkaan iyagaa iska leh qofkii xaq ifintagana waa lagoosan ee xaqa alaha tuso xarakadan iyo taageerada qabiilka huwan & diintan surada xun ay kamuujinayaana alaha ka qabto,intiina janis u heshana xaqa ha cadeeyaan waxmagaradkana haloo duceeyo.
Asc Wr Wb
Allaahu-akbar xaq iyo baadil ilaahay ma simin qowlaysatada isbahaysatay ee jahwareersan oo waliba anigu aan qabo inay yihiin mafio beenaalayaal ah ee boqolka shaati gashan ilaahay boqolka shaar ee ay qabaan haku gubo dowlad islaami ah ayay dheheen waa dugaag magaagay oo magacii culumada somaliyeed isbaaraystay iyo ashahaado la dirirkii iyo gaalo madoow gafuur weyn oo gorrle u eg oo ay dhaheen waa gacal gunimadaas oo isbiirsatay iyo dhiiga shacabka oo ay usoo tafaxayteen ilaahay kuwaas badda haku shubo villada ay kaniisada la rabaan ilaahay hala gooyo mujaahidiinta al-shabaab iyo xisbul-islaam waxay lee yahay waad guulaysateen waxaana tihiin sharaftii islaamka iyo tan shacabka somaliyeed guud ahaan ee halkaas kasii wada ilaa mujrimiintaas aad dalka ka ciribtirtaan ma nimanka tigreegii sidaan ogayn shacabkeena u xasuuqay oo waliba dadkii ay xasuuqeen uu dheecaankoodii qoyanyahay ehelka ka dhigtay ayaan dhowranaa maya maya maya ilaahbaan ku dhaartee kuwaas c/llaahi yussuf iyagaa ka dhagar badan ee dhulka halala gooyo Allaahu-akbar Allaahu-akbar Allaahu-akbar…Sc Wr Wb.
Maxaa keenay in MMI iyo mujaahidiinta kale isku dhacaan , awoododiina ay wiiqanto?
(23-05-2009)Markii shriifku aqbalay mashruuci dib u heshisiinta , ee uu qatay qaraar gaar ah , way iska cadayd in hadafku yahay dadki nabadda , cadaalda iyo midnimada sababta alle uga dhigay in saaxada laga saaro , sedexdaa arinna la waayo lakin waxa dadka qaar isku qancinayen inay yihiin dad ahlu cilmi ah dabinkas ka dabaalan kara.sedex arin ayaan qiyaasaya inay keentey in maxkamaduhu walaalahod ka fogaadaan dawladana ku biiraan
1. shariifka oo sheekhoodii ahaa.
2. lacagaha UN-tu bixinaysey oo duulduulkeedii wax ka soo gaareen saamayna ku yeelatay..
3. inay u maleeyeen shariifku inuu yahay amiir guud oo mudan in la adeeco wixi ka soo horjeeana xaq u leeyahay inu la dagalamo.
Shurudaha qof amiir guud ku noqonayo waxa ka mid ah1.in i si wada jir ah loo doorto ama loo wada aqbalo , taasn ma dhicin
2 . ‘Ulul amri idinka mid ah’ ,alle wuxu yiri
La ma idlaaqin oo lama dhihin ulul amri bess ee waxa lagu shardiyey inay idinka midyihiin ,ciidan gaala ah o aya u kalmayna iyago dad muslim ah lid ku ah ama laynaya marar badan , taasna waa arin shardigi labaad meesha ka saarauysa. Saansaanta wax u socdaan hadaad u fiirsano , waa arin awooda shariifka lagu wiiqayo marka koowaad ,sharifku madaxwayne isgaa ahaa , barlamaanka nus buu ku lahaa, ciidanka maxkamaha oo meela badan gacanta ku hayey shacabkana sumcad ku laha isaga ayay taabacsanayeen , dadka ka so horkeedana waxay ahayen dad walalihiis ah , isla soo shaqeeyeen , isku mabda’ dhowaayeen.iskastoo qorshaha UN-tu ahaa in islaamiyiinta la isku jebiyo hadana cabsi baa laga inay is afgartaan , arintaasi ma dhicin khibrad yari labada dhinacba ka muuqatay awgeed .
shariifku in kastoo musaalaxa ku dhawaqay hadana culays badan ma saarin , waqti badan buu ku lumiyey safara debada ah , waxa kaloo laga dareemayey siyaasada dawlada mid ku shaqaynaysey qorshe meela fog laga hagayey iyadoo laga dhaadhiciyey ciidan samaysta , dhaqalana urursada mucaaradkana intaa sii madadaaliya oo afka ka sheega inaad musaaaxa diyaar u tihiin si marka waqtigeeda la gaaro loo muquuniyo , waa arin ku tusaysa in la kala ilaalinayey si aan heshiis u dhicin. qolyaha dawlada ka soo horjeeda naftoodu fursado ayay dayaceen.
1. mayna qiimayn in shariifku wax guul ah keenay , waxa fiicnayd inay yiraahdaan dawladi c/laahi yusuf meeqaa sharkeedi hoos u dhacy ,haddi 50% ay qirilahaayeen wax bay ku dhisi lahaayeen , lakiin waxay luqad ka dhigteen waa tii c/lahi yusuf ama ka xun
2.waxay heli kareen inay shariifka iyo maxkamadaha ku yiraahdan meesha si fiican gacanta ugu dhiga annaguna gacan baan idinku siinayna oo dabadiina ayaan taaganahay cidanka ugandana qaab la isla ogyahay bay uga tashan kareen,
3.inay wada hadalada dedejiyaan si bilaa shuruud ah , wixi ay codsanayaana miska uga niqaashaan iyagoo isku deyaya inay shariifka xiriir gaar ah oo wax isla qorshayn ah la sameeyaanhaddi labada qolaba ahaan lahayeen dad siyaasaa u bisil fursad bay u ahayd.
Waxaa dhacday in haraagii dawladii hore iyo rag cusub oo dawlada ku soo biiray itoobiyankii dalka laga eryey xiriir dhow la sameeyaan oo la qabsadaan mar labaad sidii dawladii hore.si mashruuca shariifka loo fashiliyo , wixii qabqable ahaa ee itoobiya wadatey waxa laga dhadhiciyey inay dawlada taageeran , si ay dalka dib ugu soo noqdaan, wixii maleeshiya ahna dawlada ugu biraan takhdiidka la degay waxa ka mid aha in marka horey ciidanka maxkamadaha ee shariifka cududa u ah la burburiyo ,wejiya kala duwan aya la ageegsaday.
1.madaxii maxkamadaha oo aha sh .c/qaadir cali cumar wuxu noqday wisiir ciidankina farahiisa ayaa laga saaray.
2.waxa lagu bilaabay madaxdii maxkamadaha dilal qarsoon si iyagana meesha looga saaro , walaalahoodna loga horkeeno.
3.meeshii ciidanki haraadiga ahaa dhaqancelin loo samayn lahaa, maxkamadihii ayaa la amrayinay dirays qaataan oo ciidanka bu kumilman.
4. waxaa lagu dhawaaqay dagaal ,waxaa safka hore la geliyey ciidankii maxkamadaha , iyadoo hadafku yahay in dhalinyarada maxkamaduhu sida safka hore loo kelinayo kan u danbeeya ku dhinto ,si loo waayo qof ciidanka dawlada ka tirsan oo shariifka taagero u haya.
5. waxaan meesha ka marnayn horjoogayaasha ciidanka maxkamadaha si dadban loo laayomarka lagu jiro dagaa , waxaa kaloo amaankoodu ciriiri gelayaa ragii gaabka maxkamadaha ahaa ee dawlada ku biiray. waxa kallo garab socota in la soo noolaynayo qabqablayaashii itoobiya ku xirnaa.waxa kaloo la isticmaalayaa siyaasad ah , shariifka iyo qolyaha ka soo horjeeda inaan wax xiriir iyo wada hadal ah ama wada shaqayn ah dhex marin , saa darteed waa in dagaalka la dedejiyaa si loo kala fogeeyo.marki wadadadii muqdisho joogey la kala diley , kuwii gobolada joogay ayay saamaysay markay kala shakiyeen ,meesha keliya ee weli la is fara saarin waa b/weyne.iyadana si qarax uga dhaco waxaa lagu qalqaaliyey maxkamadaha b/weyne inay xiriir la sameeyaan itoobiyanka iyo qabqablayaasha is wata ee kalabayrka yimid tasoo durba khakhal ka dhex abuurtay maxkamadaha b/weyne. si shaarkii ugu danbeeyey ee maxkamada loo gubo , shariifkana meel gawaan ah la istaajiyo.waxa sahlanaanaya marka ciidanka maxkamaduhu baaba’aan in shariifka loola dhaqmo laba arin miduuninu iska ahaado nin qalfoof ah oo sawirkiisu iska joogo oo aan wax badan la waydiin ama in la khaarajiyo oo qabqable kale lagu bedelo taasoo horseedaysa inay soo noqoto dawlad tii c/laahi yusuf ah oo kale ah . arintani waa arin khatarteeda leh , in shacabki mar labaad gacanta itoobiya ku dhaco , somalidana la is ku laayo.
MAXAA KEENAY IN ARMAHAN FOOSHA XUN SOO LAABTAAN?
‘ilaahay iyo rasuulkiisa waxay idin amreen raaca hana is khilaafina siaydan u fashilmin awoodiinuna u baabi’in’haddi la toobad keeno oo jidkii saxa ahaa lagu noqdo ilahay nasrigisu wuu dhowyahay , waxana lo bahanyahay.
1,in allle loo toobad keeno.
2.in maxkamadaha iyo walalahood dib xiriir u sameeyan si degdeg ahna islaax loo sameeyo.
3.in maxkamaduhu ciidankoodi dib u urur sadaan , kii dawlad ku jira kala baxaan , kii banaan u cararay u yeeraan.
4.in mujaahidiinta qola walba meeshii ay gacanta ku haysey lagu ixtiraamo wada shayqayna la yeesho , meeshii la kala qabsadayna lagu soo celiyo sheekhii masuulka ka ahaa sida jowhar. inta ka dib in laga fakaro in dib loo mideeyo mujaahidiintii.
5.in la bilaabo wacyi gelin si dadka logu bararujiyo khatarta ka soo socota wixi jabuuti lagu soo dhoodhoobay iyo damaca in itoobiya mar labaad soo noqoto.
Shariifku hadduu baraarugo wax buu naftiisu khafiifin karaa ,laakiin hadduu qafladaas iskaga jiro goor ay seeftu qaaday ayuu baraarugi doonaa.
DANBIYADA WAAWAYN SEE ISAGA ILALINAA?
Walalayal ummad kasta waxay leedahay caadoyin xun iyo kuwo fiican waxa xun dadka waa lagu halagaa.Ciqaabahan dadki hore ayay ku haceen
‘mid kasta waxan u qabanay denbigiisii waxa ka mida mid an dhagxaan korsiisa ku shubnay ,mid qaylo lagu dilay ,mid aan dhulka la goynay .mid badda lagu qarqiyey ,ilaahay muusan dulmin ee iyagaa naftooda dulmiyey’
‘alle ma halaago magalooyinka haddii dadka degan saalixiin yihiin’ waxa jirtay tuulo dad banu-israa’il ah deganayeen waxaa laga reebay maalinta sabtida inay kallumaystan , koox baa amarkii diiday, dadki kale laba ayay u kala jabeen qayb joojiya ku tiri iyo qayb iska aamustaykuwi amarka diiday iyagoo nool ayaa loo badalay daayeero ka dibna waa la halaagay, kuwi xumaanta reebayey waa la badbaadiyey,
waxa lagu badbadaya in dariiqa saxa ah lagu taagnado,
‘ dadkiina mu’miniinta ah ilaaahay ka cabsada, cabsi dhab ah intii awoodiina ah , hana dhimanina idinkoo muslim ah mooyee’Si adigo muslam ah aad u dhimatid waxa aad looga fogaadaa denbiyada waawayn.
‘hadaad ka fogaataan waxa la idinka reebay kuwooda kabaa’irta ah (denbiyada waawayn) waa la adiin dhaafin wixii xumaan ah oo yaryar waxadna gelaysaan meel wanaagsan’ .
1.SHIRKIGA AMA WAX KALE ALLE LALA SIMO.
‘ ha u yeeran cid ilaahay ka sokaysa oo waxna kuu tari Karin waxna ku yeeli karayn Haddaad sida samaysid dadka daalimiinta ah ayaad ku jirtaa’Denbiga noocan ah shirki ayaa la yiraahdaa , shirkiguna waa in ilaahay makhluuqiisa lala simo , oo la moodo inay ku caafin karaan ama ilmo u siin karaan wax alle ka sokeya..2. in qof si diinta khilafsan lagu dilo khaasatan kan muslimka ah.
qofkii dila naf aan naf kale xaqdara ku dilin ama aan fasahaad geysan wuxu la mid yahay isagoo dadkoo dhan laayey qofkii naf badbaadiya wuxu la mid yahay isagoo dadkoo dhan badbaadiyey’
‘qofkii dla qof mu’min ah si ula kac ah waxa abalmintiisu tahay naarta jahannama , weligiis wuu ku jirayaa, ilaahay baa u carooda wuna lacnadaa , wuxuna u diyaariyey cadaab aad u wayn’3.NIFAAQAqof muslim ah oo qof gaal ah u hiiliya isagoo muslim ka hiilinaya waxaa dintu u taqan munaafaqbishaaree munaafiqiintu inay leeyihiin cadaab xanuun badan’
‘Waa kuwa gaalada ka yeelanaya xigaalo, iyagoo mu’miniinta ka hiilinaya , ma waxay ka raadinayaan cissi , cissi oo dhan ilaahay baa iska leh’ munaafiqiintu waxay leeyihiin dabaqa ugu hooseeya ee naarta mana helayaan wax u gargaara’4 ,cadawgaaga koowad wa shaydaan,shaydaan wuxu gaalobey marku diiday inu nebi aadan u sujuudo , waxa loo balan qaaday inu noolado ilaa qiyaamaha , wuxu go’ansaday inu qof kasta narta ku hubsado.Marki xisaabtu dhamaato ee dhanada iyo naarta loo kala dareerayo ayu u dhudbayna dadki u lumiyey, waxaa khudbadisa ku jirta in qof walba naftiisa eersado, uu na dhamaaday waqtigi wax la isu tari karayey.nebi aadan waxa la dhihi doona malinta qiyaamo caruurtadi kunkiiba hal janada u dir , 999 naarta u dir.Qofku marku 120malin calosha ku jiro ayaa lo qoraa shaqi ama saciid midku yahay , shaqi waa ehlu naarka , saciidna waa ehlu jannaha ah. Qof kasta jannada boos buu ku leeyahay , naartana boos , qofki jannada gala marku fiiriyo booskuu naarta ku lahaa oo qof kale ku jiro ayuu ilaahay ku xamdinayaa , kii naarta galayna markuu arko booskii uu jannada ku lahaa qof kale dhaxlay ayaa cadaabkii murugi ugu darsamaysaaWaxan fursad haysana inaan nafteena iyo shaydaan ka adkano intaan malakul –mawtku na soo salaamin. walalayaal waa inaan dhiigeena joojinaa , khaasatantan kan mujaahidiinta dhexdiisa , dad ahlu cilmi ah baa tixiin ha noqonina sida kuwa xaabadii dabka lagu shidayo inta majin jaada la qaado ama 100 doolar loo taago ,haddi mujahidiintu fashilmaan shacabkeeniina wuu qasaarayaa, diinteenina way baaba’aysaa walaalayaal qof walba wuxuu fursad haystaa inta naftu ku jirto , walalayaal waxaas dawlada sheeganaya ee gaaaladu waxay u yeeriso fulinaya waa dad caqligoodi iyo diintoodii midna aan ka faa’iidaysanayn , waa dad naxariistii ka dhamaatay oo aan shacabka dhiigiisa ka danqanayn , waa dad geeridoodu noloshooda ka qiima badantahay , dhalin yaradi bay walaalahood ka horgaynayaan , shacabkii bay sabab u gu noqonayaan dhaawac, dhimasho , bara kac , alle waxa uu yiri ‘ jiri naarta waxaan u abuurnay in badan oo ka mida jinniga iyo insiga kuwaasoo oo leh quluub ayna waxba ku garanayn , indho ayna waxba u arkayn , dhego ayna waxba ku maqlayn ,kuwaasi waa xoolaha oo kale , iyagaaba xoolaha ka sii liita , kuwaasi kuwa qaflad ku jira oo aan is ogayn’ markay is arkaan iyagoo narta ku jira ayay baraarugayaan’maalin aan narta jahannama ku orandoono ma buuxsantey oo ay oran doonto wax ma dhimanyihiin’
ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu ka qabto daalimiintaas shacabkan miskiinka ah dhiigiisa iyo malkiisa ku cayaaraya. Aamiin.
fadalan qofwalba oo muslim ah waxaa lagarabaa in uu duceeyo in umadaan dhaibka kaqaado allana leetobadkeeno
Guusha waxaa allaah siindoonaa cidda jidkiisa kudagaalamysa ee nin gaal soodiray guul mahilidoono. waxaan aad ula yaabanahay dadkii shalay amxaarka la dagalmay ee illaahay gacantooda ku ciqaabay amxaaro kana saaray dalka in maanta layiraahdo way qaldanyiihiin inay dagaalka siwadaan. shalay qalad bay ka dagaalameen, maantana kii uun baa taagan oo ay la dagaalmayaan, sidaas darteed waxaan leeyahay mujaahidiintu way saxsan yihiin oo wixii cabdullahi lagadiiday shariifka laga yeelimaayo.
markii ay warbaahintu waxa saxda ah ay soo gudbiso ayaa la leeyahay dhinaca ayay la jirtaa waa shaqadooda in ay soo gudbiyaan wixii xaqiiqa ah ooo jirta marka yaan la af lagaadeyn warbaahinta xorta ah sida somalimirroriyo kuwa la mid ah
ajarna laha kasiiyo ayaan dhihi lahaa shaqada wanaagsan oo ay u hayaan shacabka somaliyed
wabilaahi towfiiq
ilaahay ha xoojiyo xaqa iyo intii jecel
gaalka xagasha wayn iyo kuwa xulu fadiisa aha xabaal wayn halooqodo xaajadeena waa dalka in aan xoraynaa xamarna ay ka tahay kawa waa inaan xasuuqnaa xabashida idaylkeed xulufadatan shaydaan kuwa xoole heenii xaday oo dhameeyana waa inaan xisaab adag iyo xarig ku taagnaa xeer nooma yaalee
qaar baa xigtiyo been xam xam leeya meelaha
qaar baa xunuun iyo qabiil xuur tadiis qaba
qaar baa hamaynkii xanaheena meelaha xogta gaal udhiiboo hadana xarafka diineed raba inuu xujo u helo
qaarbaa xisaabaha xulufadatan shaydaan xeebeheeni iibsaday hadana raba inan xurmaynaa
shacabkoow xisaabtama xoolihiina daafaca
xigtadaydaay soo toos xanta meel kutuuroo xoolihiina daafaca taariikhdu waa xubin waa xurmo iyo sooyaal waa xoola kuujira waa xagal na kaalumin waa xula sho sii taxan xamar iyo hargaysay xigto inaad ahaydeen xilyada dhamaantood waa xubin aan muran galin waana inaad xoray saan inta nala xig too idil kuwa aan xishoodkiyo xilka diinu karin iyo wadaad kaas xabeebsada oo qabyaalad xiintiyo xumaan iyo dhib soowada xabsi inaan kutaag noo xadka laga gudaa waa xaajo ila quman xabis ilaahay hagaliyee xishoonmaayo ruuxiye xakamaha kutaagoo xafka siiya ruuxiyo nafta xaraarugeedii sagaa ugalay xabash iyo xerada shay daan asagaa xurmeeyoo gaalka xabag udoontaye waa inaan xakame iyo xarig adag u sooh naa naftiisana xaw kasiinaa insha alaahu wuu inoo xerada galay
walaalayaan marka hore asc wr wb walaal waxaan idinku darsan dhiiga islaamka ee daadanaya ilaahay raali kama aha qof walbana gaar baa loo xisaabi guushuna ilaahay bay xagiisa jirtaa ilaahay waxaan ka barinay in xaqu guulaysto. maslaxad dagdag ahna ilaahay keeno boga islaamkana illaahay burcad isu mariyo aamiin aamiin aamiin
Dhamaan waxaan salaamayaa umada soomaliyeed oo jecel in ay nolol iyo hormar ku gaarto wadankooda oo nabad ah , waxaan jeclaa in aan u soo gudbiyo rag wekaan iska leh maqaal aad ku soo qorteen dagaal ka dhacay aaga guri-ceel waxaa ugu magac darteen wax uu u dhaxeyaa Dhaqdhaqa Al-shabab iyo kuwo la magac baxay Ahlu-suna waljamaaca , qoraha maqaalka waxaa u soo jeedinayaa in aysan saxaafada sidaan aheyn oo lagaa rabo dhaxdhaxaadnimo
iyo alle ka cabsasho ood shacabka runta loo sheego, intaas ayaa iga talo ah wabilaahi tawfiiq
waxba hal yaabina somaliMirror.
waxaa iska leh xisbulIslaam, Marka la yaab malaha inay mar kasta qariyaan fikradaha dadka qaarkood, ama ay camerada u dhiibaan ciidamada dagaallamaya qaarkood si ay waxa ay arkaan u soo duubaan.
wabillaahi towfiiq
jazakallahu khayre, halkaa kaga jira jihaadka waayo jihaadka waxaa ka mid ah in la faafiyo guulaha mujaahihiinta thnk
HAKU QUUS QAATAAN MUNAAFAQ IYO GAAL RAAC IYO DEMOQRAADIYIIST IYO WAX ALLA WIXII KASOO HORJEEDA ILAAHAY IYO RASUULKIISA IYO KITAABKIISA IYO MUSLIMIINTA RUNTA AH. WAA KAA SHARIIF IYO JANAQOQ IYO INDHACADE LASAFAN CABDI DHEERE IYO CABDI QAYBDIID. MUSLIMIINTOWNA OGAADA DEMOQRAADIYADA IYO CILMAANIYADU WAA KANSARKA WADNA GALA EE MUSLIMK DHABTA AH. WAA KAA SHARIIF RAGIISII GATAY IYO KITAABKII ALLE IYO RASUULKII ALLE EE UMAHAD CELINAYA ASHAHAADO LADIRIRKII.
Allaahu akbar waan ku faraxsanahay guulaha Mujaahidiinta, Mujaahiidintu waxay joogaan saldhigyada Hodan iyo howlwadaag. Ayaanlana waxa uu sheegayaa in jidka wadnaha qolan gacanta ku hayn.
s/c waxaan aad iyo aad ugu mahd naqayaa shabakada somalimirror.com waayo waxay nooso gudbinaysaa meesha dhibaatadu ka jirto iyo intay isku kala hiraan taasi kama tarjumayso inay cidla safantahay waayo waxay sheegtay oo kaliya wax xaqaaiqa oo jira iyo meelaha la kala joog anigu waligu maan arkin xamar lakin dhagtaan ka maqalay maanta lakiin wax badan ayaan ka faaiday somalimiror.com
waxaan ka codsanayaa shabakada inay sidaas iyo si ka sii faah faahsan noogu soo gudbiso warka iyo sawiradaba