Yaa Gar leh: Dowladda Ku Meelgaarka ah iyo Xoogagga Iska-caabinta Islaamiyiinta
By SomaliMirror on 12 May, 2009 7:54 PM in Maqaallo, Siyaasadda
Qore: Dr. Maxamuud C/Raxmaan – Leicester, UK, 08/05/09
ilaak@hotmail.com
1. Gogolxaar
Dhibaatada iyo musiibada ku habsatay ummadda Soomaaliyeed waxay maraysaa marxaladdii ugu xumeyd. Waxaa isku dhafmay diin, siyaasad iyo dagaal-oogenimo. Waxaa ayaan darro ah in maanta nabadda ummaddii dhibbanayd LABAATAN-ka sano, ay lug jiidayaan islaamiyiinta iyaga looga fadhiyey xalka ummadda Soomaaliyeed kadib markii uu soo afjarmay xilligii dagaal-oogayaasha dhiigmiiradka ah. Waxaa yaab leh in mar kasta oo ay muuqato bidhaan rajo, nabadda iyo xalku sii ragaadmayaan. Waa markii ugu horreysay ee taariikhda ummadda Soomaaliyeed iyo tan caalamka islaamka oo dhan ay xukuumadda iyo mucaaradka ka soo horjeeda labaduba ku wada abtirsadaan dhaq-dhaqaaqa islaamiyiinta. Marka laga reebo hubka ay heystaan beelaha soomaaliyeed, waa markii ugu horreysay ee taariikhda soomaaliya ay noqdaan kooxaha keliya ee hubaysani garabyo ka kala tirsan islaamiyiinta kana wada tirsanaa muddo kooban ka hor midowgii maxkamadaha.
Way adag tahay in qormo laga sameeyo dhacdooyinka siyaasadeed ee wadanka maxaa yeelay qoraal kasta wuxuu qiimo beelayaa inta aan la faafin xowliga dhacdooyinku ku socadaan derteed. Qormadaan kooban waxaan ku falanqeyn doonaa haddii Rabbi idmo dhacdooyinka saldhigga u ah herdanka siyaasideed ee u dhexeeya garbaha islaamiyiinta ku loolama wadanka, gaar ahaan gobollada koonfureed.
Sida la wada ogyahay waxaa lagu soo dhisay Jabuuti, dowlada ku meel-gaarka ah ee hadda jirta oo kulminaysa garab ka mid ah isbahaysiga dib u xoreynta ee lagu aasaasay Eritrea oo uu madax ka ahaa Sh. Shariif Sh. Axmed iyo dowaladdii ku meel-gaarka ahayd ee uu markaas hogaaminayey Col. C/Llaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde. Sh. Shariif oo ahaa hoggaankii hore ee Maxkamadihii midoobay ka hor intii gumeysiga Ethiopia uusan dalka qabsan (ka hor dabayaaqadii 2006-da), waxaa u suurto gashay in uu noqdo madaxweynaha dowladda ku meelgaarka ah ee hadda jirta.
Waxaa muuqata in dadweynaha soomaaliyeed oo uu dilooday dagaal, abaar iyo cudur labaatankii sano ee u dambeysay in ay aad usoo dhoweeyeen dhisidda dowladdan laba sababood aawadood:
i) iyada oo ku andacoonaysey in ay heshiis iyo si nabadgelyo ah ku saareen cadowgii Ethiopia ee wadanka qabsaday,
ii) iyo iyaga oo islamarkaasna doonaya in ay wadanka ku dhaqaan shareecadda islaamka.
Dhanka kale waxaa iyagu si ba’an uga soo horjeestay Midowga Maxkamadaha garabkii uu hogaaminayey Dr. Sh. Cumar Iimaan iyo dagaalyahannada la baxay “Al-shabaab” iyo garabka isbahaysiga dib u xoreynta ee uu hogaamiyo Sh. Xasan Daahir Aweys. Xoogaggan oo la oran karo waxay ahaayeen xoogaggii dagaalka hubaysan kaga soo horjeeday cadowga Ethiopia ee dadka iyo dalkaba gumaysanayey. Xoogaggan oo ku caanbaxay in loo yaqaan “muqaawamada” ama “iska caabinta” iyagu aad ayay uga soo horjeesteen dowladda ku meelgaarka ah ee uu shariifku horkacayo dhowr sababood dartood:
i) iyada oo heshiiskii Jabuuti uu dhiciseeyey guulihii ay xoogagga iska-caabintu usoo hoyiyeen dalka iyo dadkaba, islamarkaasna u suurto geliyaan Ethiopia in ay siiyaan weji sharaf leh oo ay ku andacooto in ay dalka kaga baxday. Waxay aaminsan yihiin in xaqiiqdu tahay in cadowgu faraha kaga gubtay dhimbilaha xanuunka badan ee kaga imaanayey xoogagga iska-caabinta uuna ku jiray saacadihiisi ugu dambeeyey, guushu dhoweyd, isla markaasna taageeradii dhaqaale ee uu ka helayay dowladaha shisheeye soo wiiqantay isbadellada siyaasadeed ee ka dhacay Maraykanka iyo meelo kale awgood.
ii) iyada oo ay heshiiskii Jabuuti uu ku salaysan yahay heshiisyo hoosaadyo qarsoon oo ka dhacay Kenya (Nairobi) oo ay wada galeen Sh. Shariif iyo safaarado anjabi ah oo ay ugu horreyso safaaradda Maraykanka iyo safaaradaha reer galbeedka ee ku sugan Kenya, heshiisyadaas oo aan ilaa iminka la ogayn xogtooda. Iyada oo heshiiskan ay ka soo shaqeysay UN-ka gaar ahaan ergeyga Soomaaliya u qaabilsanaa ee Waldou Abdallah isla markaasna xoogagga muqaawadu u arag in UN-ka iyo dowladaha reergalbeedka ahi wax wanaag ah u hayn una wadin ummadda Soomaaliyeed.
iii) iyada oo dowlada Sh. Shariif ay daraf asaasi ah ka yihiin xubnihii iyo barlamaankii ka tirsanaa dowladdii C/laahi Yuusuf iyo Nuur-cadde oo iyagu ahaa kuwii waddanka soo geliyey gumeysiga, aysanna suurto gal ahayn in lala midoobo. Waxaa intaa sii dheer in dowladdani ay dhaqan gelinayso isla dastuurkii dowladdii ku meel gaarka ahayd ee hore oo dhammaan dadkoo dhami culimo iyo caamo isku raacsanaayeen in uu caar iyo baadba ka hor imaanayo mabaadi’da diinta islaamka – su’aashuna waxay tahay goormay hal xaaran ahi dhali jirtay nirig xalaal ah?
iv) in ay sii wadi doonaan muqaawamada inta dalka ay ku sugan yihiin ciidamada shisheeye ee AMISOM oo u yimid waddanka garabsiinta iyo taageerada cadowgii Ethiopia isla markaasna aan ku imaan rabitaanka ummadda soomaaliyeed iyo maslaxadeeda doota.
2. Xaaladda Cakiran ee dalku marayo:
Dhibaatada ugu ba’an ee hadda waddanku khatar colaadeed iyo dagaal qarxa qarka ugu saaran yahay waxay ka dhex muuqataa darafyada islaamiyiinta ee ku kala jira dowladda ku meel-gaarka ah iyo xoogagga iska-caabinta. Qaddiyadaha ugu muhiimsan ee ka dhex aloosan darafyadaan waxaa lagu soo ururin karaa:
I. Hirgelinta shareercadda islaamka. Cadaadis badan oo kaga yimid dowladda dhanka hay’adda culimaada Soomaaliyeed oo aasaasantay March-tii lasoo dhaafay ee sanadkan 2009, dowladda ku meelgaarka ahi waxay baarlamaanka ka ansixisay ku dhaqanka shareecadda islaamka, inkasta oo la tibaaxayo in weli Sh. Shariif ka caga jiidayo saxiixidda sharcigan si uu u fulo. Waxaan la inkiri karin in aysan weli muuqan tallaabooyin deg-deg ah oo wax ku ool ah oo ay dowladdu horey u qaadday si ay uga dhabeyso hirgelinta qodobkan ku dhaqanka shareecada islaamka tan iyo intii baarlamaanku ansixiyey bishii Maarso ee la soo dhaafay (18-03-2009). War saxaafadeed-yada qaarkood ee ay bixiyeen madaxda dowladda ku meelgaarka ahi waxay muujinaysaa in qaadashada qodobkani uu ahaa tallaabo siyaasadeed oo lagu aamusinayo cadaadiska ba’an ee kaga imaanaya xooga islaamiyiinta ka soo horjeeda.
Ujeedkay rabtoba ha yeelatee, tallaabadan lagu ansixiyey ku dhaqanka shareecada islaamka waa tallaabo taariikhi ah oo mudan in loo dabbaal-dego, mar haddii maanta si rasmi ah dowladda jirta ay qaanuun ahaan u ansixisay ku dhaqanka shareecadda islaaamka. Waxaa dhab ah in hergelintaasina u baahan tahay kawaadir aqoon u leh, dhaqaalo lagu hirgeliyo, wacyi gelin badan, iyo guddiyo ka baaran-dega. Sida dad badan u haystaan, shareecadu ma aha in xudduudda tuugada iyo tan sinada oo keliya la oogo, ee waa nidaam dhamaystiran oo isku dubaridaya nolosha oo dhan. In kasta oo Kitaabka Rabbi iyo Sunnada nebigu ina dhexyaalliin, haddana waxay u baahan tahay shareecda in la qaanuuneeyo, oo nidaamkii wasaaradda dhaqaaluhu ku shaqeyn lahayd la dejiyo, kii wasaaradda caddaaladda la dejiyo, in madaxda dowladda loo tababaro sidii ay u fahmi lahaayeen siyaaasadda sharciga islaamka waafaqsan iyo sida ay ula dhaqmayaan ummadaha kale … waa dhammaan nolosha oo dhan. Waxay u baahan tahay in la qaanuuneeyo, maxaa yeelay dadku fuqaho ma wada aha, mufassiriinna ma wada aha, axkaamtana kalama soo bixi karaan dhamaantood adillaadeeda, dadkuna wadaaaddo ma wada aha, sidaa darteed nidaam ay fahmayaan oo qodobaysan oo ku qoran af ay garanayaan waa lagama maarmaan … nisbada wadaaddadu dadka kama aha 1%? (wadaad markaan leeyahay kama wado caalim ee qofkasta oo ku tirsan … qamiis, cimaamad!). Arimahaan oo dhami kuma suurtoobi karaan maalin gelinkeed, ee waa mashruuc ballaaran oo u baahan waqtigiisa. Ilaa iyo iminka ma jirto nidaam laga dheegto ku dhaqanka islaamka oo caalamka intiisa kale ka jira, waa barnaamij u baahan in alif laga bilaabo, in lala kaashado culimada iyo khubarada ku nool caaalamka islaamka.
II. Ciidamadda Shisheeye ee waddanka ku sugan (AMISOM): go’aamadii hay’adda culimada waxaa ka mid ahaa in muddo 4 bilood ah lagu saaro ciidamada afrikaanka ah ee waddanka ku sugan laga soo bilaabo 1-da bishii Maarso ee sannadkan. Waxaa muuqata in dowladdu ka cagajiidayso qodobkan iyaga oo ku andacoonaya:
i) imaatinka ciidamadaani waa naga horreeyey oo annagu ma keenin, iyo
ii) in aysan ummadda dhib ku hayn. Waxaa la yaab leh in isla madaxda hadda dowladda ku meelgaar ahi ku andacoonayeen arintaas lidkiisa intaysan ku fariisan kursiyada ay hadda ku fadhiyaan. Waxay hilmaamsan yihiin in dhammaan bulshada soomaaliyeed oo ay hor kacayaan culimadu ay isku waafaqeen in aysan dan u ahayn nabadgelyada iyo jiritaanka ummadda soomaaliyeed midna. Warsaxaafadeedka dowladdu wuxuu u dhawaqmayaa sidii aysan talo gacanta ugu jirin oo talada dalka laga soo gooyo meelo kale. Xogta dhabta ahi waxay tahay in ciidamadaan ay meesha ku hayaan isla dowladda ku meelgaarka ah si ay ugu noqdaan cududda ka difaacaysa xoogagga iska caabinta isla markaasna aysan marnaba diyaar u ahayn saariddooda ilaa heshiis kama dambeys ah la isla meel dhigo. Waxaa la yaab leh in isla mar-marsiinyahaani uu ahaa kii dowladdii C/Laahi Yuusuf ku doodaysay. Intaa waxaa u dheer in ilaalada gaarka ah ee Sh. Shariif ay yihiin askar ka mid ah ciidamadda shisheeye! Waxaa isweydiin mudan in dowladda Sh. Shariif aysan awood iyo qaraar u lahayn saaridda ciidamada Afrikaanka, laakiin ay bixin karaan ama saxiixi karaan heshiisyadii ay ahayd in ay ka fiirsato dowlad rasmi ah sida heshiiska muranka badan abuuray ee ay dhowaan la galeen Kenya laguna boobay baaxad weyn oo ka mid ah badda soomaaliyeed (>116,000 km2).
3. Ilduufka siyaasadeed ee garabyada is haya
Waxaa mucjiso ah islaamiyiinta oo saddex sano ka hor gacan ku gabbad ahaa, sheekada makhaaxiyaha lagaga sheekaysto ay ahayd imisa wadaad ayaa loo iib-geeyey Ethiopia. Dagaal oogayaashu waxay mashaariic maalgelin kaga qaateen dhamaan gobollada Soomaaliya oo dhan oo ay ku jirto Puntland iyo Somaliland sidii ay ugu suuqtegi lahaayeen inta wadaad ay qabteen, xireen ama gudbiyeen .. waxaa mucjiso ah in maanta mustaqbalka Soomaaliya iyo nabaddiisa looga fadhiyo islaamiyiinta. Dhinacyada sida ba’an isu haya ee kula jira dowladda ku meel-gaarka ah iyo xoogagga iska caabintu waxay ku abtirsadaan wadaaddo. Mujtamaca Soomaaliyeed maanta waxay fahmi la’yihiin in wadaaddadi dadka ka wacdinayey dagaalka sokeeye iyo xaaraannimada daadinta dhiigga muslimka ah in maanta bilaawaha dhiiga isu dareen isuna soofeysanayaan iyagu midiyihii midba kan kale ku qalan lahaa iyada oo garab kasta adeegsanayo quwado kale oo shisheeye (dagaaladda dhexmaray ilaa iyo iminka midowgii maxkamadaha garabka dowladda ku biiray iyo xisbul-islaam iyo al-shabaab oo daraf ah waxay galaafteen wax ku dhow ilaa 100 qof oo muslim ah, waxayna naafeeyeen, barakiciyeen boqolaal- إنا لله وإنا إليه راجعون). Waxaa muuqata in darfaha is haya sawirka guud ee dhibaatada guunka ah ee shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah haysata ay ka indho tirtay, guluf colaadeed oo dhexmartay oo la oran karo waxay salka ku haysaa sidii suldada loogu kala dheereyn lahaa.
3.1 Dowladda ku meelgaarka ah
Waxaan ka qarsoonayn dadka iyagu indha-indheeya siyaasadda soomaaliya in dowladda ku meel-gaarka ahi aysan daacad ka ahayn dadaallada musaalaxadda ee culimadu waddo. Ma muuqato tallaabo wax ku ool ah oo lagu soo dabayo dhinacyada ka soo horjeeda. Waxaa laga yaabaa in bulshada caalamka oo iyagu masruufa ama wax ka dejiya qorshayaashooda siyaasadeed aysan raalli ka ahayn horumar laga gaaro musaalaxo dhex marta islaamiyiinta. Waxaa dhici karta in ragga hadda hoggaanka qabtay oo aan khibrad iyo aqoon gaar ah u lahayn hoggaaminta in ayba meel ay waxka bilaabaan ku adkaatay. Waxaaba dhici karta in magacuba ku fillaaday, oo hammi ka weyn iyo in shacabka laga saaro dhibka aysan ku weyneyn. Waa lagama maarmaan in ragga horkacaya dowladda ku meelgaarka ahi ay garwaaqsadaan mas’uuliyadda culus ee ay garabka u ribeen. Waxaa lagama maarmaan ah in ay dejiyaan istiraatijiyad cad iyo qorshe qeexan oo ay ku doonayaan sidii ay u hanan lahaayeen walaalahood, wadankana u hanan lahayeen. Waxaa lagama maarmaan ah in dowladda ku meelgaarka ahi iska hufto xubnaha had iyo jeer abuuraya naceybka iyo ficiltanka xun ee aysan u muuqan samatabixinta shacabka soomaaliyeed. Waa in aysan marnaba u duloobin sadaqada ay bixiyaan hay’adaha bulshada caalamka oo soomaaliya u ahayd labataankii sano ee lasoo dhaafay dhul dihin oo u sahlan in ay si sahlan garwadeenadoodu ugu xoolaystaan dhiigga shacabka soomaaliyeed. Dowladdu waa in aysan ku kadsoomin dabaaljoogteynta bulshada caalamka oo marnaba aysan dan ugu jirin degitaanka iyo xasiloonida ummadda soomaaliyeed si Moi-gii Kenya uu horey ugu tibaaxan in aysan marnaba u ogolaandoonin is soomaaliya dib usoo noqoto. Dowladdu waa in ay ku tashato shacabkeeda, kawaadirteeda, iyo culimadeeda. Waa in sida ugu dhakhsaha badan loo soo xulo guddiyo wax ku ool ah oo ka shaqeeya nabada, soo diyaariya qaabka ugu haboon uguna deg-deg badan ee shareecada loo hirgelin karo. Dabcan, nidaamkii khilaafadu soo noqon mayso, samanka iyo xiliga lagu jiraana saamiximaayaa in la helo khayr maxdi ah (قال النبي صلى الله عليه وسلم: اصْبِرُوا فَإِنَّهُ لا يَأْتِي عَلَيْكُمْ زَمَانٌ إلا الَّذِي بَعْدَهُ شَرٌّ مِنْهُ حَتَّى تَلْقَوْا رَبَّكُمْ – وراه البخاري من حديث أنس بن مالك), laakiin waa in lagu dadaalo waxkasta oo suurto geli kara in la xaqiijiyo.
3.2 Xoogagga iskacaabinta
Dhanka kale waxaan la fahmi karin damaca siyaasadeed ee xoogagga ka soo horjeeda dowladda ku meel-gaarka ah. Waxaa la isweydiin karaa haddii ujeedka ay u dagaallamayeen uu ahaa in waddanka laga hirgeliyo shareecadda islaamka ay soo dhoweeyaan go’aan qaadashadii ku dhaqanka shareecada islaamka ee barlamaanka ku meel-gaarka ah. Haddii eeddu tahay, ehel uma aha, sow waajib diini ah iyo daruuri ahba kuma aha in ay wax ka fuliyaan. Doodda jaban ee dulucdeedu tahay “idinku meesha ka taga, aan idin bedelnee” kuma dhisna xujo caqli iyo mid sharci toona. Dooddaasi ma noqon kartaa mid lagu bannaysto dhiigga shacabka muslimka ah ee daadanaya. Doodda oranaysa waa dowlad shisheeye soo dhisay iyaduna hadaysan ka liidan tii hore kama roona, maxaa yeelay mar haddii ujeedkaagu ahaa in shareecada la fuliyo ciddii doontaa ha soo dhistee, sow natiijada ka soo baxday muhiim maaha. Qof kasta oo siyaasadda u fiiro dheer waa og yahay dariiqada lagu soo amaamuday dowladdaan ku meel-gaarka ahi in ay garab martay sidii habboonayd ama laga yaabo in ay ku salaysneyd kala qeybinta islaamiyiinta iyo dhicisaynta mashruucooda. Waxaan la inkiri karin in qaab fekerka xoogagga islaamiyiinta mucaaradku in iyagu ay fuliniyaan qorshaha dhicisaynta mashruucoodi mar haddii ay rabaan (diyaar u yihiin) in ay ku dhacaan debinka cadowgu la damacsan yahay (haddiiba ay dhab tahay). Miyaysan xikmaddu ahayn, in gorgortan lagu xalliyo khilaafka taagan isla markaasna gacanta ku dhigaan dhamaan hay’adaha wax ku oolka ah sida ciidanka, caddaaladda, waxbarashada iy dhaqaalaha. In ay ka mid noqdaan golaha wasiirrada xukuumadda oo ay dhici karto in lagu bedelo ama lagu kala eryo muddo bil ka yar ama ka badan muhiim maaha. Waxa muhiimka ah waa agaasimka, howl maalmeedka iyo u adeegga bulshada. Dhanka ciidamada shisheeye (AMISOM) ee ku sugan waddanka, mar haddii dowladda ku meel-gaarka ahi ku andacoonayso amnigayagaa ku jira ee marka hore aan heshiino, gacmaha isqabsanno, meel ka soo wada jeensayo, kadibna iska saarno maxaa ku juban? Ma mudan tahay arrin laga heshiin karo in dhiig muslim oo xurmo leh loo daadiyo? Miyuusan Rabbi na amrin xitaa gaaladu haddii ay u janjeersadaan heshiis iyo is afgarad in la hor fariisto oo lala xaajoodo (فإن جنحوا للسلم فاجنح لها). Waxaa yaab leh, maxaa bedel ah oo xoogagga iska-caabintu hayaan? Ma isku hubaan haddii dowladda ku meel-gaarka ee amiirkoodi shalay uu hoggaaminayo la burburiyo in iyaga ay waddanka gacanta ku wada dhigi karaan, dhisi karaan dowlad ka maran mucaarad ama nabadgelyo ku soo dabaali karaan waddanka. Miyaysan ahayn mas’uuliyad akhlaaqi ah, mid diini ah iyo xikmadduba in waxa qabsoon la dhowro, la kobciyo, loo naxariisto shacabka dhibaatada baaxadda dheer kujirey LABAATAN SANO!! Miyaysan jiil dhan ku ababin bur-burka iyo dhibaatada. Miyaysan islaamiyiintu ku baraarugsanayn in nidaamkii khalaafadu dhamaaday soona noqonayn, isla markaasna samankastaa kan ka dambeeya ka shar badan yahay. Miyaysan ku baraarugsanayn in haddiiba aakhirusamaanka khayr yimaado in uusan ka marnayn dakhan (calow iyo qiim barxa khayrka) sida axaadiista fidnada aakhirusamaanka nibigu – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – ku sheegay ee ay weriyeen Xudeyfa iyo qeyrkiis, kuna soo arooray saxiixeynka iyo kutubta kale ee sunnadda. Islaamiyiintu ha ogaadeen in ay xambaarsan yihiin risaalo culus, oo maanta ficilkooda iyo tasarufkoodu ummadda nacsiinayo ama jecleysiinayo rasaaladda ay xambaarsan yihiin isla markaasna ay garwadeen ka noqon fidna, colaadda, iyo dhiigga muslimka ah oo la daadiyo.
3.3 Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed
Amaamudka hay’adda culimadda soomaaliyeed waa guul u soo hoyotay ummadda soomaaliyeed. Dhisida hay’addaani wuxuu kusoo aaday xiligii loo baahnaa, lagama maarmaanna ay tahay in ummaddu ka faa’iidaysato. Dabcan, culimadda oo dhami isuma wada imaankaraan, laakiin waa bilow fiican. Culimadda waxaa laga rabaa in aysan u shaqeeyaan sidiid mu’asaso nidaamkeeda iyo goloyaasheeda iyo nidaamkii ay ku shaqeyn lahayd leh sameeyaa. Waa in ay noqdaan hay’ad madax banaan oo si dhab ah ula xisaabtanta garabyadda is haya sida dowladda iyo xoogagga ka soo horjeeda ee mucaaradka ah. Waa in ay iyagu dejiyaan qorshe wax ku ool ah oo wadanka nabad loogu soo dabaali karo, shareecaddana lagu dabaqi karo. Waa in abaabulaan shirweyne guud oo ummadda soomaaliyeed ay ku wacyi gelinayaan dhidibadda dib u heshiisiintana ku adkeynayaan. Ilaa iminka ma hirgelin dib u heshiisiin dhab ah oo ummadda soomaaliyeed u kala garqaadanayaan, isla markaasina gacan nadiif ahi daadihinayso. Dhamman shirarkii loogu magacdaray dib u heshiisiintu waxay ahaayeen kuwo lagu mihinayo shacabka dhibaatadu dilootay ee loo duleeyay dagaal oogayaashii fashilmay. Hay’adda culimaddu waa in ay u muuqdaan in ay yihiin codka dhabta ah ee matala shacabka iyo dadweynaha guud. Waa in ay soo ceshadaan kaalintiidi dhabta ahayd. Ha’adda culimadu waa ilaashataa dhex-dhexaadnimadeeda iyada oo aan ku tumanayn ama gorgortan ka gelayn mabaadi’da shareecadda islaamka. Waa in ay hiigsan kartaa hay’adaha ka jira caalamka islaamka kale sida: hay’adda midowga culimada ee caalamka ee uu hoggaminayo Sh. Yuusuf Al-Qardhaawi, hay’adda culimadda muslimiinta ee ciraaq ee uu hoggaaminayo Sh. Xaarith Al-Dhaari, iww.
4. Gebo-Gebo
In kastoo ay muuqato rajo xumo badani, haddana xalku waa dhow yahay haddii loo maro waddadiisa (اليسر بين عسرين). Waxaa lagu soo koobi karaa waddooyinka ugu sahlan ee xalka lagaga bixi karo qodobbada soo socda:
1. in garbaha islaamiyiinta is haya u naxariistaan shacabka soomaaliyeed isla markaasna illaawaan xurgufta iyo xinifta dhexdooda ah ku salaysan damac siyaasadeed.
2. waa in la taageero baaqyada nabadda iyo dadaallada dib u heshiisiinta ee hay’adda culimada soomaaliyeed ugu jirto xalinta khilaafaadka jira. Wixii masaa’iil diini ah waa in loo daayo loona celiyo dadka ehelka u ah. Haddii loo baahdo waa in loo qaylo dhaansado culimada ku baahsan caalamka islaamka, loona saaro gudbiyo cilmi baaris ku sameeya qaddiyadaha asaasiga ah ee xoogagga iska caabintu ka biyo diidsan yihiin.
3. garabyada ishaya waa in ay arkaan sawirka guud iyo dhibaatada qotoda dheer ee ummadda ku habsatay.
4. xad-gudubyada siyaasadeed ee garabyada qaarkood ku kaceen, waa in lagu illaawo raadinta maslaxada caamka ah, nabadda oo la qaato iyo dhiigga shacabka muslimka ah oo la joojiyo laga hormariyo, danaha urur, xisbi iyo damaca siyaasadeed.
5. Culimadu waa in ay si xikamadeysan, dhiraan dhirin iyo dhimrini ku jirto u ragaad bixiyaan dhibaatada ummadda soomaaliyeed, isuguna keenaan garbaha is haya ee islaamiyiinta. Haddii ay dhacyo in garab loo caal waayo, culimadu waa in ay ku dhiirran karaan in ay si cad u cambaareeyaan ummaddana uga digaan … gari labo is haya kama wada qosliso
(فقاتلوا التى تبغي حتى تفيئ إلى أمر الله).
6. garabyada is hayaa waa in ay ixtiraamaan culimada, oo siiyaan qadarintooda iyo makaanada Rabbi dejiyey. Wa arrin lagu farxo in culimada soomaaliyeed ugu dambeyntii ku baraarugaan mas’uuliyadda ka saaran xallinta khilaafaadka ummadda iyo in waddanka lagu soo dabbaalo nabaddii iyo kala dambeyntii. Haddii aan lagu saacidin, la garabsiin, loo dhego nuglaan, waxaa hubaal ah in fursaddaani dayacmayso.
7. waa in aan cadowga ummada soomaaliyeed fursad loo siin in uu ka faa’iidaysto kala qeybsanaanta, iska hor-imaadka iyo hardanka u dhexeeya islaamiyiinta. Waxaan shaki ku jirin dagaalka hadda ka soo cusboonaaday walaalihii shalay in ay farax gelinayso cadowga ummada soomaaliyeed, una xaqiijinayso ujeedooyinkii uu ku heli waayay gumeysiga iyo duullaankiisii hubaysnaa.
8. waa in garbaha is hayaa joojiyaan axkaamta sharciga ee la qal wareejiyano, sida in si sahlan la isugu tilmaamo cadow Ilaahay iyo in la is gaalaysiiyo … waa in la ixtiraamaa nusuusta sharciga ah.
9. Gabagabadii, waxaan si dhawaq dheer u leeyahay … NABAD … NABAD …DHIIGGA MUSLIMKA ha la ixtiraamo, Rabbina ha looga cabsado.
Wabbilaahi Tawfiiq.
Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku Saxiixan
Daabaco

ninkii aanku aqoon go, uhuwo
abdi | May 13, 2009 | Reply
maahmaahbaa jirta layiraa hadal dalableh ama carabdalableh lama garankaro lugdalableh se waa lagartay
abdi | May 13, 2009 | Reply
VIVA DOWLADAA MIDNIMADA QRN INSHALAAAH WAY GUULESAN DONTAA DOWN ALSHAHAB DHULKA ALAHA LA GOOYOW
JAMAC ALI | May 14, 2009 | Reply
Asalaamu calaykum
MARKA HORE WAXAAN KU BARAARUJIN LAHAA WALAALKA MAQAALKA QOREY INUU KU DADAALO INUU GAABIYO SI LOO AQRIYO.
MIDA QORAALKA RUNTII WAXBAA ISKU QASAN U JEEDADANA MAANAAN FAHMIN WALAALKU HADBA DERBI AYUU KU DHACAYAA MARBA QOLO AYUU AMAANAYAA MIDNA WAA DHALIILAYAA SIDA ISAGOO LEH DHEX DHEXAAD ISKA DHIG OO DADKA DHAN RAALI GALI TAAS NA WAA QALAD WAXA WANAGSAN QOFKU INUU TILMAAMO WIXIII UU XAQ U ARKO LAAKIIN CALINA GAR LEH CAYDIIDNA GAR LEH WAA WAXA SOMALIYA XAL LOOGU LA’YAHAY QOFKU WAA INUU YAHAY QOF WAX KALA GOYN KARA QOFKII CAROONAYA IYO KII FARXAYAA IYAGAY U TAAL.
WAXAAN DAREEMAYAA IN UU WALAALKU DHAN RAACSANYAHAY HADANA UU SAN SHEEGAN KARIN INUU TAAGGEERSANYAHAY QAYBTAAS TAASNA WAXAY CADAYNAYSAA GARABKA UU RAACSANYAHAY INUU YAHAY GARABKA XAQA KA BAYRSAN MAXAA YEELEY WIXI NAFTAADU KU DEGI WEYDO EE AAD KA CABSATO IN DADKU KUGU ARKAAN AYAA AH XUMAANTA SIDA RASUULKUBA SCW U SHEEGEY NIN WAYDIIYEY WAXA DANBI AMA XUMAAN TAHAY.
MIDA AAN AAD KA ULA YAABAY AYAA AH WALAALKU INUU OGYAHAY DABINKA LAYSU DHIGAYO IYO IN WAXAAN DAWLAD SOMALIYEED AHAYN EE AY TAHAY DABIN UU CADAWGU DHIGAYO OO UU RABO INUU KAGA HORTAGO NUURKAAS SOOMAALIYA KASOO IFTIIMEY HADANA UU LEEYAHAY WIXII RABAA HASOO DHISEENE AYNU RAACNO WAA ULA KAC AAN JIHAADKII U BAA BI’INNO.
ARINTA AAD TIRI KHILAAFO SOO NOQONMAYSO WAA ARIN BIDCA AH O AAD LA TIMI CID KAAGA HOREYSAY AYSAN JIRIN XADIISKA AAD KEENTEYNA ARINTAAS WAXBA KAMA KHUSEEEYO BAL XADIISKA QALAD AYAAD U FAHAMTAY BAAN FILAYAAYE CULMADA SHARAXDEY DIB U FIIRI MIDA KALE HADAYBA JIRTO MA JIHAADKA MAR HORE LAYSKA DAAYO MAXAA aSXAABTII NABIGA SCW 95% SEEF U QAADATAY QARNIGII NABIGA SCW MA JIHAADKU KU EKAADO?
WAXAAN FILAYAA FIKIRKAAN WAA FIKIRKII UU KULUMAY XASSAN TURAABI KU LUMEY INTUU MUFAKAR LA BAXAY INUU WUXUU RABO FATWOODO ILAA UU AYAAT BAYINAAT OO BEENIYEY XAALKIISUNA NAGAMA QARSOONA EE KU CIBRA QAADO.
WAXBADAN AYAA IIGA MUUQDEY MAQAALKA LAAKIIN ARINTI AAN ADI KAA WAANINAAYAY IAAN ANI DHEX DABAASHO MA RABO OO MAQAALKAYGU DHEERAADO MARKA INTAAS HAYNOO JOOGTO.
WSC
muslim-somali | May 14, 2009 | Reply
wax badan ayey is qariyeen dad la dhihi karo waxa ay rabaan raaligalinta gaalada ku xeel dheeraadaan waxaase layaableh dadkii shalay tigreeda in lala diriro ku caayijiray mujaahidiinta haday maanta dad kasugayaan in ay burundi iyo ugandha kasoohorjeestaan taasi waa ri,yo aan suuroobaynin lagumana baran wax aan ka ahayn cayda iyo wax kasheega mujaahidiinta magacay donaan hasheegtaan waxba yey qiiq iskuqarin waxaanse leeyayhay walaalaha somalimirror in ay aqbalaan qoraalada oo dhan in ay soo daayaan
cabdi | May 16, 2009 | Reply
ilaahy ka cabso sheekh oo xaqa cadee, mujaahidiintu waa saxan yihiin , gaala raacna waa saxanyihiin adaa laga hayaa!!
cade | May 18, 2009 | Reply
Walaalaha tacliiqa saaray aad ayay u mahadsan yihiin. Waxaa ii muuqata in ragga badankiisu uusan fahmi karin in hal qof uu khayr iyo shar wada lahaan karo, in hal koox ay khalad iyo sax labadaba wada samayn karaan. Qur’aanka ayaa qolo ku tilmaamay in ay isku dhafeen xumaan iyo wanaag labadaba. Arartaa kadib, waxaan qof diin leh iyo qof caqli ah labaduba inkiri karin, in dowlad ku baaqaysa islaam aan la gaalaysiin karin dhiigoodana lagu banaysan karin mataahaat haddii la isku jamciyo ka taag daran xuub caaro. Sidoo kale, in dowladda naftigeedu haddii la ictiraafi waayo ku bannaysato dhiiga shacabka ama u adeegsato gaalo madow iyo mid cad, shacabkana la xasuuqo si loo ilaashado kursi waa arin aan banaanayn. Intaa ka dib, waxay u taalaa culimada iyo ahlul xalli wal caqdi in ay u kuurgalaan axkaamta sharciga ah ee qolo kastaa mutaysan tahay. Wixii intaa ka soo haray oo guruubyada kala raacsan laba koox ee isdilaysa ay ku andacoonayaan waa wax kusalaysan caadifad iyo nin jeclaysi … mana aha in magaca jihaadka lagu banaysto dhiig muslim .. sidoo kale magac dowlad lagu xasuuqo shacab. Qofkii aan intaa fahmi karin, carabkiisa ha ilaashado, Rabbina ka uga baqo.
Maxamuud | May 18, 2009 | Reply
Dawladda ayaa gar leh, sababtoo ah ayada ayaa dawlad ah oo sharciyaysan kuwan kalana waa bugaat mudan in la iska qabto, sababtoo ah waxay ka horyimaadeen dawlad islaami ah oo ku dhaqmaysa shareecada, hadday rabaan xukun iyo siyaaso ha ka qayb galaan ayaga oo ah mucaarad wax dhisaayo oo aan ahayn mucaarad wax duminaayo.
Yahya Y | May 24, 2009 | Reply
Walalayal horta ilahay xaqa ha nagu tosiyo e walalayal anigu waxan tager sanahay dowlada somaliyed o sharciyesay ku dhaqanka sharecada islamka. Shalay wan tagerenay sheikh sharif manta maxan ku didenaa ninkan shalay tagersanin hadana sidisi ah on waxba iska badalin e wa suaale maxan ku didan nahaya mise anan fahmine wax kala jira o qabyalad iyo qurun aya dhagu dhex jira walalayal niman kan kale waxan ku mucarad sanahay nin adan naftada ku amini karin qaran laguma amini karo tan kale niman kan culumada khawarijta ku tilmamaya maxan ka sugayna e xaqiqdi ayaga aya khawarij nabigana wu no shegay anay kuwano kale so bixi donan nabigana wuxu nagu boriyay inan la dagalano e an ku jihadno walalayal thanks
Abdi basid sheik nur | May 25, 2009 | Reply
walaalka qoray maqaalkan aad ayuu umahadsanyahay waxaanad moodaa inuu kahadlayo waxa dhabta ah ee wadan keenayaala laakiin halmid ayaanan sax u arag taasina waa khilaafo soonoqon mayso taasna waxaan u arkaa hamiyari
sakariya | May 25, 2009 | Reply
Ilaah ayaa mahadleh,kadib waxaan mahad iyo bogaadin halkan uga tabinayaa maamulayaasha web-kan,oo runtii qoraalo dhaxal-galha soo bandhiga.
Sheekhow soo gaabi..kuwa afka xunbada kakiciya ee aan aqoonin sida qalinka looqabsado,Jaale lama joogo xiligii afka lagahadlijiray, ee marka hore soo baro sida wax loo akhriyo Ilaahayna kabari in uu ku siiyo samir aad wax ku akhrido,horay Somaali u tidhi nimaan weedh sugun waran masugo,haday kugu adkaatay in aad akhrido qoraalkan yar maxaad ka hadli maad aamustid!
Qoraagan waxaan leenahay, Ilaahay khayr hakusiiyo carabkaadana ilaahay hakuu barakeeyo anagana aad ayaad noogu faaiidaysay.
Cumar
Umar | May 30, 2009 | Reply
Waxan muuqata Garaadka iyo wax garashada Ilaahay dadka kama simin. Qofka maanta leh Nimankan shale c/laahu kula dagaalamayey gaaluu wadanki keeney hadey maanta iyagii u yeeranayaan eyna leeyihiin waa nabad ilaaliyaal! muslimka umadan gaalo isu bahaysatey usoo gurmadeyna ajnebi ku sheegaya. Hade waxan waxan filaa in qofkaasi uu sumeysanyahay xagga fikkirka,waayo jaahilyadani waxay ku dagaal geleyso waxa kamida iney dadka muran kala dhexdhigto kuwana ey aragti ku disho(waa kuwa sirteeda fahme) kuwa kalena madaxa u salaxdo hadhow markey danteeda ka gaartana(sida loo yiri dowlada ku meel gaarka)ay madaxa ka gurto sida saxwaadka ciraaq. Marka waxan leeyahay dadka la qaldow ha aakhiro seegina waxani dowlad maahan waa aalad cadowgu ku adeeganayo. Waxana Ilaahay mahadii ah in Ummadi kheyrka jecleyd ey maanta arkeen xaqqii,eyna diyaar u yihin iney xaqa ku nooladaan kuna dhintaan.Geeridu waxay dhibeysaa ninkii dhoof ku yimi ama Hoteelo qabow gaalo ka bixiso. Gaalo Itaal kuma harin meelayan u malayneyn baana Rabbi sw uga yimi. Marka Walaalaha la qaldow Alle usoo noqda inteydaan Iilka gelin, li’anna waxa ugu ayaan daran qof saaldayey soomayey,lakin la yiri aakhiro waxad ku waareysaa Naar walciyaadu billaah. w/c
By: KAMA DAALE DAREENKA BULSHADIISA
KAMA DAALE DAREENKA DADKIISA | Jun 2, 2009 | Reply
qorax duhur joogtaa ma qorsomi kartaa waa mayaa maahmah somaliyeed ayaa ahay (ilka rumay ayaa lagu cadeeyaa hadalna ruun)wadan bi nin is barbar dhiganaa nin xoog ku donayaa umad inuu kumaa mullo iyo nin duhur la doortay
kuwa gardarada waa ku afkan duubtay diintana ku gabanayaa ee iska ilalyaa somalyeey yeeysan idin gabaan mayaa qanaan diinta xolihiina ayeey raaban inay dhacaan dowalada somalya wayguulaysan doontaa
dugana wal jabiin doonaa
saasa | Jun 8, 2009 | Reply
Maga ceygu waa c/kariin faaladan dheer run ahaanti waan ka helay waana arin sax ah haddi loo fiirsho kooxaha ka soo hor jeeda dowlada ma garanaayo waxa ay ku dhimanayaan sababtoo ah dalka maanta waxaa madax weyne ka ah shiikh shariif kheyr allaha siiyee marka maalintii la dooranayay shiikh shariif run ahaanti aniga aad ugu farxay aniga da’ ahaan waxaan jiraa 19 sano waxaana ku noolahay xeryaha qaxootiga ee kenya waadna ku mahad san tihiin faaladan dheer ee aad soo qorteen
Magaceygu waa c/kariin | Jun 10, 2009 | Reply
Waxaa arin xanuun badan ah oo been abuurasho weyn ah in dowladaan lagu tilmaamo dowlad islaami ah..
Dowlad Islaami ah waxaa lagu yaqaanaa iney inta ay xukunto hal kiiloo meter oo isku wareeg ahba Allaha ka dhigee iney diinta ku dabaqaan oo ay ku xukumaan…
Laakinnse walaalayaal dowlad la leeyahay ciidamadeedii abaa dadkii shibis iyo shangaani deganaa dhaceysa oo dileysa qofkii ey rabaan, isla markaana u ogol in AMISOM gumaysiga madoow iney madaafiic ku garaacaan Huriwaa, Yaaqshiid, Toowfiiq iyo weliba meelo kale iyadoo dagaalkuna matalan uu ka socdo KM 4…
Waryaan lagu danbaabin dowlad islaami ah ma jirtee…
Shiiqa | Jun 23, 2009 | Reply