Nin Labeeyey Ma Talin.(Qaybta 1-aad)

Xasan Fayooke Cali-Dharaar

Fayooke@hotmail.com  

 

Ilaahay baa Mahad dhammaanteed mutaystay, Nabadgelyo iyo Naxariisna Nabigeenna Muxamed korkiisa (صلى الله عليه وسلم)

Waxaan Ilaahay ka baryahayaa inuu naga duwo kuwii uu yiri

فقال تعالى: { مثلهم كمثل الذي استوقد نارا فلما أضاءت ما حوله ذهب الله بنورهم وتركهم في ظلمات لا يبصرون } (البقرة:17)

Maadaama qormooyinkii hore oo culimadu ku ra’yi dhiibteen ay ku soo wareegaysanayeen  sida xalku noqon lahaa iyo caqabadaha hortaagan, waxaan wax yar ku darayaa caqabadihii uu soo xardhay sheikh Xasan Max’ed Ibraahim(Abuu Xassaan).kadibna waxaan soo jeedin doonaa sida aan xalka u arko(Inshaa Allahu).

 

Caqabadaha naga hortaagan inaan xalwaara gaarno waxaa saldhig u ah faham qaldan oo guud ahaan Soomaalidu gaar ahaanna inta siyaasadda ku lugta lihi ay ka qabaan nidaamka iyo siyaasadda caalamka, sida ay u shaqayso iyo canaasiirta lala macaamilayo. Tusaale ahaan;

 

1-Jacaylka iyo dhaacadu(u daacadnimo), waxba kama tarto marka ay joogto siyaasadda caalamka guud ahaan gaar ahaanna xiriirka wadamada ka dhexeeya.

 

In wadan lagu xad gudbo waxa kaliya ee ka celin karaa waa in ay jirtaa cawaaqib uu midka soo xad gudbayaahi ka baqanayo inay ka dhalato xad-gudubkiisaas.

 

Inta  badan wadamadu tallaabooyinka ay qaadaan ee ka dhanka ah wadamada kama helaan natiijadii ay rabeen oo xisaabtu sidii loo dhigay markii la qorshanayey uma soo baxdo markii hawsha loo qumo, balse waxa ugu horreeya ee wadan lagu tixgeliyaa ama lagu quursadaa waa awoodda wadankaasi leeyahay.

 

Dalalka qaarkood awooddaasi marka hore ayey ka muuqataa oo looga gabbadaa sida aalad militari, tirabadni dadka ,ciidadamada iyo dhaqaale horumaray oo gaamuray.

 

Tusaale qoladan waxaa u noqon kara Maraykanka, Ruushka, iyo Shiinaha.

Dalalka qaarkoodna, awooddu marka hore kama muuqato oo waa lagu dagmaa, oo markii lagu xadgudbo ayey cidda soo xadgudubtay darsi lama illawaan u dhigtaa.

 

Tusaale qoladan dambe waxaa u noqon kara dalalka, Vietnam, Afghanistaan marar badan, Soomaalida in kastoo aanay arrintu weli dhammaan.

 

2-qodob kale oo aas-aasi u ah wadamada marka ay qaadanayaan go’aan strategy ah waa waxa la yiraahdo: yuu yahay (identity). Inta la iskaashan karo, la isnabad-gelin karo amaba la is aamini karo waxaa sal u ah haybta labadaas wadan ay kala yihiin.

 

Halbeegga lagu cabbirayo haybta wadamada iyo bulshooyinka waa noocyo badan yahay waxaase ugu sita mabaadi’ida iyo dhaqamada soo jireenka ah ee ay isaga mid yihiin ama ku kala duwan yihiin.laba qaran ee kastaa, kaasaana go’aaminaya meesha lagu tirinayo ummad kasta.

 

Is reeb-reebka halbegyadaas waxaa ka soo haraya diinta oo ah marka ugu dambaysa midda abtirka siinaysa qaran kasta.

Buugga hadda inta badan lagu soo daliishado daruusta xiriirka caalamiga (International Relations), uuna qoray professor maraykan ah oo la yiraahdo Samuel Huntington, wuxuu macrakada kama dambaysta isugu soo reebayaa waxa uu ku tilmaamay:Christian-Western oo meel ah iyo Eastern- Islam oo meel ah. Inkastoo ay diintannada ku caddahay cidda macrakada ugu dambaysa isugu soo haraysa ayna dhabtu iyada tahay, waxaan arrintaan u keenay saamaynta ay maanta ku leedahay dadka go’aamada u qaadanaya wadamada reer galbeedka, maxaa yeelay rag  badanoo wax qora maanta waxay tilmaameen Huntington inuu qeybka wax ka ogaa sidaaa darteed odoristiisii Sept 11 2001 ka dib waxaa lagu dhejiyey Huntingtonian Profecy.(waxay leeyihiin sidii waxyi oo kale ama nabinimo ayaa loo arkay).markaan qalbiga ku haynno in aqoonsiga qofka ama qaranka la siinayo aan laga qaadanayn waxa uu markaa sheeganayo ee laga eegayo taariikho dheer oo la xiriirta qofkaas ama qarankaas, waxaa noo soo baxaysa in ummadda  soomaaliyeed si toos ah uga mid noqonayso bahda Eastern-Islam, sidaa darted qoloda Christian_Western aanay marnaba aaminka ku qabi Karin si kasta oo ay isku dayaan madaxda markaasi inay iska beri yeelaan waxii lagu yaqaannay ummaddaas sida dhaqanka iyo diinta islaamka ama muujin jacayl kal iyo laab ah oo ay u hayaan cadowgii ummaddooda.

 

Suuradda dhabta ah ee muujinaysa dhaqanka reer galbeedka ee ku wajahan ummadda muslinka a waxaa si qoto dheer oo xigmadaysan u cabbiray in ka badan 100 xubnood oo isugu jira culumaa’uddiin iyo aqoon yahanno muslim ah oo adduunka oo dhan aad looga yaqaan, oo ay ka mid yihiin:

Dr;Jacfar sheikh Idiri, Sheikh Safar C/Raxman Xawali, Sulayman Al-cowdah, Sh. Cabdulmajiid Sindani, sh.Axmed C/Raxman Al-Suyaan, Sh. C/raxman Camir AL-Nucaimi oo tiro kamid ahi ay macalimiin ka yihiin jaamacadaha reer galbeeka.

Ma soo jeedinayo inaan dagaal waxaan ahayn xalku ahayn, balse iyada oo la yahay laba qolo oo kala duwan qolo welibana danaheeda iyadu masuul ka tahay, haddii lagu xadgudbana faraha lagaga gubanayo, faragelinna aan ciddina xaq isu siinnin ayaa la macaamili lahaa oo nabad lagu wada noolaan lahaa.

 

Tan waxaa hortaagan inay dhacdo qolada hadda xoogga leh oo keligeed adduunyada isa siinaysa, qolada tabarta daran waa inay wax badan ku huraan siday dannigaas u beenin lahaayeen, illaa ay taasi dhacdana, talada dalkeeda iyo dadkeeda midna loo dayn mayo, ciddii isku dayda inay meel kale xal ka keentana taariikhdii la soo maray, waaqaca hadda muuqda iyo sharciguba waa beenin doonaan (aniga aragtidayda yarta ah).

 

 

3-waxaad mooddaa inaan aad u jammanay(jeclaysannay) dawlidnimo iyadoo aan dayacaynno tiirarkii lagama maarmaanka u ahaa dawladnimada kaasoo ah madax bannaani taam ah.

 

Haddii xataa dawladda aan raadinaynaa ay tahay tan casriga ah  ama  Westphalian System, waxaa aas aas u ah:

 

A) Inuu qaranku u madax bannaan yahay qaraarada(go’aamada) uu masiirkiisa u qaadanayo oo aanay ka joojin ama ku qasbin go’aanadiisa cid isaga ka baxsan saamaynteeda ama cabsi uu ka qabo.

 

b)Inuu qarankaasi leeyahay xuduud qeexan oo uu isagu taladeeda gaar la yahay, taasoo difaaceedu yahay waajibka kama dambaysta ah masuuliyiinta qarankaas garbaha u saaran.

 

c) sida uu qarankaas dadkiisa u xukumayo ama  sharciga iyo distuurka uu yeelanayo waa inay ka timaaddo dadkiisa iyo cidda ay xilsaartaan.

 

Waxaa intaa sii dheer waa inay jirtaa qiyam aas aasi ah oo lama taabtaan ah taasoo difaacideeda loo huro wax kasta oo qarankaasi haysto.

 

Meekhaan kasta oo ay gaarto iyo mansab kasta oo ay hayso, ciddii ku xad-gudubta qiyamtaas waa inay qadarintii iyo xuquuqdii ay lahayd weydaa.

 

4) haddii wadan uu gumaysi gacanta u galo, waxaa jira shuruudo lagama maarmaan u ah cidda xorayntiisa isu taagta haddii ay oofin weydo shardiyaasna waa hubaal inaysan guul soo hooyneyn.

 

Shardiga ugu muhiimsan kuwaasi waa inaanu hoggaanka jabhaddaaasi ka welwelqabin halka uu isagu ku dambaynayo ama jagada uu helayo halganka ka dib, uusanna soo dhaweysan hadafka iyo guusha balse uu isu qadimo inuu dariiqa halgankaas ku baxo oo ku dayasho ugu noqdo jiilalka soo socda

Isla shardigan waxaa qayb ka ah in hoggaanku aanu isagu un is boqrin ee loo garto inuu wax hoggaansho, in kastoo mararka qaarkood ay qofka mudato isagoo aan loo garan ama ha ku timaaddo qayb wacan oo uu ka qaatay halganka amaba kali ku noqosho.

 

Halkan haddaan wax yar isu taago sida ay u saamayso ka mira dhalinta halgannada guud ahaan caalamka, gaar ahaanna soomaalida, marka uu cadawga lala dagaalamayo ogaado cillada hoggaanka oo ah inuu ka fikarayo jagada uu qabanayo halganka ka dib (inuu wax noqdo), ayuu (cadowgu) u soo bandhigaa hoggaanka waaqac been ah oo oranaya waan idin xoraynayaa laakiin markaad xorrowdaan yaa madaxweyne noqonaya ama maxaad ku dhaqmaysaan distuur ahaan, taa iyo taa naga daaya oo taas qaata.

 

Markii xaaladdaasi timaaddo ayaa jabhaddu laba u kala baxdaa :

A-qolo fahamsan dabeecadda cadowga iyo dhagartiisa oo aan waxba moodayn gobanimo bar dhiman oo cadowgii si dadban kuu haysto.

 

B-qolo ujeedo badan ah oo u xilata callaalka loo soo taagay oo ku dhiiran saaxiibadood, laakiin aad uga gabbada cadowga. Waana halka xaaji aadan af qalloc ka lahaa:

Wax na dilay adduun niman raboon eegahayn sharafe

 

Markaa laba daran middood uun buu khiyaarku noqdaa: In cadawgu xudduudda ka tallaabo oo rag danahiisa wada oo amarkiisa ku shaqaynaya uu talada u dhiibo ama kaba darane isagii(gumaysigii) oo jooga ay jabhaddii xorayntii hubka isu qaadato .

 

5) waxaa si qaldan nooga dhaadhacday inuu jiro sharci caalami ah oo dadka xuquuqdooda dhowraya iyo bulsho caalam oo sharcigaas fulinaysa, runtuse waxa ay ay tahay waxa lagu magacaabo sharciga caalamiga ah ee maanta jiraa magaciisa dhabta ah waxaa qeexay nin ingriis ah oo la yiraahdo Sir Hersch Lauterpacht  oo ku xeel dheeraa sharciyada  caalamiga ah, kana soo qabtay jagooyin Guddiga qaramada midoobay u qaabilsan sharciyada caalamiga ah isla markaana ahaa qaalli maxkamada caalamiga ah kaasoo ku tilmaamay inay tahay halka sharciga raadkiisu ku dhammaado sharci darraduna ka billaabato(International Law is the vanishing point of  Law).

Sidaa daraadeed waddan waliba dadkiisa ayaa laga rabaa inay xuquuqdooda dhacsadaan oo ciddii ku soo xadgudubta ay bannaanka iska mariyaan.

 

6-Duulaanka cadowgu waa mid qorshaysan oo waqtiyeysan(Phase A, B, C..), sidaa darteed xilliba in loogu talogalay ayaa la fulinayaa. Waxaa nasiib darro ah haddaba in markii qorshihii A dhammaad yahay oo laynagu fuliyo , loona guurayo qorshaha B waxaa nala ku mashquulinayaa qorshe A oo laga guuray sida Ciraaq waan ku qaldannay, Bush madaxweyne Ma astaahilo oo Obama ayaa yimid, Guantanamu Bay qalad  ayey ahayd, maxkamadihii in la rido ma ahayn , maraykanku hadda ayey wax fahmeen(chance waaye), iyo wax yaalo badan oo loo yaqaanno oohin yaxaas ayaa lagu habsaamaa inta la fulinayo B, xaqiiqaduse waxay tahay ficilkii iyo niyaddii dulmiga lagu gelayey waxba iskama aysan beddelin, qofka mas’uulka ah waxaa laga rabaa inuu ficilka isbedelkiisa hubsado ee aannu probogaandada ku dagmin, tusaale wanaagsan waxaa laga qaadan karaa jawaabtii madaxweynaha Iran uu siiyey Madaxweyne Obama markuu yiri isbeddel ayaan rabaa  xagga xiriirkeenna waa kii yiri ficilkaagii dulmiga ahaa qiro oo xaal ka keen kadibna mid cusub oo sax ah na tus.

 

7) cadowgu wuxuu kaa weerarayaa goolal(Targets) kala duwan waqtiyo kala duwan  laakiin midba goorta ay ku habboon tahay iyo weliba isku mar hadday ku habboonaato. Halbowlayaasha qaranku ka dhinto(Centre of Gravity) ee cadowgu toogto waxaa noqon kara ciidankaaga, dhaqaalagaaga,geesigaaga,hoggaamiyahaaga,mabda’aaga, xulufadaada(jeelkaaga), saldhiggaaga ama caasimadaada, sumcadaada iyo sharaftaata(Public opinion), isgaarsiinta iyo kaabayaalka kale. Somalida intaas oo halbowle ah midba mar ayaa la jarayey iyada oo kii kale uu sii qoslayo inta kaa laga soo jeedsanayo.

 

Aragtida Qoraankan waxaa leh Qoraaga Magaciisu ku Saxiixan yahay

Faafin: Somalimirror.com







www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

6 Comment(s)

  1. Asalaamu Calaykum

    Walaalka qoraalka qorey wa ku mahadsanyahay waa qoraal dhab ah oo xaqiiqada ka tarjumaya kuna dhisan itus oo i taabsiii waxaana qoraaga ka codsan lahaa in uu sii wada xalaqaadka kale.

    qolada somalimirror qofkii qoraalw ax ku ool ah qora why isaga bari yeeshaan qofkii qashinmadoobeeyana aydaan isaga bari yeelin?
    waa mid aaan idin kula yaabay bal dib u fiiirsha maqaalkan maqaalka ka horeeya eee isagu is radinaya bilow iyo dhamaad toona lahayn.

    wsc

    muslim-somali | May 20, 2009 | Reply

  2. asc wr

    qoraalkani waa qoraal muhiim ah,waana kumahad sanyihiin maamulka somalimirror diyaarinta maqaallada noocani ahi oo aanan xusuusnayn cidkale (wepsites-ka) oo lawadaagta.

    waxaan qoraayada xusuusin lahaa inay kordhiyaan soo qaadashada shawaahidda,tusaale ahaan qeexidda xeerka caalamiga ah, qoraagu wuxuu magacaabay ninkii yidhi, waxay samaynaysaa dareen gaar ah waxayna tusinaysaa mustawe aqoomeed iwm.

    axmed sh cumar | May 24, 2009 | Reply

  3. thank you somalimirror

    maash allaah | May 25, 2009 | Reply

  4. Qoraalkaani waxaa uu si tifa tiran nooga dherjiyay waxa loo yaqaan “Beesha Caalamka ah” ama “Xeerka Caalamiga ah”. Waxaa uu qoraalkani daahfur u sameeyay inaan wararka laga maqlo idaacadaha gumaysiga sida BBC iyo VOA aan laga dhigan miisaan ama muraayadda laga fahmo caalamka iyo sida uu u shaqeeyo.

    Waxaa kale uu noo ifiyay in dadlku ay leeyihiin dano (interest) ee aanu jirin wax beel caalam (international community) la isku dhoho.

    Waxaa kale oo aan ka fahmay qoraalka qoraaga iyo taxanaha taariikhdaba in ay dabayl kale oo isbeddal ahi socoto, loona baahan yahay inaan gumaystaha caalamiga ahi maalinba geed isku soo qarin.

    Waxaan Fayooke (qoraaga) ka codsanayaa inuu siiduu ballan qaadayba sii wado xalaqooyinkaan. Kuwaas oo aan is leeyahay waxa ay u ifin doonaan (in badan oo un-decided ahba) su’aalo badan oo makasta dabaqoodhiga ah iyo gumaystaha cusubiba kaga jahawareeriyeen idaacadoohooda ummadda daahirka ah ee muslimka ah ee Somaaliyeed

    Salaam

    Mariam | May 26, 2009 | Reply

  5. mashaalaah, qoraagu waxa uu inoo bayaamiyey xogta dhabta ah oo ku aadan xirirka calamiga iyo curiyasha loo adegsado xaladaha kala duwan iyo waliba sida eey u falgalaan. waxa nasiib daro ah maanta xalada somaaliya iyo waliba kuwa hortagan oo hogaanka ahi,waxbadani ineysan ka warheyn siyasada calamka sida eey u shaqeyso. waxa aan leeyahey qoraaga in uusan ka cajisin daah ka furida xaqiiqda dhabta ah ee reer galbeydka eey u cabiraan nidamka calamiga, inbdan soomaliada waxba kama fahansano sida calamka u shaqeyo,…. mr hassan keep it up, gud job

    abu-dijaana | Jun 1, 2009 | Reply

  6. Aadbuu u,mahadsanyahay qoraaga waxaa jira rag badan oo xigmad aqoon iyo wadaniyadba leh oo iska aamusan sida qoraagan iyo rag kale laakiin maalintu ALLE qoray ayey fadhiga ka,kici doonaan insha,ALLAAH

    C,qaadir daahiye | Jul 14, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo