Gudiyada Baarlamaanka oo kulmaya & Amniga Xarunta Baarlamaanka oo laga deyrinayo.

Published on April 30, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Baarlamaanka Maanta ayaa lagu wadaa in ay kulmo yeeshaan Gudiyada Baarlamaanka DKMG ah   kulamadaas oo lafilyao in looga hadlo arimo dhowr ah oo ay kamid tahay Amaanka xubnaha Baarlamaanka DKMG ah.

 

Gudiyada Maanta kulmaya ayaa waxa kamid ah gudiga Amniga ee Baarlamaanka DKMG ah kaas oo ka hadli doona Arimihii ugu danbeeyey ee soo Foodsaaray Fadhiga Baarlamaanka ee Xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska.

 

Qaar katirsan Xubnaha Baarlamaanka DKMG ah oo u waramayey Idaacada Hon Afrik ayaa sheegay in aaney Suurtagal aheyn in ay ku kulmaan Xarunta Gaadiidka Booliska waxa ayna cilad uga dhigeen in aysan Xaruntaasi Shub aheyn isla markaana Amaan ahaan aytahay in meel kale oo uu Baarlamaanku Fariisto la raadiyo.

 

Maxe’d Cumar oo ah Xubin ka tirsan Baarlamaanka oo arinkaa ka hadlayey ayaa yiri:”Walaahi Mafilaayo in kulamo dambe lagu sameyn doono halkaas, hada waxaan ognahay in gudi gaar ah loo diray in ay soo sahmiyaan meelo kale duwan loo arki karo in ay ku haboontahay in lagu qaban karo kulanka Baarlamaanka ee fadhiyada danbe, howlo badan ayaa Baarlamaanka horyaalo si howlahas loo qabto waxaa lagu qasban yahay in la helo Goob lagu shiro’.

 

Waxa uu intaa sii raaciyey Max’ed Cumar in aaney marnaba fileyn in ay la kulmi doonaan weerar la mid ah kii Isbuucan  lagu qaaday  Xarunta Gaadiidka Booliska waxa uuna yiri:”marnaba niyadeena isma laheyn Duqeyn noocaas oo kale ah ayaa dhici doonto intii aan Jabuuti kanimid si kalsooni leh ayaan Xarunta Gaadiidka u tagi jirnay iyadoo la ogsoonyahay khatar badan in ay jirto laakiin Marnaba  masugeyn in ay waxyaabo nuucaas oo kale ah ay dhacayaan”.

 

Dhanka kale warar hoose oo ay heshay Shabakadda Warbaahinta Somalimirror ayaa sheegaya in khilaaf Xoogan uu ka dhex taagan yahay Madaxtooyada, Xukuumada iyo Baarlamaanka DKMG ah kaas oo ku aadan meel marinta Heshiiskii Badda ee dhawaan DKMG ah ugu saxiixday Dowlada Kenya Qeyb kamid ah Badda Soomaaliya.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Baarlamaanka DKMG ah oo kulmaya saacadaha soo socda
  2. Baarlamaanka DKMG ah oo lagu wado in uu kulmo Saacada Soo socda
  3. Xaalada Caafimaad ee Shaqaale Saaran Markab Dekeda Muqdisho ku xiran oo laga Deyrinayo.
  4. Golaha Baarlamaanka KMG ah oo Maanta lagu wado inuu Fadhi Yeesho
  5. Xubnaha Baarlamaanka garabka C/llaahi Yuusuf oo ka soo horjeestay go`aanadii Baarlamaanka.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Baarlamaanka DKMG ah oo kulmaya saacadaha soo socda
  2. Baarlamaanka DKMG ah oo lagu wado in uu kulmo Saacada Soo socda
  3. Xaalada Caafimaad ee Shaqaale Saaran Markab Dekeda Muqdisho ku xiran oo laga Deyrinayo.
  4. Golaha Baarlamaanka KMG ah oo Maanta lagu wado inuu Fadhi Yeesho
  5. Xubnaha Baarlamaanka garabka C/llaahi Yuusuf oo ka soo horjeestay go`aanadii Baarlamaanka.

Latest Headlines