Saraakiisha Amniga MMI ee Maglaada Baled-Weyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Sheegay in ay Soo qabqabteen ilaa 5 Ruux oo lagu eedeeynayo in ay ku lugleeyihiin Qaraxyadii Isbuucan gudihiisa ka dhacay Magaalada Baled-Weyne.
Taliyaha Saldhiga Magaalada Baled-weyne Sh.Ibaraahim Yuusuf ayaa Sheegay in ay howlgalo ay sameeyeen Ciidamada MMI ee Magaalada Balad-eyn ay Gacanta ku soo Dhigeen Shantaasi Ruux oo lagu eedeynayo Qaraxyadii ugu Danbeeyey ee ka dhaca Magaalada Baled-Weyn waxa uuna sheegay in ay bib u siideyn doonaan hadii lagu waayo arinkaas.
Sh. Ibaraahim oo arinkaa ka hadalaya aya yiri:”Dad Shan Ruux ah ayaan Soo qabanay walina Baaris ayaan la daba Taaganahay Marka hadii ay wax noogu cadaadaan Sharciga Islaam ayaan horgeyn doonaa in Sha’Allah hadii lagu waayane waan iska deyn doonaa iyaga oo raali ah in Sha’Allah”.
Waxa uu intaa ku daray Sh. Ibraahim in ay wali sii wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan Dad uu sheegay in ay maalmahaan Amaan daro kawadeen Gudaha Magaalada Baled-Weyne.
Sidoo kale Saraakiisha Amniga ayaa sheegay in ay laban laabeen Dadaaladii lagu sugayey Amniga Magaa Baled-Weyne kadib markii ay Maalamahaanba Isasoo tarayeen kiisaska Xaga Amaan darada ah ee ka dhaca Xiliyada Habeenkii Magaalada Baled-Weyne.
Howlgaladaan lagu soo qabqabtay Dadkan ayaa kadambeeyey kadib markii Isbuucan gudihiisa uu ka dhacay Magaalada Baled-weyn Qarax lala Beegsaday Hoyga mid kamid ah Mas,uuliyiinta hay’ada Save The Children iyo nin Rayid ah oo isna lagu Dilay Magaalada kaas oo la sheegay in gacanta lagu soo dhigay ninkii Dilka u geystay.

Related posts: