Madaxa CIA-da Maraykanka ninka lagu magacaabo Lion Benita ayaa isniintii la soo dhaafay waxaa uu shaaciyay in weerarada xagga cirka ah ee ay qaadayaan diyaaradahooda duuliye la’aanta ah ee ka dhaca Xuduudda dalka Baakistaan uu la leeyahay Afganistaan ay faa’iidooyin farabadan ka gaareen isla markana ay ku dileen madax ka tirsan Ururka Al-Qaacida ayna carqaladeeyeen dhaqdhaqaaqii iyo qorshayaashii Alqaacida ay ka soo abaabuli jirtay Mandiqadaas.
Lion ayaa sheegay in Alqaacida ay tahay tan Khatarta ugu weyn ku haysa Maraykanka iyo xulufadiisa wuxuuna sheegay in hadafkoodu yahay burburinta iyo dabarjaridda Alqaacida oo uu tilamaamay in madaxdooda sare ay ku dhuumaalaystaan xuduudda kala qaybisa Baakistaan iyo Afgaanistaan.
Lion ayaa tilmaamay in Dawladda Maraykanku ay u dhug leedahay suurtagal nimada in Alqaacida ay u soo baxsato Soomaaliya iyo Yaman oo uu sheegay in ay ka heli karto Gabaad Aamin ah oo ay ku badalato Baakistaan iyo Afgaanistaan.
“kataraha na soo waajahaya waxaa ugu weyn suurtagalnimada in alqaacida ay hesho gabaadyo kale oo aamin ah haddii la burburiyo hawlaheeda ay ka wado Baakistaan” ayuu yiri Lion wuxuuna farta ku fiiqay in Soomaaliya iyo Yaman in ay noqon karaan Mustaqbalka halka ay gabaadsanaan Alqaacida wuxuuna intaa raaciyay in ay lagama maarmaan tahay burburinta Hogaanada sare ee Alqaacida ee Baakistaan.
“ Hadafku waa dabagalka Alqaacida meelwalba oo caalamka ka mid ah si loo burburiyo Hawlaheeda looguna hawlgalo burburinteeda” ayuu ku soo gabgabeeyay hadalkiisa Madaxa CIA-da Maraykanku.

Related posts:
Cabdulaahi Ibnu Mubaarak: baa mar ku gabyey.
Bughdal Xayaati wa xubbullahi akhrajanii
Wa Baycu nafsii bimaa leysat lahu thamanaa
Innii wazantu alladii yabqaa li yacdilahu
Maa leysa yabqaa, falaa, wallaahi ma attazanaa
Macnaha gabayga:
Naceybka nolosha dunida, iyo jeceylka Allah , ayaa i soo saaray.
Iyo inaan nafteyda ku iibsho (gado) waxaan la qiimeyn karin ( oo qaali ah, Allah Raallinimodiisa)
Waxaan is barbardhigay si aan u miisaano, waxa hadhaya waligii oon dhamaaneyn ( nolosha Aakhiro), iyo waxa dhamaanaya ( nolosha dunida),
Wallahi baan ku dhaartayee, isu ma dhigmaan!
Cabdulaahi Ibn Mubaarak
NASRIGA ALLAAH WAA DHOWYAHAY YAA IKHWA
ISBIRUU WAA SAABIRUU WA RAABITUU WATAQU ALLAAHA LACALAKUM TUFLUXUUN.