Alshabaab oo Maxaabiis Siidaayay

Published on May 12, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

Al-shabaabDhaqdhaqaaqa Alshabaab ayaa maqribnimadii siidaayay Maxaabiis ay ka qabteen Stadium Muqdisho iyo Xarunta Xisbiga kadib dagaaladii ka todobaadkan ka soconayay Magaalada Muqdisho.

 

Ilaa 15 askari oo ka kala tisrasanaa MMI ee ku biiray DKMG ah iyo Ciidamadii hore ee Dawladda isla markaana lagu qabtay Dagaaladii Muqdisho ka soconayay dhawrka bari ahayd ee la soo dhaafay ayay siidaayeen Xoogagga Alshabaab waxaana arrintaas Xaqiijiyay Sh.Cali Maxamuud Raage Fidow oo ah Wakiilka Alshabaab u qaabilsan Gobollada Dhexe.

 

Sh.Cali Maxamuud Raage Fidow oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “ Markii aan aragnay in raggaan intooda badan ay ahaayeen qaar la soo siray sida ayagu ay sheegi doonaan, qaarkodna ay ahaayeen qaar hunguri iyo waxyar oo maciishad ah ay qaday, anagu waxaan u dagaalamaynayna ay ahayd in dadkan la badbaadiyo aakhira iyo aduunba, markii aan ka helnay damaano iyo in aysan dib ugu laabanayn waxa ay ku jireen eheladoodii  waxaan go’aansanay in aan siidayno oo aan ilaahay SW u barino in uu hanuuniyo, iyaga iyo kuwa kaleba ee maanta wali safka cadawga ka dagaalamaya waxaan kula dardaarmayaa in aysan ku qasbinin xoogaa yar oo hungiri ah oo ka soo daahay in ay u bareeraan naftooda oo ay halaag ku ridaan

 

 

Maxaabiistan oo saxaafadda loo soo bandhigay ayaa laftoodu waxay cadeeyee in ay ka mid ahaayeen ciidamadii Dawladda eek u sugnaa Staduim Muqdisho iyo xarunta xisbiga waxayna sheegeen in ay isdhiibeen kadib markii ay halkaa ku go’doomeen waxaana sidoo kale ka mid ahaa dadkaa goobta ka hadlay dad ehelo u ahaa Maxaabiista ay maanta siidaayeen Ururka Alshabaab.

 

Majirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ku saabsan arrimahaan oo ka soo yeeray Dhinaca DKMG ah.

 

Dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka soconayay Magaalada Muqdisho ayaa DKMG ah iyo Taageerayaasheeda waxaa lagala wareegay baro muhiim ah oo ay horay ugu sugnaayeen waxaana jira ciidamo iyo hub u soo wareegay dhinaca Xoogagga Xisbul Islaam iyo Alshabaab ee ka soo horjeeda DKMG ah.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maxaabiis laga siidaayay & is rasaaseyn ka dhacday Beledweyne
  2. Alshabaab oo ka hadlay Dagaalkii Shalay
  3. Saraakiil ka tirsan Dhadhaqaaqa Alshabaab oo Galabta Fagaare kala Hadlay Dadweynaha Marka
  4. Mujaahidiinta Alshabaab oo Gaaray Deg.Baardheere
  5. Saraakiil Kenyaati ah oo Galabta laga Siidaayay Xabsi ku Yaalla B/Xaawo

Readers Comments (1)

  1. Adoon Eebe says:

    Subxaanallaah.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maxaabiis laga siidaayay & is rasaaseyn ka dhacday Beledweyne
  2. Alshabaab oo ka hadlay Dagaalkii Shalay
  3. Saraakiil ka tirsan Dhadhaqaaqa Alshabaab oo Galabta Fagaare kala Hadlay Dadweynaha Marka
  4. Mujaahidiinta Alshabaab oo Gaaray Deg.Baardheere
  5. Saraakiil Kenyaati ah oo Galabta laga Siidaayay Xabsi ku Yaalla B/Xaawo

Latest Headlines