DKMG ahí oo shaacisay inay Ciidamo Cusubi u yimaadeen.

Published on May 20, 2009 by   ·   10 Comments   ·   print

VilladaAfhayeen u hadley Ciidamada DKMG ah oo shir Jaraa’id ku qabtey Xarunta Madaxtooyada ee Muqdisho ayaa sheegay inay jiraan Ciidamo tababaro u soo dhamaadeen oo DKMG ahí leedahey.

 

Afhayeenka oo lagu magacaabo Mahdi Faarax ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada cusub ee tababarku u soo dhamaadey ay dhawaan howl geli donan kana shaqeyn doonaan Arimaha amaanka sida uu hadalka u dhigey.

 

Mar uu arintaa ka hadlayeyna waxa uu yiri:“Waa jiraan ciidan hadeer ka yimid Uganda oo ciidankii Dowlada ka tirsan oo sanad iyo dheeraad jirey, waxaa kaloo jira ciidamo badan oo dalal kale ka kala yimid oo dhowr dal lagu soo tabo barey, ciidamada Dalka dibadiisa lagu soo tabo barey Ciidanka Xooga keliya maahane waxay isugu jiraan Military-ga, Nabad Sugida, Asluubta iyo Booliska intaba, Ciidankaan waxa uu sugayaa Nabad gelyadii Shacabkiisa”.

 

Afhayeenku faahfaahin kama uusan bixin tirada ciidamadan uu sheegayo inay tababaro u soo dhamaadeen ee DKMG ahí u yimid, sidoo kalena lagu dhawaan inay howl galaan.

 

Waxaanu sidoo kale faahfaahin ka bixin goorta ay howl bilaabayaan iyo sidoo kale goobaha ay ka gowl gelayaan.

 

Waxaan la ogeyn waxa ay ciidamadan ku cusub ee DKMG ahí sheegtay inay u yimaadeen ku soo kordhinayaan Xaalada jirta iyada oo horey loo ogsoonaa inay jiraan kumanaan ciidamo ah oo Dowladii hore ee C/laahi Yuusuf ugu soo tabo bartey balse aan inabba Awooda Dowlada waxba ku soo kordhin.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. DKMG ah oo beenisay inay Ciidamo Itoobiyaan ah soo galeen G/Hiiraan.
  2. Sh.Xasan Daahir oo ka hadlay AMISOM ” Nimankaa Gacaltooyo nooguma imaanin, waxay noogu yimaadeen inay Itoobiya u hiiliyaan”
  3. DKMG ah oo Ciidamo iskudhaf ah Xaraynaysa.
  4. Sh. Shariif oo Yimid Muqisho una Tacsiyeeyay AMISOM kuna tilmaamay inay u yimaadeen in“Caawiyaan Umadda Soomaaliyeed”
  5. Gudiga Amniga DKMG ah oo sheegay inay Ciidamo Booliis ah dhigayaan Saldhigyada Muqdsiho Isbaarooyinkana qaadayaan

Readers Comments (10)

  1. Abuu qaasim al ansaari says:

    Alhamdulilaah dowlada shariif waxaa usoo gurmaday walaalahoow itoobiya ugandha ciidamo ayeey usoo tabartay nato na lacag ayeey usoo dir mujaahidiinta alaah ayeey kaalmo kasugayaan alaahna januudiisa waa fara badantahay

  2. Guled says:

    Alshabab iyo calooshoda u shaqaystayaasha lasocda waxaanu ilaahay uga baryeynaa in ale kaqato mujrimiinta ah ee mati xasuqa ah ee malin walba caruraha ee culimad gawrac nacdal aku soo dagto dushoo dee

  3. imam ahmed isse adow says:

    asc walalyaal ilahay anaka dula qaado raga diinda beenta usoo hu waday shaatigaa qabiil ilahay waxaan gabaryayaa in uu qaranimada guusha siiyo ilahina wuu argaa xaqa iyo baadilka al shabab iyo dagfiirta wadaan

  4. c,raxmaan says:

    ethopia maanta mahan tii nagabax day anoogoo neceb oo u haysana in ay naga horjoogtay kitaabka ilaahay in aan isku xukuno,maanta waa laka baxay,beena layaal illaahy kintaabkiisa ku qaraabanaya,oo aan dhaamin qab qablayaashii dagaal oo ujeed koodu yahay kursi iyo martabo,walee mardan be nama khaladaan,waxaan indhihi lahaa al,shabab iyo xisbul islaamoow isk celiya ethopia waxaa tihiin,laba mujrim oo aan isu dhaamin maatida iyo dadka dan yarta ah hadii ay ethopia qixisay 10,000 ooqof waxaad qixiseen 30,000 oo qof

  5. Maxamed axmed cariif says:

    Dowladu waxa uyimid ciidano lixaad leh lana filayo in ey dhawan sugidonan amanka casimada iyo gobolada ku dhadhaw insha alaah mardhawna wey ka taqalusi dontaa koxaha nabad diidka ah ee alshabab &xizbul islamka sheganayo hajaben nabad diid kolba qiil sameysanayo wa benalayal ku qarabto diinteena islamka &kitabka ale kitabka haidin qabto

  6. Jiiqeey says:

    War dhageysta dabadhilifoow wax ciidan soo tababartay ay qaadi karaan ma jirto. Mar dhow waad arki ayagoo ama cararay ama mujaahidiinta raacay. Gaal nin hoos galay sharaf iyo dadnimo
    midna ma leh wax diin ah oo laga dhageysanayona
    ma jirto. AU wax ay qaban weyday wallee inaysan
    ciidam soomaali oo hunguri doon ah qabaneyn.
    Maka dabadhilifoow iska qeyliya, laakiin ma dhow TFG#2 waa tageysaa adinkoo arkaya.

  7. SHIIKHUL KULLI says:

    ASC.
    Haddii aan xoogaa la kaftamo walaalkay JIIQEEY, waxaan mooday inuu doontay bililiqadii ka dhacday xafiiska UNICEF ee Jowhar ee ay bililiqaysteen tallaalkii carruurta iyo qalabkii hay’adda.

    Ilaahay Subxaanahuu watacaalaa ayaan idinku dhaarshay raggaas Jowhar ku duulay ISLAAMKA BARI’ AYUU KA YAHAY. Innahum qowmun daalimuun.

  8. 4.5 says:

    jiiqeey bravo taloow kuwaan kale magaca somalida wey iska wadaan mindhaa waa wado ajnabi , sidey u hadlayaan mise mooryaantii isbaarada laga qaaday ee weli u fakanaayo inay hantida ,dhiiga shicibka baneystaan.waa kuwa u haqqal taagaayo inya gaalo caawinaad ka helaan.
    ethopia goormeey walaalo noqdeen.amisom goormey walaalo noqdeen.mooryaaneey walee inta dulmiga taageerta waxaa idiin dambeyso qaatimo xumo side cabdulaahi yusuf & geedi IWM.
    guusha waxa ilaahay siinaa walalaheen muslimiinta ah hadana jihaadka kula jira kaafiriinta iyo kuwa u adeega “puppet.usa.amisom.tigree.cabdala.
    soomaliya soomaali baa leh not gaalo
    insha alaah waxaa guuleysan kuwa xaqa ku taagan mujahidiinta. wabilaahil towfiiq!

  9. BASHKA 190 says:

    Horta aan isweydiino yaa itoobiyaan uyeeray ma shariif baa uyeeray mise al shabaab iyo xisbul islaam baa uyeeray.Waxaa uyeeray dadka wadanka dhibta kawada ooyeey yihiin al shabaab iyo wixii sheegta.Muddo badan ayeey lahaayeen hanaga baxeen itoobiyaan si aan diinta isugu xakunno.Itoobiyaan waa baxay dawladdii kudhaqanka shareecadda Islaamka way hirgelisay.maxaa dagaalka loo wadaa.Sow mafahmin dadka dagaalka wada waxay u adeegayaan soo galitaanka Itoobiyaanka.Dagaalka joojiya itoobiyaan noo imanmaayo,hadii kale waxaad ufududeysen danahooda khaaskaa ee ay kaleeyihiin shacabka soomaaliyeed.

  10. abdilahi says:

    waxaa muuqata in dadka halkan wax kuqoray ubadan yihiin kuwo ku taagersanDKM HAB QABYAALADI KU DHEEHANTAHAY.waxaan odhanlaha war ilaah ka baqda oo si waxku ool ah doodii na u dhiga ee qabiilka ka daaya.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. DKMG ah oo beenisay inay Ciidamo Itoobiyaan ah soo galeen G/Hiiraan.
  2. Sh.Xasan Daahir oo ka hadlay AMISOM ” Nimankaa Gacaltooyo nooguma imaanin, waxay noogu yimaadeen inay Itoobiya u hiiliyaan”
  3. DKMG ah oo Ciidamo iskudhaf ah Xaraynaysa.
  4. Sh. Shariif oo Yimid Muqisho una Tacsiyeeyay AMISOM kuna tilmaamay inay u yimaadeen in“Caawiyaan Umadda Soomaaliyeed”
  5. Gudiga Amniga DKMG ah oo sheegay inay Ciidamo Booliis ah dhigayaan Saldhigyada Muqdsiho Isbaarooyinkana qaadayaan

Latest Headlines