Saraakiisha Ciidanka Amaanka Yemen ayaa xaqiijiiyay inay Hayaan 33 Burcad Badeed Soomaali ah, isla markaana 22 ka mid ahi ay horkeenayaan Maxkamada sida uu qabo Sharcigeeda.
Afahayeenka Rasmiga ee Xukuumadda Yemen Wasiirka Warfaafinta Xassan Allowzi ayaa ku sheegay war uu siiyay Saxaafadda in 11 Burcad Badeed ah ay gacanta u galeen Ciidamada Badda xili ay ku gudo jireen sii Bad-baadinta 4 Markab oo ku sigtay in la afduubto Isbuucii la soo dhaafay halka 22 kalana ay u soo gacan galiyeen Ciidamada Caalamiga ah ee ku sugan Biyaha Soomaaliya.
Wasaaradda Arimaha Gudaha Yemen ayaa iyadana dhankeeda Xaqiijisay in 22 Burcad ah ay horgeynayaan Maxkamad ku taala Cadan, waxayna ku eedeysay inay Dhamaantood weerareen Maraakiib iyo Doonyo Yemen laga leeyahay iyo kuwo kale oo Ajnabi ah kuwaas oo ku marayay Gacanka Cadmeed,Biyaha Yemen iyo meelo kale.
Wasaaradda ayaa ku sheegtay Bayaan ay soo saartay in Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Cadan ay dhameystirayso Baarista 22 Burcad Badeeda Soomaalida oo ay ku sheegtay inay Da’doodu u dhaxeyso 20 illaa 35 sano jir.

Related posts: