Sh. Xassan Turki oo soo gaaray Muqdisho.

Published on May 16, 2009 by   ·   44 Comments   ·   print

Sheekh Xassan Turki Gudoomiye ku Xigeenka Xisbul Islaam iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Galabta Galinkii danbe soo gaaray Magaalada Muqdisho, isaga oo ka soo kicitimay Degmada Afgoye oo uu saaka waabarigii hore soo gaaray.(Daawo Sawiradda)

Wafdiga uu Hogaaminayo Sheekh Xassan Turki ayaa waxaa ka mid ah Axmed Madoobe iyo Taliyaha Ciidamada Raaskaanboon C/raxmaan Dul-yadayn.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo uu Sheekh Xassan Turki siiyay Saxaafadda Balse waxaa la aaminsanyahay in ujeedka Socdaalkiisa ay tahay Gurmad uu ku xoojinayo Ciidamada Xisbiga ee Dagaalka kaga soo horjeeda DKMG ah.

lama garanayo waxa uu Sheekh Xassan Turki ku soo kordhin karo Xaalada Magaalada Muqdisho oo ay wali ka sii socdaan Dagaalo u dhaxeeya Xisbul Islaam iyo Xarakatu Al-Shabaab oo dhinac ah iyo DKMG ah.

Kolonyadii Wahelinaysay Wafdiga Sh. Xassan Turki.

Kolonyadii Wahelinaysay Wafdiga Sh. Xassan Turki.

Qeyb ka mid ah Kolonyada.

Qeyb ka mid ah Kolonyada.

Kolonyo.

Kolonyo.

Wafdiga.

Wafdiga.

Qeyb ka mid ah Ciidamada weheliya Wafdiga

Qeyb ka mid ah Ciidamada weheliya Wafdiga

Kolonyadda Wafdiga.

Kolonyadda Wafdiga.

Gaari ka mid ah wafdiga.

Gaari ka mid ah wafdiga.

Gaari uu ku rakibanyahay Qoriga Zuuga oo la socda Wafdiga.

Gaari uu ku rakibanyahay Qoriga Zuuga oo la socda Wafdiga.

Kolonyo Is-daba socota.

Kolonyo Is-daba socota.

Tinko xero sii galaysa.

Tinko xero sii galaysa.

Tikniko.

Tikniko.

wafdiga Qaar oo xero ku xeraysan.

wafdiga Qaar oo xero ku xeraysan.

Tikniko...

Tikniko...



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh. Xassan Turki oo lagu wado inuu Goordhaw soo gaaro Muqdisho
  2. Sh.Xasan Turki oo soo gaaray Degmada Afgooye
  3. Sh.Xassan Turki “ Dawladda Shariifku way ka Dartay”
  4. Sheekh Xasan DaahirAweys oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
  5. Sh. Xasan Turki oo ka soo Horjeestay Heshiiska Jabuti

Readers Comments (44)

  1. jabardi says:

    as wr wb masha laah ilaahay ka qabo shiiqa cadowgaaga iyo cadowga islaamka amiin yarabi

  2. Maxamed Cabaas says:

    Allahu Akbar! Sh.Xassan Turki waxaan kula talin lahaa:

    1. In uu nabad dhex-dhigo Xisbul Islam/Alshabaab iyo maxaakimta.

    2.In Sh. C/Qaadir Cali Cumar uu dhex-dhexaadiyo mujaahidiinta iyo madaxweyne Sh.Shariif.

  3. Dhafoor says:

    Waxa lala dagaalamayo ma aha maxaakimta ee waa TFG-DKMG iyo Gafanayaasha dhiiga dadka ku nool.
    Kuwii Embegati lagu soo dhisay – kuwii C/hi Yusuf hoggamiyaha u ahaa – kuwii maxaakimtu muqdisho ka saareen ee Baydhabo itoobiya ku ilaalin jirtey – kuwii Itoobiya soo geliyey Somaaliya – kuwii Sh.Shariif khiyaameeyey ee dhexda gashaday – kuwii — kuwii — kuwaas weeye waxa Xasan Turki iyo Sh.Aways ay doonayaan in meesha laga eryo.
    Kuwaas iyo waxa wata Allaah ha qabto.

  4. Abdalla says:

    waxaan Turki urejeynaa in owsan qaadan wadadii Dahir Aways iyo Mahdai

  5. ahmed says:

    asc alaahu akbar ninkii muslim ah wuu ku farxaa mujaahidiinta ninkii munaafigah iyo ninkii gaalo jecel ayaa ka naxa ilaahoow guulee iloohoow soo hadee in tii lunsan ee muslim ahna

  6. daacad says:

    xasan turki muxuu muqdisho kadoonay waayaabe
    malaha malagii ayaa galay waaba yaabe

  7. allaaaaaaaaahu akbar says:

    raga gaalada deyrka unoday illahay garabkooda waakabaxay waxay isku badaleen ashaahada ladirir cusub marka waa in wadanka lagaqabto qowlaysatada ugandheyska ayyey uyihiin deyr illahay duleega

  8. cabdi hakiim says:

    bismilaaaaah. hadafka xassan turki iyo xassan daahir aways waa dagaal ha dhaco, dadna ha dhintaan, balse ma garanayaan wax ka danbeeya dagaalka dabadii iyo wax iman kara . shariifkuna raganimo uu iskaga dhiciyo oo uu dawlada ku difaaco malaha . alqaacidana saldhig kii afganistan ka wayn ayay ka dhigatay somalia .. waxa dhimanayaana waa dumar , caruur, iyo ciroole aan qax awoodin …

  9. Nasrullah says:

    Cabaas sxb c/cali cumar waa ninka sartu kaqurntay shariif ugu been sheegay kooftrta xamar inaan xabadi kagasoo dhacayn ee wax ha uqabto

  10. Zakiyi says:

    as shekha haddii uu iyimid magalaga xalinta dagalka fitnda ah Alle haku gulaysiyo, haddii u rabo in uu kabo dhinac ay hadda isfahansinyihiin kolay Ilahay waxan igu baryeynaa in uu isag ku celiyo shartiisa usan ummada garsiin, Xaqqa iyo badil isku qaldamaan anagana hada nala maqaldaayo .

  11. Cilmi says:

    Sh. C/Qaadir Cali Cumar mujahahideenta ayuu soo raaci doonaa Insha’Allah

    Dowlada Impeghati iyo dabadhilif Qeybdiid,
    Gacma dheere, Salaad Cali jeele, Nuur daqla,
    Aadan madowe iyo Sarakiisha DKMG maxkamad Islaami ayaa la saari doonaa Insha’Allah.

  12. hasan says:

    asc waxan u rajayna xasan turki in uu noqdo qof dareemo dhibatada shacabka haysato kana qeyb qaato heshiis dhex maro dowlada iyo uruekiisa…
    mahadsanidin

  13. amaal maxamed says:

    waxa ay iila muuqataa qalad iyo arin ku salaysan danaysi in xasan turki saacadan xamar yimaado isaga oo aanan horay u imaan intii amxaaro lala dirirayay, ma aha qalad in uu yimaado isaga oo nabad ama somalinima u socda laakiin waxa qalad ah in uu i yimaado isaga oo sheeganaya inuu la dirarayo mujaahidiin markii uu maqnaa la jihaaday amxaaro waajibkoodiina gutay

  14. sauda says:

    alahayoow umadaada kala qabooji oo xaqa tus

  15. 4.5 says:

    maasha alaah sheekh turki alaha xafido
    insha alaah iyagaa guuleysanaa kuwa xaqa isku raacay diidayna in gaalo shicibka soomaliyeed xasuuqdo.insha alaah guul.wabilaahil towfiiq!

  16. gaaranne says:

    nin walba waxaan u sheegayaa in mar dhow sh.c/qaadir cali cumar shir garaaid qabandoono kaasoo uu uga hadli doono xaaladii ugu dan baysay ee wadanka dhinaca kale soomaalidu marka wax cusubyihiin marna way ku ordaan marna way ka ordaan taas waxaan ula jeedaa waxaa jira dad madax yaro ah oo u maleeya in howli sidaas ku dhamaatay oo calanka madow meel walba xamar kalulandoono ala yaa miskiin! shiikh c/qaadir waa nin abaabul waana nin dagaal waaninkii dagaalkii amxaarada muqdishu shumuciisa kak shiday marka ma idin la tahay in 8eed maalmood howli ku dhamaatay. anigu waxaan u jeedaa rag mayd kooda muqdisho usoo safriyay. bal aan aragno dib waxay ka noqoto.

  17. celbur says:

    in ciidamo la is daba dhigto muhim maaha lkn waxaa muhim ah in shacabka loo khidmeeyo maatidana dagalka laga daayo, somali wey is fahmi karta hadeey isku daydee sxbayal dagaalka nin karneednimadaa yaan maatida lagu leeyn, ilaaheyna halooga cabsad umaddan tabalaysan gaar ahan shacabka muqdisho oo dulqadkii gabay. mahadsanidin

  18. ahmednassir says:

    waxaan filayaa in gawaaridaan loo keenay in etoobiya ay dib u qabsato waayo waa talaabdii markii hore maxaakimta ku burbureen

  19. abajaad says:

    to somalimirror maxaad u tirtirtaan fikirkaynga aan soo qoro mise wax kalaa jira

  20. maxamed says:

    A/S/C.
    sln kadib xasan turki waxaan dhihi lahaa shikhow mar hadii aad timd meeshii lagu hoobanayay ee dagaalka aan shareecada ku dhisneyn uu ka socdo in aad uga faaideysatid imaanshiyahaaga badbaadinta dhiiga mujaahidinta iyo kan shacabkaba ee aadan dhinac la safan ,
    iyo in aad isku mashquuliso sidii aad u mideyn lahed mujahidinta wadahadalna ula furan lahed sh.shariif .

  21. Abuu Yuusuf 'Al-Mujaahid' says:

    ASC WR WB
    Sheikha Xamar haku soo dhowaado gacmo furan, Sheikha waxaan ka filanaayay hub iyo ciidamo lixaad leh ee iska-rogayaashi bacaadka iyo jaayga inuu ciidan kusoo qaadaa oo gurmad kusheegaa uma maleyneyn, lamood noqonse weyday, SOMALIMIRROR dadka taageersan xoogaga mucaaradka waa niyadjabiseen sababtoo ah ciidankey filaayeen waa boqolaal ee dad iska rogayaal saaran ma filaneyn, allow sahal umuuraha, horaa waxaa loo yiri “anoo soobir maalaan seexan waayee sac nin maaliyo sagaareystiyo sabool ari lihi see u noolyahay” tikniko intaan kabadan kana taya badan iyo ciidan kuwaan ka faraweyn ayaa madaxtooyo tagi waayay xasanoow inaad kudhaa kula noqoto intaan wax dhaama malaha yaan lagaa kala qaadan inaad fara marnaan la noqonee xaalku waa u muuqdaaye, allow sahal umuuraha

  22. oday says:

    asc
    sh xasan xamar wuu tegi karaa, waa caasimadii soomaaliyeed qabiil gaar u lehna ma jirto,wixii aflagaado ahna ruuxiisa ayey u taallaa , sheekha allaha xafido, waala wada ogsoon yahay halka uu kaga jiro jihaadka soomaaliya ka socda, axmaarada dalka lagaga xoreeyey,hadana kuwa u adeegaya gaaladana dalka insha allah waa laga sifeyn ama sheekh ha noqdo ama shariif iyo daba dhoon midkuu doono ha ahaadee,, maxamed dheere,muuse suudi, salaad cali jeele,cabdi qaybdiid,iyo dhamaan qabqablayaashii umada liqay waqtigan aan joogno waxay joogaan xamar,, hadaba sheekh xasan maxaa ka mancinaya inuu xamar tago ??????
    kuwa sidaas u fakaraya waxaan leeyahay waqtigii qaybyaalada waa laga soo gudbay saaxiibayaal.

  23. Hero says:

    ASC WR WB salaan kadib, waxaan jeclahay in aan wax yar ka hiraahdo hadalka Xasan Turki.ayad qu’aan ah wax uu ku leeyahay : dadka waxaa ka mid ah ku hadalkoodu aad kuu cajab galinayaa marka ay hadlayaa,, laakiin uu Illaahay og yahay wax qalbigooda ku jira, hadii ay talada loo dhiibana aduunka fasahaad iyo dhibaato galinayo. marka waxaan aad ulla yaabaa diin yarida hasyato shacabka soomaaliyeed sida ay u hooseyso hada hadii dadka qaar ay aaminsan yihiin in ay sheekhyo ama dad ahlu diin yihiin Muqtar , Xasan Dahir iyo Xasan turki in ay diin wax ka yaqanan ee waxaan idinkaga digay dad yahow in aysan wadada diinta toosan idinka luminin, wabilaai towfiiq.

  24. Hero says:

    qorshaha Xasan turki, muqtar robow iyo xasan dahir wax yahay waa wax uu sameeyay muqtar robow markii uu qabsanday Baydhabo waxa uu siidaaye dhamaan dadkii Itobiyaanka lashaqeyn jritay markii uu qabsaday Baydhaba waxaa kaloo uu diiday in qof aan u dhalanin Gobolka Baay uu qabto maamulka gobolka waana uu ku gacan seyray markii ay alshabaab u soo magacabeen nin kale, marka hada qorshaha wax waaye in Baay uu kataliyo Muqtaar robow Jobada hoosana xasan turki xamar iyo nawaxigiisana Xasan daahir qadiyadaas waa wax qof walbo oo caqli illaahay siiyay uu ogyahay tiina hada ayey wadaan waayo dhamaan nimankii warlords-ka ahaa ee iyaga ka horeeyay dhamaantood sidaas ayey u dhaqmi jireen marka kismaayo Bare Hiiraale waa laga egyay iyo kuwii la socday Baydhaba shaati gaduud iyo saxiibadiis waa laga eryay laakiin xamar wali xaaladeeda dhinac uma dhicin laakiin xitaa hadii uu xasax dahir uu ku guuleysan waayo in uu xamar wada qabsado ugu yaraan waxaa ladoonayaa qeybtii uu haysan jiray markii hore in uu helo sida khadkii cagaaran ” green line” marka khidada meesha ku jirto waa sidaas dad yahow ee meesha maasha allah iyo allaha xafido haku haynine meeshaan diin ma mataalo.

  25. Maxamed Cabaas says:

    Walaal Amaal, Sh.Xasan Turki kama maqnayn markii Ethiopia lala dagaalamay, balse ma ogtahay in Abu Tajaana oo ahaa taliyihii ciidama Sh. Xassan Turki uu ku shahiiday isaga oo Ethiopia kula dagaalamaya Xamar. Ciidamada Raaskambooni qeyb weyn ayuu ku lahaayeen in Ethiopia xamar laga xoreeyo.

    Ethiopia markay Dalka qabsatay, Sh.Xassan Turki wuu diiday in uu dalka ka baxo, meesha 99.9% hogaankii maxkamaduhu dalka dibada uga baxeen.

  26. Dhoodaan Yare says:

    Markii Ethiopia dalka qabsatay, Sh.Sharif wuxuu doortay inuu seexdo hoteelo ku yaal Asmara,Djibout iyo Dubai. Sh.Xassan Turkina wuxuu galay kaymaha Kudhaa iyo Raaskambooni oo ay kaneeco ku cuneysay.
    Labadooda kee ayaa Soomaaliya daacad u ah????????????

  27. faysal says:

    xasan turki waa aabaha mujaahidiinta meeshuu galo waa meel gubatay cadowguna ma awoodo inuu kusii jiro waayo ciidan sh. xasan waa dab damis

  28. ahmed ali qawdhan says:

    sh.hassan turki alla ha quweeyo iyo sh.hassan aweys daahirna alla ha quweeyo iyo mujaahidiinta oo dhan gaalada iyo kuwa kalkaalana alla ha jabiyo dowlad isku sheegtuna ha dhacdo hana iscasilaan wey fashilmeene

  29. JAAMAC says:

    A/C/W SLAAN KADIB WAXAAN FIKRADA LAQABAA AMAAL WAXA WEEYE ILAAHOOWUMADAADAKAL QABOOJI XAQAA TUS

  30. Maxamed says:

    Asc WR WB,

    Walaalaha muslimka ahow Alle ha idin gar-gaaro, walaahi xaqu waa wax cad, baadilkuna waa wax cad; waxay haddaba kala doorasho u taalaa muslimiinta.
    Walaahi Eebaha awooda badan baan ku dhaartaye in nin ay Hillary raalli ka noqotay diinteena suuban aysan raalli ka noqoneyn. Waxaan u dardaarmayaa walaalaha muslimka ah in uu ka digtoonaadan falalka dhaawaci kara caqiidadeena Islaamka, ku socdaan jidka toosan ee Eebe jideeyey, U naxariistaan ummada, sameeyaan wax walbaa oo shacabka iyo diinta dan u ah. Wabilaahi Towfiq

  31. Maxamud cabdi indhaye says:

    Asc allah waxan ka baryaya dhamaan walalaha musliminta in illah dhibatada kabixiyo.Runti aad ayaan ugu faraxsanahay tagista aay tagen madaxda somaliyed muqdisho.Sh.Xassan dahir aways iyo sh.Xassan turki waxad midesan awedina idinka iyo walaalaha xarakatul shabab al mujahdin waxan noqotan kuwo xilalka ama jagoyinka kaqebgaliya dhaman somalida iskana alaliya qabilka iskana alaaliya jasuuska radiya tagerada shacabka ka runshega dinta iyo daacadnimada shacabka hanoqonina (anaa inii) micnahedu u yahay hadan qaladanen waxkasta aniga aye igu habonyihin.Walayaal madaxdeniye madaxdi somaliyede iska alaaliya fikir shisheye Guul waligin guul insha alah

  32. cabdikariimtahliil says:

    waan arkay sxbayaal fariintii aad iisoo dirteen waana kufarax sanahay maadaama aan ahay akhriste marwaliba daalacda webkiina waxaan iidiinku amaanayaa sida wanaagsan ee aad iigu soo gudbiseen fariintan waxa aan marwaliba inku taageeraa sida aad wax uwadiin maadaama adtihiin dagkawanaag san ku dadka baaranaya dilaya oo aan waxba unaxaynin
    waqtiga yaaiguyar ii iisoo baaqa markale
    mahadsanidiiin waa ilkacase

  33. colaad says:

    salaamu laahi aliekum bacda salaan walalyaal somali dan uma ahan dagaalo waan bur burnay gabdhaheeni waa dayacmeen wadankeenii waa bur buray walaalayaal ilaah kabaqa u diir naxa matida aniga waxab kama sheegi karo dagalkaan wax uu ku wajahan yahy illaahbaa garanaayo illaah waxaan kabaryaa inta u dagaallanka dinta ay daacad katahy in illaah guuleeyo inta kasoo horjeeda kitabka allah in uu kor noqdo in illaah naga qabto amiin amiin amiin

  34. c/fitax axmed dool says:

    s/c horta waxan aqriyaay aqbaraatkihoray ay usoo qoren walahay SOMALIYEET lakin manta kuwii dowlada isku shegayay jeneraal dable dharka kadhigay layab uma arko oo illaahay ayaa fatexaynayo Bedalkodii in ayku noqdaan KUWO LAGUCIYARO umada wax halaqaybsadaan oo alshAB HATAAKERAN WASAS WARKAYGA WWW

  35. cali says:

    asc walala yaal horta mujahidin maxaa lagu noqda marka hore dadkaga unax oo unaxa riso waayo ninka galkee ku imanaya mati lama socoto markaa dagal xeeladay san ayay nu ubahanhay oo ah in somlidu heshis gaadho markaa cadaw gu wuka bixi wadanka markaa dadkaga inad lajihado muslini mo maha khilafka muslimintu mawanag sana galada aya kaa faa iday sankarta markaa markag galo lajihadid ayad mujahid tahay

  36. Waa ca says:

    Asc kolay waa bidca soo badatay ilaahay ha ka qabta saas baan dhihi lahaa kolay waa mushkila soo korortay

  37. axmed says:

    shiiq ilaaaahay habarakeeyo
    waxaan garabnaa anooka ahaa reer muqdisho nabadii oo uka shaqeeyay reer kismaayo in oo inooka shaqeeyo
    ilaahay hagarab kalo

  38. looyaan says:

    as.
    wadaadoow ba´mujaahidoow ba´maxaa magac iyo qadiyad la iska sheektay.war waa maxay dagaalka aan dhamaan iyo qilaafka aan dhamaan…….goormaa qabiil iyo is gaalaysiin laga gudbi doonaa…alloow sahal
    odayga turki jihaadku ogaadeeniyuu xaq ka yahaye hala aado.

  39. Yuusuf xasan says:

    Anga waxn oran laha shiiqu iyo wafdigisu wa arin laga noxo waayo waxa si kordi murug iyo fajaajic xaga shacabka iyadoo dici karto in dagaalo ay bilawdan

  40. Mohamed (Cawke) says:

    mar haddii uu waxan oo ciidana wato Nabadi ma muuqato

  41. Barni says:

    Sawiradaan waxay isoo xasuusiyeen horaantii 90naadkii kolkii Col Axmed Cumar Jees kii SPM martida ugu yimid Jeneraal Caydiidkii USC!!!

    Bal inta garasho lahooy xusuuso, iyo meeshii ku dambeysay hubkii Ina Cumar Jees iyo midka dharaartii dhaweyd ee Xasan Turki.. Cibroqaadasho ugu Filan Ahlul Caqliga.

  42. geele says:

    walaahi waan yabanahay nin baa yiri baa la yiri soo sagaaro ima barato,war caqligad la dihiine mee mujaahidka aad sheegaysaan yuu muhaahid u yahay ma is waydiiseen inuu dhiigiina uu lacag ku qaadanayo sida uu sheegay kelabka xasan aways ,kana wa munaafiqii dabka gadaal ka soo hurinayay,alshabaabna waa dameerada y iiraan wadato oo la yiri ku beera soomali shiico iyo takfiir iyo waxyalo kale oo xun.waa ashaaho beenlayaashii uu sheegay raage ugaas markuu sayidka caayay.marka dhaliyaroow waan la idin waalin oo madaxa la idinka cunin wax gaalo ah oo lala dagaalamayo soomaaliya m joogaan ilaa nimankaas ugaandhyska ah oo iyaguna meesha uu ku hayo shaydaanka wayn,oo ah arinka ugu wayn ee dgalkaan sii socod siin karta ,marka shaydaanka wayn haduu daacad yahay waxaa uu la heshiin lahaa jiniyadiisa yar yar e uu awalba u watay sida dooradu u wadato ilamaheeda,hadan waa khd cusub ii sii wadi karta dagaalka wayo ugaandhyskii baa yiri waxan ka sifaynayna miuqdisho alshabaab khawaarijta,marka waaxaa dhegta la iskugu sheegayaa sidee ayaa dhiiga ku noolayn ku sii socdaa waa tanoo arini faro ka baxadaye.ilaahoow soomaaliya adigaa lehe soomali beerkeeda bur cad isku mari oo ka qabo shaydaanadaan ii soo labisanaya shaar islaan iyo mid dineed oo iyaguba salada ay ku tukadaan qalbi aan deganayn oo is ilaalis ah.inkasta oo aan ogahay inay tan dhcayso oo ay mid tahay mid ka mid ah asbaabaha qiyaamha oo nabigu koray u sheegay SWC.

  43. geele says:

    walahi waan naxaa markaan arko naxariis darada lagula kacayo soomaalida,war miyaydaan ogayn in 1990 la idin saadaaliyay oo jaraaidyo cinwaan looga soo dhigay soomaaliya ama jiri doontaa 100 sano dabadeed,taas oo macnaheedu ahayd in nala rabo in nala baabiyo,waayo gaaladu oo yahuudu madax u tahay ma rabto jiritaankeena,sidaas daraadeed ayaa itoobiya mar walb ku andacootaa aniga kuwaan ayaa i baabin doona aakhirkayga mandiqadaana waa lag waayi doonaa wax haysta diinta ortodhokiska oo ay yahuuda iyo maraykanka ku beer nugaylsato.1996 waxaa la soo saaray qanuun oronaya wadankii is maamuli waayo 25 sano oo dowlad la,aan ahaada waa in xoog lagu qabsadaa.waxa hada badeena lo soo buuxinayaana waa arintaas mujaahidiin runa waxaa ah burcad badeeda ee hadaadba wax taagayraysaan burcad badeeda tageera waayo kuwaas dhiigiina ma cabayaan ee dadkaas dalkooda iyo dadkooda ku soo duulay oo sunta maalin walba ku shubaya badaheena ayay la dagaalamayaan.ee masakaxdiina ka saara shaydamadaan masiibada ah ee diinta islamka dhiiga dadka ku cabaya,oo hada sababay oo u sahlay galadii inay ku dhiiradaan oo caayaan nabigeenii suubanaa oo ay awalba ka cabsan jireen inay wax ka sheegaan.marka walaalayaal ha iska haleynina caqiidadiin suuban nabigu scw waxaa uu yiri qof walba waxaa uu maciisa noqonayaa qofka uu jecel yahay.sidaas daraadeed dhalinyarooy is ulaliya

  44. Allow umada kala qabo oo xaqa tusi waxan ilahay kabarinay na inuu wadankena nabad kadhigu oo majogi karno wadan shishiye allow wadan kena nabad kadhig maxamed Daud says:

    20/02/2011




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh. Xassan Turki oo lagu wado inuu Goordhaw soo gaaro Muqdisho
  2. Sh.Xasan Turki oo soo gaaray Degmada Afgooye
  3. Sh.Xassan Turki “ Dawladda Shariifku way ka Dartay”
  4. Sheekh Xasan DaahirAweys oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
  5. Sh. Xasan Turki oo ka soo Horjeestay Heshiiska Jabuti

Latest Headlines