Sh. Shariif oo Saxiixay Go’aankii ku Dhaqanka Shareecada Islaamka

Published on May 13, 2009 by   ·   13 Comments   ·   print

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta markii ugu horeysay Qalinka ku duugay oo saxiixay Go’aankii Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka DKMG ah ku ansixiyeen Qaadashada ku Dhaqanka Shareecadda Islaamka.

Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ahi u qabteen Sheekh Shariif, Cumar C/rashiid iyo Aadan Madoobe ayaa lagu shaaciyay in Go’aankaasi uu saxiixay Sheekh Shariif, waxaana Goobta Shirka Jaraa’id uu ka Akhriyay Madaxa Xafiiska Sh. Shariif C/Kariim Xuseen warsaxaafadeed arintaasi la xiriira wuxuuna yiri:-

1- In Dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya lagu Maamulo oo lagu dhaqo Shareecadda Islaamka.
2- In Dib u Habayn lagu sameeyo Dhamaan Shuruucdda iyo Qawaaniinta Dalka lagana saaro wixii Khilaafsan Shareecadda Islaamka.
3- Fulinta Sharcigan waxaa u Xilsaaran Dhamaan Hay’adaha Dowlada gaar ahaan Wasaaradda iyo Hay’adda Garsoorka, waxaana laga soo saari doonaa Xeer Nidaamiye u gaar ah oo lagu Faah faahiyo Fulinta Sharciga.
4- Sharcigan wixii ka soo horjeeda ama aan la socon Karin waa la baab’iyay.
5- Sharcigan Wuxuu Dhaqan galayaa Marka uu Saxiixo Madaxweynaha, waxaana lagu soo saari doonaa Faah faahinta rasmiga ah ee Dowlada.
6- Fulinta Go’aamadan waxaa u xilsaaran, Ra’isul Wasaaraha.

Shariif Sheekh Axmed
Madaxweynaha Soomaaliya.

Shirkan Jaraa’id oo ay ka soo qeyb galeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Aadan Madoobe iyo Cumar C/Rashiid Cali Sharmaake ayuu Sheekh Shariif ku saxiixay Go’aankii Baarlamaanka iyo Xukuumadu ay ku Ansixiyeen in Dalka lagu dhaqo Shareecadda Islaamka.

Sheekh Shariif oo isna ka hadlay Shirka Jaraa’id ayaa ka sharaxay Ujeedka Shirkaasi wuxuuna yiri“Shirkaan Jaraa’id ama kulankan wuxuu ku aadanyahay Warqadii ku dhaqanka Shareecaddii Islaamka in la saxiixo Maadaama uu Gudoomiyaha Baarlamaanka soo gudbiyay ka dib markii ay ansixiyeen, Munaasabadeena taas ayay ku saabsantahay”.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa ku sheegay Go’aanka uu Maanta saxiixay ay tahay Hab Dastuuri ah inay wixii u Dhaqan galaan, isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Dadkaan waa Dad Muslimiin ah oo Shareecadda Islaamka Qof kasta oo Soomaali ah waa ku Qanacsanyahay, laakiin Hab Dastuuri ah inay wixii u Dhaqan galaan ayaa ujeedadu tahay loona soo marsiiyay Golaha Wasiirada ka dibna loo soo marsiiyay Golaha Baarlamaanka hadda wixii ka danbeeyana waxay Noqonaysaa Sharci Dalka ka hirgala, iyada oo markii hore la qori jiray Qodob kasta oo Shareecadda Islaamka ka soo horjeeda inuu khilaafsanyahay, laakiin hadda Fulintii ayay Noqonaysaa wixii ka danbeeya, waxaana lagu wareejin doonaa Insha Allaahu, Xukuumadda ayaana Fulin doonta oo uu Ra’isul wasaaruhu Madaxda u yahay, marka Munaasabadu taas ayay ahayd”.

Dagaaladda Muqdisho

Dhanka kale Sheekh Shariif ayaa ka hadlaya Dagaalada wali ka socda Magaalada Muqdisho wuxuuna ka yiri sida tan:- “Marka hore waxaan aad uga xumahay Dad Islaamnimo Sheeganaya Dagaal Xalkooda inuu Noqdo wixii Heshiiska lagu ahaa ee laga shaqeynayay waxay ahaayeen Dalkaan Nabadiisa in la soo celiyo, Dadka Soomaaliyeedna Fursad loo siiyo Nidaamka ay rabaan inay Doortaan laakiin hadan Nasiib daro waxaad Arkaysaa Dadkii inaysan u hogaansameyn Tacaaliimtii Islaama ama Amaradda Islaamka ee ah in laga fogaado Dadka Muslimiinta ah Dhiigooda in laga fogaado Khilaafka wixii Khilaaf ah ee yimaadana in loola laabto Kitaabka iyo Sunadda”.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Golaha Guurtida ku Dhaqanka Shareecada Islaamka ee Beelaha Daarood oo warsaxaafadeed ka soo saaray Xaalada Kismaayo
  2. Golaha Wasiirada DKMG ah oo isku raacey ku Dhaqanka Shareecada Islaamka
  3. Golaha Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka ee B/Daarood oo Looga Dhawaaqay Muqdisho
  4. Baarlamaanka KMG ah oo Ansixiyay Qodobka ku Dhaqanka Shareecada Islaamka
  5. Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay Go’aanka Xukuumada KMG ee Qaadashada ku Dhaqanka Shareecadda Islaamka.

Readers Comments (13)

  1. Abu Jacfar says:

    Umadu Waa in ay kala raacdaa labo qadiyad.

    1. Ma rabtaa Dowlad Islaam ah oo gaalada la dirirta oo aan Ogalaanin Sharciyada gaalada sida kan Qaramada midoobey Kana soo horjeesata danaha mareeykanka kana shaqeeyso sidii yuhuuda looga tirtiro guud ahaan dhulka islaamka gaar ahaan goobaha barakeeysan ee caalmaka iskuna furta dhamaan Wadamada Islaamka hal dowlad oo islaami ahna u sameeysa oo Xaruntiisu Noqoto Afqaanistaan Oo ah hooyada mujaahidiinta casriga soona celiso midnimada umadda islaamka ee xuduudka loo kala sameeyey loona sheegey ineet ajnabi kala yihiin (fadlan raac Urur diimeedka alshabaab hadeey rabto somali ha dhamaato laakin mabda’aas ma dhamaanayo ilaa umad islaam ah ay ka mira dhaliyaan Qofkii ku shahiidana janno qofkii noo laadan Cizzi iyo sharaf )

    2 Ma rabtaa Dowlad Islaami ah is la markaasna La mid ah Dowladaha ka Jiro caalamka islaamka Oo Gaalada (mareeykanaka) uu Raali ka yahey Una Hogaansata qawaaniinta caalamiga ah sida kan qaramada midoobey oo aan ka hor imaanin danaha Mareeyknaka oo ka shaqeeyso in jihaadka la joojiyo dadkuna ay iskaga noolaadaan nabad Yuhuuduna ay xasuuqdo Shacabka muslimiinta ah kuna sugnaadaan goobaha barakeeysan isla markaas aan laga hadli karin hadii kale qawaaniinta caalamiga ah aad jabisey Ugoow qawaaninta loo hugaansamayo waxaa ka mid ah In Aan Qofka zineesto ee soo guursadey aan dhagax lagu dili karin Gacamaha aan la jari karin sida uu Sheegey raizu wazaare sharWadde(fadlan raac Dowladda Shiikh shariif Oo isagu Ogaaldey Dowladaas si uu shacbiga Somaaliyeed u bad baadiyo …..Oo dhibaato ku soo jirey Mudo badan hadana aan u adkeysan karin in gantaalaha mareekanka ay gabaad u Noqdaan ..

    Dadku hakala raaceen labdaas Fikir Qoladii Dhankeeda loo bato ayaana Guuleeysan Doonto.. Laakin ma ahan in la isku daaliyo Dagaalka hala Joojiyo iyo wax aan waxba tareeynin

  2. firin says:

    .ilaahow shariifka qalbigiisa diintakusug oo uu kadhabee yo kudhaqankashareecada islaamka anaganadiinta nagu sug aamiin.

  3. Jiiqeey says:

    Waa beentii waxa uu rabaa inuuku mar marsiyoodo oo dagaalka looga joojiyo. Muxuu sugayay ilaa hadda haddii ay daacad ka tahay?
    Waa in la eryaa qashinka diin iyo dad midna
    ma kala jeclee.

  4. nasteex says:

    It’s Too Late mr President i am so sorry !!!!

    waxay ila tahay in lagu kala baxay , adeer maxaa ina yuusuf yeey loola dagaalamayay haddii adiguba aad villada madaafiicda gaalada kasoo gamaysid.

    within 2 days mr shariif waa khabaru kaana inshaa ALLAAAH , ALLAAH ha kudulleeyo muslimkaad damacday inaad khiyaanto waase isla kaa rogtay .

    but the question is .. baddii uu iibsaday tolow see loosoo celin , waar kani armuu nagu noqdaa ayax teg eelna reeb .

  5. cabdulqaadir says:

    anigu waxaan qabaa hadii ay nahay dad islaam ah waxaa inagu waajib ah in aynu diinteena siday tahay ugu dhaqano ayagoo la sharcigalineen imika ee ay markii horeba ahayd mid inagu faral ah oo ay ahayd inaynu qaadano shariciga ay diinteenu dhigayso
    hadaba waxaynu ognahay xaalka dadka islaamku inay meel kastaba ha ahaatee ay tahay mi hoosaysaa waxaan qabaa waxaa haboon inla raaco dawlad islaami ah oo ay ka run tahay islaamnimadeedu maaha mid imika markay mujaahidiintu dhagaha katumeen odhanaysa waxaanu hirgalinaynaaa ku dhaqanka shareecada islaamka taasi waxay u muuqataa inay tahay dawlad markay taagteedii aragtay gabood ay ku badbaado kadhiganaysa
    laakiin maanta waxaa muslimkaste ku waajib ah in uu la dagaalo cadawgiisa ama ha diir cadaado ama ha diir madoobaado waa mid ku waajib ah inuu ladagaalo taasi waa mid ay dhigayso diinteenu hadaba waxaan odhanlahaa hadaynu doonayno inaynu cizi ku noolaano ay u noqono diinteena iyo qawlka ilaahay iyo sunnaha rasuulka (NNKHA)

  6. deeq says:

    waxaan hambalyo u dirayaa shariifka inuu saxiixay ku dhaqanka shareecada islaamka ee somaliya taasoo ka dhigan in markuu saxiixay ka dib somaliya lagu xukumi doono sharciga islaamka,waxaanse jeclan lahaa inaan ku darsado qodobkan.
    shariif waa tee somaliyada aad u saxiixday sharciga oo aad doonaysid in laga dhaqan galiyo sharciga aad saxiixday iyadoo aan ognahay in 18kii gobol ee soomaaliya aad ka joogtig shabeeldda dhexe iyo dhawr xaafaddood oo xamar kamid ah,iyadoo boondheere dagaal ka socdo,iyadoo askari Uganda ah ama Burundi uu dhabarkaaga taagan yahay madaxtooyada soomaaliya dhexdeeda xiligga aad saxiixday sharciga uuna kaa ilaalinayo raggii sababta u ahaa inaad kursigan ku fariisato.
    maxaa ku soo beegay maanta oo dagaalku ku soo dhawaaday xarunta aad ka daggan tahay xamar inaad saxiixdo,ma lays oraankaraa waa beer laxawsi ama taageero ka raadin shacabka .
    sharciga alle uma baahna in la saxiixo iyadoo sharci ahaantiisa ay soo ogolaadeen baarlamaanka soomaaliya oo ay ka buuxaan ashahaaddo la dirir,iyo qolya adiga ku taageersan oo ku qanacsan oo kaliya inay yihiin xubin baarlamaan.
    waxaan talo kuugu soo jeedinayaa inaadan ku mashquulin waxaan soconayn waayo qofku markuu dhiman rabo marbaa jirta aan laga aqbalin toobadda marka si aad u heshid taageerdda shacabka waxaan kuu soo jeedin lahaa labaddan qodob.
    1-waa inaad waddanka ka saartaa ciidamadda shisheeye oo kaa ilaalinaya dadka aad u saxiixday sharciga maanta haddiiba aad awoodeeda leedahay.
    2-waa inaad mowqif cad ka istaagtaa oo baarlamaanka aad soo qoratay magacyadoodu diidaan heshiiskii wasiirka aad isu dhawdihiin la galay Kenya ee badda somaliya muranka galiyey aadna iska fogaysaa nimanka kugu xeeran ee dulaaliinta ka ah in somaliya aysan cagaheedda isku taagin.
    waxaan ugu danbayntii oran lahaa inaad axmed walad cabdalla iyo ismaaciil cumar geelle talada ka qaadatid waxaa ka hagaagsan adoo xasan daahir iyo raggii kale ee berri aad is taqaaneen ama shacabka soomaaliyeed guud ahaan talada wax ka siiya ee aan ku koobnaan dhawrka dilaal ee dhagta wax kuugu sheegga,
    waxaan raali gallin ka bixinayaa haddii aan adeegsaday erayo aad dhibsato.
    mahadsanid.

  7. caalim says:

    innaalilaahi wa innaa ilahay raajicuun
    waar waa gaalnimo kale .
    nimankan gaalnimadoodu ( shariif iyo kooxdiisu ) waxay bilaamantay maalintay saxeexeen hashiiskii dalka somalia lagu qabsanaayey ka hor waxaa nahay ku diinta kaga baxeen arimahan hoos ku qoran:
    1- waxaa ay soo raaceen gaaladii dalka ku soo duushay , sida murtadiintii , ethobian iyo amisom iyo kufriga caalamiga ah
    2- gaalada bari kamay noqon iyo kufrigaba
    3- waxay ku dhaarteen dastoor calmaaniya
    4- waxay adeeceen gaalada daacad mudlaqa .

  8. Hero says:

    Akhii Abuu jacfar fikirkaada markii la eego aad ayuu u wanagsan yahay laakiin fikirka aad ka qabto Alshabaab ayaa u arkaa in uu yahay midka xaqiiqda rasmiga ah aanan ku saleysneyn

    Alshabab iyo cid walba oo ku fikir ah ma hayaan wado la oran karo islaam ayaa loogu gargari karaa ama guul lagu gaari karaa waayo markii aan dib u fiirino dhaqankii islaamka iyo taariikhadii islaamka iyo sida ay muslimiinta u dhaqmi jireen Alshabaab meelna kama qaadanin. sheekh soomaaliyeed oo aan aad u jeclahay ilaahay kheyr ha siiyee ayaa marwalba uu wax aqrinayo wax uu dhahaa taariikhda islaamka ha la barto! waana runtiis waxan u baahanahay in aan barano taariikhda islaamka iyo sida ay asxaabtii iyo mujaahidiintii u soo halgamay islaamka u barano sida ay gaalada ula dhaqmi jireen iyo sida ay guulaha ku gaaneen. laakiin walalo yaan ninkasta oo muslim ah ee aaminsan in ay Ashabaab islaam wado loogu gargaaayo ayey wadaan runtii waa qof u baahan in uu islaamka wax badan ka ogaado.

  9. Run-sheeg says:

    Shariif asagaa khilaafka aabe u ah, fidnada maanta aloosanna asagaa beeray waayo asagoo hogaamiye ah ayuu maraykan dhagta wax ugu sheegay dabadeed asagoon cidna la tashan ayuun buu yiri Itoobiya waa walaalaheen, beesha caalamkuna waa aabaheen. Subxaanallaah.

    Hadana wuxuu bilaabay inuu shareecadda jeesjees ka dhigto. Bal ILLAAH baan idinku dhaarshee xagaynu ku aragnay shareeco Qanyare iyo Suudi Yalaxaw ay ansixinayaan ku dhaqan keeda Cabdi Qeybdiid iyo Ugaandhiisna waardiye ka yihiin. wallee Shariifoow hadaadan toobad keenin ood sidan ku dhimato waa laguu yaabaa ee is daba qabo.

  10. muslima says:

    subxanalaah wardadka yaa faray in ey dadka xisbiyaan sootaas alaah umataalo.

  11. um sundus says:

    asalaamu calaykum waxaan u dardaarmayaa 1)SHEEKH SHARIIF inuu ka dalbo kooxdiisa dagaalka inay joojiyaan ALLAAH DARTIINA uuna iclaamiyo asilm.si’uu fitnada u afjaro . 2)ASHABAAB IYO XIBUL ISLAMinay ALLAH DARTI inay u’iclaamiyaan asilm.si’aa fitnadan u afjartaan. waxaa ogtihiin asxaabtii rasuulka salallahu calayhi wasalam markuu ugu sheekaynayey alfitnal kubraa bayna saxaaba inuu sheegay calayhi afdalu salaati wasalaam LABO FI’O inay iska hor iman doonaan FI’ADA XAD GUDUBTAYNA AY DILI DOONTO CAMAAR BIN YAASIR, waxaan idiin sheegaya oon idinleeyahay iniga oo ah hooyo soomaaliyeed inaad isku manhaj tihiin iyo isku milada ma jecli inuu midkiina noqdo ALFI’A ALBAAQIYA ALLAAH KA CABSADA fitnada joojiya unaxariista ducafa dumarka caruurta in ILLAAHAY NAXARIISTO

  12. alle ubaahane. says:

    a/c.
    jihaad iyo afganistan caasimad ha u noqoto su’aal aan i waydiiyo ragga Alshabaabka raacsanow? ma qalbiga dadkaad ku jirtaan marka aad leedihiin qof muslim ahi hadal uu sheegay waa beentii mise qaybkaad wax ka ogtihiin waan ogaanay takfiirka cusub ee Alshabaab, yaa idinka idin aaminaya hadaad tiraahdeen shariifku waa beentiis sidee idinka idinku rumaysanaa subxaanalaah sow hawadiina maydaan raacin? hal ogaada ninka siomalida dhamaynayow ilaahay baa abuurtay mabda’ana isagaa soo dejiyey xabad ku gaarimaysaan fikirkina qaloocan mana aaminayno ee waa wax aad qaadaan ionshaa alaahu waxaa guulaysanaya qofkii daacada ay tahay caqiidadu.

  13. Sayid says:

    ASC

    Maantuu waashay shariifka oo ilaah amarkiisa suaal geliyey in uu ku dhaqmayo iyo in kale maadaama aan garaneyn awooda dadka uu sheeganayo oo ilaah oogu faanayo ?
    waa suaale maloo baahnaa in uu wax saxiixo ama laga doodo diinta ? anigu waxaan u qaadanayaa mid meel kadhac ah oo uu meel ooga dhacay dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah ma wuxuu mooday in uu diinta ku dhaqankeeda in ey isaga ku xirantahay ama ku xirneed anigu waxaan qabaa in maxkamad la soo istaajiyo marka la qabto oo sharciga la mariyo insha allah.

    ASC WW




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Golaha Guurtida ku Dhaqanka Shareecada Islaamka ee Beelaha Daarood oo warsaxaafadeed ka soo saaray Xaalada Kismaayo
  2. Golaha Wasiirada DKMG ah oo isku raacey ku Dhaqanka Shareecada Islaamka
  3. Golaha Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka ee B/Daarood oo Looga Dhawaaqay Muqdisho
  4. Baarlamaanka KMG ah oo Ansixiyay Qodobka ku Dhaqanka Shareecada Islaamka
  5. Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay Go’aanka Xukuumada KMG ee Qaadashada ku Dhaqanka Shareecadda Islaamka.

Latest Headlines