Askari lagu weerarey Deg. X/Jabab.

Published on May 20, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

askarHal Qof oo Rayid ah ayaa ku dhintey labo kale oo mid Askari yaheyna dhaawacyo ayaa soo gaarey ka dib iska hor’imaad kooban oo Saaka ka dhacey Degmada Xamar Jabab ee Gobolka Banaadir.

 

Iska hor’imaadka ayaa yimid ka dib markii kooxo hubeysan weerar gaadmo ah la beegsadeen Askariga dhaawacu soo gaarey oo ka tirsan ciidamada DKMG ah, kana qaateen Qorigii uu watey.

 

Intaa ka dib Askarigii dhaawacu soo gaarey Qorigana laga qaatey ayaa u dhaqaaqey dhankii uu ku ogaa ciidamadiisa kana soo ka xeystay xeyn ciidamo ah kuwaas oo markii goobtii weerarku ka dhacey soo gaareen bilaabeen inay hakad geliyaan dhaq dhaqaaqyadii kale duwanaa ee goobta ka jiey.

 

Lama oga kooxda weerarka gaadmada ah la beegsadey Askariga ka tiran ciidanka DKMG ahi dhinac ay ka tirsan yihiin, sidoo kale ma jirto cid Ciidamadu falkaasi u soo qabteen.

 

Waxa uu weerarkan qeyb ka yahey weerarada had iyo jeer sidan oo kale ciidamada DKMG ah loola beegsado ayna ka soo gaaraan khasaarooyin kale duwan oo naf iyo maalba leh.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. 2 askari oo Xaley lagu diley Deg. X/jabab
  2. 5 Askari oo lagu diley Deg. X/Jabab
  3. Askari lagu diley Deg. Waaberi.
  4. Ciidamada Copy-ga oo la Weerarey & 2 Askari oo la Dilay
  5. Askari Lagu Toogtey agagaarka Isgoyska Km4

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 2 askari oo Xaley lagu diley Deg. X/jabab
  2. 5 Askari oo lagu diley Deg. X/Jabab
  3. Askari lagu diley Deg. Waaberi.
  4. Ciidamada Copy-ga oo la Weerarey & 2 Askari oo la Dilay
  5. Askari Lagu Toogtey agagaarka Isgoyska Km4

Latest Headlines