Wareysi Dhinacyo badan Taabanaya oo Shabakada Somalimirror la yeelatey Sh Xasan Daahir

Sh Xasan DaahirWaxaan halkan idinku soo gudbineynaa Wareysi Shabakada Somalimirror la yeelatey Sh Xasan Daahir Aweys, Xilli uu Maanta ka qeyb gelayay soo dhaweynta Sh Xasan C/lle Xersi(Sh Xasan Turki) oo Maanta soo gaarey Magaalada Muqdisho.

 

Sh Xasan ayaanu ka wareysaney arimihii ugu danbeeyay, sida Dagaalada Muqdisho dib uga soo cusboonaadey, aragtidooda ku aadan DKMG ah, Go’aamadii ka soo baxey Shirkii 2-aad ee Hay’ada Culimada, Qorshahooda ku aadan Dagaalada ka dib iyo arimo kale.

 

Wareysiga aanu ka qaadney Sh Xasan Daahir ayaa u dhacey sidatan ee ka bogasho wacan.

 

Somalimirror: Sh.Xasan Mawaxaad Dooneysaan in aad Afgambisaan DKMG ah Mise Difaacbaad ku egtihiin oo kaliye.

 

Sh.Xasan Daahir:”Bismilaahi Wasalaatu Wasalaam Caalaa Rasuuli Laahi Walaal Horta anagu Dowlad aan Ictiraafsanahay kama Majirto Meeshan ee Xoogaa Adugu Nimankii Cadawoga ahaa ee nagu soo horjeeday oo Maxkamadihii Islaamka Dumiyey ayaa waxay Sameysteen Xoogaa kaloo ku sii meel gaaraan oo ay Ayaan hadana Saaxada ku sii hayaan Islaamiyiinta si ay uga Celiyaan saasaa loogu talagalay waliba intii hada ay la dagaalami karaan ay la dagaalamaan ayey ugu tala galeen anaguse hada Muwaajaha ahaan Cadowgaas nagu Dhexjiro ee qaabkaas loo soo adeegsaday oo Ciidamadaas AMISOM-ta lagu tilmaamo sidii Itoobiya waxa ay ilaalinayeen ilaalinayo oo ah sida hadaba ka muuqata  in Islaamiyiintu Meesha qabsadaan ay ka ilaalinayaan baan anagu ku wajahanahay, Marka Nimankaasna waa iska daahir in ay anaga naga soo horjeedaan, agaguna hadee in aan intaan la dagaalami karno la dagaalano waa iska waajib oo Dagaalkeenu Halkaa buu ku wajahan yahay”.

 

Somalimirror: Dagaalka hada socda Mude intee la’eg buu sii soconayaa ma ilaa DKMG ah laga Saaro Dalka Mise Mudo kooban uu ku  egyahay baa jirta?

 

Sh.Xasan Daahir: ”Dowlad Saaristu Maahan Hadafkayagu waa Nimankaa Cadowgaa in aan saarno , waa Dhici kartaa in ay Raacaan hade Nimankaas kamaba hari karaan saan u maleynayo wax kale oo Difaacaba majiraan hada Umadii waxa weeyaan  laakiin naga nimankaas baa noo daran waxa kadib isleenahay hadey nimankaasu meesha ka baxaan Soomalidu heysu Timaado haday Dhinac ka noqonayaan Dan kama lihin soomaalida ayey Quseysaa laakiin ka Ictiraaf ahaan uma Ictiraafsaneyn waxaan u Ictiraafsanahay  Nimankaas Cadowga Gabaadka u ah”.

 

Somalimirror: Hada waxaa soo gaaraya Magaalada Muqdisho  Gurmadyo Isugu jira Ciidamada Xisbul Islaam iyo Xarakada Al-Shabaab Marka Gurmad yadu ma waxay ka mid yihiin kuwo Dagaalka ka qeyb qaadanaya?.

 

Sh.Xasan Daahir: “Awalba Mujaahidiintu saas waayeyhadba Meesha wax ka jiraan in ay Tagaan wey ku qasban yihiin awalaan la fiirfiirsaneyn Meeshii wax  ka jiraan in ay Culeyska saaraan marka Culeys saarku in uu saas ku yimaado oo ay isku soo gurmadaan waa caadadooda waaye wax hada maanta bilaabanaayo maahan waagii Maxkamadahana saasey aheyd hadana waa sidii oo kaleeto Meeshii wax kajiraan oo dhan waa saas in ay isu gurmadaan waa Dabeecadooda waayo isku Qadiysd waaye”.

 

Somalimirror: Sh.Xasan waxaa muuqaneysa in aad horumar ka gaarteen Dagaalka oo Meelo badan ka qabsateen DKMG ah marka Majiraa Qorshe idiin Dajisan Dagaalka kadib labadiinan Qolo ku mideysan tihiin  oo aad Wadanka ku Maamushaan?.

 

Sh.Xasan Daahir:“Qorshaha Midka ah in Dadkii Mujaahidiinta ah lamideeyo Qorshahaasu waa jiraa in Sha,Allaahu waxna waa ka bilaaban yihiin Ilaahey idin kiis, Tacaawun kuna hada waad arkeysaa oo waaleys caawinayaa tacaawukuna waa socdaa, mida ka danbeysa oo Cadowga hadii Meesha laga saaro waxa weeyey umada soomaaliyeed in leysu keeno waaye wax wada jir ah oo ay raali ku yihiin oo ay sameysteen oo wada doonteen in ay sameysteena Qorshaasna waa Qorshe noo yaal oo Insha Allahu Tacaalaa aanu rajeyneyno sidii loogu talagalay u dhaco”.

 

Somalimirror: Beesha caalamka gaar ahaan reer galbeedka waxay dhinacyadiina Xisbul-Islaam iyo Al-Shabaab u yaqaanaan Argagixiso aan loo ogolayn in ay Hantaan Xukunka Dalka, marka haddii aad talada la wareegtaan sidee ula tacaalaysaan Arrintaas ?

 

Sh.Xasan Daahir: “Horta Bani Aadamku Xiriir kama maarmo laakiin caadada Islaamku leeyahay ayaa waxay tahay in lala dagalamo Gaalka Xarbiga ah oo Saa’ilka ah iyo in  lala Nabdo midka Nabadda raba, qoladii heshiis na dhex marana heshiiska waa u xajinaynaa haddii aysan ayaku burin, qoladii nala dagaalantana waa Iska dhicinaynaa, waxay ku xiran tahay marka in annaga Xuquuqdeena iyo Ikhtiyaarkeena naloo ogolaado ayakuna ay yiraahdaan Nabad ayaan rabnaaye aan nabadno wixii aan isla qabsan karnana aan isla qabsano marka dabiicada Bani-aadamku waa sidaas, Duwalka dabiicadooduna waa sidaas marka waa in ay jirto Sinaan iyo Cadaalad waa in Masaalix mushtaraka laga wada hadlo”.

 

Somalimirror: Culimada Shirkoodii 2-aad waxaa ka mid ahaa qodobadii ka soo baxay in dawladda uu hogaaminayo Sh.Shariif  ay tahay dawlad Muslim ah dagaalkeeduna uusan bananayn, marka dagaalkiina hadda muxuu ku salaysan yahay?

 

Sh.Xasan Daahir: “Walaahi Anagoo culimada aad u qiimaynayna laakiin wadciga siyaasiga ah oo jira iyo qaabka lagu taagay oo ay u samaysan yihiin iyo usuushooda, iyo waxa ka danbeeya, iyo waxa ay qabanayaan, iyo Meesha ay u jeedaan iyo meesha ay ka yimaadeen iyo cidda daba joogta, waxyaalahaas oo dhan kama aysan fakarin, waxay uga fakareen un nin wadaad ah in uu meeshii yimid oo leh shareecaan ku dhaqmahayaa halkaas uun bay ka fiiriyeen, laakiin asalka kamaysan fiirin mushkiladda waxaana tusaale kuugu filan maanta New York in laga leeyahay waa in la difaacaa oo la badbaadiyaa midda difaaceeda New York laga soo agaasimayana maaha mid aan anagu leenahay oo muslimiintu leedahay ee waa mid halkaas laga leeyahay oo halkaas laga difaacayo arrintaas waa daliil cad oo ku filan waxa nimankaanu yihiin, marka in ay sidaas culimadu raali ku noqdaan ayaga ayay ceeb ku tahay sababtu waxaa weeyaan wadaadku marka uu wax sheegaayo 2 arrimood ayaa laga rabaa-midd koowaad waa in uu diinta ilaahay wax ka garanayaa taasna way yaqaanaan. Midda kalena waxaa weeye waa in uu wadciga wax ka garanayo, wadciga marka ayaysan wax ka garanayn-, wadciga jira oo arrintanu ku salaysan tahay ayayna ka dharagsanayn, waxay ka fiirinayaan Dawladihii Islaamka ahaa oo hore, nin wadaad ah oo leh shareeca ayaan ku dhaqmayaa ayay ka eegayaan laakiin abaabulkeeda iyo cidda wadato war kama hayaan, ceebta wadaadada ku dhacdayna taas waaye, wadcigaas aysan u indha furnayn, marka maadaama dhinacaas ay jaahil ka yihiin dhinacaas ayay kaga ceebaysan yihiin, dadkii Ahlu dikriga ahaa oo arrintaas macluumaadkeeda haya oo unugeedii ogaa oo Xog -ogaalka u ahaa maysan waydiin, marka ayagii ayaa inta iska fakareen ayaga oo aan gadaal u fakarin ayay qadiyadii Cali iyo Mucaawiye ka dhigeen ama Cali iyo Caydiid marka majirto cid ay ka warsadeen, Mujaahidiin, Siyaasiyiin iyo Qaanuuniyiin midna”.

 

Somalimirror: Dawladda Sh.Shariif waxay ku baaqday in ay wadahadal la galayso Xoogagga ka soo horjeeda adinku wadahadalka ma ogoshihiin?.

 

Sh.Xasan Daahir: “ Waxaa la rabaa markaad wada hadal galaysid in aad ogtahay waxa kaaga soo baxaya, wadahadalka waxaa la rabaa in uu leeyahay Mabaadii’, Funuun, Masaalix  waxaas oo dhan meesha ayay ku jiraan iska gal maaha wadahadalku balse warku waa iska banaan yahay oo cid kasta ayaa lala gali karaa insha allah anaga ayaa dhahayna wada hadal ayaa loo baahan yahay laakiin hadda wakhtigan xaadirka ah munaasib nooma aha”.

Somalimirror: Dagaalkan waxaa ka dhashay barakac weyn iyo khasaarooyin dhimasho dhaawac iyo burburba leh oo soo gaaray shacabka marka dhiniciina maxaad xal u aragtaan?  

  

Sh.Xasan Daahir: “ Ilaahay ayaan Ummadda uga baryaynaa in uu wixii geeriyooday u naxariisto intii dhaawacantayna uu u booga dhayo, kuwa qaxayna ilaahay degaan nabdoon uu geeyo, nasrigu wuxuu leeyahay xaalad fool oo kale ah ilaahayna kurhi ayuu ku sheegay karaahadaasuna waa Dhimashada, Dhaawaca, qaxa, iyo burburka laakiin natiijada ka danbaysa oo ka dhalanaysa ayaa khayr badan shacabkuna ay ku mahadsan yihiin in ay dareemayaan sida wax u socdaan ayna u dulqaadanayaan, marka waxaan leenahay Adkaysta insha allah wax yar ayaa haray nasrigii eebana waan rajaynaynaa insh allah”.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

16 Comment(s)

  1. xasan dahir hadad tahay nin umadan dhibkeeda ka xanuunsanaayo ,waxanka codsan lahayn in ad mujisaaa tanasul ,hadadse u aragtay dowlada in ay gacabn ku ganbad tahay adigana ad mesha jago kaaga soo dhawdaha taas haku qaldamin umadana jago ad radisid owged ha u cadaabin,,waadna arki doontaa shabackana marqaati ayu ka yahay waxa ad keeno..waqtiga ayaa marqaati ah

    hasan | May 16, 2009 | Reply

  2. Sheekh Xasan wuxuu leeyahay culimada waqica maoga markaa waxgaradka faraha badan iyo culimada waaqica ma oga waa yaab?
    Midda kale marbuu yiri shriif shareeco ka yeeli mayno dagaalka inta itoobiya cadawsanaysayna waa dhammaaday laakiin dagaalka wadaadadii xaqa ahaa ayaa powerka laga hor taagan yahay marka waa dagaal awood ku saabsan si hadaad u eegto?
    Sheekha beesha caalamka nabad baan kula noolaan karnaa buu leeyahay laakiin shabaabna waxay leeyihin beesha caalamka waa cadow ay tahay in lala dagaalo ilaa dunida shirki laga waayo, dagaalyahanno muslim ah oo dunida kale dagaal ka wada ama rabana waa isla shaqeeyaan?
    Markaa sheekha iyo shabaab inaysan isku dagaali doonin waa noo jamhuuriyadda kaliya iyo caalamka kale ayaa dagaalka u safrinaynaa yaa dammaanad qaadaya?

    Omar | May 16, 2009 | Reply

  3. A/c. xasan daahir allaah kayaab oo umadda unax, oo colimada warkooda maqal oo dalka gaalo markale hakusoo hogaamin!! Allahuma fash’had!

    M.Ali | May 16, 2009 | Reply

  4. Maanaa waalan mise cadan baa laga heesayaa. Xasan Daahir wax ummadda ka qabta ma la waayey

    faarax | May 17, 2009 | Reply

  5. SUBXAANALLAAH.

    sh.xasanow miyaadan wali fahmin diinta , maalin cilmaaniyiinta baad la safan , maalinna islaamiyyiinta , maalinna waa meelo kale , sheekhow magacaaga si rakhiisa baa loogu soo gabanaa ee maad duurka aadid oo sida ragga ragga ah xuubsiibato , waa adi dhexboodaya hadba meele , .

    xaqqa u hiili.
    twxdsbrjhd@yahoo.co.uk

    xaqqa u hiili | May 17, 2009 | Reply

  6. saas ayaa gursi looradiyaa hadiikale waa leyskadayaa.

    Abdalla | May 17, 2009 | Reply

  7. War Askari kursi u ooman yaa dadka ka dhiciya

    cadde | May 17, 2009 | Reply

  8. shiikhu waxaa uu yiri annaag ayay tahay inan wadahadl ku baaqno waxaan lee yahay hadda adiga iminka wa hadal diiday yaa hadhow kula hadlaaya markaa kursiga fariisato

    xamza | May 17, 2009 | Reply

  9. shiikh xasanow miyeenay u muuqan jabhadaha hada soo baxayo oo cusub, soo ma oga mar hadii hogaamiyo kooxeed awood helo in markaan aan been been lagu jabin karin madaama itoopiya ay markaan ka go’antahay si dhab in somali qaribto please iska saamax 2 sano ma dheeree. 20 sano dib ha u celin.

    hassan | May 17, 2009 | Reply

  10. walaalyaal waxa layaableh wadadku wuxuu leeyeahay shareeceada uu mareykan raali kanoqday sahreco iyo islaam toona maahan.war maxanajinta mareykanka ayaa loo dagalamaayey. ilaahayow nagasoo gaadh dadkan

    Abdullahi | May 17, 2009 | Reply

  11. Xasan Daahir illaahay khayr ha siiyee wuxuu naga soo gaaray Shariif oo na gadi raba oo Maraykan iyo Xabashi naga gadi raba.
    Waanan hubaa hadii shariif Muqdisho in Sirdoonka Xabashidu Muqdisho ka dhex ugaarsan doonaa Mujaahidiinta.
    Markaa dadkan iska la hadlaya waxba ma ogodin ee iska aamusa,wax la isku hayana garan maysaan, bal u fiirsadan Mujaahidiintii oo dhan oo dhinac isku raacay, xataa kuwii ku jiray dowladda beenta ah ayaa kasoo baxay bal garta Sababta, waxay ogaadeen in aan la cifinayn ee jeelasha lagu guri doona intii gadmaysana Maraykan iyo Xabashi laga gadi doono.
    markaasay qaar iska ciyayaan xabadda joojiya oo nabadda qaata, maan waalanahay markaan qoorta u dhiibanayo cadowgayga i qali doona.

    salafi | May 17, 2009 | Reply

  12. war dadka u hadlaya waa la hadla ku hadla murti ama amusa
    sona kala barta kan xaqa yaqan ee fahan san ee an adunyo qadan ee diin u soo dagalami jiray intadan dhalan iyo kan sedex sano ka dib la saftay galo ee micin moday ee galadu inta ku amini waysay badhilkisa waliba loo sameyey istaf ku wardiyeyo badhilka

    anas | May 17, 2009 | Reply

  13. Diinta islaamku waa diin nabad ee ma aha diin dagaal. Mida kale xasan daahir wuxuu yiri mareykan dowlad ay taageersantahay taageeri mayno tusaale ahaan dowlada sucuudiga mareykanku wuu taageersanyahay. ma waxaad leedahay sucuudiga laftirkiisa waa wadan gaalo ah. Nabadu kuma timaado shacab oo la laayo ee waxa ay ku timaadaa shacabka oo loo dhimriyo oo aan lagu kor dagaalamin. dowlada waan taagaa aad leedahayna ogoow ma ahan mid kuu soconeyso ee waxa ay tahay dowlad aad rabto in shacabka soomaaliyeed mar labaad lagu xasuuqo oo itoobiya ay mar labaad shacabka xasuuqdo. Marka ay sidaas noqotana aad ugu laabatid Casmara. Waxaan ku leeyahay jooji dagaalka oo dowlad islaami ah weey jirtaaye dhankaaga ka taageer. Hadii kale Cawaaqib xumo ayaa kuu danbeyn doonto ee fursad ayaad haaysataa ee ka faa’iideyso.

    HAL NAF QOF-KII BAADBAADIYA
    UMAD DHAN AYUU BADBAADIYAY

    Dalmar | May 18, 2009 | Reply

  14. Shariifku inuu toobad keeno, inuu c/lLaahi Yuusuf u yeerto iyo inuu isxambaarka raaco, saddexda midkood uun baan u furan. Waddo afraad ma jirto!!

    Warka laba-shubka u dhaca!! | May 18, 2009 | Reply

  15. Sheekh Xassan Turki Wa halyaay Wuxu ku ficaan ina la taagero waayo dhe waaa nin muqifle maha jirjiroole wa nin u dacad halgaanka wadanka ka jira waa ninka magan galaye mujahidinta marka waan taageerrna insha allaah ilsa inta dawlad islaam laga dhisayo dalkeena insha allaah

    CabdiRaxman | May 18, 2009 | Reply

  16. xasan waa sharwade ee shiiq ma ahan waatuug dhiig cab ah bye

    sayfudiin | May 18, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo