Wasiirka Warfaafinta Puntland oo cambaareeyay falkii lagu dilay Yaasiin Tol waaye

Published on April 30, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Wasiirka War faafinta Puntland Warsame Cabdi Shirwac “Seefta Banaanka “ oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Maamulka ee Garoowe ayaa sheegay in uu cambaareynayo falkii shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo isla markaana lagu dilay Madaxii Ciidamada P.I.S-ta Gobolka Mudug Yaasiin Tol waaye .

Warsame Cabdi Shirwac ayaa falkii shalay ka dhacay Gaalkaacyo ku Tilmaamay in uu yahay mid argagixisinimo wuxuuna sidoo kale falkaas ku tilmaamay in uu yahay mid masiibo ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

waxa uu sidoo kale Warsame uu Shirkiisa Jaraa’id ku xusay in Falkii shalay dhacay laga leeyahay ujeedo ah sidii qalalaaso luugu abuuri lahaa Puntland loona bur burin lahaa xasiloonida jirta.

Waa mas’uulkii ugu horeeyay oo ka tirsan Maamulka Puntland oo ka hadla falkii shalay lagu bartilmaameedsaday Yaasiin Tol waaye.

Falkii shalay lagu bartilmaameedsaday Yaasiin Tol waaye ayaa sababay dhimashada 3 Qof iyo dhaawaca 3 kale ,.

Ma jiraan ilaaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Kooxda P.I.S-ta ee loo yaqaano “Ashahaado la dirirka” waxayna wararka qaarkood sheegayaan in heegan la galiyay dhamaan ciidamada Kooxda P.I.S-ta  qeybahooda kaladuwan si ay ugu hortagaan weeraro kale oo lagu soo qaado

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Maamulka Puntland oo Siyaabo kala duwan uga hadlay falkii shalay ka dhacay Magaalada Boosaaso
  2. Madaxa Kooxda P.I.S-ta “Ashahado la dirir” ee Gobolka Mudug oo la dilay
  3. Wasiirka Amniga Puntland oo ka hadlay Xaalada Amiga Puntland & Xariga Sheekh Cismaan eedna u soo jeediyay dadka u dhashay G. Koonfureed ee Dalka
  4. Wasiirka Aminiga Puntland oo musharaxiinta u sheegay in ay yareeyaan Ciidamada ilaalahada u ah
  5. Wasiirka Amniga Puntland C/laahi Saciid Samatar oo Amray in la xiro Bangiga dhexe

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maamulka Puntland oo Siyaabo kala duwan uga hadlay falkii shalay ka dhacay Magaalada Boosaaso
  2. Madaxa Kooxda P.I.S-ta “Ashahado la dirir” ee Gobolka Mudug oo la dilay
  3. Wasiirka Amniga Puntland oo ka hadlay Xaalada Amiga Puntland & Xariga Sheekh Cismaan eedna u soo jeediyay dadka u dhashay G. Koonfureed ee Dalka
  4. Wasiirka Aminiga Puntland oo musharaxiinta u sheegay in ay yareeyaan Ciidamada ilaalahada u ah
  5. Wasiirka Amniga Puntland C/laahi Saciid Samatar oo Amray in la xiro Bangiga dhexe

Latest Headlines