Maxamed Dheere oo Sheegay in uusan wax lug ah ku Lahayn Dagaalada ka Socda Dalka

Published on May 19, 2009 by   ·   3 Comments   ·   print

M.dheereMaxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere oo dhawaan ku soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uusan diyaar u ahayn ka qaybqaadashada Dagaalada ka socda Muqdisho isla markaana wuxuu meesha ka saaray in aysan DKMG ah ay gacan ka gaysatay soo noqoshadiisa.

 

Maxamed Dheere ayaa sheegay in Sh.Shariif iyo asaga uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo walaaltinimo wuxuuna cadeeyay in kadib imaanshihiisii uu la kulmay asaga iyo Cumar C/rashiid balse aysan ka wada hadlin in uu xubin ka noqdo DKMG ah.

 

Sidoo kale Maxamed dheere ayaa mar wax laga waydiiyay dagaalada ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qaybo kale oo ka mid ah Goboladda dalka waxaa uu ku tilmaamay kuwo aan loo baahnayn isla markaana wuxuu iska fogeeyay in uu niyad u hayo ku luglahaanshaha Dagaaladaas.

 

Dhinaca kale Maxamed Dheere ayaa ku baaqay in Xoogagga ka soo horjeeda DKMG ah ay Dawladda la fariistaan wuxuuna tusaale u soo qaatay in ay dhici karto in ay qabtaan madaxnimada Dalka sida ay Sh.Shariif ugu suura gashay madaxnimada asaga oo matalaya Mucaaradka ka soo horjeeda DKMG ah wadahadal ka dib.

 

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa soo baxayay warar tibaaxaya in dawladda KMF ah ay uruurinayso dibna u hawlgalinayso Hogaamiye kooxeedyadii ka Muqdisho kuwaas oo qaar dalka dibadiisa ku maqnaa ay dib ugu soolaabteen waxaana ragaas ka mid ah M.Dheere iyo Bashiir Raage.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xuubsireen oo Sheegay Hadal Ka Duwan Kii Maxamed Dheere
  2. Maxamed Dheere oo ka Cararay Gurigiisa & Itoobiyaan ku Hareeraysan.
  3. Maxamed Dheere oo u Gacan galey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
  4. Hub ka dhigis lagu wado in Maxamed Dheere lagu sameeyo.
  5. Maxamed Dheere oo dib loo sii daayey.

Readers Comments (3)

  1. sharmaarke says:

    a c w maxamed dheere nimanki aad dhihi jirtay waa argagixiso wadanka waa joogaan waxi aad samaysayna maahan wax lahilmaamikaro aaqiro kasokoow aduunka ayaa meedkaaga lagujiidi doonaa sidi saamwel dooh sababtoo ah yeelaa waahilmaamaa laakiin layeelaa ma hilmaamo teeda kale nimanki itoobiya soo horkacay hadii aan laciqaabin waxay nagu noqondoontaa wado halaq mareen ah waxaan aniga u arkaa dilka maxamed dheere iyo kuwi qiyaamada qaran galaynba in uu dhiigooda yahay cibaado ilaahay loogu dhawaanaayo qofkasto oo muslin ah ayuuna waajib kasaaranyahay xafida kalaah sheeq usaama bilaadib

  2. shiina dheere says:

    asw
    aniga fikirkayga meesha uu ku wajahanyahay waa ncaddahay
    shiikh shariif waa madaxwaynaha waddanka soomaaliya laba isma waydiinayso waayo qof uunbaa madaxwayne noqonlahaa.waxaa iga tala ah
    @ in la saaro ciidamada amisaoma
    @ sk.shariif uu ku dhawaaqaa shareecada islaamka ayaa lagu badalay sharcigii ambagaati
    @ waa inuu sh.shariif mar uun qisaas iyo gacan goyn ka sameeya xcaasumadda
    @ waa inuu ku dhawaaqaa soomaaliya inay mid tahay ee aysan jirin soomaliland puntland iwm
    mahadsanidin

  3. mahad says:

    shar arkow intii hore waad ku toosneyd arinta Maxamed dheere lakiin markaad Usaama u duceysay ayaad qaldantay, waa beenlow, qayaanoolow,una shaqeeya Ameerikaanka si uu u xumeeyo ra’yiga laga qabo islaanka, Allahna ka fogaaday ee ma taqaanide soo baaar si aad u barato waxuu yahay




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xuubsireen oo Sheegay Hadal Ka Duwan Kii Maxamed Dheere
  2. Maxamed Dheere oo ka Cararay Gurigiisa & Itoobiyaan ku Hareeraysan.
  3. Maxamed Dheere oo u Gacan galey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
  4. Hub ka dhigis lagu wado in Maxamed Dheere lagu sameeyo.
  5. Maxamed Dheere oo dib loo sii daayey.

Latest Headlines