Yuusuf Indha-cadde oo wata Gaadiid Dagaal & Ciidan oo DKMG ahi u galey.

Published on May 17, 2009 by   ·   2 Comments   ·   print

Sh Shariif & Indha-caddeYuusuf Maxamed Siyaad(Indh-Cadde) oo wata Gaadiid Dagaal iyo Ciidamo ayaa Xaley Saqdii dhexe ka guurey Xarunta Warshada Baastada oo fariisin u aheyd waxa uuna u galey DKMG ahi, sida ay Saxaafada u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan DKMG ahi.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Gaadiidka Dagaal ee Yuusuf Indha-cadde wahelisa, wararka qaar ayaa sheegaya inuu Dowlada ula galey 13 Gaadhi sida Idaacada Hornafrik ay u xaqiijiseen  saraakiil ka mid ah DKMG ah, halka Idaacada Shabelle-na ay sheegtay inay Dowlada ka soo xigatey inuu ula soo galey 11 Gaadhi.

 

Balse warar faahfaahsan lagama hayo qaabka iyo sida uu ugu galey DKMG ah mar hadii Aaga la sheegayo inuu ka galey ay isku hor fadhiyaan ciidamo ka kala tirsan kuwa DKMG ah iyo Xoogaga Muqaawamada ee ka soo horjeeda.

 

Lama oga in xubnihii kale ee horey u gala go’ay Xizbul Islaam ku waheliyaan ku biirida Yuusuf Indha-cadde ee DKMG ah iyo in kale.

 

Sidoo kale lama oga sababta sidan deg dega ah uu Yuusuf Indha-cadde ugu biirey DKMG ah, xilli uu dhawaan ka dhawaajiyay inuu isaga fariistey xilligan Dagaalada iyo Xasaradaha taagan, dhinacnna aanu la jirin.

 

Waxa uu sidoo kale ku biiridiisa DKMG ah ku soo beegmayaa xilli uu dhawaan sheegay inuu hubkii wareejiyay kuna wareejiyay sida uu hadalka u dhigey Nin walaal ah oo aanu magaciisa sheegin, balse sida la ogsoon yahey uu ku wareejiyay Xizbul Islaam.

 

Ma jiro hadal ka soo baxey ilaa iyo hadda dhanka Xizbul Islaam oo ku aadan Hubka iyo Ciidanka uu Yuusuf Indha-cadde ula galey DKMG ah iyaguse sheegeen inuu dhawaan ku wareejiyay.

 

Sidoo kale ma jiro hadal rasmi ah oo ka soo baxey dhanka DKMG ah oo ku aadan ku biirida uu Yuusuf Indha-cadde Dowlada ku biirey waxaase lala socdaa inay horey kulamo u dhex mareen isaga iyo Mas’uuliyiinta DKMG ah ugu sareysa.

 

Dhanka Yuusuf Indha-cadde sidoo kale ma jiro hadal sarmi ah oo loga hayo ilaa iyo hadda oo ku aadan arintan, waxaase lagu wadaa isaga iyo xubno ka tirsan DKMG ah inay Maanta kulamo dhex maraan sida lagu helayo wararka.

 

Waxaan la ogeyn xaalada adag ee taagan waxa ay arintan ku soo kordhineyso, balse wixii warar ku soo kordha kala soco Wararka xiga ee Shabakada Somalimirror.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Wardegdeg ah: Yuusuf Indha-cadde oo Hubkiisa iyo ciidankiisa ku Wareejiyay Xisbul Islaami
  2. Sh.Xassan Daahir oo ka hadlay warka ka soo yeeray Yuusuf Indha-cadde
  3. Khilaaf cusub oo soo kala dhex galey C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde
  4. Yuusuf Indha-cade oo Bidhaamiyay inuu la Midoobo karo DKMG ah
  5. Kulan ay wada qaateen Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye & Xubno uu ka mid yahay Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde

Readers Comments (2)

  1. okash says:

    armaa loo soo diray oo u raba in uu madaxtoyada dhexdeda dagal ka bilabo?see lagu aminkara indhacade markale wa yabe?

  2. oomane says:

    soomaali oo dhan waa yusuf oo kale




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Wardegdeg ah: Yuusuf Indha-cadde oo Hubkiisa iyo ciidankiisa ku Wareejiyay Xisbul Islaami
  2. Sh.Xassan Daahir oo ka hadlay warka ka soo yeeray Yuusuf Indha-cadde
  3. Khilaaf cusub oo soo kala dhex galey C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde
  4. Yuusuf Indha-cade oo Bidhaamiyay inuu la Midoobo karo DKMG ah
  5. Kulan ay wada qaateen Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye & Xubno uu ka mid yahay Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde

Latest Headlines