Warbixin: Dagaaladda ka soo Cusboonaaday Muqdisho Maxay soo kordhiyeen?!.
By Somalimirror on 20 May, 2009 1:30 PM in Main, Wararka, Warbixinnada
Shabakadda Warbaahinta Somalimirror waxay idiin soo gudbinaysaa Warbixin ay idinkaga diyaarisay Dagaalka ka soo Cusboonaaday Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo Qeybo ka mid ah Goboladda Dalka.
Warbixinta waxa ay ka koobantahay:-
- Hordhac
- Sidee Dagaalku Ku Bilawday?
- Yuu u Dhaxeeyaa Dagaalku?
- Khasaaraha & Saameynta Dagaalka
- Dagaalku muxuu Salka ku hayaa?
- Aragtida Dhinacyada Ishaya & Shacabka ee Dagaalka
- Maxaa xilligan ku soo beegay?
- Isbadallada uu Masraxa ku soo Kordhiyay Dagaalkan?.
- Dagaalka Ma la joojin karaa?
Horudhac
Hadaan si kooban diiradda u saarno Jawigii ka horeeyay dagaalkan hadda ka socda magaalada Muqdisho oo xasaasiyadiisa ugu weyn ay bilaabatay kadib markii ay Caasimadda soo gaartay Dawladda uu hogaamiyo Sh.Shariif Sh.Axmed oo ay fikir ahaan taageersanaayeen Qayb ka mid ah MMI kuwaas oo si toos ah ugu biiray DKMG ah halka ay si weyn uga soo horjeedeen Xoogagga Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam waxaana ismaandhaafkaas iyo aragtiyadaas kala duwan ka dhashay Jawi cakiran oo hordhac u ahaa Dagaalkan hadda socda waxaana boogta Caabuqaas sii kobcinayay hadallo qallafsan oo Warbaahinta ay isu marinayeen dhinacyada saamaynta ku leh socdaalka Dhacdooyinka Siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Banaadir.
Ismaandhaafka ka dhashay aragtiyaha kala duwan ee kuwada sugan Muqdisho oo kala matalaya DKMG ah iyo Xoogagga ka soo horjeeda ee Xisbu-Islaami iyo Al-Shabaab kuwaas oo dhinac waliba isku dayayay in uu habkiisa gaarka ah ula tacaalo xaaladda ka taagan Dalka waxaana xaaladda sii murjiyay dilal qorshaysan oo lala beegsaday Mas’uuliyiin ka tirsanaa MMI ee ku biiray Dawladda dilalkaas oo ay Madaxda MMI ku eedeeyeen Xogagga Alshabaab halkaana kuma istaagine waxay arrintaasi sii furtay Albaab iska horimaad iyo weerarro gaadmo ah oo loo kala gaysanayay Dhinacyada Alshabaab iyo MMI.
Sidee Dagaalku Ku Bilawday?
Sida aan hordhaca ku sheegnay dagaalka Qaraxiisa waxaa ka horeeyay fasallo muujinayay in uu soo fool leeyahay Dagaal dhex mara Dhinacyada iska soo horjeeda waxaana gun dhig u ahaa arrimahaas kala duwanaasho aad u weyn oo u dhaxeeya labada gees, Dawladda oo isku dayaysay inay ka hawl gasho Caasimadda Muqdisho, xoogagga ka soo horjeedana u arkaysay kuwo caqabad ku ah mashruucyadeeda,halka xoogagga ka soo horjeedana ay u arkayeen in isbaahinta DKMG ahi uu khatar ku yahay jiritaankooda, dhan walbana wuxuu xusul duub u galay sidii uu ugu diyaar garoobi lahaa Fasalka dagaalka iyo sidii uu asagu u kasban lahaa, DKMG ah ayaa bilawday ciidamo aruurin waxaana soo gaaray Qalab milatery ayada oo Beesha Caalamku ay ugu yaboohday maal gaaraya $ 250 Milyan oo si gaar ah loogu talagalay dhinaca Amniga gaar ahaan tayaynta Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah.
Dagaalka bilawgiisii hore wuxuu ahaa mid la moodo inuu ku billowday si kadis ah, waxaa kale oo la dhihi karaa wuxuu ku billowday si qorsheysan, waxaana arrintaas fasiraya xoogagga iska soo horjeeda gaar ahaan Alshabaab iyo MMI ee ku biiray DKMG ah colaadoodu waxay ahayd mid aan daah saarnayn waxaana marwalba la dhawrayay bilaabashada Dagaal dhexmara labadaas dhinac balse dagaalka ayaa qarxay kadib markii Jidka 30-ka lagu weeraray Sarkaal ka tirsan Xoogagga Alshabaab taas oo ay ku eedeeyeen dhinaca kale oo iska fogeeyay ayaguna, falkaas oo ay ka dhalatay in uu bilawdo dagaal saameeyay goobo kala duwan oo ku teedsan Jidadka 30-ka iyo Warshadaha, xilligaas dagaalka qayb kama aysan ahayn Xisbul-Islaam balse waxay ku soo biireen 3 maalmood kadib dhacdooyinkaas waxaana sababta lagu macneeyay Xoogagga Taabacsan DKMG ah oo weeraray Saldhigyo ay deganaayeen Xisbul-Islaam gaar ahaan Saldhigga Yaaqshiid taas oo keentay in ay si toos ah ugu biiraan dagaalka sida uu shabakadda somalimirror u xaqiijiyay Sarkaal sare oo ka tirsan Ururkaas.
Yuu u Dhaxeeyaa Dagaalka?
Marka lafiiriyo Cidda uu Dagaalku sida Dhabta ah u Dhaxeeyo waxa inoo Muuqanayo Maraaxil Dhowr ah oo uu Dagaalku soo maray ama ku bilowday, hadii aan kala Qaadno Marxaladahaasna waxay u qeyb samayaan sida tan:
1. laga bilaabo Qalalaasihii ka Dhashay Dilkii Sargaalkii ka tirsanaa MMI ee DKMG ah ku biiray (Kariye) ilaa Dagaalkii Saldhiga Degmada Yaaqshiid ka bilowday waxaa la dhihi karaa waa marxaladii 1-aad ee uu Dagaalku u Dhaxeeyey MMI Garabka DKMG ah ku biiray iyo Xarakada Al-Shabaab oo kaliya.
2. laga bilaabo Dagaalkii ka Dhacday Saldhiga Degmada Yaaqshiid ilaa Qabsashadii Saldhigyadii ay ku sugnaayeen Ciidmadii MMI garabka DKMG ah ku biiray waxaa la Dhihi ka raa waa marxaldii 2-aad ee uu Dagaalku u Dhaxeeyey MMI garabka DKMG ah ku biiray iyo Al-Shabaab& Xisbul Islaam oo isku Dhinac ah.
3. laga soo bilaabo Qabsashadii Xarumihii Ciidamadii MMI Garabka DKMG ah ku biiray ilaa Dagaaladii ka bilowday Wadada Wadnaha gaar ahaa Siinaay, Suuq-Bacaad iyo 4-ta Jardiino waxaa la dhihi karaa waa marxaladii 3-aad ee uu Dagaalku u Dhaxeeyey Ciidamadii hore ee DKMG ah, Afraad MMI Garabka DKMG ah ku biiray oo isku Dhinac ah& Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo Dhinaca kale ah.
4. Dagaaladii intaa ka danbeeyey oo dhan waxaa la Dhihi karaa waa marxaladii 4-aad ee uu Dagaalku u Dhaxeeyey Ciidamadii hore ee DKMG ah, Tiro yar oo ka tirsan MMIS garabka ku biiray DKMG ah, Ciidamada AMISOM oo isku Dhinac ah iyo Xisbul Islaam& Al-Shabaab oo Dhinaca kale ah.
Saameynta Dagaalka
Ugu horeyntii waxa Meesha ka baxay isheysigii iyo Dagaalkii ka Dhaxeeyey Muqaawamada Dhexdeeda waxaana hada isku soo haray Ciidamadii Hore ee DKMG ah oo kaliya iyo Xoogaga Muqaawamada.
Sidoo kale waxaa la dhihi karaa waxa Meesha ka baxay isku Dhex jirkii Kooxaha Ishaya isla markaana waxay haatan kala Joogaan laba Dhinac oo laba jiho kale ah.
Waxa ka dhashay Dagaalkan Saameyn Baaxadeeda leh oo Dhanwalba ah Marka la Fiiriyo Xag Nafeed, Barakac Xoogan Xag Maaliyadeed Ama Burbur Hantiyeed, , Xag Wax barasho, Xag Caafimaad , Xag Maskaxeed iyo Xarumo Badan oo lagula kala wareegay intii uu dagaalku socday.
Khasaaraha Nafeed
Sida lawada ogyahay Dagaaladan oo ah kuwo aad u xoogan isla markaan ka dhacaya Degmooyin badan oo ay ku noolaayeen Dad iyo Qooysas farabadan isla markaana ay sidoo kale jirto Xaafado ka fog fog Dagaalka oo ay Gaareyso Madaafiicda Xoogan ee loo yaqaano PM-ka iyo Taangiyada ay Ridayaan Ciidamada AMISOM, waxa iska cad in ay Badan tahay Qasaaraha ka Dhalan kara.
Laakin Tirakoobyada ay sameeyaan Goobaha Caafimaadka sida Isbitaalaa Waayen ee Madiina, Dayniile, Keydsaney, Banaadir iyo waliba Gaadiidka Gurmadka Degdega ah ee sida Mutadawacnimad ah u Qaada Dadka Shacabka ah ee ku waxyeelooba Dagaalada isla markaana gaarsiiya Goobaha Caafimaadka ayaa Sheegay Qiyaasahan:
1. Dhimasho in ka badan 100 Ruux oo Rayid ah.
2. Dhaawaca in ka badan 300 Ruux oo Rayid ah.
Barakac Dad Shac ah.
Marka la Eego Baaxada uu Dagaalku leeyahay iyo Degmooyinka uu ka Dhacayo oo aad u Fara badan waxa kugu soo degdegaya Baaxada uu leeyahay Dadka Guryahooda ka Barakacayo ee Cararka Maciin bidayo.
Barakaca ugu weyn waxa uu ka dhacayaa Degmooyinka uu sida Fool kafoolka ah Dagaalku ugu Dhacayo iyo waliba Degmooyin kale oo ay Gaareyso Madaafiicda PM-ka, Taagiga iyo Hoobiyayaasha Culculus oo si gaar ah u Ridayaan Ciidamada AMISOM.
Degmooyinka iyo Xaafdaha Magaalada Muqdisho ee ilaa iyo hadal sida weyn looga Barakacay waxaa kamid ah:
1. Degmada Yaaqshiid.
2. Degmada Wardhiigley.
3. Degmada Hodon.
4. Degmada Howl-Wadaag.
5. Degmada BoonDheere.
6. iyo Degmada Shibis.
Majiro Tirakoob Rasmi ah oo laga Haayo Daka ilaa iyo Hada Barakacay laakin Tirakoobyo aan Rasmi aheyn oo ay sameeyeen Qeybaha soo socda ayaa lagu sheegay sida tan:
Farxaan Cali Maxamuud oo DKMG ah u qaabilsan warfaafinta ayaa Sheegay in ku dhawaad 18 kun oo qofood ayaa ka Barakacday Magaalada Muqdisho una Barakacay Ceelasha Biyaha iyo Meelihii loo Barakici jiray.
Sidoo kakel Q.M ayaa Sheegatay in Dagaaladii ugu Danbeyey ee Magaalada Muqdisha ka Dhaca ay ku bara kaceen in ka badan 20 kun oo Qofood.
Dadkan ayaa u Barakacay Gobolo ay ka mid yihiin Sh.Hoose, Sh.Dhexe, Qeybo kamid ah Jubooyinka iyo Gobolada Dhexe, laakin Dadka ugu badan ayaa u barkacay inta u dhexeyso Muqisho iyo Afgooye gaar ahaan Deegaanada Tareedisho, Ceelasha Biyaha, Xaawo Cabdi, Lafoole iyo Carbiska.
Sidoo kale Magaalooyinka ay Dadku u Barakaceen waxaa kamid ah Afgooye, Marka, Baraawe, B/mareer, Balcad, iyo Jowhar.
Burbur Hantiyeed
Madaafiicda Xoogan ee leysku adeegsanayo Dagaalkan ayaa qasaaraha Nafeed ka sokow sababay in ay ku burburaan Dhismayaal iyo Guryo badan, waxaana sidoo kale jira Goobo iyo Baqaaro Ganacsi oo ay Madaafiicdu ku Burburisay Goobaha ay Dagaaladu ka socdaan.
Saameynta Xaga Waxbarashada
Goobaha ay dagaaladu ka socdaan waxa ka istaagay Dhamaan adeegyadii waxbarashada sida Malcamadihii Qur,aanka, Iskuuladii, iyo Maadaaristii Waxbarashada oo idil Manajirto ilaa iyo hada Dhaq Dhaqaaq Waxbarasho oo ka jira Goobaha ay Dagaaladu ka soconayaan.
Saameynta Xaga Caafimaadka iyo Saameynta Maskaxeed.
Marka si Cilmiyesan loo eega Madaafiicda ay adeegsanayaan Ciidamada AMISOM sida PM-ka Taangiga iyo kuwa kale ee Mamnuuca ka ah in Shacab lagu Dhexrido, marka laga reebo Qasaaraha Muuqda ee ay Dadka Shacabka ah soo gaarsiiyaan waxaa jira Dhibaatooyin Caafimaad iyo kuwo Maxkaxeed oo ay sababaan Maadaama ay Madaafiicdaani ka sameysan yihiin walxo badan oo sun kiimiko ah.
Dhawaqa iyo Daryanka Madaafiicda Culculus oo ay aad uga argagaxaan Dhamaan Dadka Shacabka ah Gaar ahaan Dadka Jiljilicsan sida Haweenka Uurka leh, Caruurta Da’da yar iyo Dadka Waayeelka ah.
Waxaa Dhacda mararka qaar in ay Haweenku soo tuuraan Uur jiiftooda Dhawaqa Naxdinta leh ee ay Madaafiicdu sameynayaan owgeed sidoo kale waxa jira Dad u Dhinta Naxdin ay ka qaadaan Madaafiicda aan iyaga oo kale horay looga Maqlin Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay adeegsanayaan Ciidamada AMISOM.
Dagaalku muxuu Salka ku hayaa?
Dagaalka iminka ka soconaya Magaalada Muqdisho wuxuu si ahaan uga duwan yahay Dagaaladii hore ee ka dhici jiray Soomaaliya waxaana keenaya duwanaanshahaas qaar ka mid ah dhinacyada ka kala muuqda Xoogagga Hardamaya oo markii hore ka soo wada jeeday hal Dhufays gaar ahaan Xoogaggii midawga MMI oo Gudoomiyohoodii Sh.Shariif uu maanta yahay Madaxweynaha DKMG ah ee ay Seefaha u wataan Xoogagga Alshabaab iyo Xisu-Islaam arrintaas oo aysan fahan sanayn dad badan balse ay ayagu ay ku macnaynayaan in ay sababtu tahay shariifka oo ka tanaasulay Ahdaaftii iyo Mabaadii’dii u wada degsanayd ee uu hogaanka ugu ahaa sida ay hadalka u dhigaan halka sh. Shariif ragga la socdana ay saaxiibadood ka aaminsanyihiin rag uga haray halgankii ay ugu jireen in la qabto talada waddanka kadibna shareecada lagu maamulo.
Waxaa kale oo la tilmaami karaa inay jiraan asbaab loo tiirin karo inay saameyn ku leedahay dagaalkan cusub oo ay ka mid yihiin:
1- In Dhinac walba uu isagu Gacanta ku dhigo Maamulka Wadanka
2- Dhinaca Muqaawamada waxay qabaan In Ciidamada AMISOM wadanka laga saaro si xoog ah inta ka horeysana aysan xabadoodu joogsanayn, iayaga oo u arka inaan wax faraq ah u dhexeynin AMISOM iyo ciidamadii Itoobiya xagga joogitaanka sharci darrada ah iyo khasaaraha ay geysanayaan labadaba.
1. Aragtida Dhinacyada Ishaya & Shacabka ee Dagaalka.
Dhinacyada isku haya Dagaalka Muqdisho ka socda oo kala ah Xoogaga Muqaawamada ee mucaaradka ah ee Al-shabab & Xizbul Islam oo isku dhinac ah iyo DKMG ah iyo Ciidamada AMISOM oo isku dhan ah, midba aragti gooni ah buu ka qabaa Dagaalaadan, dhinac walbana wuxuu isu arkaa inuu Dariiqada Saxda ah ku taagan yahey.
Sido kale qeybaha kale ee Bulshada ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho amaba Gobolada kale ee Dalka iyaguna aragti ka duwan tan dhinacyada is haya ayay ka rumeysan yihiin Dagaaladan.
Balse aanu aragno dhinac walba aragtidiisa gaar ah ee ku aadan Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacey Magaalada Muqdisho sida ay ula muqdaan.
I. Ururka Al-shabaab.
Amiirka Ururka Al-shabab Sh Mukhtaar Abu-Zubeyr oo cod uu soo dubay Saxaafadda Gudaha laga sii daayay, waxa uu ka Hadley Aragtidiisa ku aadan DKMG ah & Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho oo Ururkiisu qeyb ka yahey, waxa uuna ka yidhi sidatan:“Waxaa isweydiin leh Dowladda lagu soo dhisey Embgathy ee ku saleysan 4.5 dastuurkeedana Gaalo ay dajisay, Baarlamaankeedana xubnaha ugu cad cad ay yihiin ururkii Ashahaado la dirirka iyo kooxdii Itoobiya ee SRRC & soodare Dowlada noocaas ah yaa marnaba lagu sheegi karaa Dowlad Islaam ah Dowladaasi waa dowlad ilaaladu ay tahey Ciidamo Shisheeye oo kiristaan ah Madaxweynaheedu socdaalkii ugu horeeyay uu ka bilaabay Itoobiya baaqii ugu horeeyay ee uu jeediyaana uu ahaa inuu dalbado Ciidamo Shisheeye oo dheeri ah si uu ula dagaalamo waxa uu ugu yeeray xagjirka, waa Dowlad Heshiiskii ugu horeeyey ee ay Gaadhay uu noqday in Bada Umada Soomaaliyeed la iibiyo, Bilaahi Calaykum Dowlada Noocaas ah miyaa la oran karaa waa Dowlad Islaam ah, iska Dhaaf in islaam lagu sheegee Xitaa uma Qalanto Dowlad Wadani ah”.
Dagaaladana mar uu ka hadlayey waxa uu yiri:“Soomaaliya guud ahaan Gaar ahaan Muqdisho Maxaa la gudboon, waxa la gudboon in ay Xaqa Garab Istaagaan Maxaayeelay Dhexdhexaadnimo Male Arinku, waxa loo baahan yahay Dagaalka Socda waa Dagaal Xaqa iyo Baadilka ka Dhexeeya ee iney Xaqa Garab siiyaan si raali ahaanshaha Ilaaheyna ay u gaaraan aduunkana Sharaf iyo Cisi ay uga Helaan, waxaa Umada la gudboon in ay u Adkeysato Dhameystirka Dowlad Islaam ah oo Sax ah in la helo hadii kale waxaa imaneysa Maalin walba in marka islaamnimada iyo Dowlad Islaam oo Sax ah ay soo Dhawaato la Dhiciseeyo taasina ay keento in mar labaad iyo mar sedexaad kow laga soo bilaabo maanta wax yar ayaa haray ee aan isu garabsano Saarida Ciidamada Shisheeye iyo oogida Sharciga Alle S.W”.
Sheekh Zaylici oo ah Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo, sidoo kalena ka mid ah Mas’uuliyiinta Ururka Al-shabaab oo isna ka hadlay Dagaalada Muqdisho waxa uu ka yidhi:“Dadweynaha Degan Magaalada Kismaayo Gobolka Jubadda Hoose, iyo Dhamaan Dalka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Kale intaba waxaan u sheegaynaa in Maamulka Magaalada Kismaayo uusan Dhex Dhexaad ka ahayn Dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho.ee uu ka yahay Qeyb Muhiim ah oo la safan Mujaahidiinta Safka hore ka Dagaalameysa ee Xabadka u dhigaysa Xabadda Cadowga, waxaynu Ognahay Dadka Muslimiinta ah ilaahay inuu Imtixaanayo kuwa ka mid ahna Diinta Dib inay uga laabtaan oo ay Ridoobaan, waxaynu kaloo ognahay marka ay sidaasi oo kale dhacdo oo ay Dad Muslimiinta ka mid ahaa Safka Gaalada ka soo jeestaan inuu ilaahay iyagana ku soo saaro Dad Muslimiin ah oo la dagaalama kuwaa Ridoobay”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo uu intaa ku darey:“ Dagaalada ka Cusboonaaday Magaalada Muqdisho ma aha wax ku cusub Dalka iyo Dunida aynu ku Noolnahay waxay ku Xidhiidhsanyihiin Jihaadkii lala galay Saliibiyiinta ku soo duushay Dhamaan Caalamul Islaami oo aynu anaguna Wadan ahaan Qeyb weyn ka nahay, Dagaalada Maanta ka dhacaya Magaalada Muqdisho kuwa la safan Gaalada ee Dhabarkooda ku aaminay Saliibiyiinta Reer Burundi & Uganda iyo inta kale ee dib U ridowday Qandaraasyada iyo Shilinkana lagu hogaaminayo Dagaalka lagula jiraa waa Dagaal Xaq ah, waayo waxay la xukun yihiin Cidda ay isku safka yihiin”.
Ujeedka ay iyagu dagaalka ka leeyihiin mar uu ka hadlayeyna waxa uu yiri:“Dagaalku waa Xaq waana Howl-gal Baaxad leh oo lagu xaaqayo Caqabadaha & Jid-gooyooyinka ka soo horeeya Dagaalka Saliibiyiinta dhamaan lagu xoreynayo Wadanka sidaa Darteed Maamulka Magaalada Kismaayo waxa uu ku Adkaystay Go’aankiisii hore oo ah inuu ka jihaado Meel kasta oo ay Gaal iyo Islaam isku hayaan oo uu Gurmad u diro, Gurmad Muuqda oo Kaalintiisa Buuxiya ilaahay Idankiisna halkaas waan gaarsiinaynaa, ilaahayna waxaan Ka baryaynaa inuu nagu daro kuwa Dalka Xoreynaya”.
II. Xizbul Islam.
Afhayeenka Xizbul Islam, Dr Xasan Mahdi oo bilowgii Dagaalada Muqdisho ka hadley Saxaafada waxa uu ka yidhi:“Waa Dagaal dulmi cad ah oo aan geed loogu soo gabban oo Mujaahidiinta Soomaaliyeed lagu soo qaaday maalintii Arbacada ahayd ee la soo dhaafay Xarakada Al-Shabaab, Xisbul Islaamina Shalay ayaa lagu daray Duhurkii, waxay go’aansadeen Dulmi iyo baadil ay ka soo qaadeen Uganda, Kenya, Burundi iyo Ruwanda inay Magaalada ku baahiyaan. Insha allah Xabbad danbe aaggan kama dhici noonto tanna waxaa sabab u ah Mujrimiinta”.
Sh Xasan Daahir oo ka mid ah Xizbul Islam oo isna ka hadley Dagaalada Muqdisho dib uga soo cusboonaadey waxa uu sheegay inaanu waxba uga duwaneyn kii lala galey Itoobiya, mar haddii cidda ay la dagaalamayaan ay Wakiil yihiin, sida uu hadalka u dhigey.
Muuse Caraale oo sidoo kale ka hadley Dagaaladan ayaa ku tilmaamey mid iyaga lagu soo qaadey, looguna talo galey in degenaanshaha lagu Carqaladeeyo:“ Xarumo uu Xisbul Islaam Daganyahay oo Nabad galyo ah oo wax Dhibaato ah oo ka jira aan la arag oo Hal Xabbo oo aake ah aan kor looga ridin ayay ku soo duuleen oo ay weeraro Ba’an ku soo qaadeen, illaa iyo Shalay illaa iyo Xalay illaa iyo Saakana Dagaalkaasi waa socday walina Dabo yaaqadiisii way socotaa, marka Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay ha ogaado in Nimankaasi ay gaalo soo adeejisay, Loona soo adeejiyay Shacabka Soomaaliyeed Dagaal in laga dhex Qarxiyo Qandaraas inay Qabaan in loogu Talo galay in Carqalad laga abuuro Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya”.
III. DKMG ahí & AMISOM.
Sh Shariif oo ka hadley Dagaalada Muqdisho ayaa ka yidhi:“ Waxaan u sheegeynaa Shacabka Soomaaliyeed in Dowlada Federaalka ah ay mar walba isku dayeysay in laga fogaado Dagaal Shacabka Soomaaliyeedna laga badbaadiyo Dagaalo soo laalaabta laakiin Nasiib daro Dad Dagaal xirfad ka dhigtey oo Dowladnimo aan rabin oo aan ka fikireynin shacab oo aan ka fikireynin Maslaxadda Umada Soomaaliyeed in ay Dagaal maalin iyo habeen la taagan yihiin, Mowqifka Dowladu waxa uu yahey in Dowladnimada & Qaranimada la difaaco isla markaasna Dariiq kasta oo lagu joojin karo Dagaalada la maro ”.
Cumar Xaashi oo DKMG ah ugu qaabilsan Wasiirka Amniga oo ka hadley Dagaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay Cidda uu u dhaxeeyo & sida uu ku bilwdey waxa uuna yiri:“ Kooxo isbiirsaday oo kuwana Soomaali yihiin oo ay Dowlada ka soo horjeeda oo aad ka warqabto kuwana ay Ajnabi yihiin oo Al-Qaacido ka socda oo Kooxo Dagaalama ah ayaa Dagaal Qorshaysan oo ay Mudaba ka Shaqeynayeen Hub iyo Ciidana ay Guranayeen ama ha ahaado Ciidan ay gudaha ka abaabulayeen ama ha ahaado midkaa Dibadda ka yimaadi ayay weerar Qorsheysan ku soo qaadeen Dowlada, Marka Dagaalku sidaas ayuu ku Bilowday waana socdaa” waxa kale oo uu intaa ku darey:“waa nala soo weeraray, weerarka nala soo weerarayna waa mid qorshaysan, waa mid lagu Talo galay in Dowladda lagu afganbiyo, waa mid Kooxo Ajnabi ah iyo Ururo Ajnabi ah ay Dagaalamayaan oo ay Raaca hore ku jiraan marka ma aha sida muuqata kooxahaasi kuwo Dagaalka ka tanaasulaya illaa ay la gaabiso, marka waxaan ula jeedaa inuusan Dagaalku ahayn mid kama ah ku dhacay oo la dhex dhexaadin karo”.
Farxaan Cali Maxamuud oo isna dhanka Warfaafinta ugu qaabilsan DKMG ah ayaa isna ka hadley Dagaalada Muqdisho waxa uuna ka yidhi:“ Dagaalada waxaa nagu soo qaaday oo Dawaldda Fariisimaheedii iyo shacabka guryahoodii ku soo qaaday kooxo aan dhihi karo waa Nabad Diid ama aan dhihi karo waa shareeca diid, cadaw ku ah shacabka Soomaaliyeed doonayana dalkan in ay u hibeeyaan umad kale”.
Ciidamada AMISOM oo qeyb ka ah Dagaalka Muqdisho ayaa Afhayeenkooda oo lagu magacaabo Brigye Bo-Huko oo ka hadley waxa uu ka yidhi:“ AMISOM kuma lug laha dagaaladii maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayay Muqdisho waxaan ognahey in AMISOM waajibkeedu yahey inay arintaa ka fogaato waan ognahey inay jiraan dad doonaya inay sumcadda ka xumeeyaan Ciidamada AMISOM, maxaa yeelay waxay ogyihiin sii socoshada qalalaasaha noocaan ah ineysan soconeynin inta ciidamada AMISOM joogaan sidaa darteed waxaan ku leeyahey kuma aysan guuleysan hadafkooda….,arinta la xariirta duqeynta waxaan ogahey in haddii dagaal dhaco duqeyn dhaceyso taasna waa sababta mar walba aanu u cambaareyno duqeymaha iyo dagaaladu inay sii socdaan dadka dagaalamaya dirirta dhex mareysa dhibaato kama soo gaareyso iyaga laakiin waxa ku wax yeeloobayaa waa dadka rayidka ah”, sidoo kale mar uu ka hadlyey Ujeedka Joogitaanka Ciidamada AMISOM waxa uu yiri:“ ananaga Dowrkeenu ma ahan oo keliya inaan difaacno Dowlada laakiin waxa uu yahey inaan caawino Dadka Soomaaliyeed si ay u wada hadlaan inay dhalinno nabad ay ku wada hadli karaan laakiin 100% ma damaanad qaadi karno amaanka dadka Soomaaliyeed”.
IV. Bulshada.
- Hay’ada Culimada Soomaaliyeed.
Sh Bashiir Axmed Salaad, Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo ka hadley Aragtidooda ku aadan Dagaalada Muqdisho ayaa Yidhi:“ Waxaan aad iyo aad uga soo horjeednaa dagaalka ka dhacay Shalay Magaalada Muqdisho oo ay ku la’deen Dad Muslimiin ah ama ku dhaawacmeen Dagaaladaasi Dagaalo Diin ahaan Banaan ma aha, maxaa yeelay Dad Muslimiin ah oo Kooxo ah ayuu ka dhaxeeyaa, marka inay joojiyaan ayaan soo jeedinaynaa”. Sh Bashiir wuxuu sidoo kale intaa raaciyay:“ Waa arrin Fool xumo u soo jiidaya Dadka Muslimiinta ah guud ahaan Gaar ahaan Dadkii Shalay Mujaahidiinta ahaa oo Sumacadooda Xumeynaya weeye, tan kale Cadowga ayuu Jaanis siinayaa in Dadkaan Soomaaliyeed laga dhigo Dad aan Xil kas ahayn oo aan Amniga Waddankooda Hanan Karin oo Taladooda aan garanayn, marka waxaan soo jeedinaynaa Dagaalada in la joojiyo oo Ilaahay (SW) looga Baqo oo Dadkaas Muslimiinta ah loo Turo Dadkaan aadka iyo aadka ah u dhibaataysan”.
- Sh Cumar Faaruuq oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo isna ka Hadley Dagaalkan ayaa ku tilmaamey Inc. Yahey Dagaal fitno, waxa uuna ugu baaqey dhinacyada isku haya khilaafaadkooda wada hadal inay ku dhameystaan.
- Golayaasha Dhaqanka.
a. 5 Gole Dhaqan (Beelaha Jareer weyn, Beelaha Direed, Beelaha Daarood, Beelaha Banaadiriga, Beelaha Digil iyo Mirifle) oo ka mid ah Golayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ayaa intii Dagaaladani socdeen waxa ay Magaalada Muqdisho ka soo saareen Warsaafadeed ay ku dalbanayeen in Dagaalada lagu joojiyo wixii labada dhinac ee ishaya u dhaxeeyana lagu dhameeyo wada hadal iyo dhex dhexaadin.
b. Golaha Dhaqanka Hawiye oo uu hadley Maxamed Xasan Xaad oo ah Gudoonka Golaha ayaa sheegay inay horey uga digeen Dagaalada socda, qeylo dhaaminna ka dhamaatey cid wax ka maqasheyna ayna arag mar uu arintaa ka hadlayeyna waxa uu yiri:“ Anagu mar walba waxaan waa qiyaaseynay inay sidani dhici Doonto waa waxaan ka baqeynay intaa uun bay ahaayeen hade qeyladayadu dadku gadaal bay ka fahmeen nuxurka ay xambaarsan tahey anagu markaan qeylinaynay…… waxaan ka baqeynay intaa uun bay ahaayeen’’.
2. Maxaa Xilligan ku soo beegay?.
Dagaaladan Muqdisho dib uga soo cusboonaadey waa kuwo loo tooghayey inay dhacaan, marka loo eego Xaaladihii kale duwan ee ka horeeyay Dagaaladan ee Magaaladu soo martey iyo sidoo kale dhacdooyinkii hor dhaca u ahaa, waxaanse isku dayi doonaa inaanu wax uun ka ka tilmaanno asbaabta la is dhihi karo iayadaa dagaaladan xilligan ku soo beegaty
1. Sida la ogsoon yahey, inay Itoobiya ka baxdo Magaalada Muqdisho iyo Goboladii kale ee Ciidamadeedu ku sugnaayeen Ujeedooyinka la qorsheynayey waxaa ka mid ahaa inay Dagaallo cusubi ka dhex dilaacaan Xoogagii Muqaawamada ee Ciidamadeeda Dagaalka kula jirey iskuna qabsadaan gacan ku heynta Dhulkii ay ka baxdey, balse arintaasi si deg deg ah uma dhicin, waxaase markiiba lagu soo furey Mowjado kale oo Dagaal, ka dib markii Dowladda Itoobiya si cad u sheegtay inay qalabeyneyso Maleeshiyo Beeleedyo Soomaaliyeed oo la dagaallama Xoogaga Muqaawamada, runtiina arintaasi Gobolada Dalka qaar ayey ka dhacdey waxaana la dhihi karaa hordhac bay dagaaladan u ahayd.
2. Waxaa sidoo kale jira Siyaasado Shisheeye oo DKMG ah ku cadaadinaya inay dagaalo gasho, Ujeed kastaba ha laga lahaadee taagdarrada dhaqaale iyo awoodeedna aad bay ugu nugleeyeen inay yeesho cadaadisyadaas oo ay muujiso inay wax qaban karto si loo taageero.
3. Heshiiskii Badda ee DKMG ah & Kenya dhex marey si aanu Baarlamaanku uga doodin loona hor geynin qeyb buu ka ahaa baa la dhihi karaa dagaalkan sida ay qabaan Bulshada in badan oo ka mid ah maxaa yeelay wuxuu maalmo uun ka horreeyay 13ka may oo ku beegnayd maalintii lagu waday in la soo uruuriyo xogaha badahada lana hor geeyo xafiiska Q.M ugu qaabilsan badaha.
4. DKMG ah oo lafteedu isu aragta inay tahey Dowlad Sharci ah, Xoogaga ka soo horjeedaana ay yihiin kuwo gar daran oo loo baahanyahay in la wiiqo awooddooda iayana waa sabab kale oo xusid mudan
5. Ciidamada AMISOM & Hogaankii hore ee Ciidamada DKMG ah oo is kaashanaya qeyb ayey ka yihiin baa sidoo kale la dhihi karaa Dagaalada hurintooda xiloligan.
6. Sidoo kale Joogitaanka ciidamada AMISOM ee Magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah dagaaladan maxaa yeelay xoogagga muqaawamada ee mucaaradka ah waxay ku adkeysteen inayna joojinaynin weerarada ay ku hayaan MISOM taasina xaraj ku ahayd DFKMG oo isu aragta iany ciidamada AMISOM iyada u joogaan difaacna u yihiin.
Isbadallada uu Masraxa ku soo Kordhiyay Dagaalkan?.
Dagaalka ayaa waxaa uu isbadallo muuqda oo ku aadan dhinacyada Miletery-ga iyo Siyaasadaba ku soo kordhiyay hab socodka dhacdooyinka soomaaliya:-
1. Isabadallada Dhinaca Miletry-ga
dagaalkan ayaa keenay isbaddallo dhinaca goobaha la kala joogo oo ku soo kordhay Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah goboladda koonfureed ee Soomaaliya kuwaas oo dagaalka ka hor gacanta ugu jiray DKMG ah iyo Taageerayaasheeda kadibna dhamaantood u meeray dhinaca Xoogagga ka soo horjeeda ee Alshabaab iyo Xisbul-Islaam waxaana goobahaas ka mid ah:-
a) Stadium Muqdisho
b) Xarunta Xisbiga
c) Gaashaandhigga
d) Guulwadayaasha
e) Saldhigga Huriwaa
f) Saldhigga Hodan
g) Warshadda Barafuunka
h) Degmada Jawhar
i) Mahadaay
j) Degmada Buulo-burdo
Dagaalkan ayaa kadib markii goobahaas lagala wareegay ciidamadii MMI ee ku biiray DKMG ah waxaa meesha ka baxay isku dhex jirkii markii hore ay isdhex deganaayeen xoogagga dagaalku ka dhex aloosmay oo wajigii hore ahaa MMI oo ka soo jeeda dhinaca DKMG ah iyo Xoogagga Alshabaab iyo Xisbul-Islaam, waxaana si toos ah u kala miirmay fariisimadi isku dhex jiray ee labada dhinac ayada oo degmooyinkii la’isku hardiyay ay gacanta ku wada dhigeen xoogagga ka soo horjeeda DKMG ah.
Xoogagga ka soo horjeeda DKMG ah ayaa waxay gabi ahaan gacanta ku hayaan Xaafadaha ku teedsan Jidadka Warshadaha, 30-ka iyo Wadnaha halka Dawladdu ay ku sugan tahay Wadada Dabka ilaa sanca waxayna isku horfidhiyaan qaybo ka mid ah degmooyinka Hodan, Wardhiigleey, Boondheere, iyo Yaaqshiid.
Sidoo kale dagaalkan ayaa waxaa ka mid ah sawirrada uu masraxa ku soo kordhiyay hoos udhac burbur ku dhow oo ku yimid Xoogaggii MMI ee ku biiray DKMG ah kuwaas oo ay dawladdu si weyn u cuskanayd ayna ku taamaysay in ay awoodooda, khibradooda dhinaca Xoogagga muqaawamada iyo Taageerada ay shacabka ku dhexleeyihiin u isticmaasho maanshaynta Xoogagga ka soo horjeeda, qorshahaas oo u muuqda mid soo gababsiyay kadib markii qaar badan oo ka mid ah ay isu soo dhiibeen ama ku biireen Xoogagga Dawladda ka soo horjeeda.
Dagaalka ayaa Muuqaalka dhinaca milatery wuxuu kafadda u janjeeriyay Xoogagga ka horjeeda DKMG ah oo dagaalka ka hor u muuqday in ay tabar daran yihiin halka Dawladdana loo arkayay in caasimadda gudaheeda ay ku gacan sarayso marka la eego taageerada ay ka haysato beesha caalamka ciidamada AMISOM Xoogagga MMI ee ayada ku biiray iyo Shacabka Muqdisho oo badankoodu la dhacsanaa Hadoodilka kore Dawladda.
Waxaa kale oo canaasirta uu keenay dagaalkan lagu tilmaami karaa faragalin Ajnabi oo uu soo dedejinayo ayada oo ay ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u qalabaysan soo galeen qaybo ka mid ah Dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Hiiraan arrintan oo lagu tilmaami karo in ay hordhac u tahay qorshe caalami ah oo lagu badbaadinayo DKMG ah haddii ay soo siyaaddo khatar saamayn ku yeelan karta jiritaanka dawladda ah sida laga dheehan karo hadallada ka soo yeeray Hay’adaha Q.M, M.Afrika iyo Dawladda Maraykanka ee ku sabsanaa difaaca dawladda KMG ah ee ay Beesha Calamku gadaal ka riixayso, waxayna ciidamada itoobiya noqon karaan quwadda ugu jaban uguna degdega badan oo gurmad u fidin karta Dawladda si ay uga difaacaan culaystada uga imaanaya dhinaca mucaaradka oo Beesha caalamku ay sheegen in aysan marna u ogolaan karin inay gacanta ku dhigaan dalka Soomaaliya.
2. Isbadallada Dhinaca Siyaasadda
Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay isbaddallo door ah oo dhanaca Siyaasadda ah kuwaas oo intooda badan ka imaanayay Beesha caalamka kuna wajahnaa badbaadada DKMG ah oo ay sheegeen in ay qarka u saaran tahay afgambi talada loogala wareegayo taas oo ay ku tilmaameen mid sharci dorro ah isla markaan ay waajib tahay in la baajiyo si kastaba halgu hor istaagee, waxayna Q.M iyo M.Afrika si isku mid ah u wada goosteen in aysan marna raali ka noqon karin dhicitaanka dheeli siyasadeed iyo mid miletry oo taladu ugu wareegto Xoogagga Alshabaab iyo Xisbul-Islaami.
Isbadalka dhinaca siyaasadda ee soo korortay waxaa ka mid ah in Hay’ado caalami ah, Dawlado iyo dad badan oo hididiilo weyn ka qabay horumar Siyaasadeed iyo mid milatery oo DKMG ah xaqiijiso ayaa hadda rajadoodii isbadal ku timid waxayna cabireen in aysan muuqan hoirumar degdeg ah oo ay dhinacyadaas ka soo kordhin karto soomaaliya maadaama miisaanku hadda u dhiiliyay jaanibka ayada ka soo horjeeda.
Dadweynaha taageersanaa mashruuca DKMG ah oo wax badan ku dhisayay in ay dawladda KMG ah ku meel mari doonto awoodeeda ayaa ku niyad jabay dharbaaxooyinkii ku dhacay dagaaladii dhawaa dhacay waxaan waswaas iyo walaac ka galay in ay suurta gal tahay in ay DKMG ah awoodeeda ku baahin karto wadanka ama ay meesha ka saari karto awoodah ka soo horjeeda.
Waxaa si cad u soo muuqanaya in talada wadanklu ay ku sii foorarto khataro loo arki karo inay ka halisan yihiin kuwii horay u jiray khatarahaas oo ay ugu muuq dheertahay faragelin shisheeye oo sababi karta in mustaqbalka wadanku uu galo mugdi taladuna inteeda badan ay ka baxdo gacanta dadka Soomaalida ah ee iska soo horjeeda , waxaana muuqata in la diyaarinayo mashariic siyaasi ah oo ayna soomaalidu wax talo ah ku lahayn tusaale ahaan: waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in AMISOM ay ku hawlan tahay samaynta Idaacad Af soomaali ku hadasha oo xarunteedu ay Kenya noqonayso furuucna lagu wado in ay ku yeelato Muqdisho, Somaliland iyo Puntland waxayna wararkaas hoose sheegayaan in mashruucaas loo qoondeeyay sanadka hore miisaaniyad dhan $ 8 milyan oo Doller waxaana wararkaasi sheegayaan in la raadinayo wariyeyaashii ka hawl gali lahaa Idaacadaas taas oo laga fahmi karo in ay qayb ka tahay mashaariic siyaasi ah oo balaaran oo laga maagan yahay geyiga Soomaaliya.
Dagaalka Ma la joojin karaa?
Dagaalkan oo ku bilowday si kadis ah balse la dhihi karo wuxuu ahaa mid Qorshaysan ayaa marka la is-weydiiyo Ma joogsan karaa waxaa soo baxaya jawaabo Mustaxiil ah oo ay ka mid yihiin:-
1- In ay Dhinacyadda is haya isku Tanaasulaan ama ay wada hadlaan.
2- In ay Beesha Caalamka fara galinta ay ku hayso Soomaaliya joojiso.
3- In la helo Dad Dhex-dhexaad ah oo ay dhinacyadu ku kalsoonyihiin.
4- In labada dhinac mid uun la muquuniyo.
Gabo gabadii joojinta Dagaalka waa Suurto gal idinka ilaahay ka sakow haddii lagu waajaho Niyad Furan oo ka Anbaqaadaysa Kalsooni lagu qabo Ilaahay ka sakowna Nafta iyo Bulshadda Soomaaliyeed laguna Daro Dadaal dheeraad ah oo ay Bixiyaan Dhamaanba Qeybaha Bulshadda oo ay ugu horeeyaan Culimadda iyo Waxgaradka kale oo lagu daray Dhinacyadda Is-haya oo laftooda Bixiya Dadaal aan kaa ka yarayn oo ay Weheliso in Dhamaantood ay hortooda soo dhigaan Danta Guud iyo sidii loo Caymin lahaa Diinta, Wadanka iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Jarka ka sii laad-laada.
Daabaco
assalaamu calaykum
waa maqaal wanaagsan wax badan oo jirana waad ka hadashay waadna ku mahadsantahay laakiin waxaan u arkaa qudhaadu inaad u janjeedho xaga mucaaradka waayo markaad ka hadlaysay waxyaabaha dagaalka u sabab ah kuma aad darin inay ka mid tahay ama ugu weyntahay manhajka qaldan diiniyan caqliyan iyo waaqiciyanba ee ay ku socdaan AL SHABAAB ilaahay hasoo hadeeyee aamiin.
abuu cabdalla | May 20, 2009 | Reply
ilaahayoo noso gaar
sheekh shariif amisoon bo madfac nogu soo hogaaminaa
faduma | May 20, 2009 | Reply
ilaah qeer ha siiyo somlai mirror sida wanagan aay usoo bandhogtay mawalkaan
waxena ka hadashay wax waaqiciga ah oo jira
aniga waxaa ku diraa in ilaah naga qabto galada iyo gaaalo raace gaalada waxa ula jeedaa amison ilaa mareeykan gala raacana waxa ula jeeda kuwa dabda kuw ata galada oo didan in ay baxaan oo ayiga xabadii algu ridaayo isgy dhigaaya
in shilaah waxa ilaah aidn ka baryaa sharif iyo xirtiisa in ilaah xaqa adin fahansiiyo hadaan san ku dhimteen waa dhib
pakistaan | May 20, 2009 | Reply
s/c marka hore warbixintan aad diyaariseen ma aha mid cadaalad kudhisan waa mid dhan kararan waa mid mujaahidiinta meel looga dhacaayo mujaahidiintii ayaa muqaawama lagu sheegayaa waana taxriif kalmadii jihaad lataxriifiyey waxaan kaloo layaabay markaad kahadlaysaan wuxuu dagaalku salka ku hayo magaranaysaan miyaa mise xadas ayey idinka tahay waar allaah kacabsada oo runta sheega allaah wuu idin sualayaa xaqaad qarinaysaan dagaalku cida uu u dhaxeeayaa mujaahidiin iyo kufaar asaliyiina+murtadiin+munaafiqiin iswata
UMALAYNMAAYO INAAD RAYIGAYGA SOODAYNAYSAAN ISKU XISHOODA OO SOODAAYA
abu khalid | May 20, 2009 | Reply
eleele waa iska caddaysateen inaad la jirtaan mucaaradka haddaa tihiin somali mirror
nabad doon | May 20, 2009 | Reply
1-qoraalkan intiisa badan waa xaqiiq aan lagu beenshegin waa sax in bubur Taxta Sifir ah ay marayaan wixii la oran jiray MMI oo hadda meesha ka baxay kadib markii ay Ashahaadda ladirir ku biireen.
2-AMISOM Idaacadda ay furayso waa sax oo waan arkay weriyaal ka shaqeeya ladhahay oo diiday laakin Muqdisho lee ku maqalnay
dangarad | May 20, 2009 | Reply
A/c dhamaan ee waxan rabay inan halkan ka waydiiyo ninka layiraa abuu cabdalla walaal mawaxaa wato manhaj qaldan kuwa raalingalintii rabi kahor mariyey raalingalin america mise waxaa qaldan kuwa illahay kaliya inay raaligaliyaan wax walbo kaga qaalisantahay mise waxaad kamid tahay kuwa afkoodo mujaahidinta inay wax kaga sheegaan un tabari biday ee cayda iyo afxumada meelaha lataagan allahay lahay waxaa qaldan kan taangiga alamnaxaa munaafiq kabxuuxo somali yugandheyska dabada lagaga qafulo ee dadkiisii iyo mujaahidiintii uu amiirka u ahaa laka ooday ee gaalo shirka la noqday
noor | May 20, 2009 | Reply
asc
xaqiiqo ahaan marka loo hadlo maqaalku waa mid fiican, oo ay xogo badan kujiraan.waxaadse soomaaliyeey ogaataan in cidwalba ay danteeda u taagantahay oo aysan tanaasul ka samaynayn hadii ay awoodo in ay hirgashan karto. marka UN tu danteeday wadataa, xabashidu danteeday wadataa INTERNATIONAL Communituguna danteeday wadataa.marka, waxa iyagu dantooda garan waayey waa inaga sowmaaha. iskadaa wax kale e waxaa laga la yahay dad muslimiin ah oo soo wada shaqeeyey in ay wada hadli waayaan. oo ay wax istusaalayn kari waayaan, iyagoo inbadan oo kamid ah ay dareensan yihiin khatarta imaan karta, iyo shalwashada uu wadan kaani sii shalwan karo. tusaale waxaa inoogu filan magriyada ay gaaladu inoo soo maleegtay oo qaar inaga midahi ay kudheceen, oo si fudud looga horkeenay ragii ay waxisla wadeen. hadii aan ragaas daniga u wanaa jiyo waxaa laga yaabaa in ay isyiraahdeen sidaan ayaa xal unoqonkarta bulshada, marka aan sidaas leeyahay waxaa danigaygu yahay in ay qalbiyan muslimiin yihiin laakiin laakiin ficliyan uu qaladaad kadhacayo. khaladaad koodaas oo la oran karo waxa uu ka imaanayaa fikirkooda islaamiga oo aan xooganayn, naf iyo shaydaan oo meelo kale waxkatusi kara. sida xukun jacayl iwm. dhanka kale gaaladu waylasocotaa kala duwanaanta figriyeed ee islaamiyiint guud ahaan aduunka gaar ahaana soomaalida, marka iyaguna waxay wax aynecebyihiin oo ah rag islaamka fahamsan ay waxuun ugu ogolaadeen waxaa weeye, waxaa iyagu ay rumaysan yihiin in reactionka, ama ficil radiga qolyaha islaamiyiinta ah ee iyagu ku adag diinta ama haysta fahamka saxiixa ah, ay ka dagaalami doonaan tanaasul yar oo ay islaamiyiinta kale sameeyeen islamarkaana ay si sahal ah ugu deg degi doonaan ladagaananka qolyihii kale. iyagoo aan si raasikh ah taxliil ugu samayn amuuraha, ama aan daraasaad dheeri ah kusamayn soonin ula jeedka gaalada, oo ay markaas xamaasadi ka qaalib noqon doonto. waxaa tusaale inoogu filan heshiiskii suxbul xudaybiy, oo ay gaaladu ku qasabtay nabiga in uu usoo celiyo muslimiinta kasoo fakata mushrikiinta. waxaa xusid mudnayd in ay qaar muslimiintii ka mid ah ay yimaadeen goobtii heshiiska, islamarkaana muslimiintii dib loogu celiyo dhibkii ay ku haysay gaaladu. waxaa xusid iyaduna mudan sidii ay qaar asxaabtii nabig (SCW) kamida uga dhiidhiyeen ficilkii nabiga, oo qarkaba u saartay in ay diidaan awaamiirtii nabiga. taasoo keeni karta gaalmimio. taariishdu waa lil cibra oo waxay ka mid tahay umaduhu waxa ay ka faaiidaystaan,WAXAA HUBAAL AH QAAR KA MID AH XISBUL ISLAAM IN AY DAMCIIN IN AYIS XULUFAYSTAAN QAAR KA MID AH RAGII UGU WAAWAYNAA ASHAHAADO LA DIRIRKA XAMAR MARKII LA SOO DHISAY WAWLADII UU HORBOODAYEY C/LAAHI YUSUF. ILAAHAY WUXUU QURAANKIISA KARIIMKA AH KU LEEYAHAY FAIDAA QULTUM FACDILUU.MARKA WALAALAYAAL WAXAAN HADALKAYGA KUSOO GABA GABAYNAYAA HALOOGA DAMBEEYO INBADAN OO AMUURAHA DIINTA IYO DADKA IYO WADANKABA CULIMADA RAASIKHUL CILMIGA AH, HADII KALE SIDII CUMAR IBNU KHATAAB BAAB NABIGA UGA DACWOONAYSAAN ABU BAKAR. INTA DANBE WAA IGA KAFTAN AAN KULA KAFTAMAYO FIQIGA DAYARTA. ALLAHUMA ARINAL XAQA XAQA WARSUQNAL TIBAACA WA ARINAL BAADIL BAADILA WARSUQNAL IJTINAABA. ALAAHUM YAAA ALLAAH UNSUR MAN NASARA DIINA MUXAMED WAKHDUL MAN KADALA DIINA MUXAMED. ALLAAHIMA AAMIIIIIIIN
jaamac yare | May 20, 2009 | Reply
Maqaal qurux badan oo eeda dusha laga saaray, Dowlada KMG, mid baan idiin sheegayaa, Jowhar iyo Buula Burte ma Uganda iyo Burundi ayaa jooga, Al-shabaab walaahi ayaag dilaya, Sheekh xasan daahir iyo Cumar iimaan.
Xaq-Udirir | May 21, 2009 | Reply
websitekani waa kuwa ugu aqoon roon baan filayaa websiteyada ay leedahay somalidu sida shabelle
abdilahi | May 21, 2009 | Reply