Ururka Islaamka oo ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka jira Muqdisho

Published on May 12, 2009 by   ·   4 Comments   ·   print

Ururka Islaamka oo  Bayaan ka soo saaray dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalada,wuxuuna Ururku ku tilmaamay in ay yihiin kuwo dhibaato ku ah Bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Ururka Ixsaan Ow Ghali ayaa  ku baaqay in la joojiyo dagaalada lagu bartilaameedsanayo Masaajidka iyo Qubuuraha la bur burinaya taasina aysan suura gal ayan in ay sii socoto, wuxuuna dhinacyada is haya ugubaaqay in ay si deg deg ah dagaalka u joojiyaan kana fogaadaan in dalku uu galo dhibaato cusub oo  hor leh .

Waxa uu dhinayada is haya ugu baaqay in ay wada hadlaan waxna la qeybsanaadaan Dowlada Midnimada Qaran ee KMG ah lagana midha dhaliyo heshiiskii Jabuuti lagu gaadhay  kaas oo ku dhisnaa  ayuu yidhi Gudoomiyhu in xalka kaliya ee Dalka nabad loogu soo dabaali karaayi ay tahay in la xagiiyo kala dambeynta iyo xalisoolinada oo la soo celiyo taas oo ku dhisan hab is aaminitaan dhab ah.

Gudoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay in Ururku oo sii abma qaadi doono wixii karaankiisa isku soo dhaweynta dhinacyada Soomaaliyeed iyo kaalmeynta Bulshada Soomaaliyeeba uuna la kaashan doono Beesha Caalamka si ay arintaas wax ugala qabato.

Bayaanka ka soo baxay Ururka Islaamka ayaa ku soo beegmaya xili wali laga cabsi qabo in ay sii socdaan Dagaalada ka jira Magaalada Caasimada Dalka ee Muqdisho sidoo kalena ay jiraan bara kac baahsan oo ay sameynayaan bulshada ku dhaqan xaafadaha lagu dagalamayo kuwaas oo ku cabsi qaba in ay ku waxyeeloobaan dirirta u dhexaysa dhinacyada ku dagaalamaya Mudisho.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Ururka Islaamka oo ku Baaqay in la taageero Heshiiska Djibouti
  2. Odayaasha G/Bay oo ku Baaqay in la joojiyo Dagaalada Bakool ka soo cusboonaaday.
  3. Golaha Dhaqanka Hawiye oo ku baaqay in la joojiyo Dagaalada ka socda Gobolada Gal-gaduud iyo Godey.
  4. Puntland oo ku baaqday in Dagaalada Muqdisho la joojiyo
  5. 5 Gole Dhaqan oo ku Baaqey in la joojiyo Dagaalada ka socda Muqdisho.

Readers Comments (4)

  1. Zakaria haji hassan says:

    Waa sax dagaalka waa in lajoojiyaa waxa kaliya ee laga dhaxlayo ayaa ah dhimasho, dhaawac iyo barakac ku yimaada dadka shacabka ah ee markasta martida u ah colaadaha ka aloosan koofurta somali gaar ahan magaalada mogadisho

  2. abdi says:

    xagee joogaa uruka islaamku leeyahay oo kahadlaaya maanta dagaalka muqdisho beenaalayaal gaalada u adeega islaamkuna malahan uru matala marka laga rebo raga mujaahidiinta ah

  3. Degel says:

    Kuwani xagey joogaan oo wax ka yihiin sidoodaba.

  4. jamaal cabdi naasir says:

    asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatu?
    walaalayaal waxaan salaamayaa dhammaan dadka muslimka ah,
    walaalayaal aynu la dagalano galada laakin marka aynu shacabkeenii laynano soo dhibaato mahan waxay ila tahay waa in aan ku dadaalnaa sidii aan dagaalka uga dhigi lahayn noc aynu awood ku yelan karno dadka shacabka ahna waa in aynu ka daynaa dhibka diintana waa in aynu ka saarnaa tantayda iyo marka hore inaga marka dabana aniga
    soo alle inalama xisaabtamayo walaalayaal
    waa bilaahi towfiix




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ururka Islaamka oo ku Baaqay in la taageero Heshiiska Djibouti
  2. Odayaasha G/Bay oo ku Baaqay in la joojiyo Dagaalada Bakool ka soo cusboonaaday.
  3. Golaha Dhaqanka Hawiye oo ku baaqay in la joojiyo Dagaalada ka socda Gobolada Gal-gaduud iyo Godey.
  4. Puntland oo ku baaqday in Dagaalada Muqdisho la joojiyo
  5. 5 Gole Dhaqan oo ku Baaqey in la joojiyo Dagaalada ka socda Muqdisho.

Latest Headlines