Burcad Badeeda oo Mukhaabaraad kuleh London

Published on May 12, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Burcad Badeed Idaacad Spanish ah ayaa Faafisay  wax ay ku sheegtay in uu yahay Taqriir Shaaca ka qaadaya in Burcad Badeeda Soomaalidu ay Qorsheynayaan in ay weeraro ku qaadaan Maraakiibta iyaga oo adeegsanaya Macluumaad Dheeraad ah oo ay ugu soo gudbinayaan Qadka Taleefoonka Ilo ku sugan Magaalada Landon.

 

 

 Marka la fiiriyo Taqriirka ay u gudbisay Idaacada”Cadena Ser”mid kadim ah Mukhaabaraadka Ciidamada Europ in Burcad Badeedu’’ ay ku sameysteen Shabakad Jaasuus iyo Mid Mukhaabaraad Magaalada Landon taas oo u sahleysa in ay u soo gudbiso warar Xasaasi ah oo ku saabsan Shirkadaha Maraakiibta , Dhanka ay ku wajahanyihiin iyo Xamuulka Saaran intaba’’.

 

Idaacada “Cadena Ser”ayaa Sheegtay in ‘’Burcad Badeedu in ay Macluumaadkooda ku helaan Talefoono Satarlayta ku xiran, waxayna Adeegsanayaan in Qalab Casri ah si ay u Xadidaan Ahdaaftooda’’, waxayna Hadalkeeda sii raacisay in ‘’ Burcad Badeedu ay ka Fogaadaan sida muuqata in ay weeraaan Maraakiibta Qaar sida Maraakiibta Ingiriiska.

 

Taqriirkan ayaa soo bandhiy Liis ay  ay ku Qoranyihiin Weeraro Badan oo ay Burcad Badeedu kaga Fajacisay Shaqaalaha Saaran Maraakiibta Macluumaad Dheeri ah oo ay horey uga war heleen sida Jinsiyadaha Shaqaalaha  Saaran Markabka.

 

Dowladaha Reer Galbeedka ayaa Maraakiib Dagaal u soo diray sidii ay u joojin lahaayeen Weerarada Burcad Badeeda, Burcadaas oo Malaayiin Dolar ka helay Madax Furasho ay  kaqaataa Maraakiibat iyo Shaqaalaha Saaran.

 

Kooxaha Muraaqabeeya Burcad Badeeda ayaa Sheegaya in ay hada Burcadu haatan heysato ilaa 20 Markab oo ay saran yihiin ku dhawaad 300 oo Shaqaale.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Burcad Badeeda oo Labo Markab oo Cusub Afduubtey
  2. Shir Masar ka furmaya oo arinta Burcad Badeeda looga hadlayo.
  3. Iran oo sheegtay in ay ka qeyb qaadanayso la daqaalanka Burcad badeeda
  4. Maraykanka oo Shaaciyay Qorshayaal uu kula Dagaalamayo Burcad Badeeda
  5. Burcad Badeeda oo Afduubey Markab German laga leeyahey.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Burcad Badeeda oo Labo Markab oo Cusub Afduubtey
  2. Shir Masar ka furmaya oo arinta Burcad Badeeda looga hadlayo.
  3. Iran oo sheegtay in ay ka qeyb qaadanayso la daqaalanka Burcad badeeda
  4. Maraykanka oo Shaaciyay Qorshayaal uu kula Dagaalamayo Burcad Badeeda
  5. Burcad Badeeda oo Afduubey Markab German laga leeyahey.

Latest Headlines