Waraysi:- Dr. Axmed X. C/raxmaan”Anagu Ujeedadayadu waxa weeye Saxwadda oo hadda isku maandhaafsan waxyaalo Khaas ah in waxaas laga Heshiisiiyo”

Published on May 5, 2009 by   ·   7 Comments   ·   print

Dr. Axmed C/raxmaanShabakadda Warbaahinta Somalimirror waxay idiin soo Gudbinaysaa Waraysi ay la yeelatay Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan oo Hogaaminaya Wafdi Culima’udiin ah oo Shalay Galinkii Danbe soo gaaray Magaalada Muqdisho kuwaas oo la sheegay inay ujeedkoodu yahay Dhex dhexaadinta Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed iyo Dar-dar galinta Dacwadda.

Waraysigiina waxa uu u dhacay sida tan:-

Somalimirror:- Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu

Dr. Axmed X. C/raxmaan:- Wacalaykumusallaam Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.

Somalimirror:- ugu Horeyn Dr. Axmed waxaad nooga Warbixisaa Ujeedka Socdaalkiina aad ku timaadeen Magaaladda Muqdisho.

Dr. Axmed X. C/raxmaan:- Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Ujeedada Socdaalkayaga waxa weeye halka kan Culimo Badan ayaa isugu imaanaysa oo looga hadli dooo waxyaalo badan oo wadanka Khuseeya, anaga waxaa noo muhiimsan sidii xal loo heli lahaa, oo looga Bixi lahaa Dhibaatada jirta in arinkaas la isku xil saaro, marka taas ayaa insha allaahu Aas Aas ah.

Somalimirror:- Dhankeed ka socotaan? Ma Dhanka Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaad ka socotaan mise waxaad tihiin Culimo kale oo ka madaxbanaan?

Dr. Axmed X. C/raxmaan:- Culimadu iyaga ayaa noo yeeray oo shirkooda noogu yeeray, anaguna waa nagu jirtay waana na qabataa inaan ku fikirno walaalaha in wax la kala yiraahdo, marka sidaas ayay arintu tahay.

Somalimirror:- Maxay tahay Firqiga u kala dhaxeeya Musaalaxadda aad idin wadaan iyo midii ay horey u waday Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed?

Dr. Axmed X. C/raxmaan:- Taasay ku dhex jirtaa, waxa weeye iyaguna waxay ka hadlayeen ama ay taargeedka saarayeen oo ka shaqeynayeen in la isku soo dhaweeyaan Garbaha is-haya oo Soomaaliya Musaalaxo Taariikhi ah Dhacdo Dadka Walaalaha ah gaar ahaan Dadka Saxwada ahi Heshiiyaan arinkaas ayay ka shaqeynayeen tii laftirkeedii waayo oo la sii Tafciilinayo, hadda wax ka gooni ah oo ka duwan ma aha.

Somalimirror:- Yaa la kulmeysaan?

Dr. Axmed X. C/raxmaan:- arintaasi way cadaan doontaa, sababtoo ah la kulanku Hal Daraf kaliya ma Khuseeyo waxay ila tahay waa arin Gadaal ka cadaan doonta, laakiin anagu ujeedadayadu waxa weeye Saxwadda oo hadda isku maandhaafsan waxyaalo Khaas ah in waxaas laga Heshiisiyo oo laga baxo khilaafka aadka u ragaadiyay Guud ahaan Soomaaliya

Somalimirror:- Ma jirtaa wax Xiriiro ah oo aad horey ula soo sameyseen Garabyadda isku haya Soomaaliya ee aad rabtaan inaad Muslaaxadda u sameysaan?

Dr. Axmed X. C/raxmaan:- wada hadalku waa socday, raguna Saaxiibaa la ahaa waa la wada hadli jiray in la wada hadlo oo ayba tahay arin daruuri ah oo xalka ugu Muhiimsana uu yahay in la wada hadlo koleyba waa laga qanacsanyahay, waa jiraan Rag aan la soo xiriirnay insha allaahu waxaan rajeynaynaa inay Kheyr ku dhamaato.

Somalimirror:- Rajo intee la eg ayaad ka qabtaan inaad ku guuleysataan Musaalaxadda aad isku xil-qaanteen?

Dr. Axmed X. C/raxmaan:- Rajo badan ayaan qabnaa Insha Allaahu. Rajadda Ilaahay lagama quusto, dadkuna waa dad walaalo ah, waxa la isku hayana Koleey waa la qeexi doonaa Baaxadda ay la egtahay, waxaan Rajeynaynaa in marka hore niyada iyo Tafaa’ulku uu ka bato Tashaa’umka, ilaahay waxaan ka rajeynaynaa inuu is-waafajin ka keeno Dadka Muslimiinta ah dhexdooda.

Somalimirror:- Dhanka kale Soomaaliya waxaa xiligani ka taagan Qadiyado Musaalaxo ka baxsan sida Dilal qorshaysan, Heshiisyo wadanka wax u dhimaya, marka ma laga yaabaa inaad arimahaasi Masaa’il Sharci ah ka soo saartaan?

Dr. Axmed X. C/raxmaan:- koleeyba marka uu shirku bilowdo unbaa la arki doonaa, laakiin Qadiyadaha haysta Guud ahaan Soomaaliya in laga hadlo weeye, ama ha noqoto waxa ka socda Baddaha Soomaaliya ama waxyaalaha Heshiisyada ha noqdeen ama ha noqdeen Dilkan hadda joogtada noqday ama ha noqdeen wax kasta oo Bulshada Soomaaliyeed Khuseeya, waxay ila tahay inay tahay waxyaalaha laga hadli doono ee asaasiga ah Insha Allaah.

Somalimirror:- Mahadsanid

Dr. Axmed X. C/raxmaan:- idinkaa Mudan

Somalimirror:- Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu

Dr. Axmed X. C/raxmaan:- Wacalaykumusallaam Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. QM & Yurub oo isku maandhaafsan Nabad ka dhalinta Soomaaliya
  2. Sh. Shariif “waxaa la soo gaaray in laga heshiiyo dhinicii Siyaasada oo lagu heshiiyay hadda in Dowlad Midnimo Qaran la dhiso”
  3. Golaha Dhaq. & Mid. Beelaha Hawiye “Ciidamada Shisheeye Wadanka ha laga daayo, kuwa lagu soo wadana ha laga daayo, 120-ka Maalmood ayaan anagu sugaynaa”
  4. Dr. Axmed X. C/raxmaan oo Dawro Cilmi ah ka Bilaabay Galdogob
  5. C/raxmaan(Abuu Dujaana) oo ka tirsan Isbahaysiga Garabka Djibouti oo shaaciyay Khilaafkii ugu horeeyay ee soo kala dhex galay “waxaana u digayaa Cid walba oo maanta cadowgaas la dagaalamaysaa inaysan ku kadsoomin waxa ka socda Djibouti”

Readers Comments (7)

  1. xuseen says:

    aswawa dhamaan walaalaha web pagekan iyo dhamaan akhristayaasha wekan soo booqda walalaayaal somali meelkasto ay joogto waxaan ka codsanayaa in qabiilka meel laiska dhigo oo diinta islamka laga runsheego maanta waxay som,aliya udagi la’dahay waa dadkoo diintooda ka runsheegayn iyo dad dano gaar ah wato hanoqdo mid qabiili iyo mid dano gaareed ah caloshiis u shaqayste runtii anigu waxaan ku noolaha qurbaha dadkaan la nool;ahay aan la shaqeeyo markay i waydiiyaan halkaad ka timid aan iraahdo somalia intay saas ii fiiriyaan ayay waxay dhahaan aad ayaad u nasiib badan tahay inaad halkaan timaado taas mecnaheedu waxay tahay wadankeenii iyo dadkeeniiba waxay noqdeen waxay umada kale kafaanan una arkaan dada dugaag ah oo aan wax qabsan karin walaalayaan meelkasto oo aad joogtaa ama nolol wanaagsan ku hayso ama ka kuhaysanin wadankeena hooyo iyo diinteena wax nooga fiican maleh ALLAAH waxaan ka rajaynayaa shirkaan culumadu isugu imaanayso inuu noqdo kii mira dhala saan wadankayaga ugu soo noqono aamiin. aswawa.

  2. Muslim says:

    Talo aan u soo jeedinaayo walaalahayga aan Ilaaheey dartiis u jeclahay ee SOMALI MIRROR iyo walaalaha kale oo dhan ee isticmaala Eraygan Mahadsanid.
    Walaalyaal waxaa ila gudboon marka aad dad wareysi ka qaadeysaan in aadan isticmaalin eraygan mahadsanid maxaa yeelay mahad oo dhan Illaaheey ayay u sugnaatey isticmaala ducadaan “jazaka allaahu kheyra jazaa” si idinkana la idiinkugu duceeyo.
    Baraka Allaahu Feekum

  3. Abuuyaasir algedaawi says:

    Bismilaah mahad oo idil ilaahay SW ayey u sugnaatay naxariis iyo nabadgalyana nabi MUXAMAD scw korkiisa ha ahaato ilaahay waxaan ka baryayaa in culumada u fududeeyo dhexdhexaadinta walaalaha dhexdooda dadaala ilaahay ha idin garab galo aaamiin.

  4. togane says:

    Kii Wadaad ahaa horta baxar uu ku jiraa Soomaliya meshuu doono haka joogee.

    Sababtoo ah maanta iyaga ayay gacantooda soo gashay arinta Soomaliya. Waxa hader qoryaha isku sitana waa wadaad. Warnlayaashii kale dhamaantood meesha waaka baxeen.Nimanka isgaaleynaayo iyaga leewaaye cid kale kuma dhex jirto.

    Markaa, inay isku soo gurmadaan oo ay wax isu shegaan dantooda aaku jirto. Maxaa yeelay haday sidaas yeelin anaga hadaan soomali nahay wadaad waa noo wadaad ururkuu doono haku jiree ama gobalkuu doono hajoogee. Haddii kuwa hader mindiyaha isku soofeysanaayo ay islaayaan micnaheeda waxa waye haddi wadado kale oo gobolo kale jooga iyagane kuwan fursada ay helaan ay helaan ayagan sidan oo kale ley samayn lahaayeen.

    Sidaas awgeed anaga (soomalida inta kasoo hartay kuwa magaca wadada wato) indha ayaan idinka fiirsaneynaa sidaan indhaha ugu fiirsanay kuwii magaca qabiilka watay ee hogamiye kooxedayada loo bixiyey. Meeshay ku danbeeyeena waala arkay. Idinkuna la idin arki doonee.

    Togane

  5. Gantaal says:

    Dhexdhexaadinta waxaa diidi doona niman dan gaar ah wata, oo qorshahooduna Soomaali ka fog yahay sida cadada ahayd alshabaab, ee fatwa ma ka soo saari karaan Culimada qoladii Musaalixada diida.

  6. Ahmed says:

    anigu waxaan leeyahay somalia culumo iyo caamo waa isku mid maxaa udiidey in alle nastahane u noqdaan oo ay cafis weydiistan iskuna tanaasulaan si dhibka looga baxo

  7. abu camaar says:

    walaalayaal sc.wr marka labaad culimada ilaahay ha u fududeeyo arinka wayn ee ay isu xil qaameen dhinacyadana waxaa laga doonayaa inay maqlaan culimada iyo cidii ka shaqynaysa wanaag iyo muasaalaxo ayna laqaan wax walba oo ku adkaada oo u cuntami waaya sababat oo ah maslaxada umada ayaa ka wayn tan guruubka uu ka tirsan yahay




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. QM & Yurub oo isku maandhaafsan Nabad ka dhalinta Soomaaliya
  2. Sh. Shariif “waxaa la soo gaaray in laga heshiiyo dhinicii Siyaasada oo lagu heshiiyay hadda in Dowlad Midnimo Qaran la dhiso”
  3. Golaha Dhaq. & Mid. Beelaha Hawiye “Ciidamada Shisheeye Wadanka ha laga daayo, kuwa lagu soo wadana ha laga daayo, 120-ka Maalmood ayaan anagu sugaynaa”
  4. Dr. Axmed X. C/raxmaan oo Dawro Cilmi ah ka Bilaabay Galdogob
  5. C/raxmaan(Abuu Dujaana) oo ka tirsan Isbahaysiga Garabka Djibouti oo shaaciyay Khilaafkii ugu horeeyay ee soo kala dhex galay “waxaana u digayaa Cid walba oo maanta cadowgaas la dagaalamaysaa inaysan ku kadsoomin waxa ka socda Djibouti”

Latest Headlines