Markab Ingiriisku leeyahay oo ay Burcad Badeedu Siideysay.

Published on May 10, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

Burcad BadeedMa’uuliyiin Dhanka Badaha Qaabilsan ayaa Sheegay Maanta oo Axad ah in Burcad Badeed Soomaali ah ay Siidaayeen Markab laga lahaa Dalka Egland waxaana sidoo kale lasii daayey Dadkii Saarnaa oo Badankood Bulgarian ahaayeen kadib Mudo Bil ah oo ay heysteen Burcad Badeedu.

Barnaamijka Kaalmeynta Badmareenada Geeska Afriko oo ay Kenya Xaruntiisu tahay ayaa Sheegay in Markbka(Malspina Castle) oo wada Xamool Gaaraya 32,000 oo Tan in la sii daayey Shalay Galab kadib Markii ay Bixisay Shirkada Talyaaniga ah ee uu Markabku u Shaqeynyayey lacag Madax furasho ah oo aan Cadadeeda la Shaacinin.

Sioo kale Dowlada Bulgaria ayaa Cadeysay Siideynta Markabkan waxa ayna Sheegtay in Dhamaan Shaqaalihii Saarnaa ee ka koobnaa 24 Ruux, oo kala ah 16 Bulgarianah, 4 Filipin ah, 2 Ukrainian ah, 1 Russian ah, 1 Indian ah, ay Badqabaan.

Ku dhawaad 20 Markab iyo Boqolaal Badmareeno ah ayaa Haatan gacanta ugu jira Burcad Badeeda , waxayna ku tusineysaa Waxtar la’aanta inkabadan 15 Maraakiibta Dagaalka ah oo ay leeyihiin Reer Galbeedka oo ku sugan Xeebaha Soomaaliya in kastoo ay Dileen isla markaana ay Qabqabteen Dhowr ka tirsan Burcad Badeeda, waxaana sidoo kale la diiwaan galiyey in kabadan 100 isku day oo Qaarna ay Burcadu ku Guuleyteen Qaarna ay ku fashilmeen oo ka dhacday Gacanka Cadan iyo Badweynta India tan iyo Bilowgii Sanadkan taas oo ku tusineysa kororka Xoogan Marka loo fiiriyo Sanadkii hore Xilagan oo kale.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Burcad Badeeda oo Doon Dalka Masar laga leeyahey siideysay.
  2. Marakabkii Ganacsatada Soomaalida u Rarnaa ee ay siidaayeen Burcad Badeedu oo Dekeda Muqdisho ku soo Xirtay.
  3. Markab laga leeyahay Dalka Norwey oo Madax Furasho lagu siidaayey‏
  4. Markab cusub oo burcad badeedu afduubeen
  5. Shirka Caalamiga ah ee looga hadlayo Burcad badeeda oo lagu xusay in Burcad badeedu ay qeyb ka tahay Amaan darida ka jirta Soomaaliya

Readers Comments (1)

  1. khadar maxamed says:

    waxn ku farax sanahay siida ushaqanasan oo ah cadalada ah iyo sida hab samidaleh wan mahadan tiihiin by

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Burcad Badeeda oo Doon Dalka Masar laga leeyahey siideysay.
  2. Marakabkii Ganacsatada Soomaalida u Rarnaa ee ay siidaayeen Burcad Badeedu oo Dekeda Muqdisho ku soo Xirtay.
  3. Markab laga leeyahay Dalka Norwey oo Madax Furasho lagu siidaayey‏
  4. Markab cusub oo burcad badeedu afduubeen
  5. Shirka Caalamiga ah ee looga hadlayo Burcad badeeda oo lagu xusay in Burcad badeedu ay qeyb ka tahay Amaan darida ka jirta Soomaaliya

Latest Headlines