Shabakadda Warbaahinta Somalimirror waxay idiin soo gudbinaysaa Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Warfaafinta Sheekh Shariif oo la soo gaarsiiya, kaas oo ka hadlaya Cafis uu Sheekh Shariif u fidiyay Maxaabiis 14 Dhalinyaro ah oo ku jiray Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.(Daaw Sawiradda).
Warsaxaafadeedka ayaa u dhignaa sida tan:-
Ref: 1503/W/WWM/09 Talaado – 19–05-2009
Warsaxaafadeed
Cafis Madxweynuhu u fidiyay Maxaabiis
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa cafis u fidiyay dhalinyaro ku jiray xabsiga, kuwaas oo tiradoodu gaaraysay 14 dhalinyaro.
Dhalinyaradaas ayaa 10 ka mid ah Maxkmad Meleteri ay ku xukuntay labo sano iyo bar xarig ah iyadoo lagu eedeeyay ineey ka mid ahaayeen Muqaawamada. Halka 4 kalana ay Maxkamad Madini ah xukuntay, waxaan ay xabsiga ku jireen 8 bilood.
Madaxweynaha ayaa kula hadlay Maxaabiistaas cafiska Madaxweyne lagu sii daayay Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Gen. C/laahi Macalim Cali Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo G/Sare C/naasir Axmed Maxamed Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida.
Madaxweynaha ayaa khubadiisu dhinacyo badan taabatay isagoo ugu horeeyntii kula dardaarmay ineey ka faa’ideystaan fursadaan oo ay noqdaan muwaadiniin wanaagsan oo wax tara dadkooda iyo dalkooda, una rajeeyay ineey ku nolaadaan nolol toosan oo wanaagsan, wuxuuna xusuusiyay xadiiskii nabigeena Naxariis iyo Nabad galyo dushiisa ha ahaatee “Muslimku waa qofkii ay Muslimiintu ka nabad galaan afkiisa iyo gacantiisa”. Iyo in xabsiga iyo ka soo bixistiisaba ay yihiin wax xag Alle ka qoran.
Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in asalka go’aan maxkamad uu yahay in la ixtiraamo, ama ha saxsanaado go’aanka Garsooraha ama ha khaldanaadee, waxaa uu u tilmaamay Madaxweynuhu ineey saas u fahmaan.
Madaxweynuhu wuxuu u sheegay in Dalka iminka wixii ka danbeeyay lagu xukumayo shareecada, waxaana uu ka dalbaday ineey fahmaan islaamku inuu yahay nidaam, kala danbeyn, dhowrida sharciga iyo adeecida Madaxda.
Madaxweynuhu wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in ragii islaamka sheegaynayay ineey raadinayaan, ineey dhiigii muslimka ku dhex jiraan, oo ay xaalaalsadeen dhiiga walaalahood, isagoo Madaxweynuhu tilmaamay in 18 sano oo fowdo ah, in weli lagu sii jiraa ay tahay khasaaro.
Madaxweynuhu isagoo arinkaa daba jooga waxaa uu dhalinyarada kula taliyay ineeysan ku kadsoomin fikradahaas khaldan waxaa uuna yiri “ waxaan idiinka digayayaa arinkaas, dhalinyaradu waa u nugul yihiin, waxaa aad u xun in qof muslina lagu qanciyo in walaalkiis oo muslina isku qarxiyo, arinkaas oo uusan ilaahay ogoleyn kana mid ahayn Dhaqanka Soomaaliyeed”.
Ugu danbeyntii Madaxweynuhu wuxuu ku booriyay dhalinyarada ineey Dowlada garab galaan , oo ay bog cusub noloshooda u furan. Iyadoo la gudoonsiiyay Hadiyad Madaxweynuhu ugu talagalay maxaabiista cafiska loo fididyay.
Magacyada Maxaabiista Cafiska loo Fidiyay
1. Maxamed C/laahi Cilmi.
2. C/qaadir Maxamed Gaas
3. Maxamuud Maxamed Abukar.
4. Axmed C.raxmaan Xaamud
5. Maxamuud Xasan Daauud.
6. Abshir Cabdi Cusmaan
7. Akram Cabaas Maxamed
8. Cumar Muuse Xuseen
9. Maxamed Jeylaani Abuukar
10. Mascuud Maxamed Siyaad
11. Daahir Cabdi Cali
12. Cabdi Cali Axmed
13. C/qaadir Cali Axmed
14. C/nuur Ibraahim Maxamed.
C.qaadir Maxamed Cusmaan
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

C/laahi Macalim Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ka hadlaya cafiska.

Taliyaha Ciidanka Asluub oo hadiyad Gudoonsiinaya Maxaabiista.

Qaar ka mid ah Maxaabiista.

Sh Shariif oo u Khudbeynaya Maxaabiista.

Related posts:
Goormay Maxaabiista Qabsaden Waa Waxa Saxaafada Loogutalo galaye Beentooda
WAAANIDIN SALAMAY WALALYAAL WAXANN KUU SHEEGAY SHIKH SHARIIF IN AANU KU TACADIYIN SOOMALIDA LOOGA DHIGAY MASUULKA EE AYA ISA DAMBEEYEN ISGA IYO CABILAAHI YUUSUF EE IALAHAY KA KAXEEYAY HADAD ADNA U RAACDAY WAA MID AAN MEESHA OOL OO WAXA LAGA SUGAAYAY IN AAD ADIGU WAX NADAMISO ADNA WAAD SII ASHAY BA DADKII WAXA ISU GALAY ADIGA CIIDAMADAADA IYO AL SHABAB ALE HAYDIN KA QABTO AYAN KEEYAHAY
Sh.Sharif sidaas ayaa lagaaga baahan yahay. Arimaha gudaha xooga saar oo iska dhaaf safarka badan ee dibadda ah.
Wiilasha yar-yar ee caatada ah waa mujaahidiintii ashahaado la dirir kaa dhiciyey 2006 ee magaca weyn kuu yeelay, heshiis la gal,ILAAHAYNA ka cabsada oo dagaalka joojiya.
Maxaabiis ma jirto waa dhowr wiil oo xaafadaha laga keenay isla markaan la rabo dadka in la isaga gado maadama shariifka & ragiisa ay dalkii & Baddii gateen isla markaana lagu hareeraysan yahay oo gaalo ay u yeeranayaa sida Cumar xaashi oo maanta aaday Addis Ababa
Maasha Allah, Madaxweynaha ummadda soomaaliyeed waa wax wax laga filaayay inuu umaadiiisa cafis u fidiyo, lakin waxaan nasiib xumo ah in mooryaantii shabaabta isku sheegtay in lasii diisyo kuwaasi waxay sii wadi doonaan fitnadii ay horey u wadeen, lakin waxaan filayaa inay ka waantoobi doonaan maadaama ay arkeen wanaaga uu fidiyay madaxweynaha umadda soomaaliyee, Baaraka Allahu Fiih
maaweelo dheh.
SH SHARIIF SH AXMED KHEYR ALAH KUSIYO WAAN OGNAHAY INAAD JECESHAHAY IN DALKU XASILO OO NABAD IYO BARWAAQO LAGU NOO LAADO LK DULQAADO WAAD GUULEYSANEYSAA KUNA DADAAL CADAALADA MAXAA BIISTA QOFKII AAN DANBI LAHAYN YUUSAN 72 SAACADOOD KABADAN KUU XIRNAAN. WAXAAD KALOO OGATAA DADKU WAA KUWADA JECELYIHIIN EE MARNA HA IS DHIHIN TAAGERO MALAHID KUWA KAASO HORJEEDA XITAA GURYAHA AAY KASOO TOOSAN WAA LAGA NECEB YAHAY EE TAAS BUUGA KUQORO DHAMAANTOD WAA QARASH RAADIS EE YEEY HANTIDA DALKA MARNA KAA QAADIN OO BEEN KUUSHEEGIN WADAADO MAAHAN WAA WARAABAYAAL DIINA MAYAQAANAN ILAAHEY GARABKAAGA HAGALO HADI MAANTAY DOWLADAADA AAY SOCONWEYSO MAALIN KALE OO DADKA IYO DALKUBA XORYIHIIN AYAA IMAANEYSO OO SI CADAALAD AH LAGUUGU CODEEYO EE MARNA YUUSAN HADAL XANAFLIHI KAA TEGIN BYE BEST SOMALI PRESIDENT EVER SEEN AND HEARD I WISH U WIN
madax weynaha umada somaliyeed sheikh shariif sheikh ahmed
,maxaa magacaas ka wanaagsan
aniga oo ku hadlaya beelaha .5 aadbaan kuu taageersanahay adiga iyo dowladaada
Allaha idiin bara keyo
waxaan salamayaa madaxweynha sheekh sharif
waa geesi dad waayey waana ku taageersanahay hadaa nahay shacabka somaaliyeed waxaana mar 2aad iyo mar3aad ugu baaqaynaaa in ay taageeraan muwaadininta soomaliyed madaxweynahooda xooga kasooo hor jeedana waxaan rajeynayaa inay nadaba qataan maxaa dhacay nabada wax inooga wanaagsan ma jirto
mahadsanidiin
ASALAAMU CALAYMU WARAXMATULAHI WABARAKATUHU
MARKA HOR WAXAN ODHAN LAHAA ILAAHAY DALKA HAINOODAJIYO UMADA SOMAALIYEDNA DHIBKA HAKADULQAADO MARKA XIGTA SH SHARIIF HADUUDACADYAHAY ILAAHAY GUULSHA HASIIYO KUWAKASOHORJEEDANA ILAAHAY XAQAHAFAHANSIIYO
HADIIUSAN DACA AHANA ILAAHAY SHRKIISAAHNAGAQABTO
WABILAAHI TAYFIIQ