Sh. Max’ed X. Yusuf “Hadda Waxaan Rajeynayaa in Dowrkii Culimada soo Noqday”

Published on May 6, 2009 by   ·   10 Comments   ·   print

Sh Maxamed Xaaji YuusufWaxaan halkan idinku soo gudbineynaa Wareysi Dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo Shabakada Somalimirror la yeelatey Sh Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee Shirku uga furmey Magaalada Muqdisho.

 

Sh Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan waxa uu ahaa Amiirka Xarakada Al-Itixaad Al-islaami ee Gobolka Gedo, Wuxuuna hadda ku nool yahey Dalka Qadar oo uu ka soo kici timey.

 

Wareysiga Sheekha ayaana u dhacey sidan ee ka bogasho wacan:-

 

Somalimirror: – Sheekh Maxamed ugu Horeyn Bal waxaad Warbixin kooban naga siisaa ujeedka Socdaalka aad ku timid Magaalada Muqdsiho?

 

Sh. Max’ed X. Yusuf:- Bismilaahi Raxmaani Al-Raxiim, Horta waxaan ku faraxsanahay kolka koowaad Muqdisho inaan imaaday 6 sano Wakhti ku dhaw ka dib, inkastoo Bur-bur badan oo aan ku ogayn aan ku arkay oo aan aad ugu Naxay, hadana waxaan illaahay ku Mahdinayaa inuu Gaaladii ka xoreeyay, inuu Magaaladii oo Caawa Soomaali u Khaas ah in kastoo waxyaalo kale la sheeg sheegayo aan u imid taasna ilaahay inaan ku Mahdino weeye, Shukrigaas ee aan ilaahay ku Mahdinayno waxa weeye inaan ilaahay Shareecadiisa isku Dabaqno si aan Shaakiriin u noqono, Qodobka labaadna waxa weeye Dadkii Soomaalida ahaa oo u howl-galay Dhibaatooyinkaas inay Shafka u dhigaan iyagana waan u Hanbalyaynaa Mahad Balaaran baana u Celinayaa, ilaahayna waxaan uga baryayaa Kii la dilayna inuu Shahaadada u Aqbalo kii Dhaawaca ahna u Booga Dhayo, kii agoon ahna Xanaaneeyo, Quluubta Dadkana ilaahay inuu isu soo jeediyo, oo Ummaddaan Maslaxadeeda intay garato, oo Masaalixda Shakhsiga iyo fardi fardinimadu intay ka tagto Umadaan inay Meel uwada jeedsato ayaan ilaahay ka baryaynaa, Qodobka Saddexaad aniga Socodkayga waxa uu ahaa horta inaan Muqdisho iyo aagaan Booqdo Goboladda kale ee Dalka iyo Meelihii ii suuroobi karana inaan mar-maro, haddii Cid waano loo jeedin karo oo ilaahay ku anfaco aan helnana aan u jeedino, haddii kale aragtida iyo Booqashadda wixii ehel ah iyo wixii Saaxiibo ah sidaas ayuu socodkaygu ahaa, ka dibna Qoladan Culimada ayaa igu Marti qaaday waxay yiraahdeen, Shirkaa nagala soo qeyb gal anigana waan ka aqbalay.

 

Somalimirror: – Mudo intee la eg baa laga yaabaa inaad Muqdisho joogtid?

 

Sh. Max’ed X. Yusuf:- shirka waxaa laga yaabaa inuu socdo 5 Bari oo danbe Insha Allaah, Shirku markii uu dhamaado ka dib yay noqonaysaa insha allaahu wixii Barnaamijya ah oo danbe inaan u gudbo, intay noqon doontana ma aqaan, kolkaas Magaalada inaan mar-mar oo wixii aan arki karo arko saas ayay noqonaysaa Insha Allaah, laakiin inaan aad ugu sii raagi doono umalayn maayo markii uu shirku dhamaado ka dib.

 

Somalimirror: – sideed u aragtaa Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed iyo Kaalinta ay ka qaadan karto Xal u helidda Mushkiladda Soomaaliya?

 

Sh. Max’ed X. Yusuf:- horta Ummadda Islaamka Saminkii hore oo Rasuulka (SWW) intii ka danbeysay, Culimada ayaa xukunka Haysay Wakhtigii Abuubakar, Cumar, Cuthmaan , Cali iyo Khulafaa’u Raashidiintii, Ragii Culimadda ahaa baa xukunka hayay, markaas umadu waxay dhadhamisay Cadaalad iyo Amni iyo Midnimo iyo Cizi iyo Diintii oo Aduunkii lagu faafiyo iyo Degenaansho Meel walba ah iyo Dowladii Islaamka oo fidda oo laga soo bilaabo Andolos illaa Shiinaha intaas inta ka dhaxeysa islaamku gaaro, laakiin Wakhtigaa wixii ka danbeeyay Xukunkii waa ka wareegay Gacantii Culimadda, laakiin Wakhti waxaa la soo maray Umaradu ay Dhageysan jirtay Culimada oo wixii Sharci ah aysan ka gudbi Karin oo shareecadda la isku xukumi jiray, oo ay Culimadu ahayd Xukunku labo Rukni: Rukni Umaradda ah iyo Rukni Culimo ayaa la soo maray, Dhibaatadu waxay dhacday markii Shareecaddii Islaamka  laga dhex saaray Xukunkii oo Gumeysigii Dalalkii Islaamka Qabsaday oo khilaafadii Islaamiga ahayd la baabi’iyay oo Culimaddii Dowrkoodii Gaaladii iyo Gaalo Raacii ay Hoos u dhigeen oo Mabda’an Faslu Dowlati Cani Diin la yiraado uu soo baxay Wakhtigaa iyada ah waxaa soo baxay Dowrkii Culimadda inuu Hoos u dhacay, Carabta waxay tiraahdaa رب ضارة نافعة  wax wax dhibaya oo hadana Nafci ku jiro inuu jiraa laga yaabaa marka dhibkii Soomaaliya ka dhacay, iyada oo Saxwadu ka horeysay Bur-burkii oo mudo badan soo socotay laakiin, Dowrkii Culimadu ay qaateen hadaysan u istaagin Umaddu waxaana anigu isleeyahay maanta Dal loo Moohdo in la xukumo ma jireen baan isleeyahay, oo haday tahay Madariso la furo oo haday tahay Duruus Masjid laga Akhriyo iyo haday tahay Masjid la dhiso iyo haday tahay Ceel la qodo iyo haday tahay Agoon la xanaaneeyo iyo haday tahay Dadkii oo lagu dhex jiro oo la Heshiisiiyo iyo haday tahay Dadkii oo Jecayl lagu dhex abuuro la is-dhex maro waxaas oo dhan ilaahay fadligiisay ku yimaadeen, laakiin Culimadaa Sabab u ahayd, waxaan xasuusnahay is-dhex markii ugu horeeyay Soomaaliya wuxuu bilowday 1993 wuxuuna ka bilowday wakhtigii ay wadaadadii qabsadeen Luuq, Badeecadii xamar laga qaadayay Dadkii waday inay Badeecada iyo Dadkii waday Gawaaridii Halkaa ku rogaan ayay Gawaaridii soo noqdaan iyaga oo Badeecadii gatay, wixii Gawaari Gedo joogana Halkaa ka qaadaan loo gudbiyo Kenya iyo Itoobiya, Marka Dadkii saas ahaa waxaa ka dhaxeeya is –dhex gal iyo Walaalnimo iyo Heshiis marka waxaan dhihi karaa Dagaal Qabali ah oo toos ah mid Maslaxo iyo ku dhisan iyo waxyaalo yar-yar ma ogiye Samanadaas ayaa u danbeysay ilaahay ka sokoowna waxay ku yimaadeen Dowrkii ay Culimadu qaadatay iyo Dadaalkii ay dhiibaysay yuu ku yimid marka waxaan isleeyahay hadda waxaan rajeynayaa in Dowrkii Culimada soo noqday, Culimadan Musaalaxadda ama Hay’adda Culimada Runtii Dowr fiican bay qaateen laakiin aniga lama socdo Dhismahooda iyo Habka Nidaamkooda waxba kalama socdo illaa iyo hadda. Laakiin waxaan ogahay Dowrkii hore 10-kii qodob ee ay soo saareen inay qodobo aad muhiim u ah u ahaayeen, hadana laga rajeynayo kuwii kuwo ka muhiimsan inay soo saaraan.

 

Somalimirror: – Aragtidaada, sideed isleedaha waa la iskugu keeni karaa Xoogaga Muqaawamada?

 

Sh. Max’ed X. Yusuf:- horta arintaan waxaa ugu muhiimsan

1-      in la iskugu keeno ilaahay in la baryo, Dadkaan Towfiiqda inuu Waafajiyo

2-      Ukhuwada iyo Tacaawunka inay Ogolaadaan,

3-      Mida kale ee ku soo xigta waxa laga rabaa Ikhlaas iyo Tajarud

4-      In ay ka marantahay Doodiisa Dan gaar ah ee Maslaxadda Guud uu raadinayo, haddii arintii dano gaar ah noqoto Ma sahlana Is-afgaradkeedu, Tusaale ahaan, Qolo waxaa laga yaabaa inay qabaan anagu waxaan nahay Dowlad, Dowladana waa in la adeeco, wixii ka soo horjeedana waa amar diido, ama qaarkood sida ay ku sheegeen Duqaad iyo waxa noocaas ah Qoladda kale waxaaba laga yaabaa inay qabaa hadee Dowlad sidii lagu dooran jiray la idin kuma soo dooran oo macnaheedu waxa weeye wax Rabitaanka Shacabka ka soo fulay ma tihiine dad gooni ah baa tihiin, waxa kale oo ay qabi karaan Mirihii Jihaadkii la galay oo Xabashi iyo wixii la halmaala lala galay, Mirihii iyaga ahaa Rag aan u howl-galin baa rabta inay gurtaan way dhihi karaan, waxaa kale oo ay dhihi karaan Baarlamaankaan hadda ah, assaga intiisa badan waa Baarlamaankii Ogolaaday Ciidamadii Gaaladu Dalka inay soo galaan, marka waxaas oo Salbiyaat ah Dadkii ay ka muuqatay anagu waxba kuma aamini karno waan dhihi karnaa, hadee labadii qolo haday sidaas yiraahdaan, oo qolo waliba halkeeda ku adkaysato arin sahlan ma aha, arintaa iyada ah haddii Tusaale Tanaasul imaanin oo Meel dhexe aan la iskugu imaanin waxaa suuroobi karta inuu Dagaalku dib u Qarxo, kolkaasna hadee Soomaaliya Xaaladeedu meel mugdi ah oo Cusub inay gasho ilaahay baan ka magan galnay, arinta waxaad moodaa waxa hadda Soomaaliya yaal ama Gaaladii la eryay ha noqoto ama Dadka Wacyigiisu gaaray in Shareecadda la isku xukumo ha noqoto, Tusaale aniga Taariikhiyan waxaan la socdaa 1961, Dastuurkii Soomaaliya loo sameeyay markii laga doodayay Raggii Soomaaliya Madaxda u noqday ninkii la qabay inuu Diinta ugu dhawaa labo maalin ayuu ka doodayay Maado ah in Shareecadda ha noqoto meesha ugu Muhiimsan oo Qawaaniinta laga qaato, war Shareeco miyaa aduunka maanta Wakhtigan wax lagu xukumi karaa sidaas ayaa la soo wariyay Taariikhiyan, maanta Baarlamaan 500 oo qof ku dhadhaw ama gaarsiisanba in la isku wada raaco mar kaliya Shareecaddii ha la qaato, waxay ka mid tahay Duruufaha iyo Waayaha Cusub ee Soomaaliya in laga faa’iidaysto waa muhim, Ninbaa yiri haddii Calaf kula doono Ciidankeeduu ku siiyaa, Dadkii Shareecadda Dabiqi lahaa sidee lagu heli oo Dadkii shalay Gaaladda in Dalka la keeno ogolaaday Shareeca ayaan hadana qaadanaynaa isla mudo gaaban gudaheed Daacad ma tahay mise culays ay Dareemeen baa ka keenay, su’aal baa soo bixi karta, Waxay ku imaan kartaa arintii in la is-afgarto, Tanaasul in la sameeyo oo awood qeybsi la sameeyo, oo awoodaas la qeybsaday Raggii Shareecadda Dabaqi lahaa rag u qalmo shareecaddii loo dhiibo inay Dabaqaan, ilaalintii Ciidamadii iyo wixii Gaaladda Eryay oo Jihaadka ku jirayna la isu geeyo oo laga dhigo Ciidanka Dowlada Cusub, isla markaana wax allaale wixii Maleeshiyaad ah ama Xamar ha joogeen ama meel kale ha joogeene la xareeyo oo Dhaqan celin loo xareeyo oo markii Akhlaaq Fiican iyo Tababar fiican ay soo qaataan markaa ka dib Ciidamada Shisheeyana Dalka laga saaro ileen Soomaaliya maanta haday is-waafaqdo Ciidan Ajnabi uma Baahna, Ciidanka Ajnabina Mushkiladiisa waxaa ka mid ah Shilin kasta oo Ciidamadaas ku baxa adiga ayuu kugu dul-qoranyahay haddii xaataa Magacaaga aan sadaqo lagu siin Magacaaga ayaa lagu soo uruurinayaa Soomaaliya ayuu ku baxay ayaa la leeyahay, hadda ka hor waxaa la qoray oo Majalo ingiriiska ka soo baxda oo Dhaqaalaha ka hadasha oo ay warkeeda soo faafisay BBC-da laanteeda Af-Soomaaliga waxay tiri UNICOM barigii ay joogtay Hal Balyan iyo 500 oo Malyan baa Soomaaliya  Magaceeda lagu soo Aruuriyay 90% waxay lacagtaas ku baxday Ciidamadii UNICOM, Inta hartayna waxaa Qaadatay Qandaraasleydii Yurub Soomaalida  waxaa gashay lacagtaas 70 Malyan baa soomaaliya oo dhan gashay, waxay ku gashay baa la yiri Guri la kiraystay iyo Baabuur la kiraystay iyo Qof la shaqaaleeyay, marka Hal Balyan iyo 500 Soomaaliya Janay ka dhigi lahayd Dhamaanteed oo dhan haddii la galiyo Dalka, marka waxa saas oo kale ah in loo hanqal taago ma aha Ciidamada Ajnabiga ah, waxaa kale oo jira oo iyadana in lagu baraarugo loo baahanyahay Meel alla meeshii la geeyay Ciidamada Ajnabiga waa ay fasahaadiyeen, Afqanistaan baa ka mid ah, Ciraaq baa ka mid ah, Daarfuur baa ka mid ah, Koongo baa ka mid ah iyo UNISOM-tii Soomaaliya la keenay Dad siday u galeen iyo Duliga ay badeen waa la ogaa iyo dhibkii ay geysteen Kufsiga, Dhaca, Dilka, Duliga iyo Ihaaneysiga, ilaahay wuxuu leeyahay  cidii Gaalo ka wali dhigato ilaahay Agtiisa waxba kuma laha, Bimacnaa ilaahay Bari buu ka yahay sida ibnu kathiir qoray, iyagana Bari bay ilaahay ka yihiin waa Cidii Gaalo ka wali dhigata, marka Gaal ha ii ilaaliyo Cirdigayga, iyo Maalkayga iyo Naftayda ha ii ilaaliyo Macnaheeda waxa weeye Wali buu ii yahay oo waa isu dhiibayaa arintaasna Sharciyan in loo darso baa lagama maar maan ah iska uun dheh hadalka ma aha calaa kuli xaal aniga waxaan qabaa arinta Nin walba wixii uu ku fikirayay kaliyah meel la taagnaanina in wadanka waa la wada leeyahaye Halganka dadka u soo galay inta u badan oo dhibaatadu u gaartay waa la yaqaanaa Awooda Halla Qaybsado.

 

Somalimirror: – Intaad Timaadeen ma jirtaa cid aad la kulanteen?

 

Sh. Max’ed X. Yusuf:- arrintaas runtii qolo shalay dadka qaarkii la kulantay waa jiraan laakiin anigu Afhayeen anigu haatan Afhayeenka Shirka maahi sidaa darteen wixii shirka ku saabsan kama hadli karo lakin ra’yigayga khaaska ah ayaan ka hadlayaa.

 

Somalimirror: – Malaga yaaba in shirkan laga soo saaro Axkaamta Masaa’il Sharci ah oo ku saabsan waxyaabaha ka jira Saaxada Soomaaliya sida dilalka, heshiisyada, iyo ciidamada Shisheeye?

 

Sh. Max’ed X. Yusuf:- Baciid maaha 2 mas’alo in wax laga soo saari doono waa ila tahay, Mid waxaa weeye arrinta ku saabsan gaalaysiinta dadka iska degdega ah oo aan geed loogu soo gabanaynin iyo dilidda ayaduna iska fudud oo la banaysan hayo labadaas arrimood in wax laga soo saari doono ayay ila tahay.

 

Somalimirror: -  Sidee u aragtaa go’aankii Baarlamaanku ay ku ansixiyeen shareecada Islaamka?.

 

 Sh. Max’ed X. Yusuf:-  Sideeda anigu waan ka hadlayoo waxaan iri barlamaankaan kalsoonida lagu qabo ma badna, sababta keentayna waxaa weeye waa baarlamaankii ansixiyay dalka in ay xabashiyu qabsato, marka ninka danbiga intaa le’eg galay, meel uu ku toobad keenayna aan la ogayn ma sahlana sida loo aamino, lakiin marka la barbar dhigo tusaalihii aan soo qaaday oo ahaa Soomaaliya ninkii lalahaa diinta ayuu ugu dhawaa oo diiday in shareecada lagu daro qaybaha muhimka ah oo laga qaadanayo qawaaniinta hadii ay horay u joogtay maanta oo 100% la isku raacay oo baarlamaankii isku raacayo horumarka Soomaaliya oo cusub ayay ku tusaysaa, iyo heerka dadka wacyigoodu gaaray, ama qaar rumaysan haku jireen ama qaar cabsi iyo culays ay u gaysay haku jirto si kastaba ha ahaatee waxay tusaale u tahay horumarka laga gaaray dhinacaas.

 

Somalimirror: -  Hay’adda culimadu waxay Ciidamada AMISOM u qabatay muddo 4 bilood ah in ay ku baxaan waxaana hadda ka dhiman bil iyo wax yar, marka Malaga yaabaa in aad go’aankaas sii cuskataan ama aad kulan arrintaas kala yeelataan AMISOM laftooda ama inaad Dawladda ku dardar gelisaan fulinta qodobkaas?.

 

Sh. Max’ed X. Yusuf:- arrintaas waa masaa’isha ay ka hadli doonan culimadu, mas’ala aa wali laga hadlin oo go’aankeedu soo bixinna cidi kama jawaabi karto, isla markaas culimadu waxyaalaha ay daba galka ku samaynayaan waxaa ka mid ah go’aanaddii hore oo ay gaareen wixii ka fulay, wixii ka fuli waayay, asbaabta ay la fuli wayeen, cidda ka danbaysa oo mas’uulka ka ah iyo waxa hadda looga xaalayo, dhamaan arrimahaas waxay ka mid noqon doonaan waxyaalaha laga niqaashi doono, marka ilaahay waxaan ka baryaynaa in umaddan tawfiiq ilaahay siiyo, oo musaalaxo dhex dhigo oo ay iska kaashadaan Birriga iyo alla kacabsiga ayna xarigga eebe wada qabsanaan ayaga oo wadar ah ayna garawsadaan inay dhamaantood walaalo yihiin. Wabilaahi Tawfiiq Wasallalahu Wasallama Calaa Nabiyinaa Muxammad wa’alihii Wasaxbihii Ajmacin.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Al-Shabaab “Dadka Culimada ah waxaan ugu Baaqeynaa Masaarka saxda ah, Caqiidada saxda ah inay u soo laabtaan”.
  2. Sh. Max’ud Ibraahim Suuleey “Maxaa Culimada illaa iyo hadda Barnaamijkan ay ugu dhaganyihiin”
  3. Abuu Mansuur oo ka hadlay Wafdiga Culimada Muslimiinta & Go’aankii Hay’adda Culimada Soomaaliyeed
  4. Waraysi:- Dr. Axmed X. C/raxmaan”Anagu Ujeedadayadu waxa weeye Saxwadda oo hadda isku maandhaafsan waxyaalo Khaas ah in waxaas laga Heshiisiiyo”
  5. Abuu Mansuur “AMISOM, waxaan leeyahay Dalkayaga nooga baxa”

Readers Comments (10)

  1. Abuuyaasir algedaawi says:

    Maasha alaah waxaan leeyahay sheikh maxamed alaha ku xifdiyo cimri dheer iyo janada fardowso ayaan ilaahay kaaga baryaayaa.

  2. shiloow says:

    asc
    mashaa,aallaah shiikha kheyr fara badan allaha siiyo waxa uu nasiiyay tusaalooyin naga maqnaa balse hada na deeqay, qof walboo ugow in uu sineyn qofka cimiga leh iyo qof aan leheyn, waxaana ay kale yihiin sida illaah shegay camoole iyo qof indha qabo, ama mugdi iyo iftiiin , bal aqristoow sfiican udhuux xigmada laguu tusaaleyay,, illaaah xaqa ha waafashiyo mashaa ikhdeena iyagaa dhigta loo tagayaa waxa ay soo saarindoonaane inagane kuwii qaato alaha naga dhigo ewabillaahi towfiiq

  3. Gurey says:

    Slamau Aleykum W.W

    Sheikh waxaan ilaahey ka rajeynanaa inaad runta sheegtid. OO gaal raaca xukunkiisa aad sheegtid. walaa takhaf lawmat laa’im, ileen ilaahey baa gaalada ka weyne.

    Wafaqaka Allah A sawaab

  4. Shagaxle says:

    Shiiqa allaha xifdo, laakiin reer muqdisha sheekh iyo shariifba ma ciseeyaan. Laakiin inay dadalaan wadaadada runta ah ma xuma.

  5. Sayid says:

    ASC
    Nin gurbaan qaatay suaal dhali anigu waxaa iga su aal ah in la weydiiyo wadaadada daqliga ku baxa cida bixisa? waxyaabaha dowlad ku sheega dambiyadey gasho ooga hadliweyday maadaama aan aragnay in ey ka hadlaan kuwa kale hadey meel ku qoslan ama dagax ku tuuraan?
    waxaa suaal kale ah waxa iyaga iyo nimanka isku sheega odayaasha dhaqanka hawiye wadanka wakiilka ooga dhigay ma dadkoo idil bey ka caqli badan yihiin ama dhalkeey gooni u dhaxleen ?
    Tan ugu danbeysa oo aan raboo in leygaga jawaabo waa waxa ey uga tageen qaarada inteedii kale oo u qaateen inta 7da u eg oo keliya iyaga oo sheeganaya Soomaali aqoonyahanadeeda?
    ASC WW

  6. muslim says:

    allah ha barakeeyo sheikh mohamed waa nin wacyiga aad ula socda, waxaanan ognahay raggii dagaaladii ugu adkaa u soo galay sidii islaamku u noqon lahaa dastuurka koomkan gaar ahaan somaalida inuu yahay. waa miraha dadaaladii muslimiinta inuu maanta isagoo xor ah ku soo noqday gurigiisa oo ka maqnaa muddo.

    allah ha ku xifdiyo sheikh mohamed, waanan rajaynayaa inaad raggaagii wada joogtaan sida sheikh Ahmed sh C/rahmaan iyo Sheikh Bashiir Ahmed Salaad

    allah ha idin xifdiyo

  7. abuxafsa[alwacaysi] says:

    axan ku farax sanahay imaatinka shiikha lakiin waxa uu yiri shiikhu waxan imid dalkii oo ka xoroobay gaalo oo soomali kaliya joogto waxan leeyahay shiikh dalka gaalaa joogta kanoqo arinkaas maxsa yeelay yugadha gaalao ma han miyaa bundhi galao ma ahan miyaa soomaalida lafteedu magaalowdo miyaa maxad wax ku dhistay alaah haku xifdiyo

  8. usaama says:

    ascwr maasha allaah marka hore waxaan leenahay alxamdulilaah calasalaamati sheekh mohamed xaaji yuusuf marka xigta dhalinyarada jecel diinta islaamka waa inay ka danbeeyaan ehlo diinka sida sh mohamed ama sh xasan kaar ahaan mujaahidiinta walaal sidoo kale ninka u dhashay dalka somalia wuxuu ka horeyaa kan martida ah hadii cid laqaadanayo fadwadeeda walaalayaal wax ilatahay inaad fahmaysaan ujeedkaga waxaan ku soo gabagabaynayaa alxaqqu yuqaal waehluhu waadix

  9. TAWANE says:

    ASALAAMU CALAYKUM

    maashaa allah mahad dhamaanteed alle ayay u sugnaatay waxaa wax lagu farxa ah in alle mahadii ay soo ifbaxayso kaalintii culimada iyo miisaankoodii lagu yaqaanay culimo rabbaaniyiin ah sheekh maxamed xaaji yusuf oo ka mid ah culimadii dawrka lixaada leh ka qaadatay fidinta saxwada gaar ahaan gobolka gedo allaha barakeeyo cimrigiisa iyo caruurtiisaba aad ayaana ugu faraxsanahay in alle isagoo nabad iyo caafimaad qabo u soo celiyay dhilkiisii oo xor ah waxaana jeclaan lahaa in sheekhu uu cagaha dhigo gobolkii gedo oo maanta ay gacanta ku hayaan dhalinyaro islaamiyiin ah kana mid ah shabaabkii ku soo barbaaray saxwadii uu sheekhu aabaha u ahaa ee gobolka gedo

    wsallamu calykum

  10. cali says:

    Assalaamu calaykum
    waxaan Allaah ka baryaynaa inuu dedaalka culimada guuleeyo, dhiigga muslimiintana kala bad baadiyo, Gaal iyo Gaala Raacna Dulleeyo.

    Shiikhana waxaan leenahay Jazaakallaahu Khayran. waxaan filayaa inuu Booqan doono dhulkii uu Maamuli jiray 10 sano kahor.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Al-Shabaab “Dadka Culimada ah waxaan ugu Baaqeynaa Masaarka saxda ah, Caqiidada saxda ah inay u soo laabtaan”.
  2. Sh. Max’ud Ibraahim Suuleey “Maxaa Culimada illaa iyo hadda Barnaamijkan ay ugu dhaganyihiin”
  3. Abuu Mansuur oo ka hadlay Wafdiga Culimada Muslimiinta & Go’aankii Hay’adda Culimada Soomaaliyeed
  4. Waraysi:- Dr. Axmed X. C/raxmaan”Anagu Ujeedadayadu waxa weeye Saxwadda oo hadda isku maandhaafsan waxyaalo Khaas ah in waxaas laga Heshiisiiyo”
  5. Abuu Mansuur “AMISOM, waxaan leeyahay Dalkayaga nooga baxa”

Latest Headlines