You need flash player
Isu soo baxani Roob Doonka ah ee Maanta ka dhacay Gudaha Degmada Rabdhuure ee gobalka Bakool ayaa waxa uu ahaa mid ay ka qeyb qaateen boqolaal dadweenaha oo Degamadaasi ku dhaqan.
Waxaa dibad baxiyaashu markii danbe ay isugu tageen Barxadaweyn oo kutaala duleedka Degmada Rabdhuure ee Gobalka Bakool.halkaasina lagu tukaday laba rakcadood Alle Bari ah.
Guddoomiyaha Degmada Rabdhuure ee Gobalka Bakool oo dadka Deegaanka ay doorteen Sheekh Maxamed Kheyr Salaad ayaa waxaa uu sheegay in isu soo baxa Degmada ka dhacay ay kasoo qeyb galeen dhamaanba dadka Degmada.
Waxaana intaasi uu ku daray Kheekh Maxamed in sidoo kale maanta lasoo fasaxay dhamaanba Ardeyda wax kabarata Dugsiyada kala duwan ee degmada Rabdhuure.
Hase yeeshee dibad baxani Roob Doonka ahaa ee Maanta ka dhacay Gudaha Magaaladasi ayaa uu imaanayaa xili halkaasi ay ka jirto dhibaatooyin Xoogan oo dhanka abaara ha ,sidoo kale xili roobaadka sidii lafilayey halkaasi aan uga da’in.
Si kastaba ha ahaatee waxaana intii Alle bariga uu socoday dadkii ay ku tukadeen barxada ay isugu tageen laba rakacadood oo Alle ay kaga baryayeen in dhibaatadan uu kasaaro dadka tabaaleysan.
Related posts:
Name (required)
Email Address (required)
Website (optional)
Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.