Ururka Xisbul Islaam ayaa ka hadlay Dagaalada ka socda qeybo ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiigleey ee G/Banaadir, waxayna Sheegeen in iyaga la soo weeraray, isla markaana ay weerarka ku soo qaadeen sida ay hadalka u dhigeen “Niman ay gaalo soo adeejisay”.
Muuse Cabdi Caraale oo ka tirsan Xisbul Islaam oo u waramay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Xarumo uu Xisbul Islaam Daganyahay oo Nabad galyo ah oo wax Dhibaato ah oo ka jira aan la arag oo Hal Xabo oo aake ah aan kor looga ridin ayay ku soo duuleen oo ay weeraro Ba’an ku soo qaadeen, illaa iyo Shalay illaa iyo Xalay illaa iyo Saakana Dagaalkaasi waa socday walina Dabo yaaqadiisii way socotaa, marka Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay ha ogaado in Nimankaasi ay gaalo soo adeejisay, Loona soo adeejiyay Shacabka Soomaaliyeed Dagaal in laga dhex Qarxiyo Qandaraas inay Qabaan in loogu Talo galay in Carqalad laga abuuro Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya”
Mar la weydiiyay in ay Qarax la beegsadeen Gaari ay lahaayeen MMIS garabka ku biiray DKMG ah ayaa waxa uu ku jawaabay“Saldhigu Waa Saldhig Nabad Galyo, Maxaabiis baa ku xiran, Maxkamad baa ka furan Shareecadey Dadka ku kala baxaan, Amnigiisaa Sugan Dadkaa loogu kala gar qaadaa Qofkii Danbi galaa waa la soo qabtaa waa la xiraa, marka meel uu Ciidan ka duulo ma aha, meesha Hadda wax lagu Qarxiyay iyo Saldhiguba iskuma Dhawa, Haddii Wax la Qarxiyay iyo haddii aan la qarxininba Saldhigu wax Shaqo ah oo uu ku leeyahay haba yaraatee ma jirto, isla markiina iyada oo aan Cid kale la wax weydiin baa Saldhigii Weerar lagu soo idleeyay, illaa Saaka, illaa xalay illaa Shalay intaasna Dagaalku waa socday”.
Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Dhinaca DKMG ah oo ku aadan Hadalkan ka soo baxay Xisbul Islaam.
Dagaalada ka socda Muqdisho oo galay maalintoodii 4-aad ayaa u muuqda kuwo sii xoogaysanaya isla markaana ku sii baahaya Goobo kala duwan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Related posts:
Muuse caraaloow kumaad tahay
islaam hadaa tahay oo ilaah kabaqeyso waxaan kuu sheega in aad dadka aad afayeenka u tahay aadan fitneen oo dadka dadka wax galka u’ah dilaaya aadan dhibka u horkicin oo dan ku tageerin alshabaab waa dad yahuud u’adeega oo niman qadar udhashay oo yahuud qadraas kasoo qaata ayaa dhaqaalahooda bixiya waan lasocnaa ee ha’u horkicin dhibka oo ilaah kabaq
waxaan idinka codsanaynaa in aandan soo gudbin wararka dadka aan mas,uuliyadda qaadi karini sheegayaan oo tilmaamaya in jihaad lagujiro in gaalo lala dagaalayo in khawaarij lala dagaalayo iyo waxa diinta been abuurka ku ah intaba idinkoo mahadsan
Xasbunalaah wanicmal wakiil hadalka muuse cabdi caraale uu leeyahay niman gaalo soo adeegsatay been u ekaa ilaah kacabsi yaraa,sheekh cid gaalo soo adeegsatay ma jirto xabadana adigaa ku talo galay waxaanse kuu sheegayaa in aadan xal xabad ku gaarayn iyo kursiga aad wada doonaysaan waan hubaa hadii maanta xisbul islam kursiga madaxweynaha lagu fariisiyo in ay oranaysaa aan heshiino dhamaantin waa saas diintii ilaahay qiimaheedii maydaan marin umaddii muslimka aheyd ee soomaliyeedan idinka aamin bexe waa xaqiiq taasi ilaahay quraankiisu runbadanaa waa cidii maqlaysee wuxuu leeyehay hadaad shay ku murantaan u celiya kitaabka ilaahay iyo sunada nebiga scs.hadalku qiimo badanaa,kitaabkii mayaalaa sunadii mataalaa culimadii ma qaylinaysaa alaahu akbar maxaa kaa maqan oo aan ka aheyn kurigaas baas dowladii intii ka badnayd waa cidla oo waxay u baahan tahay rag ku fariista oo hagga maad shuurada noqotaan? cidwalba kasaraysa suuradu xataa baarlamaanka waa ka saraysaa.Alshabaabow, xisbul islaamow, hebelow,shaydaanow,waxaan idiin sheegayaa dowladii siyaad bare dowlad ka xoogwayni ma soo marin wadanka iyana sidii ay xabad u ridaysay bay kala daadatay idinku inshaa alaahu tacaalaa waad kala daadan doontaan shacbaka haraadanow,daalanow,dhaawaca ahow,dhibka qayb ayaad ka tihiin ilaahayna idinkuma saliday qabqablayaashan cusub ee toobad keena si ilaahay inooka dulqaado kuwan dhiiga mooyee aan wax kale ku gamin.
a/c.
wixii aan saxay waa minalaahi wixii aan khaldayna waa min nafsii wa mina shaydaan wa inii atuubi ilalaahi sw.
SH.MUUSE CABDI CARAALE GEESI SOOMAALIYEED OO XAQA U ISTAAGAY DHEH ILAAHAY HA XAFIDO ISAGA IYO MUJAAHADIINTA OO IDIL EE XAQA U ISTAAGAY.
Dagaalkan cid ka ma cashaysa ma jirto, dawladda waa la og yahay oo waxaaba loo asaasay sidii laysaga hor keeni lahaa mujahidiinta,waa tijaabo horay cadawgu ugu guulaystay, mana ahan arrin qarsoon.
illaahaw sharkooda umada ka badbaadi.