Shabakadda Somalimirror oo socdaal ku soo martay Aagaga la isku hor fadhiyo Qaarkood.

Published on May 23, 2009 by   ·   73 Comments   ·   print

FolaransaShabakadda Warbaahinta Somalimirror ayaa maalintii 2-aad Socdaal xaqiiqo raadin ah ku martay Goobaha ay isku hor fadhiyaan Xoogaga Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo is-garabsanaya iyo Ciidamada DKMG ah.(Daawo Sawiradda)

Socdaalkii ugu horeeyay waxay Shabakaddu ka bilowday Isgoyska Florenca oo ay Dagaalo xoogan ku dhex mareen Qeyb ka mid ah Difaaca Madaxtooyadda ee DKMG ah iyo Xoogaga Xisbul Islaam.

Somalimirror waxay soo aragtay Xoogaga Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo Masaafo ka yar Hal KM u jira Albaabka Koowaad ee Madaxtooyadda Villa Soomaaliya marka laga dhaadhaco Dagaandaga Isgoyska Foloransa.

Xoogaga Xisbiga iyo Al-Shabaab ayaa kaga sugan Meel aan sidaa uga fogayn Masjidka Xaaji Yuusuf oo u dhaw Albaabka Koowaad ee Madaxtooyadda Villa Soomaaliya waxaana uu u dhaxeeyo oo kaliya Hal jid cadde marka laga fiiriyo Dhinaca Waqooyi.

Intii aanu ku sugnayn Isgoyska Foloransa waxa ku soo dhacay 2 Madfac oo u muuqda Mid laga soo riday Tangi kaas oo sababay Dhaawac Dameer halkaasi looga rarayay Bulukeeti yiilay Dabaqa Foloransa hoostiisa.

Dhanka kale Isgoyska Siinaay iyo Afarta Jardiino ayaanu kula kulanay Isla Xoogaga Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ku sugan, dhinaca Ciidamada DKMG ah ayaa iyagu ku sugan “Tabeelaha Jaceylka” oo ah xadka kala qeybiya Degmooyinka Boondheere iyo Yaaqshiid.

Sidoo kale Ciidamada DKMG ah ayaa fuushan Dhismaha Sarta Sanca ee Degmadda Yaaqshiid, waxayna ka soo ridayaan Xabaddo Goos goos ah oo u Muuqato mid liif ah ama Toogasho ah.

Wadada Wadnaha waxaa ka shaqeynaya Gaadiid Bl ah oo aan Badneyn, sidoo kale Dad Shacab ah oo fara ku tiris ah ayaa maraya jidkaasi gaar ahaan laga bilaabo Isgoyska Aadan Cadde illaa iyo Sanca, waxaana arintaasi sabab ah Colaada ka aloosan Wadaasi. 

Isgoyska Foloransa.

Isgoyska Foloransa.

Muuqaalka Isgoyska Foloransa illaa iyo Siinaay.

Muuqaalka Isgoyska Foloransa illaa iyo Siinaay.

Isgoyska Foloransa oo ay ku suganyihiin Xisbiga iyo Al-Shabaab.

Isgoyska Foloransa oo ay ku suganyihiin Xisbiga iyo Al-Shabaab.

Qeyb ka mid ah Isgoyska Foloransa.

Qeyb ka mid ah Isgoyska Foloransa.

Gaari Dameer ku dhaawacmay Madaafiic ku soo dhacday Foloransa.

Gaari Dameer ku dhaawacmay Madaafiic ku soo dhacday Foloransa.

Isgoyska Foloransa dhinaca Madaxtooyadda

Isgoyska Foloransa dhinaca Madaxtooyadda

Xaafadaha ku xeeran Isgoyska Foloransa

Xaafadaha ku xeeran Isgoyska Foloransa

Muuqaalka Wadada u dhaxeysa Vila-da & Masjidka Xaaji Yuusuf

Muuqaalka Wadada u dhaxeysa Vila-da & Masjidka Xaaji Yuusuf

Isgoyska 4-Jardiin

Isgoyska Siinay

Muuqaalka kale Isgoyska Siinay

Muuqaalka kale Isgoyska Siinay

Muuqaal kale, Isgoyska Siinay

Muuqaal kale, Isgoyska Siinay

Ciidan Difaac Isgoyska siinay uga jira

Ciidan Difaac Isgoyska siinay uga jira

Askari Dhufesyo ku jirta

Askari Dhufesyo ku jirta

Sarta Hotel Jiddah

Sarta Hotel Jiddah

Wadooyinka Isgoyska Siinay oo Haawanaya

Wadooyinka Isgoyska 4-ta Jardiin oo Haawanaya

Ciidan Difaac uga jira, Isgoyska 4 Jardiin

Ciidan Difaac uga jira, Isgoyska 4 Jardiin

Muuqaalka Makhaayada Isgoyska 4-ta Jardiin ugu caansan

Muuqaalka Makhaayada Isgoyska 4-ta Jardiin ugu caansan

Muuqaalka Sarta Sanca ee Ciidamada Dowladu saaran yihiin

Muuqaalka Sarta Sanca ee Ciidamada Dowladu saaran yihiin



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Shabakadda Somalimirror oo Socdaal ku soo martay Goobihii Maanta lagu Dagaalamay.
  2. Shabakadda Somalimirror & Shaqaalaheeda oo idin leh Ciid Wanaagsan
  3. Golaha Wasiirada DKMG ah oo isku raacey ku Dhaqanka Shareecada Islaamka
  4. Baarlamaanka KMG ah oo isku raacey Gudi hoosaadyo
  5. Ciidamo isku fidiyay Wadooyinka Muqdisho qaarkood.

Readers Comments (73)

  1. sharaf maxamad ahmed says:

    asc waanasiib daro in ay lasafato somalimirror qolo wahaabi ah oo baneystay dhiiga islaamka oo isku sheegaya in ey yihiin islaam waxaa aad u fiican warbaahintu in ay ku dheehantahay cadaalad waa nasiib daro in ladhaho qafkii dilaa qaf islaam ah waxuu galayaa janada oo lagu been abuurto kitaabki ale oo kanasahan wax waliba oo xumaata ah waxan u sheegayaa dadka islaamka ah in lagu tagin jano qof islaam ah oo baneystay dhiigiisa ASC

  2. cabaas says:

    AWALAN ALLE HA BAD BAADIYO SHACAB MUSLIMIINTA AH EE DULMAN ALLENA HA KA KOR QAADO KITAAB KU DHIIGLAYAASHA KURSI DOONKA AH EE AAN ALLE KA CABSIGA UUSAN KA AHEYN DAGAALADA EY KU LEYNAYAAN SHACABKA SOOMAALIYEED EE MADLUUMIINTA AH NIMANKII SHALAY WADA SOCDAY EE JIHAADKA BEENTAA KU GANBANAYAY AYAA MAAN ISKU JIHAADAYA SHALY MIYUU JIHAADKU BEEN KA AHAA MISE MAANTUU
    BEEN KA YAHAY UGU DANBEYNTII ALLOW UMADAADA SAMATA BIXI

  3. Ahmed says:

    Ama jara Commentigaya ama daaya.

    siduu suubanuhu noo sheegay (labada muslimi markay is dilaan kii wax dilay iyo kii ladilaba waa finaaaaaaaaaaaaaaaaaaaar)

  4. socdaal says:

    walaalayaal diinta islaamku ma ogola in dhiiga muslinka ladaadoyo waxaad ka hadlaysaa jihaad main masaakiinta rayidk ah la xasuuqo lana barakiciyaa jihaad utaqaan ilaahay hasooo hanuuniyo al shabaab xisbul islaam ayagu waa jago doon lakin sida lagu raadiyaa ka khldan

  5. turryare says:

    somalimirror waa hal dhinac marka saxaafada waa in ay u dhexeysaa dadka is haya, marka waxaan u maleenaa in aad way doontaan macaamiil.

  6. axlaam says:

    walalayaal scw, salaanta islaamka kadib somali medey wax somali la yiarahdo ma jiro ,sababto ah haddi shacbi somali leh jiri laha wadankan mar hore ayaa la nabadeyn lahaa marka hadalka iska daaya oo talada ilaah saarta waa musibbo rabaani waxa idinku dhacay.

  7. Abdisalam says:

    Waan salaamayaa dhamaan Mujaahideenta nuuc walba oo ay leeyihiin iyo meeel walba oo ay joogaan, Gaar ahaan kuwa ka dagaalamaya dalka Somalia ee ku dhabar adeygaya wali Jihaad ka jidka alle, waxaan kaloo salaamayaa walaalaheena MUHAAAJIRIINTA ah ee noo soo gurmaday, ilaahay ajar weyn haka siiyo.waxan kaloo salaamayaa Bahda Somalimirror ee dhexdhexaadka ah..Waxan leeyahay Mujaahideenta walaalaayaal dadaalkiinna sii wata insha allah Nasriga waa soo dhowyahay dhagna ha u dhigina wararka ku tiri ku teenta ah ee ay faafinayaan warbaahinta qaar shacabkana waa idin taageensanyahay, dadka qaar ayaa waxaa madax martay waxa ay dowlad ku sheegga ayaamahan dambe shacabka ku beer laxowsaneysay ee ah Ku dhaqanka shareecada islaamka…walaalayaal halkee lagu arkay shareeco islaam oo qori tuur loo sameynaayo?..subxana-allah, teeda kale ragga Baarlamaanka lagu sheegaayo, sow kama buuxaan raggii shalay wadaadada madaxyadooda inta jaraan dhiifin jirey, ee la baxay ARGAGAXISO( ashahaado) LA DIRIR, walaalayaal diinta ay leeyihiin waa loo qori tuurayaa waa tii ay darteen u dhinteen 16,000 oo Somali ah iyo waliba Mujaahideen Qaali ah, Jannadi allah ak wada waraabiyo dhamaantood, walaalayal hadi aan Shafiirka idinkaga warramo, haa waa run mar wuu ahaa nin hogaamiya Jihaadka laakiin marki ay Bahasha qaraaraatay ayuu is dhiibay loona soo xilsaartay marin habaabinta Dadka Diinta iyo waliba Dalka…walalayaal meeshan waxa ka socda XAQ iyo BAADIL marka 2 daas keen raaceynaa…(XAQQA) ayaan raaceynaa ALLAHU AKBAR,

  8. abdulxafiid says:

    waa iska xaal aduunyo wax walbana auunkan waa lagu arkayaa,taageero kastoo lamuujiyana guuli ku imaanmayso

  9. Daahir Muxumed Cismaan says:

    Marka hore allah mahad oo dhan iska leh marka xiga, ilaahay ha guuleeyo mujaahidiinta xaqa ku taagan ee xisbul islaam iyo shabaabkooda.
    Kooxda Jabuuti ee gaaladu soo dhisatay waxaan kula talin lahayn in ay u soo laabtaan mujaahidiintoodii ay ka caasiyoobeen haddii kale waxaad sugtaan waa meeshii Cabdullahi Yuusuf yeey iyo Amxaaradiisii mareen in aad ku dambayn doontaan inshallah, SEEFTA mujaahidiintu galka waa ka baxsan tahay mana soo noqonayso ama amxaaro ha idiin taageerto ama gaalo oo dhan.
    Waxay caadi ka dhigteen annaga beesha caalamka ayaa na taageersan 20 sano ayaan hadalkaas oo kale dhegeysaynay haddi ay wax u qabanayaan waa la arki doonaa.
    GUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUL iyo GOABANIMO

  10. shuudaaye says:

    marka hore waxaan waxaan idin oran lahaa dhalinta qurbaha joogta yaan la idinku soo gabanin magac diineed meesha waxaa ka dagaalamaya xukuumda islaami ah iyo niman mafia ah oo magac diin ku gabanaya ilaahay haka qabto umada somaliyeed ee maxasta ah ay gumaadayaan
    meeshana yaan been loogu sheegin umada somaliyeed ee akhrista wararka runta ah yaan lalasafanin mooryaanta soo gashatay magaca diineed waxa ul dambeedoona maal mahan soo socda waa jab iyo khasaare wadankana wuu waa laga ciribtiri kuligood

  11. axamed Mawliid says:

    Sh. Shariif waxaa leexsaday shariif SAKIIN waana carari doonaan inshallah, anuku waa soo nacnay sh.Shariif waayo wuxuu u gacan galay koox qawleysato ah oo ay ka mid yihiin Shariif Xasan, C/Ibbi, Jorile iyo hal wadaad iska dhiga waa Janawow kuwa kale oo lugooyo qawda maqashii waxna ha u qaban sida Cabdulqaadir Cali Cumar iyo Cabdiqaybdiid.

    Maxamed Mawliid Copenhagen DK

  12. Al mujaahid says:

    Waad salaaman tihiin dhammaantiin inta mujaahdiiinta ah iyo kuwa ka soo hor jeedaba
    wax yar inoo dul qaata oo ad kaysta inta aan soo af jarayno kooxda Ethiopianku uga tagtay meesha. GUULEYSTAYAALOW GEEDI WADAAY
    DR. Xaaji

  13. abu_cizah says:

    ASW
    TANI WA AXAQIIQ SOMALI MIROOR BARTA DHABTA AH EE XAQIIQDA WARKA SOMALIYA KA JIRA KUWA DIIDANOOW CARO U DHINTA ISLAAMKA WAA GUULAYSATAY KA SAARA GAALDA AMDOW WADANKA IYO KUWA DOWLADA SOOMAALIDA LOO SOO SUMAYAY AAN GARANAYNO WAXAY YIHIIN ILAAHOOW ISLAAMKA GUULEEY. AAAMIIIINNNN

  14. maxamed says:

    dhamaan inta aqrisata wabsiydkan waan salamay asalaamu calaykum waraxmatulaah walalayaal waxaa la yaab ah in maanta oo cadowgii ilaah inaga saaray aan xabad iyo dagaal ku jirno waliba dad muslimiin ah oo guryahooda nabad ku jooga ay ku abaabulaan dad magac diimeed sheeganaya taas oo aan diinta islaamka wax nas ah looga haynin marka kuwa taageerayoow haku aaqiro beelinina dadkaa sayga la marin habaabiyay qaarna aaqiradooda gatay oo lacag siistay marka ilahan isaga ayaa xafidaya diintiisa ninkasta oo been ka shega xaqa wuu dilaacayaa wana laga ciribtirayaa insha laah dalka soomaaliya kuwa caqiidada faasidka ah ku wada muslimiinta dhiigoodana sahalka ku baneeysatay waxan kaloo la dardaarmayaa walalah hada sida xun ugu iiray ee aan ku caqiiqadada ahayn ee uu wato walalkeen xasan daahir haka waantoobaan oo dadka shaatiga dhiiga muslimka ku wata kasoo hara oo muslimiinta wax la qabsada ayaan leeyahay ilaahay xaqa hana waafajiyo hana naga qabtoo kuwa umada dintooda ka fasadinaya una diiday in ay nabad ku hurdaan hooyadood iyo ababahood oo aan aqoon ujeedada ka danbeeysa in dadka diintooda beenta ay uga sheegaan una baystaan dhiiga muslimka oo ilaah xaraanti nimeeyey wabilaahi towfiiq.

  15. Yaasiin says:

    Waxan la yaabbanahay kuwa u kala sacbinaya labada garab ee midna Asmara laga soo ridayo midna Adisababa , maxaan ku kala jeclaystaa labo nin oo mid meel ku xidhan yahay , oo dadkii iyo dalkii aan u turayn , Saxwadii Islaamka ee geeska Afrikana sumcadeedii ku cayaaray oo u muuqda niman aan wacyi lahayn oo Malla Zinawi iyo Assayas Afawergi ay telefoono usoo dirayaan iyo rasaas ay dadka Soomaaliyeed ku baab’bi’iyaan , ( Xasan Daahir oo idaacadaha uga ducaynaya sow ma maqlin Assayas oo leh Ilaahay khayr ha siiyo …..kkkkkkk yaab , Kan Shiriifka lagu sheegayona wax lagu caayo xitaa garanmaayo waayo waa rikoodhjebis ) , markaa niman sidaas ah ha u kala safanina , Somalimirror na waa la yaqaan oo Xisbul Islaam , haddii ay xun yihiin iyo haddii ay san yihiinba, maamulahana waa la yaqaan oo shirarkooda ayuu ka qayb galaa , mana soo tebin karaan wararka madaxtooyada oo waa is garanayaan ………….kkkkkkkkkk

  16. xassan cade says:

    hadi aan ka hadlo marxalda dalku ku jiro wa arin qatar ah , waxan iideen so jeedin laha in aad noqotan dhax daxad . madama wadanka uu ku jiro marxalda qatar ah . wax dad badan uu aqristayasha somalimirror oo aniga aan ku jiro in aadan dhaxdhaxada aheen saxadana waxa la abuuurey wax waye in ey bulashada u adeegta ee mahan in ey koox u adeegta .

  17. Alyamaani says:

    SCS……

    Waa soo dhowaatay guushu rabbigii iska lahaa diintana waa la socdaa sida ay wax u socdaan wuxuuna u qoondeeyey ama u jaangooyey in uu kala cadeeyo xaqa iyo baadilka maalin isaga uun u cayiman oo laga qariyey makhliiqaadkiisa.

    Marka makhluuqaadkiisuna haku dooodeen habeen iyo maalin wax aysan iyo cilmi loosiin oo aysan waxba ka ogayn, waxayse ku baarugi doonaan maalinta uu Allihii ka dambeeyey uu kashifo.

    Hadaba markaad u fiirsatid akhristayaasha boggan ku xidhan qaabka ay iskaga soo horjeedaan iyo qaabka ay wax u difaacayaan waxaad ka dareemi in ay iskugu jiraan sida ay iyaguba u kala duwan yihiin in ay afkaartooduna u kala duwan yihiin.

    Waxyaabaha aan la cajiibey waxaa ka mid ah:

    1- Kuwo waxaa ku jira caqligooduba uu ku kooban yahay QABIIL, wax allaale iyo wixii ay ka dhadhabsaan in uu kasoo horjeedo qabiilkooda ama looga hadlaayo inkaarqabahooda,ashahaado la dirirkooda,Calooshiisa u shaqaystahooda iyo daydagooda wuxuu markiiba ku hadaaqayaa matag qabiil oo baxthi ah iyo hantaatac uu kala geynayo feredaha wanaagsan oo akhristaasha suubani isweydaarsanayeen.

    2- waxaa ka mid ah kuwo toosan,xaq doon ah, ilaahayna ka nahasahay masiibada xun oo ummadaeena shaydaanku dhex dhigay.
    Kuwani waxaa masiibo ku noqday ragaadiyey ra´yigooda,shaki shaki kala dhex dhigay magacyadooda daydayga aan kor ku sooxusay, waxayna noqdeen qoomkii meesha degenaa oo intay iska dhex baareen culimo wax taqaana kadibna iska helay xaafidul qur´aan aan weligiis aayad loo fasirin cilmifiqi iyo xadiisna warkiisaba daa!!.

    Kadibna lagu lammaneeyey bacawgii ugu shaqisanaa qoomka dhexdiisa, kadibna loomagacaabay AHLU SHUURAA ama BAARLAAMAANKA REERKA. markii ay fadhii ugu horeeyey ay qaateen ajandana ka dhigteen SUULINTA XUMAHA
    iyo ISLAAXINTA REERKA ayaa daydagii la soobooday…. xumahana aynu ka bilwno sidan:

    1- Xiritaanka nuunuulayaasha (dugsiyada quraanka).
    2- Ciribtirka gardheerayaasha(culimada).
    3- Khaarijinta ciroolayaasha(duqayda/Odayda).
    4-Adkaynta amniga ( badinta isbaarooyinka).
    5- Mabniicida shirarka(wadatashiga ummada).

    Markii uu halkaas marinaayey ayaa xaafidkii u adkaysan waayeyin uu sii dhegeysto wasiydii Daydayga kadibna mikarafoonkii ka boobay oo ku yiri inkaar qabe halkaas ku jooji. kadiba taxay isna rayigiisii….!!

    1- Qaadashada shareecada islaamka oo kaamil ah, waxaana ugu horaynasa tuuga wax dhaca in gacanta laga gooyo( iyada oon loo eegin sababta uu u dhacay iyo cilmigiisa ama da´diisa ama fiqi ahaan in tuug walbaa gacanta la gooyo).
    2- Salaada in lawada oogo(iyada oon laga hormarin in dadka wax labaro ama qofka salaada tukan waaya labaaro sababta uu u tukan waayey ma jahlibaa ku xambaaray oo weligiisba fooda ma dhigin mana yaqaan shuruudaha salaada sixitaanka faatixadana iskaba daa!!).

    3- La dagaalanka daydayga, qaadicul dariiqa(in la dhaqan celiyana warkeedaba daa!!).

    Markii uu halkaas marinaayey ayuu bacawgiina markiisii ka dafay makarafoonkii isna wax ma soo kordhine ku celiyey intiisii hore iyo in ka sii xun!!!.

    Arintii waxay noqotay ijiid aan ku jiidee!!.

    Shacabkii samaystay shuurada ama baarlamaanka waxay u kala jabeen in ay kala raacaan labadii nin intii waxsan garanaysay waxay raaceen Xaafidkii bilaa cilmiga ahaa.

    Intii xuma kataliska ahaydna waxay ku daba fayleen Daydagii iyagoo weliba usii kala jajabay 1000 qabiil oo mid waqlibaa uu dayday wato hal hadafna ka wada midaysan:LA DAGAALANKA WANAAG SHEEGA !!!!!!.

    QIIMAYNTA MAJLISKEENU HALKAAS HANOO JOOGO MAANTA.

    ALYAMAANI

  18. waa asiga says:

    wlaayaal waa in lala dagaalmaa cadowga ilahay in sha alaah jihaadka ka halawado waana idin garab taaganahay hadan nahay shacabka soomaaliyeed

  19. 4.5 says:

    maasha alaaaaaaaaah inta xaqa taageersan alaha idin wada xafido aameen.guuuuul muajhideenta ALSHABAAB & XIZBUL ISLAM .xaq iyo baadil meel islama galaan walaalheen waxay ku taagan yihiin jidka xaqa ah ee alah na faray.kuwa gaalada wata ee magaca nala wadaaga insha alaah wadanka waa laga suulin doonaa
    wabilaahil towfiiq!

  20. ABDIRAHMAN says:

    Maxaad iska wareerinaysaan?somalimirror waa qaybka mid ah dagaal yahanada AL-shabaab iyo xizbul islaam.waxaana runtii layaab leh in dad badani ay aaminsan yihiin in sidan xal ku imanayo isgoys hebal ayaa la kal joogaa maxay macno ah oo ay samaynaysaa?.

    Waxaan filayaa in in badan oo idinka mid ahi aysan waxbaba kala socon dagaalkii 4ta bilood ee cali mahdi & ay caydiid,xaqiiqda u soo noqda dadka soomaaliyeed waxay doonayaan nabad shariifka taangiga ugandiiska saaran iyo dadka dadka soomaaliyeed ee islaamka ah gaalnimadda iyo fakarada cusub ee dadka lagu gaalaysiinayo waa in ay dhibka iyo kursi jacaylka aan umadda lagu bur-burinin.

  21. Bishaar says:

    ASW,
    RUN IYO ILKABA WAA LA CADDEEYAA

    salaan dabadeed runtu ragga kama nixiso marka warbaahinta Somalimirror waan ku bogaadinayaa shaqadeeda ay gudanayso taas micnaheedu maahan inay cid si gaar ah ula safantahay haddii war kurtumo ga’an loo tabiyo akhristayaasha ku xiran webka.

    Sida ka muuqata sawirada iyo qoraalka la socdaba waxay tusinayaan dhamaan akhristayaasha sida hawl karnimada leh ee naftooda ugu biimeeyeen furin la isku horfadhiyo iyo qarashka war hufan in dadku helo uga baxday wariyayaasha mareegtan.

    Somalida waxan leeyahay Illaahay collaada, qabiilka iyo cuqdada ha inaga soo afjaro. Warbaahintana yaan lagu durin qaab nin jeclaysi ah iyo war ku farax galiya muxuu u tolow u qori waayay?!!

  22. hi my name is rendi limbu says:

    i like hous driver some give me driver liccns ?

  23. Fardoole says:

    War aniga waan yaabe dalkan iyo dadkan xagee lagu wadaa war adduunka wakaa napada ku nool maxaa inaga noo diiday napad iyo nolol walee waa yaap waxa lagu leeyahay umadu 100% waa muslim war hadi aan wadaagno hal diin hal af hal dhaqan iyo hal midab maxa diiday in aan is fahano oo aan dhibaatadani ka baxno walahi wa yab sharifna dan nooma hayo shapapna dan nooma hayaan midna waxa looga taliyaa addis midna asmara marka away danti shacabkena iyo qarankeena ilaahay ka cabsada runtana qora hadad tihin bahda saxafada gaar ahan somali mirror




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shabakadda Somalimirror oo Socdaal ku soo martay Goobihii Maanta lagu Dagaalamay.
  2. Shabakadda Somalimirror & Shaqaalaheeda oo idin leh Ciid Wanaagsan
  3. Golaha Wasiirada DKMG ah oo isku raacey ku Dhaqanka Shareecada Islaamka
  4. Baarlamaanka KMG ah oo isku raacey Gudi hoosaadyo
  5. Ciidamo isku fidiyay Wadooyinka Muqdisho qaarkood.

Latest Headlines