Wiil loo haysto Burcad Badeednimo oo Maxkamad la horgeeyay
By Somalimirror on 20 May, 2009 12:59 PM in Main, Wararka
Afhayeen u Hadley Kooxda eedeynta fal Burcad nimo u heysata wiil Soomaaliyeed oo Ciidamada Badda ee Mareykanka ka qabteen Biyaha Soomaaliya ayaa sheegay in Shaley oo Talaado aheyd Maxkmada la hor geeyay iyada oo loo heysto Burcad Badeednimo iyo Afduub.
Wiilka Soomaaliyeed xilliga la qabanayey waxa isaga & 2 nin oo kale afduub u heysteen kabtan u dhashey dalka Mareykanka oo ay kala degeen Markab ay afduubeen balse laga badbaadiyay.
C/wali C/qaadir Muuse oo ah midka keliya ee ka badbaadey howl galkii Ciidamda Badda ee Mareykank soo furteen kabtankooda ayaa loo heystaa inuu qeyb ka ahaa Afduubka Markabka & kabtanka sida xooga ah looga soo furtey.
Kooxda eedeynta u heysta C/wali waxay kaloo intaa ku dareen inuu xilligii ay heysteen kabtanka uu isagu qoriga ku bajiya sidoo kalena xariir uu la sameeyay Mareykanka ugu hanjabey inay dilayaan la heystahooda hadii aan dalabkooda laga jawaabin.
C/wali oo la sheego inuu madax ka ahaa kooxdii heystaye kabtanka Mareykanka oo isaga oo qura ka soo harey, waxa sidoo kale loo heystaa inuu horey afduub kula kacey doon iyo shaqaalihii saarnaa.
Waxa lagu wadaa inuu lagu xukumo ciqaab ah madaxaa ha ku furto, markii loo yareeyo sida laga soo xiganayo kooxda eedeynta u heysata, balse ma jiro wax xiriir ah oo laga hayo marka laga reebo inay sheegaan wali inay ku wadaan daba gal arintiisa lagu xaqiijinayo.
Burcad Badeeda ka qowleysata Biyaha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa inay afduubaan tobonaan Maraakiib ka dibna ka qaataan lacago xoogan oo madax furasho ah.
Daabaco
waa lo bahan yahay in lala dagaalamo qoladan wax dhacda sababto ah waxay madax furasha u helaan waxay ku afeeyan shacabka kale ama ganacsiyada kala duwan e danyartu ledahay
c/naasir | May 20, 2009 | Reply
asc waxaan u jawaabayaa bro.C/nasir:. c/nasir dadka soomaalida ah iyagaa dalka iska leh iyagaana lagu soo xad gudbay oo badoodii iyo biyahooda laga yeelayaa siday doonaan.
waxaan qabaa inay tahay madax furashadu canshuurtii dalku xaqa u lahaa ee reer galbedka ku baaqatay in ka badan 19 sano ee sxb daa ha af duubeen, haka qaadeen madax furasho iyo waliba talaaboobo kasta oo ku haboon gaalada isu keen bahaystay.
m/DEEQ sweden
cige | May 20, 2009 | Reply
mashaa allaah cige adigaa ii tiri waaxaan dhihi laahaa waxa burcad ah kan soo duulay mahane miskiinka gurigiisa jooga hadu rabo moryaan ha ahaado waalaga gardanyhay
bishaar | May 21, 2009 | Reply