Dr Axmed X C/raxmaan oo aanu ka wareysaney Kulankii Xisbiga ay la qaateen.

Published on May 9, 2009 by   ·   7 Comments   ·   print

Dr Axmed XaajiWaxay halkan Shabakada Somalimirror idinku soo gudbineysaa Wareysi kooban oo ay la leeyatey Dr, Sh Axmed Xaaji C/raxmaan oo xuhin ka ah Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ee Shirku uga Socdo Hotel Guled  ee Magaalada Muqdisho.

 

Sheekha oo hogaaminayay Gudi Hay’adu u saartey inay la kulmaan Xizbiga Islaamiga Soomaaliyeed ayaanu wax ka weydiinay wixii ay kala hadleen, sidoo kalena isla gaareen.

 

Wareysiga oo ahaa mid kooban ayaa sidan u dhacey ee ka bogasho wacan:-

 

Somalimirror:- Sh Axmed, waxaad hogaamineysay sidaan wararka ku heleyno Gudi la kulmey Xizbiga Islaamiga Soomaaliyeed Maxaad kala hadasheen kalase kuleen?

 

Sh Axmed X C/raxmaan:- Bismilaahi Raxmaani Raxiin, Horta Qiyaadaadkii qaar ka mid ah Xizbi Islaam qaar ka mid ah ayaanu aragney Rag muhim ah oo Culimo ah ee ay murjineyso arinta Soomaaliya ayey ahaayeen falanqeyn dheer oo dhinacyo tiro badan ah ayaanu ka wada hadalney, Mustaqbalka Soomaaliya khataraha heysata sida loga bixi karo,sidii midhahii Jihaadka ka dhashey ayna u lumin, arimo tiro badan oo runtii isku aragti ka aheyn ayaa jira wadciga Siyaasiga ah ee hada jirana xal-xaladiisu wakhti bay u baahan tahey laakiin mabda ahaan iyagu Soomaaliya inay is leyso siiba Mujaahidiintu is laayaan arinkaasi mowqif Mabda’i ah bay ka taagnaayeen wayna ogolaayeen, Arinka kale ee in wada hadal la furo iyo arinkaasna hadda waa arin u baahan Wakhtigiisa waana ka wada hadleynaa waana socotaa sidii lagu furi lahaa wakhtigii la furi lahaa shuruudii lagu furi lahaa waa arin farsamo aad iyo aad u baahan in qolo waliba aragtideeda soo gudbiso marka runtii waxaan is leenahey Jawi aad u fiican oo soo dhaweytiina leh oo madax furan oo ay qadirinayaan wax  yaalo tiro badan, ee Qadiyaduna waa qadiyadii Umada cidna lagama lahan  iyagu arinkaas waa ictiraafsan yihiin Dadka Culimadaa ama Dadkii Saxwadatan iyo baraarugan ka soo shaqeeyay arinkan ayna ka laheyn ayey aad u dareemayeen caqliyadaas ayeyna nagu qaabileen aad iyo aad baana uga mahad celinay waxaana rajeyneynaa wax yaalaha kale ee dhimanna hadba sida ay u xalisamayaan in loo xaliyo waxay u baahan tahey wakhti waxay u baahan tahey juhdi waxay u baahan tahey farsamo waxay u baahan tahey wax yaalo kale oo kaalmeyn kara oo sida dicaayada ay yaraadaan marka anagu jawi qurux badan baanu u aragney waxaana rajeyneynaa kuwaas oo kale kuwo la mid ah inay ka furmaan dhinacyada kale oo saameynta ku leh arinta Soomaaliya.

 

Somalimirror:- Maxaa xigi doona oo qorshe ah oo aad ku talo gashan tihiin dhinaciina inaad qabataan?

 

Sh Axmed X C/raxmaan:- anagu Hay’ada Culimadu waa Hay’ad Umada u dhaxeysa waa Hay’ad ilaalineysa jiritaanka Umadu leedahey oo Diintu kow ka tahey waa Hay’ad dhageysaneysa wax kasta oo xal keeni kara waa Hay’ada u kala dabqaadeysa Umada wixii wax ka go’aan saadarteen waxaan rabnaa qof kasta oo wax ka go’aan ama qadiyada Soomaaliyeed Saameyn ku leh in lala hadlo la dhageysto shuruudiisa la ogaado xalku inuu noqdo wada hadal & aragtida oo la is weydaarsado waxaa ka mid ah Xizbigaa ka mid ah Ururka Shabaabka ka mid ah  waxaa ka mid ah dad kasta oo saameyn ku leh umada saa darteen anagu dhinacan Mucaaradada hadee waxaa xizbu Islaam & Ururka Shabaabka anagu qolodaas ayaa ugu weyn qolodaas oo dhanna waxay xisaabsan yihiin Saxwadii Islaamiga ahaa ayey xisaabsan yihiin waxaan rajeyneynaa inay u furan qalbigooda & Maskaxdooda sidii xal loo heli lahaa Umaduna looga talin lahaa Aayahooda Barakacana loogana joojin lahaa inay Jihaadka midhihiida dhadhamiyaan inay degegnaansho helaan inay Dowlad helaan inay Islaam helaan inay helaan nixid iyo turid inay helaan intaas oo dhan ayey u baahan yihiin waxaana rajeynayaa Qof kastoo diin leh oo Saxwada ku soo jirey inuu arinkaas tixgelinaayo wixii diin ah oo khilaaf ah oo jira waa laga niqaashi karaa  wixii Ra’i oo Siyaaasi ah waa laga hadli karaa laakiin in la wada hadlo waa dariiqada Ilaahey ku talo galey oo Bani Aadanka qanaacada keenta oo keenta in la gaaro xalkii la rabey.

 

Somalimirror:-Ururka Shabaab oo aad soo hadal qaadey yaad kala kulanteen maxaadse kala hadasheen hadii aad is aragteen?

 

Sh Axmed X C/raxmaan:- Ururka Shabaabka cidna kalama aanu kulmin runtii waa arin in la baadi goobo khasab tahey weeye anagu lamaanu kulmin xiriir nama dhex marin arinkaasi waa cadeynayaa laakiin waxaan ku qanacsanahey in la helo inay khasab tahey, waxaan cadeyneynaa in lala hadlo inay khasab tahey in la dareemo oo la ogaado maxey aragtidoodu tahey maxey rabaan in xal lagu gaaro in arinkaas oo dhan laga wada hadlo umada danteeda laga wada niqaasho waa qeyb Saxwada ka mid ah saa darteen dowrkoodii cid inkireyso ma jirto in la inkirana maahan, arintaas waxaa la mid ah in hade Culimadii & Dadkii Saxwada Odayaasha ka ahaa in iyaga laftooda dhageystaan waxaa weeye waa arin la mid ah saataa wax ku hagaagi karaan taasaa is af garadku ku dhici karaa taasaa umadu isku duubnideedu ay wax ku noqon kartaa saasaa ay nala tahey anaga.

 

Somalimirror:-Waxaad sheegtay Niyadsami & qodobo Muhiim ah oo wanaagsan inaad isla gaadheen Xizbul Islaam, Niyad intee leeg baad u heysaan inay fulaan?

 

Sh Axmed X C/raxmaan:-Dad Culimo ah oo magac ku leh Saxwada ayey yihiin Xizbul Islaam raga ku jira waxa weeye rag Jihaadkii qeyb weyn ka qaatey Umadu ay taqaan weeye, saa darteed rajo badan baan ka qabnaa waxaan ka qabnaa Umada ka Culimo ahaan iyo ka Mujaahidiin ahaanba si walba inay xalka sidii loo heli lahaa ay wax ka baadi goobaan. 

 

Halkan ka Akhri Wareysigii hore ee Dr Axmed X. C/raxmaan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. C/raxiin Cadow oo ka warbixiyay kulankii Shaley ay la qaateen Sh Shariif.
  2. Maxaa ka soo baxay kulankii Xisbiga Islaamiga & Odayaasha Dhaqanka Hawiye?
  3. C/raxmaan Macow oo aanu ka waraysanay Dagaalkii Baladweyne ka Dhacay
  4. Waraysi:- Sh Bashiir:“Waxaa Xigi doona Inshaa Allahu, inaan la xariirno qeybaha aanu la hadalney ee aanu u soo jeedinay Talooyinka meesha ku qoran”.
  5. Dr. Axmed X. C/raxmaan oo Dawro Cilmi ah ka Bilaabay Galdogob

Readers Comments (7)

  1. Mujahid says:

    Sh amed Iyo Culimada kale ee isu taagtey kala badbaadinta walaalaha mujahidiinta ah iyo xal u helida arinta somalia allaha xafido
    allaha waafajiyo sidii kheyrku ku jiro aduun iyo aakhiraba

    Qof kastoo muslim ahna waxaan kula talinayaa inuu culimada rabaaniyiinta ah la maqlo
    oo laga fogaado fitnada
    wajazakumullahu kheyran

  2. Runsheeg says:

    Acww.

    In kasta oo aan ogahay in qolada webkan is ka leh ay san soo bandhigey wixii fikrad ah ee ka soo horyeeda qorshada ay iyagu wax u rabaan waayo dhowr jeer oo aan talooyin culumada usoo jeediyay reer Somalimirror sooma gudbin .

    Culimada waa dadkii diinta na soo baray lakiin malaaig iyo anbiyo maahan ee way qaldami karaan hadii qaladkooda la arkana maahan in indha laaan lagu raaco ee waa in xaqa loo sheego mar labaad iyo mar sedexaad waxaan u soo jeedinayaa talooyinkan.

    1- Ilaahey ka baqa oo xaqu sidii uu yahay u hay u sheega dhexdhexaadna noqda si umada oo dhan ay idiinku kalsoonaato lakiin sida hada muuqato xamar waan wada joognaaye in Villa Somali aad ku mashquushan aadideeda xal maahan ee ka fogaada kuwaas dowlad ma ahan waa qaaimiin umada iyi mujaahidiinta qiyaamay weligoodna dowlad ma noqonayaan ishaa allah ee dad culumo ayaad tihiina yuusan shaarku idiinka wasaqoobin ee fadlan fadlan dhexdhexaad noqda kaalaya masaajidada iyo meelaha mujaahidiintu ay gacanta ku hayaan umada ka wacdiya

    2- Mar walba aad iyo aad uga diga la midowga dad aan dacwada ehel u aheyn ee lala midoobayo taas oo cawaaqib xumo lagala kulamay sidda la midowgii qoladii amxaaro xamar keentay sidda xuseen ceydiid iyo shariif ahmed oo horay uu shiikh xasan daahir ula midoobay asmara, taas oo keentay kuwii mujaahidiin dhabarka ka wada toogatay ee amxaaro u adeegsatay sidda cabdi qeybdiin iyo dhuumaal in maanta la jiraahdo wey jihaadanaan oo amiirka ayey difaacayaan war culumoy ilaahey ka baqa siyaasada ka fogaada hadaad mansab dooneysaan aduunyo diinta yaan lagu gabanin ee diintaa wax walba ka qiima badan ,ka sharaf badan , ka cizi badan ee iyada ha lagu dhego.

    3- Culumadu waxaan kula talinayaa in dadka ay aad iyo aad ugu baraarujiyaan ka fogaanta qabiilka ay islicmaayalayan kuwan dowlada sheeganayo ee mujaahidiinta lagu kala saari arintaas aad iyo aad culumadu ha uga hadasho islaamku mumin,muslim bes baa laga yaqaan ee waa reer heber iyo waa gobol hebel iyo meel heblaayo ayuu ka yimid ilaahey agtiisa ma laga yaqaano marka qof kasta oo muslim ah oo ka soo haajiray meel musimka lagu dhibayo waa walaalkaa ha ahaado afgaanistaan, ha ahaado pakistaan ha adaayo yemeni, ha ahaado jazaairi iska daa waa daarood iyo waa isaaq iyo waa hawiye iyo bari ,waqooyi iyo bay dhabo ayuu ka yimid fadlan culumadu arintaas aad iyo aad muslimiinta ha ugu cadeyso.

    ugu danbeyntii walaalaha websidkan waxaan aad iyo aad uga codsanayaa in qof walba fikradiisa ay soo gudbiso si waxa qaldan iyo waxa saxda ah loo wada arko

  3. AbuGaaloEri says:

    ASC.

    Ilaahay mahaddii waxaad mooddaa arin aan aad u tabayey in ay culimada musalaxadu hadda garteen. Arrinkaas la’aantiis wax inay kasuurto galan fatwo caam ah ma jiraan.
    Arrinkaasi waxaa weeye dadka ay talada Ummaddu ka go’do in la dhageysto,xalka sida ay u arkaan iyo in Ummaddu ay ku madax bannaanayso in laga dhegeysto. in aan go’aammo dusha looga keenin walibana aan sax ahayn, dhan u jan jeer iyo dhan u xaglinna aan ka marnayn.

    Waxaan arkaa in sidii dhaqanka inoo ahayd iyo in darafka kale la ilqeeyo/inkiro oo la baai’iyo baryahamba wax ku socdeen. Arrinaasi waxaa uu halis ku yahay wax Alliyaale iyo wixii thawaabit iyo diin ahaa. waxaanan is leeyahay waa midka sababay in maanta ay isku dhimanayaan oo id laynayaan raggii shalay mujaahidiinta wada ahaa, haddii aan laga leexan dariiqaas bilowgiisu sidaas yahay (Aliaahay kama dhigee) waxaa laga guran doonaa miro aad iyo aad u kharaar. Mas’uuliyaddedana malahan oo kalya kuwa xabbadda isku ridaya ee waxaa qayb aan ka dhicin ka galaya kuwa iyagoo musaalao sheeganaya haddana aan dariiqeed hayn.

    Warkaygani waxaa uu ku wajahan yahay, culimada qaybta musaalaxada. Walaalayaal dadku waa idin kala yaqaan oo nin walba inta aanu shirka iman ayaa lasii ogyahay itijaah iyo mad-hab ahaan halka uu msaalaxada ku iyo shubayo. Darafyada LAGA DHEX RAADINAYANA INTAA IN KASII BADAN AYey kasii ogyihiin mawaaqiftaiyo waliba ma’aalka go’aamadu. Sidaa awgeed, walalayaal Allaah halloo run sheego, Ummaaddana idinka xxaggiinna yaan looga man.

    WabiLlaahi at-tawfiiq

    Was.c

  4. Rooble says:

    Sheekha allaah khayr ha siiyo waa caalim howshana allaah ha u sahlo.
    shabaabka Godane ninaan ahayn la kulankiisa ma dhamaystirna!

  5. runta sheeg says:

    Bismillah.
    Assalamu calaykum.
    runtii hay’ada culimada soomilyeed dadaal ayey wadaan ,laakiin waxaan ka baqayaa in qolyaha danaha kale wata aysan dheg jalaq u siin .
    Alle ha laga baqo oo culimada wixii ay ku saxan yihiin ha laga qaato,maxaa yeeley waa dad cilmi,caqli,garaad,iyo cibaadaba nooga fiican .
    kehyrka Allaha na waafijiyo.

  6. axmed indho says:

    bismillah
    asalamu alaykum
    jazaa kalaa sheekh si fiican ayad wax noogu sheegtay,balse sheekh waxad ogaataa dadka aad la hadlaysaa malaha dux iyo iimaan markaas diina ku heshiiya garan maayan,maslaxona ku heshiiya garan mayaan, waxay yihiinba garanmayno dadka reer muqdisho.

  7. ali says:

    a/c ummadaan aakhirkeedu ku hagaagimaayo illa wixii awalkeedii ku hagaagay maahane ,
    walaalayaaloow aan is wydiinee makooxay ahaayeen mise hal koox oo isku qowl ah.
    walaalayaalow bahashu meeshay la’dahay waa urur diimeed yada ee ninkii lagu imtixaanay oo ay qorta uga jirto ha isaga boxo isagoo ilaahay kacabsanayah , ilaahayna hau toobad keeno.raga wadaadaa oo ducaadana dadka arintaasi ha usheegeen intay ururo kala jaada ugu yeeri lahaaye.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. C/raxiin Cadow oo ka warbixiyay kulankii Shaley ay la qaateen Sh Shariif.
  2. Maxaa ka soo baxay kulankii Xisbiga Islaamiga & Odayaasha Dhaqanka Hawiye?
  3. C/raxmaan Macow oo aanu ka waraysanay Dagaalkii Baladweyne ka Dhacay
  4. Waraysi:- Sh Bashiir:“Waxaa Xigi doona Inshaa Allahu, inaan la xariirno qeybaha aanu la hadalney ee aanu u soo jeedinay Talooyinka meesha ku qoran”.
  5. Dr. Axmed X. C/raxmaan oo Dawro Cilmi ah ka Bilaabay Galdogob

Latest Headlines