Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo ka mid ah Xunaha la socda Ciidamada Gumeysiga itoobiya ee Fariisinka ka sameystay Isgoyska Kala beyrka oo qiyaastii 30 KM Dhinaca W/Galbeed ka xigta Baladweyne ayaa markii ugu horeysay Faah faahin ka bixiyay ujeedka Socdaalkooda iyo cidda ay la shaqeynayaan.
Aadan Garaaso oo u waramay Idaacadda Danan ee Magaaladda Muqdisho ayaa u sheegay Cidda joogta Isgoyska kala Beyrka waxa uuna yiri“Ciidamada Jooga kala Beyr waa Ciidamada Dowlada Itoobiya ee Federaalka”
Yaa Kala Beyr Jooga?
Sidoo kale mar la weydiiyay inay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo isaga isla socdeen ayaa waxa uu yiri“isla maanan socon Qolo waliba markooda ayay soo ruqaansatay, anagu meeshaas ayaan Saldhig ka dhiganay oo hadda caawa joognaa, iyaguna waa niman naga Madaxbanaan oo Awaamiir anaga naga koreysa qaadanayee, Talagalku inay kala Beyr tagaan bay ahayd”.
Maxay u joogaan kala Beyr?
Aadan Garaas oo sheegay inay joogaan Meel Kalabeyr ka danbeysa 6 KM isla ayaa sheegay sababta ay halkaasi ugu suganyihiin wuxuuna yiri ” xaalado Ciidan weeyaan waxaan Meesha u Daganahay, wax kale oo Shuruud ah oo kale oo Culays ama is-ham ah oo Dowladaas nooga xiran oo gaar ah ma jiraan, wixii Dowladda ah horaan u dhameynay, waxaan meesha u daganahay waa Xaalad Ciidan, Xaaladda Ciidan markay noo dhamaatana Danahaanagaan Qabsanaynaa”.
Yaa la socda Aadan Garaaso maxayse tahay Ujeedkooda?
Aadan Garaaso ayaa Xaqiijiyay in ay wada Socdaan Yuusuf Maxamed Hagar (Yuusuf Dabo-geed) wuxuuna yiri mar la weydiiyay arintaas “aaheey arintaasi waa jirtaa waan wada soconaa, wax Halays ah ma jiraan, Ciidamo badan oo aad iyo aad u Tiro badan Ciidamadii DKMG ah iyo Mas’uuliyiintaasba waan wada soconaa, Talagalkayaguna waxa weeyaan inaan tago haddii ilaahay raali ka noqdo Gobolka, Waxyaalaha Gobolka hadda Culays jirana inaan kala qeyb qaadano Dadka Mas’uuliyiinta ah & Culimaa’udiinka & Dadka Reer Hiiraan ah”.
Yay la shaqeynayaan?
Aadan Garaaso oo horey DKMG ah ugu Qaabilsanaan jiray Duqa Magaalada Baladweyne ayaa xaqiijiyay in ay la shaqeynayaan DKMG ah ee uu Hogaaminayo Sheekh Shariif, isaga oo arintaasi xaqiijinayana waxa uu yiri“Waxaan la shaqeynaynaa DKMG ah haddana iyada ayaa sii Balaaratay oo waxbadan lagu daray ayaan la shaqeynaynaa, iyadaan la xiriirnay gobolka iyo anaga iyagaa iskukaaya xiray DKMG ah oo soomaaliyeed oo Sheekh Shariif Gudoomiyaha u yahay unbaa isku kaaya xirtay, waxaan hadda anagu ku soconaa si Nabad galyo ah ama is-fahan ah, Gobolkana cid naga celinaysa ma laha waa Gobolkii aan ku dhalanay Mas’uuliyiinta aan ka ahayn, Ciidanka aan wadno waa Ciidankii DKMG ah, isla sidii baa loo yahay DKMG ah, hadee Nimankii aan la dagaalanay ee Gobolka Naga saarayna iyagaa fur-fur badan iyo Dhibaato dhex taalaa, cidda aan la shaqeyndoono ama hadda inaan is-fahano doonayno waa intaas DKMG ah”.
Ma ka qeyb galayaan Dagaalka ka dhanka ah Xisbul Islaam & Al-Shabaab?
Mar la weydiiyay Aadan Garaaso inay ka qeyb galayaan Dagaalka ka dhan ah Xisbul islaam iyo Al-Shabaab ayaa waxa uu yiri“Cidda hadda soo dar-dartay illaa Jowhar illaa Buulo-Burde illaa Jalalaqsi, illaa Maxaas Cidda Gulufkeeda laga sheegayo Baladweynana Dagaal inay ka sameyso rabto, haddii ay wada hadal ogolyihiin waan la wada Hadlaynaa anaga iyo intii nagu Mabda’ ahba, haddayse Wada hadal Ogoleyn wixii kale ee ay ka fursan weyso waa Tageysaa Waa Qasab”.
Xagey ku socdaan?
Ugu Danbeyntii Aadan Garaas ayaa la weydiiyay in ay hadda ku wajahanyihiin Baladweyne iyo in kale, wuxuuna ku jawaabay sida tan:-“Hadda inaan Baladweyne Toos u Tagno maba noo Qorshaysnaba Degmooyin kalaan Toos u tagi doonaa Insha Allaah”.
Isku soo duuboo arintani ayaa Daboolka ka qaadaysa Hadalo maalmihii la soo dhaafay soo baxayay oo sheegaya in DKMG ah ee uu Hogaaminayo Sheekh Shariif ay Dib u Hubaynayso Hogaamiye Kooxeedyadii hore oo la aaminsanyahay in ay si Toos ah xiriir ula leeyihiin Taliska Itoobiya iyo Barnaamijka Argagixiso la dirirka ee uu Hormuudka ka yahay Maraykanka.

Related posts:
Somali mirror waxaa tihiih dad xun oo ka shaqeeyo nabad la anta iyo isdilka dadka walaalaha ah somali waa mid illaah ka cabsada fidnaada joojiyo web akhbaar laha hela noqdo dulmiga iyo balaayada aad hurinaysaa daaya hadii aad diidaan Ethoipian wax aad dhan taan ma jiraa kan web leh iyo kan wax ksuoo qoraba
AFKAAGA CAANO LAGU QABAY. QORAALKA SOMALIMIRROR EE U DAMBEEYAA HADDII JIRO OO AY RUN TAHAY, WAXAA LA ODHAN KARAA SHABAAB IYO XISBUL ISLAAM WAA XAQ U DIRIR, SHEIKH SHARIIF IYO DAWLADIISUNA WAA KHALDAN YIHIIN, WAXAANA CADDAANAYSAA IN MASHRUUCII C/LAAHI YUUSUF WADAY IN LAGU WAREEJIYEY SHEIKH SHARIIF.
ARRINTAAS INAGA HUBIYA, WAAYO SHEIKH SHARIIF IYO DAWLADIISU WAXAY KU ANDACOONAYAAN
1. ITOOBIYA WAA SAARNAY (WAA SIDA AY LEEYIHIIN)
2. KU DHAQANKII SHAREECADA ISLAAMKA WAA ANSIXINAY
3. SHACABKII BARAKACAY GURYAHOODII BAAN KU SOO CELINAY
EE NIMANKA NAGA SOO HORJEEDAA WAA KURSSI DOON EE MAAHA DIIN DOON.
SIDAAS AWGEED WAXAY ARRINTU U BAAHAN TAHAY HUBSASHO WIXII JIRA, WAAYO WAA ARRIN KHATAR AH IN LA SOO NOOLEEYO HOGAAMIYE-KOOXEEDYADII, KUWAAS OO LA OGYAHAY IN AY ITOOBIYA LA SAAXIIB YIHIIN.
ILAAHAW DALKAYAGA NABAD NOOGA DHIG OO NA SII DAWLAD CADAALAD AH OO HORUMAR NA GAADHSIISA.
AAAAAMIIIIIIIIIIN
somali mirror rabbi ka cabsada oo umadda ha isku ajarina , colaadaha ha hurina , runta abaara adinkoo urur ama qabiil ama shaqsi taageerin , dhexdhaxaad ka ahaada waxa ka socda dalka umaddu waa wada soomaali kii qaldan & kii saxan intaba isu keena ee ha kala geynina . w/c.
KHAYAANOOY KU NACAY WAA KA SAAREEN ERAYADII AAN GOOR DHOWEYD SOO QORAY EE IFTIIMINTA AHAA .
JOOJIYA FIDNA HURINTA ILAAHAY KA CABSADA
asalaamucaleekum
waxaan layaabanahay nimanka ku eedeenayo somalimirror in ayhurineeso dagaalkan waa inlaweediiyaa maxaa rabtiin in ey somalimirror qorto waxaa rabtii in sida aad wax urabtaan wax looqoro arinkaa waaqalad wabka waxuu soogodbinayaa sida wax ujiraan adinka ayaa larabaa in aad kalabaxdaan waxaad ubaahantihiin laakin wabka waa wabka ugufiican soomaliya oodhan marka somalimirror alaha magacaaga raajiro waa wabka galiya oo aan ladhacnay alaha na ibarakeeyo .
As Wr Wb,
Mahad Allaa iska leh, Nabigeenana N.N korkiisa ha ahaato,
Soomaaliyey is fahan kalana baro warka iyo ra’yiga. Webkan wuxuu sootabiye (sida uu hadalka u qoray) waraysi nin laga qaaday, marka laga reebo inta gunaanadka ah. Waxay aniga ila tahay in aan lagu eedayn karin soo tebinta waxa jira, walowba aadan jeclayn. Hadaan u noqdo qoraalak inta gunaanadka ah (Conclusion) waa sida uu qoraagu uu wax arko, lagumana eedaynkaro markuu caddeeyey kadib sababta oo ah in maalmahan la hadal hayey arinkaa.
Sixid: waxaase qurux badnaanlahayd in uu raaciyo qoraalkiisa shuruud ah,
(HADDII HADALKA NINKA LAWARAYSTAY UU RUN YHAY)
Ugu danbayn Webkani la’isma cambaareeyee wuxuu kamidyahay bogaga ugu warka sugan.
Waxaan odhan lahaa maamulka bogga Shaqo fiicanbaad ummada uhaysaane halkaa kawada dulqaadna yeesha.
Dabadhilifyadu waa qeylinayaan markey wax siday
rabaan u socom waayaan. Waxey rabaann in
shariifoow iyo gaalo la amaano oo la yiraahdo nabad bay ka shaqeynayaan. Waa wax xaqqa ka fog
oo waxaa ku cadeynaya in ethiopia tiraahdo waan
soo noqon hadan shariifoow la ogolaan. Ogolaan
maynee soo noqdo waxa idinka qabsada ha la arkee. Ethiopian xoog baa awalba lagu saaray
haddana waxay ku baxayaan xoog marka shariifoow
la ceyriyo iyo gaala u shaqeeyayaasha la soo
dhoodhoobay.
horta Itoobiya waa soo gashey iyo waa baxdey midna muhiim maaha laakiin maxaa inaga ina kala haysta yaa ina kala damiinta , yaa iskeen fahmsiiya yaa islaam ah bal mar uun is waafajiya waxan ina haysta ee inaku habsadey , mushkiladan soomaali dhakada ka qabstay ee waxjiheeya la la,ayahay shacabkan wada kursi doonka ah ee isu soo qaatey Artaleriga ee mid waliba doonayo inuu magaca ilaahay ku helo kursiga dee maba xumee intee sharci islaam baa jira , hadiiba la sharciyeeyey in shareecada wax lagu xukumo asii dhaqan galintii hadhey bal waxaad ka soo qaadaa inaad baqdin adiga lagaa qabo ay keentey in la aqblo maxaa ku jaban inaad alxmdulillhi tidhaadid oo aqbashid intaad seefta usoo qaadaneyso war anagu waxaan joogno arlo gaalo idinkuna islaam ma soo wadaan sivil woor aan dhamenaynbaad talo ku goyseen waxaabad aaminteen inay sidaa ahaneyso hadii kale aad janeystaan ogaada islaam islaam diley oo shareecada qaatey suurto gal maaha inaad seefta kala hor tagtaan waxaa waajib ah inaad sabcan wa daacan tidhaahdaan.