Xaafada Suuq Bacaad, Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta laga furey Markaz Dacawi ah oo loogu magac darey Markazka Immamu-Malik, sidoo kale waxaa isla maantaba lagu bilaabey Dowri Sharci ah oo socodon doonta muddo 15 Cisho ah, sida uu Shabakada Somalimirror u xaqiijiyay Sh Maxamed Barow oo Mas’uul ka ah socod siinta Dowradan.(Daawo Sawirada)
Ujeedka Markazka loo furey sidoo kalena logu talo galey Dowrada ka bilaabatey waxa uu ku sheegay Sheekhu inay tahey Tayeynta, Wacyigelinta & kor u qaadida Garaadka dhalinta ka faa’iideysaneysa oo uu ku sheegay tiradooda 100 Dhalin yaro ah oo isaga kala yimid Xaafada ku xeeran halka laga furey Markazka.
Inta Dowradani socoto waxaa Maalin walba baxeysa laba Darsi, waxaana halkaas Duruus kale duwan ka bixin doona Culimo waaweyn oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuwaas oo qaarkoodna hadda joogan qaar kalena dib ka imaan doonaan.
Maanta oo aheyd maalintii ugu horeysay waxaa baxey laba darsi oo ay kala jeediyeen Sh Maxamuud Ciise & Sh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn Cilmi & da’ ahaanba.
Darsigii kowaad waxaa galey Sh Maxamuud Ciise oo jeediyay Darsi ciwaankiisu ahaa Dardaaran guud oo si xeel ula dardaarmey Dhalintii halkaa isugu timid ee qaadaneysa Dowradan.
Xiisadii xigtey oo Sh Bashiir galey wuxuu uga Hadley Cilmiga iyo Faa’iidada weyn ee Bulshada u leeyahey, wuxuuna sheegay Sheekhu in Cilmi la barto ugu faa’iido badan yahey kan Shareecada Islaamka oo jiritaanka dhan ee Aduunkuba ku taagan yahey, Ilaaheyn soo dejintiisa Xikmadaas weyn uu ka lahaa.
Faa’iidada Cilmiga Shareecada ayuu Sheekhu ka waramey oo uu sheegay inay ugu muhiimsan yihiin Hanuunka ku jira ee Qofku Aakhiro iyo Aduunba ku badbaadi karo, sidoo kalena laga helayo Macluumaad badan oo ku aadan Kowkan lagu nool yahey.
Cidda Cilmiga Shareecada halka laga qaadanayo ayuu sheegay Sheekhu inuu yahey Waxyiga & Sunada Nabiga(NNKH) balse aanu jirin cid si gaar ah ugu soo degayo oo iska baraneysa, Dhalinta ayuu Sheekhu si aad ah ula dardaarmey inay Cilmiga bartaan iskana daayaan waa la yiri & cilmi dhagool aan waxba lagu gaareynin.
Ciddii dariiq aan kaas aheyn ka raadisa hanuun iyo cilmi ayuu sheegay Sheekhu inay lumeyso.
Aasaaska Cilmiga Shareecada ayuu sheegay Sheekhu inuu yahey Kitaabka & Sunada Nabiga CSW.
Dhamaan Mashaakilka ka taagan Aduunka ayuu sheegay in looga bixi karo barashada Cilmiga Shareecada Islaamka & k udhaqankiisa.
Umada oo baadi nimo laga ilaaliyo cidda keliya shaqadaas qaban karta amaba loogu hagaagayo inay yihiin Culimada Cilmiga Shareecada Islaamka ku xeel dheer ayuu sheegay Sheekhu inay yihiin.
Abaabulka & isku duba ridka markazka & Dowradaba waxaa leh howl wadeenada Dacawiga ah ee ka shaqeenaya iyo Ganacsatada & Odayaasha Deegaanka.
Waxaa markazkan loo furey inuu bulshada wacyi geliyo, waxaana uu qeyb ka yahey Maraakiizta kale ee Dacawiga ah ee Magaalada dhaawahana laga howl geliyay.

Boodhka Markazka

Midig:- Sh Bashiir oo Darjiga Jeedinaya, Maxamed Muuse & Sh Maxamed Barow

Muuqaalka Ardeyda Dowrada Qaadaneysa

Qeyb ka mid ah Muqaalka Ardeyda

Muuqaalka Fadhiga Ardeyda

Ardeyda & Fadhiga Culimada

Muuqaalka Ardeyda & Culimada

Muuqaalka Fadhiga Ardeyda

No related posts.
No related posts.
masha alaaaah waa wanaaag lagu faraxo dhalinyarada somaliyed waxaa dishay jahilnimo iyo caadifada ka qado diinta dhinaca nolsha iyo diinta ma ahan in dad ladilaa mase cunfi loo adegsadaa waa raxmo manta aad ayaaan ugu faraxsanahay in dacwo loo aqriyo dhalinyarada sida xun loo fahsiayy jihaaadka iyo ninka walaaaalkis inooo ka bixi diinta walaaal waa iga talo dinta yaa laga noqon marti nimanka waxdilyayo oo mashruca diinta ka dhikta waa qalad taasi dowlada midnmada qaran manta waa in larcaaa manaqano waxaa ku diidnaa hadaaan nahay somali waxaaaan cabudnaa qabiil somali ma naqano meshaaad usocotin waxaaan ahay wiil somaliyed kunool africa garahaaan sudan waxan dhigtaa jamacad 8 bilod ayaa ii hartay waxaa rabaaa inaaan anfaco dalgeyga iyo dinta lakin waxaa jirta amni daro iyo in lagu dilo macno dar a.s
DR SHEEKH BASHIIR AXMED SALAAD HALYAYGA SOOMAALIYA
MUJADIDKA QARNIGAN
AABAHA MIDNIMADA
ALHA HA KA ABAALIYO ADUUN IYO AAKHIRO
AMIN AMIN
Asww
sheekh bashiir ilaahay waxaan kabaryayaa inuu khayr ku abaal mariyo Waa dadaalayaa