Nin lagu dilay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee M/Muqdisho

Published on April 30, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

Muqdisho07:00 Subaxnimo ee maanta ayaa Nin lagu sheegay Magaciisa “Mukhtaar Barfuun” lagu dilay Gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha gaar ahaan Qeynta Timirta ee magaaladda Muqdisho.

Qof Goob joog ah ayaa u sheegay Somalimirror in ay falkaasi geysteen 3 Dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado kuwaas oo 3 Xabadood Madaxa kaga dhuftay ninka la dilay ee “Mukhtaar Barfuun”.

Isla ilahaas ayaa intaa ku daray in Ninka la dilay uu fadhiyay isla markaana uu ka qaxweynayay afaafka hore Bakhaar lagu magacaabo “Khulafaa’u Raashidiin” oo la sheegay inuu ka shaqeynayay.

Lama sheegi karo illaa iyo hadda Cidda Dishay iyo waliba sababta loo dilay waxayna arintani qeyb ka tahay Dilal Qorshaysan oo Maalmahan ka bilowday Magaalada Muqdisho.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Shabakadda Somalimirror in ninka la dilay ee ‘Mukhtaar Barfuun” uu ahaa mid ka shaqeynayay Baryihii Danbe Shirkad Xaawalad.

Dadka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Mukhtaar Barfuun uu ka tirsanaa Xarakadda Al-Shabaab, mana jirto illaa iyo hadda wax War ah oo dhinaca Xarakadda ka soo baxay.

Arimahan ayey Dadka qaar u arkaan kuwo guracan oo looga gol leeyahay in la iskaga horkeeno Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed oo iyagu ilaa iyo hadda lagu guulaysan la’yahay inay si ka fool ka fool ah iskaga hor yimaadaan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. 3 qof oo lagu Weerarey Suuqa Bakaaraha
  2. Nin lagu dilay Bakaaraha
  3. Nin lagu dilay Muqdisho
  4. Madaafiic Culus oo ku socota Suuqa Bakaaraha
  5. Gudaha suuqa Baydhabo oo goor dhow lagu toogtay Haweynay.

Readers Comments (1)

  1. abuu danab says:

    waa xaqiiq inay jiraan mu,aamarado islaamka la dhexdhigayo waxaase lagudboon mujaahidiinta qeybahooda oo dhan inay ka digtoonaadaan is gaaleysiin iyo isdil dhexdoodaa
    dhacdooyinkii lagu dilay allaha unaxariistee mujaahidiinta cagaweyne iyo kariye runtii waa kuwo aad looga murugoodo waxaana fiican in qofwalba uu dhiira galiyo isusoo dhawaanshaha mujaahidiinta xoreeyay wadanka




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 3 qof oo lagu Weerarey Suuqa Bakaaraha
  2. Nin lagu dilay Bakaaraha
  3. Nin lagu dilay Muqdisho
  4. Madaafiic Culus oo ku socota Suuqa Bakaaraha
  5. Gudaha suuqa Baydhabo oo goor dhow lagu toogtay Haweynay.

Latest Headlines