Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed ee Yurub

Europe ContinentWaxaan halkan idinku soo gudbineynaa Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Yurub kaas oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Shabakada Somalimirror, waxa uuna bayaankan ka hadlaya arimo badan basle ay ugu muhiimsan tahey arrinta Saxiixa badda ee dhex maray DKMG ah iyo Kenya & dagaalka ka socda Muqdisho.

Bayaanka oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidatan ee ka bogasho wacan.

Ka: Jaaliyaadka Soomaaliyeed ee ku nool Yurub

Ku: Hay’adda Culimada, Bulshaoweynta Soomaaliyeed, Aqoonyahaniinta, Ururrada Islaamiga ah, Golaha Wakiillada DFKMG, Golaha xukuumadda DFKMG, Madaxweynaha DFKM, Dalalka Yurub gar ahaan Norway.

Annagoo ah jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool waddamada Yurub wada tashi iyo iska xog wareysi ku saabsan marxaladda adag ee dalku marayo kadib, waxaa noo muuqatay in aan soo saarno bayaankan ku wajahan dhammaan qeybaha kala geddisan ee bulshada Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadaha ku kala maqan.

Walaalayaal sida aynu wada ogsoon nahay ilaa iyo labaatan sano ku dhowaad waxaa nasiib darro iyo talo xumo teenna ah, ku maqan qarannimadeennii, iyadoo booskeediina ay galeen walxo aanan badiil ka noqon Karin sida; qabaa’il xintamaya oo galay booski qarannimada & ummadnimada, goboleysi galay booskii dalka, kala daadsanaan gashay booski midnimada & isku duubnida, arrimahaas ayaa waxay soo jiiteen faragalin, isku halleyn & ku tiirsanaan shisheeye aanan dooneyn inay Soomaaliyi mar kale cagaheeda isku taagto. Arimahaas & kuwo kale oo is biirsaday, muddo dheerna soo jiitamayay waxay sababeen annagoo ku ceebeysan inaan soo ceshan weynay qaranimadeenni iyo sharafkeenni ummadeed.

Dhibaatooyinkii ugu waaweynaa ee laga dhaxlay intii aynu ku jirnay is dhex yaaca & kala daadsanaanta waxaa tusaale ahaan laga xusi karaa:-

B) Burbrur baahsan oo ku yimid guud ahaan dalka, gaar ahaan ilihii wax soo saarka dalka iyadoo la baabi’iyay gabi ahaan kaabayaashii dhaqaalaha.

T) Dalkii oo lagu aasay sumo halis ku ah jiritaanka noolaha kuwaas oo isugu jira walxaha kiimikada ah iyo haraadiga hubabka halista ah ee ay sameeyaan dalalka horumaray, kuwaas oo berriga iyo baddaba ay ku aaseen shirkado maafiya ah oo ogolaansho ka helay shakhsiyaad nala wata magaca Soomaali.

J) Waxaa ogolaansho aan sharci aheyn la siiyay sharikaad & maraakiib shisheeye oo ka jillaabta baddeenna, kuwaas oo muddadaas dheer geystay jariifid baahsan oo isugu jirta xayawaan badeed & khayraad kale oo ay daabusheen xisaab la’aan.

X) Waxaa la xaalufiyay geyigii waxaana ka dhashay nabaad guur ku yimid qeyb kamid ah keymihii xooluhu ku dhaqnaan jireen ugaadhuna ku maadan jirtay, iyadoo keymahaas la dhuxuleystay loo dhoofshay dalal shisheeye oo deris iyo kuwo durugsan isugu jira.

KH) Waxaa muddadaas dheer dalka ka socday xasuuq iyo gumaad aad u daran oo ka dhashay dagaalladii ay isaga soo horjeedeen qabqablayaashii ujeeddo la’aanta isu dirirayay, iyadoo dhibka ugu weyna uu had iyo goor ku dhacayay shacabka aan waxba galabsan ee awood ay isku difaacaan & mid ay ku baxsadaan toona aanan heysan.

D) Waxaa laga ganacsaday hilbihii culimada iyadoo waqtiyada qaar ay wax caadi ah noqotay in, in-dheer garadka & dadka ummadda indhaha u ah loo iib geeyo dalal shisheeye oo ay ugu horreeyaan Itoobiya iyo Mareykan.

R) Waxaa iyana dalka la keenay quwado shisheeye oo dalka ka geystay xasuuqii ugu ba’naa abid, iyagoo shacabka u geystay gumaad aad u baahsan oo naf, maal & sharafba leh.

S) Dhibaatooyinkaas aan xusnay oo ka badan wax la tiring karo ayaa waxaa dhowaan ku soo biiray, in DFKMG ah ay dhowaan muran gelisay dhul-badeed ay Soomaaliya leedahay, iyadoo DFKMG ah dalka Kenya u saxiixday heshiis (Memorandum of understanding) la mid ah kii ay 1967kii Kenya ku xalaashatay gobolka NFD, dhul badeed ay baaxaddiisu dhan tahay 116.000km² , iyadoo aysan jirin sabab iyo maslaxad dhow ama dheer oo ku baaqeysa in qeyb ka mid ah dalkii loo saxiixo dal kale, Haddii wax kasoo xasilaanna, waxa kaliya ee kasoo baxaya uu yahay, dhibaato si isku mid ah u saameysa faca maanta nool iyo jiilasha soo socda.

Annagoo ah jaaliyaadka Soomaaliyeed ee dalalka Yurub, waxaan u aragnaa in heshiiskaasi yahay mid arax jabin ku ah danaha ummadda, annagoo u aragna in sheshiiskani markuu ugu yaraado in uu yahay mid aan laga fikirin, loo kitaab dayin, kuna dhacay khibrad la’aan, ka fiirsi la’aan, ula laabasho la’aan hay’adaha leh ka go’aan qaadashada arrintan iyo wax aan la hubsan oo la iska saxiixay, kaasoo haddaanan degdeg looga daba tagin cawaaqib xumo ku keenaya mustaqbalka dhaqan dhaqaale ee dalka iyo dadkaba.

Haddaba annagoo aad uga damqaneyna kana soo horjeedna guud ahaan dhibaatooyinka tira-beelka ah ee isaga dambeeyay ummadda Soomaaliyeed waxaan ku baaqeynaa:-

Baaq

1) Inay Soomaali si wadajir ah Rabbi ugu towbad keento, Ilaahayna ka tuugto in uu ka dulqaado musaa’ibtan ku dabada dheeraatay.

2) Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ee xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho waxaan ugu baaqeynaa in ay dadaalkooda labalaabaan kana gilgishaan dhibaatooyinka taagan gaar ahaan bixinta dhulbadeedka Soomaaliyeed iyagoo ku darsanaya howl maalmeedkooda wanaag faris iyo xumo reebis caddeynayana waxa sharciga Alle ka qabo arrintan.

3) Waxaan ugu baaqeynaa golaha wakiillada (Baarlamaanka) in ay si degdeg ah uga fariistaan bixinta dhul badeedka Soomaaliyeed, iskana fogeeyaan kana soo horjeestaan heshiiskaas lagu hagardaameynayo ummadda soomaaliyeed, haddii kale ay ku talagalaan in aamuskooda uu ka dhigan yahay in ay godobta wax ka wadaagaan.

4) Annagoo u mahad naqeyna xubnaha baarlamaanka iyo xukuumadda ee mowqifka wanaagsan iska taagay arrintan waxaan sii adkeyneynaa in dadaalkaas lasii wado annagoo ku baaqeyna; in haddii qeyb kamid ah golaha wakiillada ay ka caga jiidaan wax ka qabashada arrintan in ay inta kale mowqif cad oo wadajir ah iska taagaan, iskana bari yeelaan gefkan taariikhiga ah xiriirna kala sameeyaan golaha qaramada midoobay si aanan loo diiwaan gelin sheegashada Kenya ay ku dooneyso qeyb dalkeenna ah.

5) Waxaan ugu baaqeynaa xukuumadda wasiirkeedu saxiixay heshiiskan in ay ka qaataan mowqif sharafeed mideysan, kaas oo u qalma halista heshiiskan ku yahay mustaqbalka dalka iyo dadka, haddii kale mas’uuliyadda wax bay ku yeelanayaan.

6) Madaxweynaha u dhaartay ilaalinta & daaficidda masaalixda ummadda waxaan ugu baaqeynaa in uu meel cad iska taago mu’aamaradan lagu milki guurinayo dhaxalka ajyaasha dambe, kana soo saaro go’aan mas’uulnimo oo ummaddu gareysan karto.

7) Waxaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dal iyo dibad ugu baaqeynaa in ay fadhiga iskaga taagaan sidii loo baajin lahaa dhulkaas Soomaaliyeed ee saxiixa qaldan ku baxaya, iyagoo si midnimo leh u abbaaraya hey’adaha & dalalka faraha kula jira arrintan,si aan uga badbaadno in xaqeenna aamusnaan lagu qaadan.

8) Waxaan si gaar ah aqoonleyda, gaar ahaan culimada, garyaqaannada, mutakhasisiinta aqoonta durugsan u leh cilmiga badaha, siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee dalka soo maamushay ugu baaqeynaa in ay arrintan wax ka qabashadeeda ku bixiyaan dadaal dheeri ah, si loo xiro albaabka damaca shisheeye, si aan dalka jumlo iyo tafaariiq toona loogu qaadan.

9) Walaalaha ku diriraya magaalada Muqdisho waxaan ugu baaqeynaa in ay khilaafaadkooda dhinac iska dhigaan kuna midoobaan diinta Alle iyo danta ka dhaxeysa, xooggoodana u jiheeyaan sidii ay u dhicin lahaayeen dhulkaas sida xaqdarrada ah la inooga qaadanayo. Waxaan walaalaha is haya xasuusineynaa in daadinta dhiigga muslimku ay xaaraam ku tahay kitaabka Alle iyo sunnada nabiga s.c.w. sidaas aawadeed waxaan ugu nasexeynaynaa inay la yimaadaan Alle ka cabsi iyo isu turitaan si loo badbaadiyo hambada ka hartay dhiigga Soomaaliyeed ee aan daadin dambe u baahneyn.

10) Waxaan sidoo kale ku baaqeynaa in la joojiyo dilalka qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanayo haldoorka ku jira bulshadeenna, arrintaas oo si dadban ugu adeegeysa danaha cadowga Soomaaliyeed, ahna godob sokeeye & musiibo saameynteeda xun leh.

11) Si xal waara loo gaaro waxaan garabyada isku haya Muqdisho ugu baaqeynaa in is af garan waagooda ay ku maareeyaan wadahadal, maadaama diinta, dalka, danta iyo taladuba ay ka dhaxeyso, isuna tanaasulaan.

12) Dalalka EU-da & guud ahaan reer galbeedka gaar ahaan dalka Norway waxaan ugu baaqeynaa in ay ka waantoobaan faragelinta ay ku hayaan Soomaaliya, annagoo Norway ku boorrineyna inaysan xumeyn xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay Soomaaliya, xasuusineynana in qeyb muwaadiniinteeda ka mid ah ay kasoo jeedaan Soomaaliya, kuwaas oo ka qeybqaata horumarinta & tayeynta wax soo saarka dalkeeda, aysanna ka mudneyn in ay Norway ugu abaal guddo in ay u dabamarto dalkoodi hooyo iyadoo u gacan gelineysa dal markii horeba inaka heystay dhul aanan wali laga heshiinin.

13) Waxaan sidoo kale Soomaalida ugu baaqeynaa inay u midoobaan sidii ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan looga saari lahaa dalka sida ugu sahlan uguna dhibaato yar, kuwa hor lehna aanan la keenin, maadaama aysan jirin cid ay ku kala dhex jiraan, xaqna aysan dalka u iman dan Soomaaliyeed, qeybna ka yihiin mushkiladii jirtay iyo tan haatan taaganba, si ay suuragal u noqoto in Soomaali arrimaheeda xallisato iyada oo aanan loo dhaxeyn.

14) Waxaan cambaareyneynaa burcad badeedda jidgooyooyinka dhigtay baddeenna ee dhibaatada aan yareyna ku haya socotada badda ku safreysa, kuwaas oo magaca Soomaali meel ka dhac weyn ku sameeyay, isla markaana si dadban dalka ugu casuumay quwado shisheeya oo imaanshahooda ay ka dhalan karto khatar dheeri ka ah intii aan soo sheegnay.

Waxaan Alle weydiisaneynaa in uu naga dulqaado dhibaatada, quluubta ummadda Soomaaliyeed iyo inta muslimiin ahna isu soo dumo.

Bayaankan waxaa lagala soo xiriiri karaa:

1) Inj. C/Qani Qorane Maxamed

abdiqanim@hotmail.com

Tel: +45-5130-8306/+447908102221

2) Garaad Ciise Soofe

Duran600@yahoo.com

Tel: +45-52530105

Magacyada saxiixayaasha bayaanka

1) Dr. Maxamuud C/Raxmaan

2) Inj. Axmed Jibriil Cabdi

3) Xasan Xaaji Cilmi

4) Abdisalaam Yusuf Xassan

5) Isse Axmed Xuseen

6) Cali Shire

7) Cabdillaahi Geedi

8) Jamaal Yuusuf Nuur

9) Shariif Siyaad Ciye

10) Sh. Cabdullaahi Maxamed Maxamuud

11) Cabdillaahi Coscin

12) Dr. Cabdillahi Siciid Qeylo

13) Eng. Maxamuud Saalah

14) Raage Axmed Maxamuud

15) Maxamuud C/Raxmaan

16) Barre Maxamed Fiidow

17) Gaboobe Cali Hiirad

18) C/Rashiid Diiriye Cali

19) Axmed Ismaaciil Maxamed

20) Garaad Ciise Garaad Soofe Duraan

21) Daahir Cali Cigaal

22) Faarax cali Biixi

23) Liibaan Macallin

24) Bile Yuusuf Cabdille

25) Safiya Faarax Aadan

26) Axmed maxamuud Cali

27) C/Raxmaan Axmed maxamuud

28) Sakariye Axmed maxamuud

29) Suhayb Axmed Maxamuud

30) C/Laahi Axmed Maxamuud

31) Farxaan Gaboobe Cali

32) Maxamed Gaboobe cali

33) Cali Cabdi Yuusuf

34) Maxamed Taraale Cali Nuur

35) Axmed C/raxshiid Diiriye

36) Yaxye C/Rashiid Diiriye

37) Ayuub C/Rashiid Diiriye

38) Maxamed Cali Sigad

39) Sh. Xasan Barre Diiriye

40) Bashiir C/Casiis Maxamed

41) Maxamed C/Razaaq Maxamed

42) C/Naasir Axmed Khaliif

43) C/Raxmaan Maxamed Aadan

44) M. Jaamac Faarax Xirsi

45) hirwac C/Laahi Aadan

46) Siyaad Cabdi Balal

47) C/Laahi Ciise Oog

48) C/Razaaq M. C/Raxmaan Sanweyne

49) Fumo Maxamed Nuur

50) Axmed Salaad Balal

51) Mxamed Yuusuf Ciise

52) Zakariye C/Laahi Aw-Jaamac

53) Maxamed Yuusuf Aw-Jaamac

54) Dr. Cabdi Faarax Cali (Taano)

55) Ij. C/Fataax Cali Xirsi

56) S gal Maxamed faarax

57) Nasra Maxamed Khaliif

58) Maxamed xasan Warsame

59) AVV. Axmed-Haadi Muxumad Axmed

60) C/Kariim Xirsi Salaad

61) Cand. Agro. C/laahi M. Xasan

62) I nj. Maxamed Cali Cibaar

63) S h. Maxamed C/laahi C/Nuur (Casoowe)

64) Imaam Rashiid Cabdi Guraa

65) Maxamed Sheekh faarax

66) Faarax Khaliif Xasan

67) Siraad Xuseen Guuleed

68) C/Laahi Axmed Jaamac

69) Mahad C/Laahi Axmed

70) Cumar Axmed Aadan

71) Cismaan Xuseen Cali

72) Cali Cabdi Maxamed

73) C/Casiis Maxamed warsame

74) Abuubakar Sheekh Jaliil

75) Sh. C/Raxaan Axmed Cilmi (Abyad)

76) C/Raxmaan Xuseen Cige

77) Maxamuud Cali Ducaale

78) Abdi Shire Cabdulle

79) C/Raxmaan Maxamuud Faarax

80) Ashkir Maxamed Weheliye

81) C/Raxmaan Aadan Burburshe

82) Cismaan Xuseen Ismaaciil

83) Safiyo Muuse Maxamuud

84) C/Fataax Barre Maxamed

85) Maxamed Xaaji Maxamuud

86) Sacdiyo Cali Xasan

87) Faadumo Cali M’ed

88) C/Rashiid Aadan Cumar

89) C/Qani Barre Maxamed

90) Sacdiyo Barre Maxamed

91) C/Raxiim Ibraahim Aw-Salaad

92) Ibraahim Jaamac Cali

93) Inj. Cali Jaamac Xuseen

94) Inj. Mustafa Jaamac

95) Maxamuud Haybe Xasan

96) C/Laahi Warsame Xasan

97) Prof. C/Qaadir Cismaan Faarax

98) C/Raxmaan Shaafici Khaliif

99) Sahra Barre Maxamed

100) Faarax Maxamuud Cabdi

101) Liibaan Xasan Cali

102) Asad Xasan

103) Inj. C/Qani Qorane Maxamed

104) C/Naciim C/naasir Galadh

105) Amiir Cadbi Maxamed

106) Cilmi Cali Abtidoon

107) Maxamuud Maxamed Siciid

108) C/Wali Baashi Xasan

109) Yuusuf Ramiil

110) Cali Cismaan Ciise

111) Cimi Cabdi Cilmi

112) C/Laahi Cilmi Xasan

113) Cali Daahir Ugaas

114) C/Rashiid Cali Geesood

115) C/Laahi Maxamed Cumar

116) Faysal Maxamed Cali

117) C/Raxmaan Cali Xasan

118) Faysal Maxamed Xirsi

119) Abuubakar Jaamac

120) Muuse Faarax Jaamac

121) Axmed-Naasir M. Xasan Xirsi

122) Dayib cali Aadan

123) C/Laahi Aadan Ciid

124) Xuseen Cali Kulmiye

125) Nuurre Faarax Siidow

126) Liibaan Maxamed Xaaji

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

5 Comment(s)

  1. aqoon aya luntay ma soomlibaa aqoon yahano qabto waaba la yaabay, aaway aqoonyahanada aaway wadaadada aaway dadkii wax tari laha somliya malahan wax aqoon yahan ah dhamantood waa dad aan waxba aqoon oo aan diintoona laheyn shiiqa ugu weyn kooda waxban bartay leh waa tuugo aan alahooda aqoon waa cilmaaniyiin dhiiga dadka baneystay …

    runsheeg | May 13, 2009 | Reply

  2. Asc

    Waa bayaan aad u wanaagsan kuna soo soo beegmay xilligiisi, walaalaha soo saaryna waa dadaaleen ee ilaahay qolada lala halaayo ha ku toosiyo.

    Badda la bixiyay in mar hore laga hadlaa la rabay

    Muxyaddiin | May 13, 2009 | Reply

  3. asalaamu calaykum
    waa arinfiican ama bayaan muhiim ah runtiina larabo in qofwaliba kaqaato ama kagaysto talaabo fiican waayo waa mustaqbalkii wadan ka o kusugan mudi ama galay xaalad aan laga waramikarin
    laakiin cinwaanka waxaa laguqorya culumada ama aqonyahan ka yurub laakiin hal qof ah kama garanin !!!!! malaha kumajiraan wax reer uk ahi ? ama intii aan aqaano ?

    xaqdoon | May 13, 2009 | Reply

  4. Run sheegoow waxaad qortay waa lagu waydiin maalinta qiyaame hadaadan toobadkeenin ee diyaarso waxaad isku difaacilahayd

    Axmed | May 13, 2009 | Reply

  5. asc.
    waa nasiib daro in dad aan masiirka somalida katalin karin oo wax garad ahayn ay masuuliyada somaliya hogaankeeda qabtaan sida kuwa maanta agaasimaya arimaha somaliya ee cadawga dalku usamaysteen inay u agaasimaan arimaha somaliya.

    dibaatooyinka aay dalka soo gaarsiiyeena waxaa ugu yar midaan badda waxay iibsadeen kuli inta badan ee safaaradihii somaliya ee maamulkii kacaanku dhisay ilaahay haka abaal mariyee.

    kuwaan aboorka kunoqday wixii somalidii aan horumarsanayn samaysatayna a ogaadeen inay taariikhdu xusi doonto haday badaw nimo usameeyeen iyo hadii kaleba.

    kenyana waxaan leenahay waxaaba aan laguu daynayn NFD ee inaad badayada soo hungurayso kuu cuntami mayso waana cadaawad aan waxba kuugu qabsoomayn ee aad natustay uun in aan iska kaa celino.

    waad na ku guul daroobaysaa talaabadaa aad lakaashataya mafiyada somalida hada hor boodaysa ee uu ugu horeeyo SAFIIRKA KENYA NINKA SHEEGTA.

    dr.boss double | Mar 6, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo