Sh. Xassan Daahir “In Mujaahidiinta la mideeyo Qorshahaasi waa jiraa, Insha Allaahu waxna waa ka bilaabanyihiin”

Published on May 16, 2009 by   ·   12 Comments   ·   print

Sh Xasan Daahir AweysSheekh Xassan Daahir Aweys oo maanta Waraysi Dhinacyo badan taabanaya siiyay  Shabakadda Somalimirror ayaa sheegay in xiligani aysan Munaasab u ahayn inay Wada hadal la galaan Dowlada KMG ah, isla markaana ay Bilaabeen Midaynta Mujaahidiinta.

 

Sheikh Xassan Daahir Aweys oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Qorshaha in Mujaahidiinta la mideeyo Qorshahaasi waa jiraa, Insha Allaahu waxna waa ka bilaabanyihiin Is-kaalmeyntana waad arkaysaa waa la is-caawinayaa”

 

“Midda ka danbeysa ee ah haddii Cadowga Meesha laga saaro Umadda Soomaaliyeed waa in la isku keeno oo wax wada jir ah oo ay kaalin kuleeyihiin oo ay wada sameysteen oo ay wada Doorteen inay sameystaana Qorshahaasna waa Qorshe noo yaala”. Ayuu sii raaciyay Sheeekh Xassan Daahir.

Sidoo kale Sheekh xassan ayaa sheegay in Xiligani uu Dagaalkoodu ku wajahanyahay la Dagaalanka Ciidamada AMISOM, isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Waa iska muuqataa inay anaga naga soo horjeedaan, anaguna inta aan la dagaalami karno inaan la dagaalano waa iska waajib, Dagaalkayagu”.

 

Mar aanu weydiinay Gurmadyada u imaanaya Xisbul Islaam iyo Xarakatu Al-Shabaab ma waxay ka dhiganyihiin inay ka qeyb qaataan  Dagaalka ka socda Muqdisho, waxa uu yiri“Saas waaye Meeshii wax ka jiraan inay tagaan waa ku Khasbanyihiin awalaa na fiir fiirsanayn”.

 

Wareysiga Sheekha oo dhameystiran Inshaa Allah kala soco Wararka xiga ee Shabakada Somalimirror. 

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh.Xassan Daahir oo ka hadlay “Dilalka Qorshaysan, Xiriirka Shacabka &Mujaahidiinta iyo Dhagarta Cadawga”
  2. Sh.Xassan Daahir oo ka hadlay warka ka soo yeeray Yuusuf Indha-cadde
  3. Sh.Xassan Daahir & Sh.Shariif oo Lafilayo inay Khartuum ku Kulmaan
  4. Sh. Shariif oo shaaciyay inuu la hadlayo Sh. Xassan Daahir Aweys
  5. Axmed C/llaahi“waxaan jecelnahay Insha Allaahu in Goobihii Waxbarashada Dib loogu Noqdo”

Readers Comments (12)

  1. hassan says:

    xasan dahir ayaa sheegay in xiligani aysan Munaasab u ahayn inay Wada hadal la galaan Dowlada KMG ah, shiikha see camalkisa shalay bbc da waxuu ka lahaay in dowlada dagaalka soo bilowday mar ay wadahal ogolaadeen. shiikh became liar too

  2. Adoon Alle says:

    Ha la taageero hanna loo duceyo Mujaahidiinta, sababtoo ah hadey iyaga meesh ka baxaan Diinta Islaamka khatar ayey galaysaa, Ninkii lagu tashnayey ee Sh. Shariif ahaa wuxuu ku jiraa Xabsi weyn oo ay gaaladu kor ka ilaalineyso, xataa waxaa loo diidanyahay inuu muujiyo shucuurkiisa, waxaan hubaa inuu aad & aad uga xunyahay dhiigan daadanayo mana ka hadli karo damiirkiisa waxa uu qabo maxaa yeelay dhafoor ka ayaa dhaban cas looga hayaa sidii C/Laahi yuusuf oo kale, hadhowdiina marka laga gaaro danta laga lahaa wey tuurayaan, laakiin bishaareysta gaalada iyo ashahaado ladirir ayagaa quusandoono oo jabayo Insha-Allah

  3. Rooble says:

    Mashaa allaah.

    allaah waxaan ka baryaynaa inuu noo xifdiyo culimada khayrka iyo diinta mar walbe garab taagan sida sheekh xasan daahir,sheekh xasan turki, sheekh axmed cabdi godane,sheekh mukhtaar ,sheekh ibraahim afghan iyo sheekh dr cumar iimaan iyo kuwwo badan oo iyaga la mid ah.

  4. Osman says:

    Hassan Daahir, ilaah ka cabso oo aan kuu duceyno ee ummaddan masaakiinta ah dhibka ka daa, waxaad rabto waxaa haboon inaad ku raadsato si nabad ah adiga oo aan xabbad ridin dadna laaynin, ogow maalinta qiyaamo inaad imaan doonto adiga oo muflis ah oo dad badan dacwad kuu haystaan war ninyahow kiligaa ayaa qabri galayo ee intay goori goor tahay is daba qabo oo waanada walaalahaa, waalidkaa iyo culumada maqal

  5. samadoon says:

    Aar sheekha khayr alla ha siiyo muu talo is dil iyo dagaal dhaanta keeno,waa loo hanwaynaa laakiin sidii la moodayay noqon waa (Gorayo haad noqonwayday)

  6. Mujahid says:

    Allahu Akbar
    Walaahi Midowgiinu cadowga waa uga daran yahay dagaal kasta. Allaha idin waafajiyo
    midow aan khilaaf ka dambeyn

  7. Mujahid says:

    Allahu akbar
    Wallaahi Madaafiic waaweyn uga daran inaad midowdaan markay dacowgu maqlaan
    alaha idin waafajiyo

  8. Lii says:

    ASC——>dhamaan bahda somalimirror…..
    shiiq hassan dahir waxaan lee yahay xafiduhulah ilaahna hala garabgalo mideenta mujaahidiinta ilaahna guusha ha siiyo majaahidiintoo idil.——– wcm

  9. abo adam says:

    maansha allah . Sheekh xasan ilaahay ha xiftiyo waa sheekh almujaahid , siyaasi , cod kar , mabda’a iyo raganimo ilaahay u dhaliyay , waxaanan ilaahay uga baryayaa inuu xaqa waafajiyo marwalba aaaaaaaaaamiiiiiiiiiiin.

  10. faysal says:

    A/s??? ???? ?????? ??????
    waa wax aad loogu baahan yahay imanshaha col sh xasan turki iyo col sh xasan daahir waan filayaa waa dalaal wanaagsan oo ay wadaan siloomideeye mujaahidiinta marka laga reebo inta karkaarka weydaaratay ee koopiga iyo ashahaada ladidirka ugalay
    gurmadka kayimid jubooyinka waa wax loo baahnaa isugaynta awooda mujaahidiinta
    aad ayaan ugu faraxsanahay in lamiyeeyo mujaahidiinta sh xasan daahir iyo sh xasan turkin oo ah rag in badan usoo dadaalay umadaan waxaan karajaynayaa in ay xooga saaraan sidii loo midayn laha walaalaha mujaaahidiinta ah hal meel halmagac hal hogan loosameeyo si dadaka somaliyed looga badbaadiyo hagar aamada gaalada iyo kuwa lasaxtay ku soo wadaan oo lugu bixiyo dalaal dheedaar ah in aanay fursad uhelin ay ku gud biyaan dacwadooda baadilka ah ee walad cabdahal iyo gaalada midooday usoodhiibeen
    wabilaahi towfiiq

  11. Maxamed Jaamac says:

    Sharafta iyo wanaagu wuxuu ku jiraa midnimada (midow) Tafafaraaruqu khayr maleh, waad aragtaan waxa kataagan Falastiin markay noqdeen xarakooyih badan sida Fatax Islamic Jihaad Al xamaas iyo kuwo kaloo badan taas oo fursad siisay cadawgoodii Yuhuudda.

    Wabilaahi Towfiiq.

  12. Ali says:

    ALLAAHU AKBAR way jabeen gaalo iyo daba dhilifkeeda markii ay isku yimaadeen labo Xassan iyo Al shabaab ALLAAH ha idin mideeyo si uu cadowgu u quusto iyo calooshood u shaqeystayaasha ay ku shaqeystaan oo ka tagay diintooda iyo dadnimadooda.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh.Xassan Daahir oo ka hadlay “Dilalka Qorshaysan, Xiriirka Shacabka &Mujaahidiinta iyo Dhagarta Cadawga”
  2. Sh.Xassan Daahir oo ka hadlay warka ka soo yeeray Yuusuf Indha-cadde
  3. Sh.Xassan Daahir & Sh.Shariif oo Lafilayo inay Khartuum ku Kulmaan
  4. Sh. Shariif oo shaaciyay inuu la hadlayo Sh. Xassan Daahir Aweys
  5. Axmed C/llaahi“waxaan jecelnahay Insha Allaahu in Goobihii Waxbarashada Dib loogu Noqdo”

Latest Headlines